SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Bayaan ka soo baxay Beesha Harti-Daarood ee Waamo ee UK 

Anaga oo ah jaaliyadda Harti - Waamo ee degan London waxan halkaan ku soo gudbineynaa mow-qifkeenna ku aadan Armiha ka dhacay Gobolka Jubada Hoose.

Run ahaantii wax qarsoon maaha  xaaladda ay ku sugnaayeen dadka ku dhaqan magaalda Kismaayo Halkaas oo muddo 15 sano ka badan hoy u noqotay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya . sanadihii ugu danbeeyeyna waxa ay gacanta ugu jirtay niman isku magacaabay Dooxada Jubba kuwaas oo degaan ahaan ka yimid gobolada dhexe ee Soomaaliya  kuna heshiiyey in ay xoog ku qabsadaan magaalada Kismaayo iyagoo ku hayey dadka degaanka u dhashay boob, dhac iyo caburin dhinac walba ah, taasi oo kaliftay in dad badani isaga qaxaan degaankii ay ku dhasheen ,kuwa gudaha ku hareyna ay u noqdaan la heystayaal Dooxada Jubba . 

Somalidu waxa ay ku maahmaahdaa “baadi kugu raagtay milkigaadaad moodaa” .

Barre Hiiraale oo ahaa gudoomiyihii Dooxada Jubba ,waxa uu isa siiyey magaaladii isbaheysi ahaan ay xoogga ugu qabsadeen, waxa uuna aad ugu dadaalay in magaalada uu dejiyo jifada uu ka dhashay waxeyna dadaal badan u galeen sidii ay u dhaxli lahaayeen dadkii degaanka lahaa oo aan geeriyoon. 

Waxaa intaas sii dheer in Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf uu aad u soo dhaweeyey Barre Hiiraale una sharciyeeyey qabsashada Kismaayo isagoo ku amray in uu maamul goboleed u dhiso  Jubada Hoose, taas oo rajadii Barre ka qabay Jubada Hoose sare u qaaday ,wuxuuna aaminay in Kismaayo ay ka tirsan tahay gobolka Gedo, isagoo ku mashquulay dhismaha Jubba-Land halka ay ku habooneyd in uu Gedo iyo Caabud-Waaq oo uu ka soo jeedo maamul u dhiso. 

Waxaa allah mahadiis ah in Ciidamada Maxaakimta ay u istaagaan sidii ay u xoreyn lahaayeen dadka ku dhaqan Kismaayo oo ay ugu soo celin lahaayeen xoriyadoodii ka maqneyd 7-da sano ay Dooxada Jubba heysatay magaalada Kismaayo. 

Nasiib darro dad badan oo laga xaday caqliga ayuu Barre ku beer laxowsanayaa magac Daarood kaas oo uu isaga laftiisa qashinka ku tuuray 8-sano ka hor ,isagoo ku riyoonaya in uu dib ugu soo qaado dagaal Magaalada kismaayo waxaana uu ku hadaaqaya arintu in ay u noqotay halkii ay joogtay 1991-kii xilligaas oo uu bilowday dagaalka sokeeye ee ka jira Soomaaliya ,waxa uuna taageero ka doontay Dowladda Federaalka.

Waxaa haboon in la isweydiiyo waxa Barre kaga maqan Kismaayo  oo uu ugu soo hub urursanayo maadaama uu qabqable dagaal oo xoog ku heystay magaalada ahaa . 

Hadaba hadeynu nahay beesha Waamo -Harti ee UK waxaan taageereynaa xoreynta Maxkamaduhu xoreeyeen Magaalada Kismaayo ,anagoon u arkeyn Maxaakimta qabiil gaar ah oo ku soo duulay magaalada Kismaayo,laakiin waxaan u aragnaa in ay yihiin dad ka kooban Soomaali oo dhan doonayana  in ay tir-tiraan cadaalad xumidii ka jirtay Kismaayo. waxaanan ka rajeyneynaa in ay soo celiyaan cadaaladii iyo nabadii iyo in ay sida magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo kale ay Kismaayana maamulkeeda gacanta u galiyaan dadka u dhashay Magaalada Kismaayo. 

Waxaan sidoo kaloo ugu baaqeynaa dadka ka dhashay qabiilka Harti (Daarood) ee Waamo  in ay soo dhaweeyaan Maxaakimta Islaamiga ah  lana shaqeeyaan, iskana ilaaliyaan in uu dib ugu soo laabto Barre Hiiraale oo dhib badan horey ugu geystay. iskana ilaaliyaan durbaanka beenta ah oo ay garaacayaan Madaxda Puntland iyo midda Federalka ah ee lagu taageerayo dib usoo noqoshada Barre. 

Waxaan ugu baaqeynaa Maamulka Puntland iyo Madaxweyne Cabullahi yusuf  in ay faraha kala baxaan arimaha shacabka Kismaayo, waayo waxa ay horey u dayaceen in ay u gargaaraan dadka ka soo jeeda beesha Harti-Waamo ee ku dhaqan Kismaayo iyagoo daawanayey dhibaatooyinka lagu hayey mana aysan ka damqan mar qura

 iyagoo aan u fidin wax taageero hiil iyo hooba leh 7-dii sano ay Dooxada Jubba dhibka ku hayeen shacabka Kismaayo . 

Waxaan ka codsaneynaa maamulka Maxaakimta in ciidamadii Goobaanle ,Seeraar iyo Cabdi Cigaal laga saaro Magaalada kismaayo waayo? Dadkii ay shalay dhaca iyo handadaada ku hayeen suurtagal maaha in ay manta yiraahdaan amaankiina ayaan sugeynaa ,mana  fileyno in quluubta shacabka reer Kismaayo ay u wanaagsan tahay arintaas. 

Waxaan cambaareyneynaa dhamaan kuwa ku qaraabanaaya Qabiilka iyagoo uga faa’iideysanaaya danahooda khaaska ah iyo in ay colaad joogta ah ka dhex abuuraan ummadda walaalaha ah ee Soomaaliyeed ,isla markaana doonaya in ay sumcadda Maxaakimta  iyo waxqabadkooda ku wiiqaan. 

Ugu danbeyn waxaan ugu baaqeynaa shacabka Kismaayo wada dega reer walba oo ay yihiin in ay ka faa’iideystaan fursadaan soo martay oo ah in Kismaayo ay ku soo noqotay gacanta shacabkeeda,iskana iloobaan qabiilka iyo cadaawadda ,kitaabka allahna ay qabsadaan  dib danbena aysan fursad u siin cadow dibadda uga yimaada oo isku daya in uu u kala qeybiyo reer-reer si uu ugu gaaro danihiisa gaarka ah . Allahna waxaan idiinka baryeynaa in uu quluubtiina isu soo jeediyo oo dantiina idin garansiiyo.   

Wabillaahi towfiiq. 

Waxaa qoraalkan ku saxiixan. 

  1. Maxamuud Cusmaan Xeeynwade
  2. Axmed Maxamed Ciise (dhalaCadde)
  3.  Maxamed Barre Cigaal
  4. Cabdullahi Jamac Maxamed
  5. Raage Daahir Cabdalle
  6.  Xasan Jamac Warsame (Nageeye)
  7.  Maxamuud Axmed Dahir(Garweyne)
  8. Cabdiraxman Maxamed Yusuf (Tarsan)
  9. Cabdisalaan Maxamuud Cusmaan Xeynwade
  10. Maxamed Cabdi Gacameey
  11.  Maxamed Cabdullahi Jamac
  12. Abdiraisaq Jamac Warsame (Nageeye)
  13. Cabdi Aaden Geelle (Cabdi Dhoof)
  14. Cabdullahi Aadan Yusuf Maxamed
  15. Warsame Faarax Boostaale
  16. Maxamed Axmed Maxamed (Dhala Cadde)
  17. Maxamuud Aadan Yusuf
  18. Maxamed Cabdisalaan Jamac
  19. Axmed Maxamuud Seeraar (Madaxeey)
  20. Ibrahim Nuur Sooyaan
  21.  Maxamed Cabdullahi (Kooreeye)
  22. Axmed Xasan Xirsi (Buulo)
  23. Maxamuud Maxamed Cali
  24. Abshir Waaberi Jamac
  25. Cabdinasir Maxamuud Maxamed (waalow)
  26. Siciid Maxamuud Maxamed (waalow)
  27. Cabdinasir Ibraahim Xaaji Jamac
  28. Cabdirashiid Maxamed Xasan (Baafow)
  29. Daa’uud Shire Maxamed
  30. Cabdicasiis Ismaaciil Dirir
  31. Cabdirisaq Maxamed Maxamuud(Carafaat)
  32. Nimco Axmed Dahir
  33. Sahro Axmed Dahir
  34. Ruqiya Maxamed Xasan (Baafow)
  35. Shamso Xasan Xirsi
  36. Xaawo Aadan Ciise
  37. Axmed Maxamuud Yusuf
  38. Muna Cabdullahi Maxmed
  39. Liibaan Maxamed Siciid
  40. Cabdullahi Sheekh Cabdiraxmaan
  41. Cabdiraisaq Jeelle Xareed
  42. Cabdikaafi Diriye Danax
  43. Maxamed Cabdi Ciise
  44. Xaawo Cabdi Ciise
  45. Cumar Takar Maxamed
  46. Cismaan Xaaji Ibrahim Gaab
  47. Yoonis Cumar Kediye
  48. Ruun Cumar Kediye
  49. Aadan Yusuf (Aadan Atoore)
  50. Cawil Maxamuud Nuux
  51. Xasan Geelle Cilmi(kabajiiq)
  52. Maxamed Rashiid Xaaji Ibraahim
  53. Maxamed Cabdi Gaban
  54. Axmed Maxamed Cali (Xaaji Warsame)
  55. Saleebaan Yaasiin Buuxe
  56. Farxiyo Saciid Axmed
  57. Cabduqadir Shire Maxamed (Deebulo)
  58. Liibaan Cabdullahi Qoorsheel
  59. Cabduqadir Xasan Cali (Qudeer)
  60. Liibaan Ismaaciil Muuse (Caraale)
  61. Maxamed Yusuf Cukaashe
  62. Asad Maxmed Barre Cigaal
  63. Ibrahim Khallif Biil (Washigton)

Qormadan kala xiriir:
idris abdi |
idris_abdi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 1, 2006

Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika
kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, iyo...
Guji...
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD