SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ma dhabbaa in Isboortigu uu xambaarsan yahay Nabad, laguna dhigi karo Hubka?

Dilaa weyn oo u dhashay Kenya oo iska dhigay qorigiisii AK-47, kuna soo biiray Ciyaaraha Fudud  

Laba sanadood ka hor Julius Arile waxaa aad looga yaqaannay Saldhigga Booliska West Pokot ee Kenya, waayo waxa uu ahaa 21-jir si weyn dadka ugu gumaada qoriga AK-47, hormuudna u ah 50-dhallinyaro oo dadka ku nool tuulada ay deggan yihiin ka dhaca Lo'da, boob xoogganna u geysta tuuladooda iyo tuulooyinka ku xeeran.

      Toddobaadkii la soo dhaafay Tartan Orod ah oo ka dhacay Tecla Loroupe ee Turkwell, Pokot oo loogu magac daray (Orodkii Nabadda) ayaa lagu dhex arkay ninkii Baadiyaha dadka Xoolaha iyo Dilka ugu geysan jirey Mr. Arile oo ku hubeysan Dharka loogu talo galay Orodka (Funaanad gaaban iyo Matante) iyo Saacadda Stop Watch kana qayb galaya tartankaasi, mar qura ayay dadkii yaabeen waayo maskaxdooda marna kuma soo dhicin in Ma naxahani uu Orod ama wax Isboorti ah ka qayb qaadan karo, hase yeeshee Julius Arile waxa uu Orodkaasi ka galay kaalinta 2-aad. Isagoo ku soo caan baxay nolol dhibaato badan oo aan naxariis lahayn ayaa dhallinyaro badan oo Arile saaxiibadii ah waxa ay iska dhigeen qoryahoodii, kuna soo biireen Ciyaaraha Orodka.

      Sanadkii 2003-dii ayaa haweeneyda lagu magacaabo Telca Loroupe oo horey u heysan jirtay Horyaalkii Orodka Marathonka ayaa waxa ay ka abuurtay tartammo Nabadeed oo isku xigxiga gobolka ay ka soo jeeddo, waxaana tartammadaasi ka mid ahaa tartankanuu ka qayb galay toddobaadkan dhammaadkiisii uu ka qayb galay Julius Arile, waxaana halkaasi ka caddaatay in Isboortigu uu kaalin weyn oo muuqata ka qaadan karo Nabadda, wadahadalka Bulshada iyo is fahamka. "Siyaasiyiintu waxa ay kulammo isugu yeeraan dadka is khilaafsan cidina ma timaaddo kulammadaasi" ayay tiri Loroupe oo ku sugnayd gurigeeda West Pokot, waxaana ay intaa ku dartay "Isboortigu waa shay ka duwan Siyaasadda, qof kasta wuu ku raaxeysan karaa, kana qayb geli karaa".

      Arile waxaa kale oo uu horey uga qayb galay tartankii Isboortiga eeka dhacay Kapenguria, weligii gadaal ma uusan soo eegin, xitaa markii uu dhiganayay Dugsiga Hoose waxa uu mar ka qayb galay Tartan Orod ah oo lagu qabtay Dugsigiisa, waxaana uu galay kaalinta 1-aad, isagoo abaalmarin ahaanna u helay 25,000-KSH oo u dhiganta ($350-Dollar). Muddo gaaban Kaddib Arile waxa uu tegay Saldhig Boolis oo ku yaalla Tuuladiisa waxaana uu ku wareejiyay Qorigiisii AK-47 ee uu garabka surtay isagoo carruur ah. "Dadku waxay ii malaynayaan in aan ahay nin Nacas ah oo aan waxba ahayn" ayuu yiri Arile oo intaa ku daray "Laakiin markii aan guuleystay ayaan garwaaqsaday qiimaha Orodka uu leeyahay marka la bar-bar dhigo Duurkii aan ku noolaa". Wiilashii iyo Gabdhihii ka qayb galay tartankii Orodka ahaa ee ka dhacay West Pakot ayaa la guddoonsiiyay abaalmarin ay ka mid ahaayeen lacago Cash ah iyo Lo', waxaana taa ay sare u sii qaadday niyadda Arile uu u qabay Ciyaaraha Orodka.

      Arile waxa uu noqday nin ka duwan gebi ahaan shaqsiyaddiisii hore ee salka ku haysay Boobka iyo Dilka, waxaana halkaa ka caddaaay guulaha uu bulshada u soo hoyn karo iyo awooddiisa hoggaanka, taasoo keentay in loo magacaabo Afhayeenka Ololaha Kontoroolka hubka, isagoo Bishii July ee tagtayna u ambabaxay magaallada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Kofi Annan. Bishii February ee la soo dhaafay ayaa isagoo kaashanaya Marwo Loroupe waxa uu Arile Ciyaaraha Orodka ku soo biiriyey Robert Matanda oo ka mid ahaa kuwii ugu darnaa dagaalyahannada ka qowleysata West Pakot, waxaa kale oo Arile uu bilaabay in uu tababare ka noqdo xarun Isboorti oo yar oo ku taalla Kapenguria.

      Toddobaad walba dhammaadkiisa waxa uu 20-Dhallinyaro oo horey uga tirsanaa Tuugadii ku xaan baxday dad laynta iyo Lo' dhicidda uu u orod ugu hoggaamiyaa dhinaca Buuraha, si ay isugu diyaariyaan tartammada Nabadda ee soo socda, waxaa kale oo jiilka da'da yare e uu tababaraha u yahay ka soo if baxday gabar yar oo lagu magacaabo Dinah Akeles oo 14-jir ah oo lagu xasuusan karo Horyaalkii hore ee Tartanka Marathonka Laroupe, waxaana gabadhan yar ay ku guuleystaa tartan kasta oo Orod ah ee la qabto, sidoo kale toddobaadkii la soo dhaafay waxaa la isla dhex marayay warar sheegaya in lagu darayo Xulka da'yarta Qaranka Kenya ee Ciyaaraha Orodka.

      Dhinaca kale in badan oo ka mid ah dadka Reer Kenya ayaa rumeysan in inkastoo Orodku uu wax badan beddelay haddana aysan suurtogal ahayn in lagu xalliyo sanadihii dagaalladii sokeeye, iyo boqollaalka Burcadda ah ee ku dhuumaaleysanaya Baadiyaha, halka sidoo kalena tartankii nabadda toddobaadkii la soo dhaafay lagu arkayay boqollaal Burcad ah oo K-47 uu ka raaraco Garbahooda.

      Si kastaba ha ahaatee Arile oo haatanmustaqbalkiisu ka wanaagsan yahay sii hore ayaa waxa uu xusay in qaar badan oo ka tirsan Bulshadiisu ay u baahan yihiin in hubka laga dhigo "Dhallinyarada dooneysa in ay hubka wareejiyaan waxa ay igu yiraahdaan (Aad baad u nasiib badan tahay) waxaad joogtaa Xero tababar, mustaqbalkaagu wuu ifayaa, balse inagu….".

      Barnaamijka Loroupe ee ku aaddan dhinaca Nabadda waxa uu suuro geliyay Dugsiyo cusub iyo xarumo Agoon in laga furo West Pakot, inkastoo weli Kapenguria-na aysan lahayn wax Iskuullo ah.

Yaxye Yuusuf Khasaaro ( Nairobi )

e-mail: yaxyekhasaaro@hotmail.com

Xigasho Daily Nation, Kenya)

 

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 5, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD