Wararka ka imaanayo magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayan in xiisad ay ka
taagan tahay magaalad abaydhabo ee xarunta KMG ah ee ay dawlada somalia iminka
ku sii shaqayso ka dib markii uu halkaasi gaaray taliyaha ciidanka booliska
somaliyed Gen. Cali Madoobe looyaan oo ka tagay magaalada Nairobi maalintii
axada galinkii danbe.
Taliyaha Ciidanka booliska somaliya Cali Madoobe ayaa waxaa ay ku eedeenayaan
qaar ka tirsan siyaasiyinta iyo xildhibanada beelaha D&M inoo ka danbeyay
layntii 4tii bishii September ka dhacay magaalada Baydhabo garoonkeeda ee lagu
dilay 7 dhalin yaro maleshiyaad ah oo joogtay garoonka Baydhabo.
Arintaasi iyadoo ay taagan tahay ayaa waxaa markii oo ku laabay baydhabo Gen
Cali Madoobe cirka isku shareertay arintii hore iyadoo xarunta oo ka dagay
baydhabo ay isku xeereen maleeshiyaad ka amar qaata Aadan Saransoor oo ka mid ah
hogaanka RRA-da intaasi ka dib ayaa waxaa shalay oo isniin ahayd magaalada
baydhabo ka dhacay kulan ay ka soo qayb galeen Raisul wasaaraha somalia Cali
Maxamed Gedi, Wasirka arimaha Gudaha Xuseen Caydid, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo
dhulka Maxamed Ibraahim Xabsade iyo Xildhibano ka tirsan D&M iyadoo kulankooda
saacado ka dib wax war ah aan laga soo saarin ayaa waxaa magaalada baydhabo shir
saxaafadeed ku qabtay Aadan Saransoor oo shaaca ka qaaday in taliyaha booliska
somalia in uu ka baxo magaalada baydhabo iyo gabi ahaanba deegaanda ay ka
taliyaan isagoo hadalkisa sii wata ayaa waxaa uu yiri '' Mas'uuliyiinta beelaha
D&M waxay isku aragti ka yihiin in Cali Madoobe uu 24 saac gudaheed uu isaga
baxo magaalada Baydhabo, maadaama uu geeystay xasuuq ka dhan ah dadka deegaanka''
.
Deegaanka oo dagan yahay Cali Madoobe ayaa si adag amaankeeda loo adkeeayay
iyadoo ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dawlada somalia gaar ahaana kuwa
madaxtooyadu ay ilaalo ka yihiin xaruntiisa iyadoo sidoo kale ilo wareed ay
sheegayan in ciidamo Ethipoian ah ay ku sugan yihiin aaga uu taliyuhu joogo
arrintaan ayaa timid iyadoo madaxwaynaha DFKMG C/lahi Yusuf Axmed uu ka maqan
yahay dalka somalia isagoo jooga magaalada Adis Ababa.
Ka dib Geeridii Duqa Degmada Galkacyo oo laga arinsanayo sidii loo dooran
lahaa Duqa Degmada
Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa wararka ka imaanayo ay
sheegayan in magaaladaasi shir ay yeesheen golaha deegaanku ka arin sadeen
geeridii Duqa Degmada Marxuum
Xuseen Jaamac Yabaq oo mgaalada Nairobi ku dhintay maalintii miaca ahayd
Kulankaan ayaa waxaa soo abaabulay wasiirka dawladaha hoose iyo hormarinta
reer miyga Puntland Cali Cabdi Awaare waxaana soo xaadiray 22 ka mid ah 27ka oo
ka kooban yahay golaha deegaanka Galkacyo iyagoo si wada jir ah halkaasi marka
hore tacsi uga diray dhamaan qoyskiisa iyo cidii tiqiinay Yabaq .
Mr Awaare Wasiirka dawladaha hoose iyo horminta reer miyaga Puntland ayaa
waxaa uu shaaca ka qaday in 12ka bisha November la qabanayo doorashada Duqa
Degmada Galkacyo isagoo ku baaqay inta ka horeeayso in la diyaariyo musharxiinta
iyo waliba arimaha la xiriira .
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo gaaray Dalka Sucuudiga iyadoo
Gudoomiyaha Golaha shuurada maxaakimtuna joogo halkaasi.
Sharif Xasan Sheikh Adan oo in dhawaale ku sugnaa magaalada Nairobi ee
Caasimda Kenya ayaa waxaa uu gaaray dalka Sucudiga magaalada Jidaha isagoo uga
sii gudbaya magaalada barakaysan ee Maka al mukaramaha si oo u guto cimarada
bisha ramadaanta 10ka danbe ee ah mid suno ah oo Nabi Muxamed SCW wasalam samayn
jiray .
Gudoomiyaha ayaa waxaa la socda dhawr xubnood oo ka tirsan baarlamaanka
somalia oo iyagu ka sii raacay magaalada Nairobi ilo wareed aan helnay ayaa
waxay sheegayan in gudoobiyaha cimarada ka dib oo shirar iyo kulama kala duwan
la qadan doono masuuliyin ka tirsan boqortooyada suciidga isagoo kala hadlayo
arimaha somalia.
Dhanka kale Dalka sucuudiga ayaa waxaa ku sugan iminka Gudoomiyaha Golaha
suurada maxakinta islaamiga ah ee somaliyeed Shiekh Xasab Dahir Aweys waxaana
isna oo halkaasi u tagay gudashada cimarada lama oga ka dib cimarada in ay kulmi
doonaan labada gudoomiye oo iminka kuwada sugan dalka sucuudiga .
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTalk Nairobi kenya
Faa faahin Somali Talk | Oct 17, 2006
Geeddi: “Wadaad Xume Hore ayuu u tilmaamay Siyaad
Barre, maantana...
»Culima’udiinka Bay
iyo Bakool oo u hanjabay DFKMG
»Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf oo Zenawi u soo jeediyay in..
»Waaxda Warfaafinta
Maxaakiimta iyo Bahda Saxaafadda oo
»Ra’isul Wasaare Geeddi
oo la filayo in uu Diinsoor kula kulmo
»Sheekh Muudey oo ka
warbixiyey la wareegida Idaacaddii..
»Hay’adda Danwadaag oo
Deeq gaarsiiyey Dad soo barakacay
»Shariif Xasan oo iska
casilay wada xaajoodka inuu u ahaado
»Bare Hiiraale oo
ciidamo wata oo degaanka Saakow gaaray.
»Sheekh Cabdi Xasan: "Midowga
Maxaakiimta waxaan ka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan...
Guji... Oct 16