SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

AFXUMADA AFQURAC RER LAASCAANOD MA KA DHIIDHIN WAYEEN

Xassan Daahir Af-qurac  oo ah  Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa bartamaha magaalada laascaanood ka yiri hadal uusan u fiirsan kasoo ahaa sidan

 Hadey Reer Laascaanood Joogi Waayaan Waxaan U Keeni Ragi Ogadeen Madaxa Ka Garaacay Laascaanood.

 Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Xassan Daahir Af-qurac, ayaa fagaare ka sheegay in hadii reer Laascaanood joogi waayaan uu u keeni doono ragii Ogadeen madaxa ka garaacay.

Shalay ayey boqolaal qof oo ka xanaaqsan ciidan Itoobiyan ah oo yimid guriga Af-qurac ee magaalada Laascaanood ay ku banaanbaxeen, dadkan ayaa ka dalbaday ciidanka Itoobiyanka ah oo tiro ahaan lagu qiyaasay ilaa 8 askari inay magaaladooda si dhaqso ah uga baxaan.

Banaanbaxa kadib ayaa Af-qurac oo arintaa ka xanaaqsan wuxuu ugu hanjabay shacabka reer Laascaanood hadeynan fag-fagta joojin inuu ciidanka Itoobiyaanka ah awood usiin doono sugida amaanka magaalada Laascaanood.

Af-qurac ayaa reer Laascaanood u sheegay inaynan ku dagdagin ku banaanbixitaanka ciidanka Itoobiya isagoo yiri war horta eega siday Ogadeen u galeen, hadaad joogi weydaan taas baa idinku dhici.

Dowlada Itoobiya ayaa aad xooga u saartay dhanka gobolada Puntland, iyadoo marki hore lagu xaman jiray dhanka maamulka Hargeysa.

Siyaasiyiinta Itoobiya ayaa aaminsan kor iyo hoosba Iidoor inuu ku qabsan yahay inuu Itoobiya dabo-taagnaado oo aynan jirin sabab sabaatiyaal looga diyaariyo xiligan, taas ayaana sabab u ah in Puntland ay Itoobiya xooga saarto

.markaa afqurac shacbigaa doortaye isagu isma dooran hanjabaada maala yacniga ahna hakadaayo shacbiga uu isaga kasoo jeedo oo ah shacbi isagu nabad galyo waarta haysta waxaana oran lahaa afkaaga ku hadal intaad afkale kuhadlilahayd rer laascaanoodna ha ugu han jabin itoobiyaan ee  gobalku wax qabashuu kaga bahan yahay kaagama baahna baha baha aan waxba ka jirin waxan kusoo gaba gabeeynaya afquracow waxad joogtaa xiligii shacbigu kula xisaabtami laha ee ma joogtid xili aad u hanjabto

Abdirizak A. kaneec

Kaneec1@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 2, 2006


Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD