SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARDHEERE

Wadahadalka dawladda iyo maxkamadaha ee Khartuum: Qadirkow ka dhig mid najaxa (nabad iyo caano)


mnwardere@yahoo.com
Minneapolis, MN, USA


Beryahan waxaad moodaa in dadka Soomaalida meel kasta oo ay joogaan ay talo bixinayaan waxaa taas ka sii muhiinsan inay wada hadlayaan oo wada hadalka uga hormareen dawaldda dhexe iyo maxkamadaha.  Waxaan isku dayayaa in aan ka qayb qaato wadahadalka Soomaalida ee aan ku bilaabo aniga waxay ila tahay.

Waxaan soo dhoweynayaa wadahadalka iyo heshiiska dawladda iyo maxkamadaha midoobay  Waxaanan u rajaynaynaa in wada hadal koodu noqdo mid mira dhala oo umadda Soomaaliyeed ku najaxdo.  Wadahalkiinii hore waxaa uu kudhamaaday guul ka dib markii aad si dhib yar ugu heshiiseen inaad is aqoonsataan iyo in aad dacaayadda iska daysaan.  Sida aan wada ognahay qaladaad badan ayaa dhacay heshiiskaas ka dib taasoo sababtay in aad kala shakisaan oo kala aamin baxdaan.  Hadalo badan oo aan laga fiirsana ayaa idinka soo yeerey taasoo niyad jab ku riday shacabkiinii.  mudanayaal hadalada noocaas oo kale oo aan laga fiirsan iska ilaaliya oo maskaxda ku haya in shacabkiinu idinka sugayo heshiis lagu waaro.  Waxaad u heshiin weysaana meesha ma yaalo.

Shacabka Xamar 

Waa wax ilaahay loogu shukriyo 15 sano iyo bar dhibkii, fowdadii, iyo amaan la'aantii aad ku jirteen in ilaahay idinka qaado oo idinku bedelo nidaam iyo amni.  Markii iigu danbeysay Xamar culimada masaajidyada Xamar waxay dadka uga digayeen inaan nimcada ilaahay Xamar ku manaystay aan lagu caasin oo dilka, dhaca iyo dulmiga la joojiyo laakiin lama dhegeysan jirin oo dadka waxay u jidbaysanaayeen kacdoonkii qabiilka iyo dulmiga ku salaysnaa ee itoobiya lugta weyn ku lahayd.

Bal fiiri kacdoonkan sida uu uga fiican yahay kii hore ee indhaha la'aa.  Kacdoonkan culimadu hogaaminayaan waa lagu diirsaday oo wax fiican ayuu soo kordhiyey Inkastoo culimada wagaas 1991 uusan dadaal u yarayn oo ay weliba soo daliishanayeen aayadda quraanka ee uu ilaahay tusaale u soo qaatay dad deganaa degmo nabad iyo barwaaqo ka badatay oo ilaahay ku caasiyey oo uu ilaahay ugu bedelay cabsi iyo gaajo denbigii ay galeen awgeed

وَضَرَبَ اللّهُ مَثَلاً قَرْيَةً كَانَتْ آمِنَةً مُّطْمَئِنَّةً يَأْتِيهَا رِزْقُهَا رَغَدًا مِّن كُلِّ مَكَانٍ فَكَفَرَتْ بِأَنْعُمِ اللّهِ فَأَذَاقَهَا اللّهُ لِبَاسَ الْجُوعِ وَالْخَوْفِ بِمَا كَانُواْ يَصْنَعُونَ 

Nasiib darro dadka jidbaysnaa waagaas Xamar waa diideen inay dhegaystaan wacdigii culimda Xamar ee codbaahiyeyaasha masaajida ka baahin jireen. Kolkaa ka dib Xamar iyo Soomaaliya waa aragtay cabsi iyo gaajo ku filan maanta waxaan ku faraxsanahay in culimda Muqdisho la dhegeysto oo weliba talada gacanta ku hayaan qofkii dhegaysan waayona ay ciqaabi karaan.  

Xamar waxaa ay gaartay in dulmiga heerka uu gaaray qof nool la afduubo oo madax furasho la weydiisto.  Wiil da yar oo degan Xamar oo ka mid ah dhalaankii soo kacay waqtiga fowdada ayaan email ku weydiiyey Xamar ka waran mar dhowr sano hadda laga joogo waxaa uu iigu jawaabay "Maxaan Xamar kaaga sheegaa waxaan ahay qof joogo beledkiisii oo aan xor ahayn oo meeshii gabalka ugu dhaco seexda oo aanan fahmi karin wax saan i baday"  Ilaahay ku shukriya amaanka iyo nimcada uu idinku manaystay.  Ku raaxaysta amaanka mudada dheer la idiin diiday waa wax aad xaq u leedihiin oo dunida badankeed waxay ka tahay xaquuq asaasi ah.

Waxaan ka mid ahaa dadka had iyo jeer ka welwela sida Soomaaliya oo dhan nabad iyo nidaam horumar leh uga hirgeli lahaa Xamarba ha ugu darnaatee oo yiraahda cidna uma maqna ceelna uma qodna. Waan filayay in kacdoon loo baahnaa laakiin ma garanayn nooca ku haboon Xamar.  Ilaahay adoomadiisa ciddii uu doono ayuu isticmaalaa.  Maxkamadaha iyo shacabka Xamar waa junuud ilaahay oo keligood ayaa xamar dulmiga ka saari karayay.  Wixii nalooka baahnaa iyo xilkii na saarnaa baad naga gudeene mahadsanidiin. Intii naga dhimatay ilaahay ha u naxariisto intii naga dhaawacantayna ilaahay ha caafiyo  Waxaase hubaal ah in June 5, 2006 taariikhda Soomaalida baal dahab ah ka gashay! 

Associated Press  (AP) iyo warxumo tashiil 

Nabada iyo wanaagga Xamar ka socdaa waxaa jira hayado warfaafineed oo aan runta ka sheegin.  Nin suxufi weyn oo hawl gabay ayaa igu yiri weriyeyaasha caalamiga ee AP sumcadooda waa sii xumaanaysay waayadan danbe asagoo sabab uga dhigay sida aanay wararkooda isku halayn u lahayn.  AP waxay noo sheegtay in Xamar carab ka dagaalanto, maxkamadaha midoobay ku duulayaan Baydhabo, isku fidinyaan gaalkacyo, Ethiopia qatar ku yihiin iyo caalamka.  AP ma sheegaan badanaa wanaaga maxkamadaha sida burcad badeedka ay adduunka ka qabteen ee waxay jecel yihiin oo ay is yiraahdaan durbaanka dagaalka ayuu dhawaaq dheer u yeelayaa ayay buun buuniyaan.  AP iyo kuwa la mid ka ah waa inaysan ku guulaysan inay kala fogeynta dawladda dhexe iyo maxkamadaha kuwaasoo ah horumar bilow ah.

Waxay had iyo jeer inoo sheegaan qatarta ay leedahay shareecada islaamka iyo qatarta adduunka kaga soo fool leh Soomaaliya. Durbaanka dagaalka ee AP ay garaaceyso waxaa ugu darnaa markii ay isku qaseen oo isla doonteen banaanbixii Xamar ee lagu diidanaa dagaalka bariga dhexe iyo ficilkii agaggixisada ee London ka dhici gaaray kaasoo lala beegsaday diyaarado shicib.  Dad badan ayaa dhaliilay habka ay AP isugu xirtay labada dhacdo oo aan waxba ka dhaxayn. Sidoo kale maalin ka dib markii Xamar laga dhigay banaan bax maalin jimco ah waxaa Sabtidii mid ka daran laga dhigay Washington DC ka soo horjeedka White House  -Cajiib - AP banaan baxaasi kuma lifaaqin dhacdada London. Waxaan arrin u daynayaa aqoonyahanada Soomaalida inay wax ka qabtaan oo aanay ogolaan durbaanka dagaala ee iyo kuwa la midka ah. Xaggee jireen mudadada dheer dhibta lagu hayey dadka Soomaaliyeed? Maxay hadda noo leeyihiin cirka ayaa soo dumayaa?

Dawladda dhexe ee Soomaaliya 

abdullahi yusuf ahmedAli Mohamed Geedi
C/Laahi Yusuf | Shariif Xasan | Cali Geeddi

Marka hore waxaan u hambalyeynayaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo dhowaan xusay sanad guuradii labaad tan iyo markii la asaasay baarlamaankaas oo isku dayaya inuu ka soo kabto waqtigii ka qasaaray.  Waxaan kale oo aan u hambalyeynayaa golaha wasiirada cusub ee dhowaan la magacaabay anigoo rajaynayo inay dar dar cusub ku soo kordhiyaan dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo wax u qabashada ummadda Soomaaliyeed oo  dayacnaa mudo dheer.  Sida aan la socono waa la idin eedeeyaa oo waxaa la idinku eedeeyaa inaadan waxba qaban iyo inaad dhexdiina iskhilaafsan tihiin  arrintaas waa arrin aad ka gudbi kartaan waxaan rajaynayaa in aad wax ka bedeshaan . 

Waxaan idinkula talinyaa

1) In aad la heshiisaan Maxkamadaha Midoobay. 

2) In aad sii wadaan oo fulisaan balantii Khartuum ee ahayd is aqoonsiga iyo in aan la is dacaayadeen

3) Inaad baaq nabadeed iyo hadalo wanaagsan la gaartaan maxkamadaha oo soo dhoweysaan

4) Inaad dareen farxad leh ka muujisaan nabadda iyo horumarka ay gaareen shacabka Xamar iyo maxkamadaha midoobay

5) Inaad fursad u aragtaan maamulka Muqdisho oo hal gacan galay arrintaas waa hawl idin sugaysay oo la idiin qabtay waana inaad uga mahadnaqdaan shacabka xamar iyo maxkamadahooda

6) Inaad wixii qalad ah ee aad ka tirsanaysaan maxkamadaha aad u cafisaan idinkoo u yeelaya shacabka soomaaliyeed awgeed.  La socda maxkamadaha waa bani aadam oo waxay ku jiraan xiligii kacaa kufka dadka ku eedeynaya maxay sidan u sameeyn waayeen waxaa haboon inay waqti siiyaan

7) Iska ilaaliya in cadow ka faaiideysto farqiga yare e idiin dhaxeeya idinka iyo maxkamadaha

8) Inaad magacowdaan dadka saldhigiina Baydhabo u qaabilsan ruqsada soo gelidda ajnabiga ama ruqsada shirarka ama banaan baxa.  Dadku waxay ku daaleen fowdo wax kasta oo nidaam ah waa u baahan yihiin.

9) Sida aad charterkiina ku qorteen dastuurka iyo sharciga soomaaliya waxaa uu ku salaysnaan doonaa diinta Islaam.  Arrintaas dadka badanaa ma oga waxaan idinkula talin lahaa inaad shaacisaan oo fasirtaan  weliba ogolaatan in laga wada hadlo. 

Maxkamadaha Midoobay.

Aweys
Sh. Shariif | Sh. Aweys

Waxaad noqoteen junuud ilaahay u soo direy magaalo cid gacan ku dhigtaa la waayey 16 sano.  Waxaad soo celiseen rajadii dadka iyo bilicdii Xamar.  Waxaad  taariikhda baal dahab ah ka gasheen June 05, 2006 markii aad Muqdisho hal gacan ku soo celiseen oo aad qaadeen jid goyooyinkii iyo dulmigii intii karaankiina ah. Associated Press waxay rabto ha idinku ku sheegto waxaad tihiin kuwa shacabka Soomaaliyeed ku aamini karaan maxasta iyo dhalaankaba.

Waxaan idinkula talin lahaa 

1) La heshiiya Dawladda dhexe ee Baydhabo. 

2) Adkeeya balantii ahayd  inaad is aqoonsataan iyo inaad joojisaan dacaayadda 

3) Inaad baaq nabadeed iyo hadalo macaan la gaartaan dawladda dhexe oo aad soo dhoweysaan.  Intii la dhihi lahaa idinka (dacaayad) ayaa la idinka difaacayaa bal idinka hala idinka maqlo anagaaba difaacayna.

4) Inaad dareen farxad leh ka muujisaan dawladda dhexe maadaama ay dhamaantood Soomaali yihiin oo qirtaan shaqada ay qabteen oo ay ugu horeyso inay soomaaliya oo dhan dad matala ka kooban yihiin isna ogol yihiin hadda ayaga naftooda, caalamkana waxoogaa aqoonsi ah umadda Soomaaliyeed uga soo hoyiyeen.  Marka loo eego bur burka Soomaaliya ee waqtiga dheer weli dawladda Soomaaliya waxay ku jirtaa kacaa kufid.  Maskaxda ku haya dawladdan waa ku meel gaar mustaqbalkana soomaaliya idinkaa (culimada) iska leh waayo shacabka waa wada muslimiin.  Ka fikira mustaqbalka fog oo si qoto dheer u fikira oo dadka qalbigiisa soo jiita 

5) In aad qorshaha ku darsataan maadada wadanimnimo in ubadka la baro si ay u yaaraato mustaqbalka qaran duminta. 

6) In aad magacawdaan shaqsiyaad idiin qaabilsan ruqsada ajnabiga raba inay idiin imaadaan iyo kuwa bixiya fasaxa banaanbaxa ama shirararka ama isu imaatinka .  Xafiisyadan oo warkooda la soo bandhigaa waxay yaraynaysaa in dad badani niyad jabaan ama ay ka hortagto isfaham la’aan Dabcan xafiiskan waa inuu lahaadaa awood baaritaan iyo sugidda amaanka dadka uu ruqsada siiyey intii karaankiisa ah. Waxay kale oo noqonaysaa inaad si fiican ula socotaan cidda soo gashay.  Ogsoonaada dadka waa rabaan nidaam iyo kala danbayn maadaama ay fowdo ka soo daaleen iyo inay arkaan wax walba wadada loo maro. 

7) Waa sax in ilaahay la talo saarto oo la isku kalsoonaado hadana in la ogaado dhabtii dawladaha yar yar beesha caalamka aanay ka maarmi karin, mu’aamaradahana u sahlan yihiin.  Iska ilaaliya hayadaha buun buuninaya khilaafka yare ee idiin dhaxeeya idinka iyo dawladda dhexe sidoo kale iska ilaaliya kuwa raba inay adduunka idiin tusaan inaad khatar ku tihiin oo yaaney daldaloolo siyaasadeed idinka heli ugu danbaytii iska ilaaliya in cadow ka faaiideysato khilaafkaas yar. 

8) Arrinta dastuurka Soomaalida oo dhan baa danaynaysa.  Bal intaadan nicin xasuusnaada in albaabka wada hadalka dastuurka aanay dawladda dhexe xirin ee uu weli furan yahay.  Chaterka ku meel gaarka ah albaabkaas ma xirin ee wadahadal ku dagaalama.  Sharterka ku meel gaarka ah waa wax la sixi karo lana bedeli karo. Waxaa uu leeyahay dastuurka qaranka Soomaaliya waxaa saldhig u noqon doonaa diinta Islaamka.

ARTICLE 8 : RELIGION

  • 1. Islam shall be the religion of the Somali Republic. [Islaamka ayaa ah diinta Soomaaliya]
  • 2. The Islamic Sharia shall be the basic source for national legislation. [Shareecada Islaamka ayaa saldhig u ah dhammaan shuruucda qaranka]

9) Weydiiya dawladda dhexe waxa ay idinka shakisan yihiin iyo hadii ay cabsi jirto sababtoo ah isfaham la’aanta wax ka xun maleh. 

10)  Tanaasul  Tanaasul.  Utanaasule shacabka Soomaaliyeed ee daalan oo mudada dheer la soo dulminayey dartiis.   

Yaa garsoore noqonaya oo ciqaabaya kii gardaran Maxkamadaha iyo dawladda dhexe.(khaadimiinta) 

Ilaahay waa u jeedaa waana dulqaad badan yahay.  Shacabka Soomaaliyeed ayaana ka taqalusi doona kii gardaran.  Shacabka Soomaaliyeed waa idiin fiirinayaan waa idiin dhegeysnayaan waana idinla xisaabtami doonaa markii waqtigiiisa la gaaro.In kastoo hadda la idiinku yeero Madaxweyne, raiisal wasaare, xildhibaan, gudoomiye, laakiin jagadiina dhabta ah waa khaadimiin u shaqeeya shacabka soomaaliyeed.  Waxaad tihiin khaadimiin loo taliyo khaadimkii shaqadiisa ka soo bixi waayo ha u diyaar garoobo in la cayrinayo.  Shacabka Soomaaliyeed waa ka soo gudbay waagii la dhihi jirey sidii laga rabo ayaa laga yeelayaa. Noqda khaadimiin fiican. 

Yaa khaadim - Nin xil qaadey eed qaad

Mudanayaal waxaad qaadeen xil culus.  Subaxii baryaaba waxaa idiin soo fiirinya malaayiin dad ah oo jecel inaad heshiisaan oo rajo gelisaan oo wax idinka sugaya.  Waxaad xil u qaadeen dal 16 sano bur bursanaa oo hantidii qaran iyo adeegii bulsho amaankaba ha ugu horeeyaa faraha ka baxsanaa.  Waxaa agtiina ku nool qaxooti badan oo soo bara kacay.  Malaayiin dhalin yaro ah oo aan shaqo haysan.  Malaayiin dhalaan ah oo aan waxbarasho haysan iyo daryeel caafimaad, waxaa intaa ka sii daran in ay soo kaceen jiil dhan oo aanan arag canshuur iyo go’aan dawladeed/maxkamadeed iyo shati ganacsi kuwaas oo idiinka doonaya dul qaad iyo waxbarid badan. 

Mudanayaal kuraasta aad ku fadhiisateen waa kulushahay, waana dhib badan tahay laakiin qof idinku qasbay ma jiro ee idinkaa cagihiina ku raadsaday.  Sirta keliya ee aad uga dabaalan kartaan waa idinkoo gaar ahaan u faqa oo midooba oo iskaashada haddii kale shaki badan baa ku jira inaad xilkaas ka soo dhalaashaan.  Waagii baryo malaayiin ayaa idin dhowraya bal inaad heshiiseen iyo in kale. Maanta waxy idiin leeyihiin madaxdeenii ma heshiiyeen? Waxaa ku xigta kuwii ma heshiiyeen waxaa ku xigta kuwii baas ma heshiiyeen waxaa ku sii xigta khayrbeelayaashii ma heshiiyeen waxaa ku sii xigta rajo beel.

Taariikh fiican ka taga (Good legacy) 

Mudanayaal dhamaantiin nolosha inteeda badnayd waad soo qaadateen waxaa la gaaray waqtigii aad ka fikiri lahaydeen maxaan mustaqbalka dhalaanka Soomaaliyeed uga tagnaa. Baal dahab ah/Baal madow.  Wax ma u dhisnay? shacabkii mudada dheer dhibaatada haysatay dhibtii ma ka qaadanay? karaamadii shacabka Soomaaliyeed ma soo celinay?  Fursaddan dahabiga aan haysano ma uga faaiideynay shacabka mudada dheer dhibaateynaa?  Ma ka tagi doonaa dowlad qodobo culus ku taagan oo loo aayo. Mudaneyaal - qaada telefoonka oo gaaraaca oo isla hadla. 

Xil culus baa idiin saran waa inaad iska kaashataan si aad u gudataan.  Khaladaadkii hore ha ku mashquulina ee mustaqbalka ka hadla.  Inkastoo Khatuum iyo Cadan ay yihiin dhul dad walaalaheen ah ee jecel wanaagga iyo heshiiska umadeena hadana waxaa ka fiicnaan lahayd ayadoo Xamar lagu shiro ama Baydhabo maadaama aan ognahay inaad amaanka sugi kartaan.  oo hadda xaaladda ka fiican tahay fawdadii hore. Dalka guduhiisa dhibta shacabka haysata waad aragtaan maalin walba bal aan wax yar idinka taabto dhibta Soomaalida qurbaha haysta oo u hilowday dhulkii hooyo 

1) Dad badan oo waayeel u badan ayaa ku dhib qaba nolosha qurbaha oo idinka warsugaya 

2) Dhalaan Soomaaliyeed oo badan ayaa ku dayacan dibadda qaarna xabsi ka buuxaan oo meel la geeyo aan lahayn 

3) Qoysas badan oo kala maqan oo raba inay dib isula noolaadaan ayaa idinka warsugaya 

4) Soomaali badan ayaa ku dulman qurbaha oo qaarkood sida eyga loo dilo (South Africa) maanta soomaalida qurbaha lagu dilaa ayaa ka badan kuwa dalka gudahiisa lagu dilo.

5) Baasaboorka Soomaaliga asaga nafttisa ayaa dulman. Hadii aad hal maalin arki lahaydeen meelaha laga caawiyo Soomaalida qurbaha waxaad ogaan lahaydeen tirada dadka Soomaaliyeed ee ku xaniban dunida dacaladeda sababtoo ah baasa boorka Soomaaliya oo aan la ciriraafsanayn ayay wataan.  Qofkii baasabboor Somaali ah wata waxaa loogu degaa sida haadka sidii asagoo denbi galay. 

6) Qaxooti badan oo ku sugan xeryo qaxooti dibadda iyo meelo badan ayaa idin sugaya 

7) Waqti xun oo adduunka dagaalo ka holcayaan ayaa lagu jiraa waa inaad dadkiina baadida ama habqanka ah urursataan meelaha ay joogaan waxwalba ayay kala kulmi karaan, idinka ayay idiin sugayaan. 

Mudane Madaxweyne

abdullahi yusuf ahmedMuqdisho maanta waxaa ka bilowday nidaam maxkamadaha midoobay waxay awood u leeyihiin inay sugaan amaankaaga bi idnilaahi.  Maanta waad booqan kartaa.  Qaado sharafta oo ka deg garoonka caalamiga ee Muqdhisho u tag madaxda maxkamadaha tus adduunka in aan heshiin karno.  Sidoo kale Baydhabo ku casuum madaxda maxkamadaha. Ka waran hadday ka qudbeeyaan xarunta baarlamaanka ee ADC.  Inaad ku filan tihiin ammaanka waan aragnaa oo maalin walba waxaan aragnaa madax ajnabi ah oo booqasho ku tagaya Muqdisho ama Baydhabo.  Shacabka waa ku farxayaan mar kasta oo aad isu soo dhowaataan.  Waxaad tihiin dad walaalo ah oo wada Soomaali ah wax aad isku diidaan inaad isla hadashaan shacabka uma muuqato.  Dawladnimo maanta ayay noogu dhowdahay ee aan ka faaiideysano fursadaan oo aan Soomaaliya ka dhigno dalkii dhalaalayey ee geeska Africa oo lagu soo hirto. 

Maxamuud Nuur Wardheere 
mnwardere@yahoo.com


Kulan diineedkii Lixaad ee Muslimiinta W/Ameerika....

Halkan ka akhri warbixinta sida uu ku socdo kulanka Musliimiinta W/Ameerika... GUJI...


Faafin: SomaliTalk.com | Sept 3, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD