SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARSAXAAFADEED

WAR SAXAAFADEED    5ta September 2006

SOO DHOWEYN HESHIISKII KHARTOUM

Ururka SCG waxay soo dhoweynayaan heshiiskii ay Dowladda Federalka Somalia iyo Maxkamadaha Islaamiga ku gaareen magaalada Khartoum ee waddanka Sudan. Waa arrin aad loogu farxo in labada dhinacba ay gaareen heshiis aad uga farxiyey ummadda soomaaliyeed, tanoo caddeyneysa in Somalidu ay heshiin karaan. SCG waxey ku dhiirigelineysaa mas'uuliyiinta labada dhinacba inay sii wadaan dadaalkooda si heshiisku uu u noqdo mid miro dhala. Waxaan xasuusineynaa mas'uuliyiinta inay fududahay in la heshiiyo, ha yeeshee loo baahan yahay in xil gaar ah la iska saaro sidii heshiiska u noqon lahaa mid miro dhala. Ogaada wadajirka ummadda soomaaliyeed waxaa keliya oo lagu gaari karaa in la fiiriyo danta guud ee shacabka soomaaliyeed.

Dowladda Federalka iyo Maxkamadaha Islaamiga ha ogaadaano in heshiiskan ka dib uu mas'uuliyad gaar ah ka saaran yahay sidii loo heli lahaa dowlad shaqeyneysa, taasoo u daneyneysa shacabka soomaaliyeed. Hana ogaadaanno inuu xil ka saaran yahay sidii lagu badbaadin lahaa dhiigga shacabka soomaaliyeed.

SCG waxey ugu baaqeysaa in labada dhinacba ay magacaabaan guddi u xilsaaran sidii loo dhameystiri lahaa heshiiska, kuwaasoo yeesha kulamo joogta ah oo ka dhaca waddanka gudihiisa, Baydhabo iyo Muqdisho.

Mr Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) 
Guddoomiyaha ururka Somali Concern Group
somali@somaliconcern.org
www.somaliconcern.org

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2006


Markab u raran Hay’adda WFP oo 11-sano kaddib ku soo xirtay…

Markab sida 3,000 oo Metric Tone oo raashin ah oo u raran Hay’adda WFP ayaa Shalay ku soo xirtay dekedda weyn ee caalamiga ah.

Markabkaan oo raashinka uu sido isugu jiro Galley, Digir, Meseko iyo Saliid ayaa waxaa loogu talagalay dadka ku dhibaateysan Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Gobalka Banaadir, SH/dhexe, Bay, Bakool, Gedo, Jubbadda Hoose iyo Jubadda Dhexe.

Mudan Yoonis oo ka mid ah Saraakiisha Hay’adda WFP oo u waramayey saxaafada ayaa waxa uu sheegay in Hay’addu ay aad ugu faraxsan in tahay in 11-sano kaddib uu Markab u raran iyaga ku soo xirto Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho.

Mudane Yoonis mar wax laga weydiiyey sababaha ay Hay’adda WFP uga iibin weyday Beeraleyda Soomaaliyee raashinka sida Galleyda iyo Mesegada ayaa waxa uu ku jawaabay “waa runtaa Hay’adda WFP aad bay u daneyneysaa in ay Raashin ka iibsato Beeraleyda Soomaaliyeed, waxaana dib u soo celinta doonaa Xiligii UNISOM oo raashinka laga iibin jiray beeraleyda Soomaaliyeed.

Dadweyne Fara badan ayaa daawanayey soo xirashada Markabkaasi, iyadoo sidoo kale shaqaalaha Markabka ay iyana sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin soo xirashada markabaasi ee Dekedda Weyn ee Muqdisho.


Kulankii Muslimiinta W/ Ameerika oo Guul Ku Dhammaaday..

Kulankii saddexda maalmood ka socdey Minneapolis oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey.. Akhri warbixinta


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD