SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Sept 7, 2006

  • Madax waynaah Dawlada Federlaka KMG ah C/laahi yuusuf oo Nairobi ka baqoolay, gaareyna Baydhabo.

  • Wasiirka Arimaha Dibada Kenya Rephel Tuju ayaa faafaahin dheeraad ah ka bixiyay Shirkii Shalay ka dhacay Narobi

  • Tafatirihii Wargayska Al-wifaaq oo surka looga jiray Sudan Caasimadeeda Khartuum..

  • Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Atlanta  oo si kulul u cambaareysey falkii Foosha xumaaa ee lagu laayey dhalinyaraddii garoonka Baydhaba. 

  • Garoowe: Hayada MSF Holand iyo xukuumada puntland oo maanta kualan yeeshay.


Madax waynaah Dawlada Federlaka KMG ah C/laahi yuusuf oo Nairobi ka baqoolay, gaareyna Baydhabo. 

C/laahi yuusuf Axmed madaxwaynaha Dawlada KMG ah ayaa galabtii Arbacada abaarihii 2:45 daqiiqo ka dhoofay garoonka caalamiga ah ee Joma Kenytta ee Nairobi isagoo ku sii jeeday magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah ay u tahay dawlada Somalia , madax waynaha ayaa galanta  ayaa waxaaa sii sagooyiyay masuuliyiin ka tirsan dawlada KMG ah iyo tan Kenya.

Waxaana ka mid ahaa wasiirka Dawladaha hoose ee Kenya musakari Kumbe Safiirka dawlada Kenya u qaabilsan Somalia Amb Maxamed Abdi Affey iyo waliba wasiirka arimaha dibadda ee Somalia Ismahil Hure Buuba oo isagu ku sugnaa maalmaahn magaaalada Nairobi. 

Madax waynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed ayaa galabta qorrax liicii ka dagay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ee ay ka howl gasho dawlada Somalia isagoo madax waynuhu dalkaan Kenya ku yimid booqshu hal maalin ah oo markaasi uga gol laha in Somalia ciidamo nabada ilaaliyo loo soo diro   waxaana uu ka qayb galay shir aysan u wada dhamayn madxda wadamada IGAD ee ay ka kooban 7 wadan waxaan joogay 3 wadan madaxdood marka lagu daro dawlada Somalia.  

Wasiirka Arimaha Dibada Kenya Rephel Tuju ayaa faafaahin dheeraad ah ka bixiyay Shirkii Shalay ka dhacay Narobi ee ay yeeshen Ururu Goboleedka IGAD qaar ka tirsan. 

Ka dib shir jaraa'd oo uu qabtay wasiirka arimaaha dibada ee Kenya Rephel Tuju ayaa waxaa uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyay shirkii ay maalintii shalay ahayd ku yeesheen aqalka madaxtooyada Kenya State Houska 5 wadan oo ka tirsan 7 wadan ee IGAD waxaaa shirkaasi joogay madaxda 3 wadan oo kala ah Somalia Kenya Ethiopia  halka ay Uganda iyo Sudana soo dirsadeen wasiiru wakiil uga noqaya waxaana meesha soo xaadirin Eritrea & Djibouti. 

Mr Tuju ayaa waxaa uu sheegay in dawladaha  Eritrea Djibouti ay soo direen cudur daar taas oo ay ka aqbalay madax waynaha Kenya oo ah Gudoomiyaah Urur Goboleedka IGAD waxaana uu sheegay in shirka laga soo saaray qudubo dhawr ah oo dhaman ku saabsana arinta Somalia waxaana uu shegay in ay ka mid ahayd in la taageero dawlada Somalia oo ah mid ay dhisen dawlaha IGAD iyo in markaas loo diro ciidamo nabada ilaaliya oo ay soo diraan wadamada IGAD ee aan safka hore ahayn isagoo si gaar ah u sheegay in ay ciidanka IGADSOM ay ka kala iman karaan Eritrea Djibouti Sudan Uganda, balse waxaa jira in dawaladaha Eritrea Djibouti. Ay ka soo horjeedaanba qorsha IGAD-da kale ee markaasi ah in \nSomalia loo diro ciidamo, sidoo kale maxaakinta islaamiga ah ee somaliyeed ee inta badan Somalia ka talia marka laga reebo Somaliland iyo Punt land ayaa soo horjeedo   in Somaliala geeyo ciidamo nadaba ilaaliyo .

Wasiirka arimaha dibada ee Kenya Mr Tuju ayaa waxaa kaloo uu markasi sheegay in loo baahan yahay in la mideeyo siyaasada Urur Goboleedka IGAD ee ku aadan Somalia iyadoo ay soo baxayso khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay IGAD .

Mr Tuju ayaa waxaa uu sheegay in dawladaha  Eritrea, Djibouti ay soo direen cudur daar taas oo ay ka aqbalay madax waynaha Kenya oo ah Gudoomiyaah Urur Goboleedka IGAD waxaana uu sheegay in shirka laga soo saaray qudubo dhawr ah oo dhaman ku saabsana arinta Somalia waxaana uu shegay in ay ka mid ahayd in la taageero dawlada Somalia oo ah mid ay dhisen dawlaha IGAD iyo in markaas loo diro ciidamo nabada ilaaliya oo ay soo diraan wadamada IGAD ee aan safka hore ahayn isagoo si gaar ah u sheegay in ay ciidanka IGADSOM ay ka kala iman karaan Eritrea Djibouti Sudan Uganda, balse waxaa jira in dawaladaha Eritrea, Djibouti. Ay ka soo horjeedaanba qorsha IGAD-da kale ee markaasi ah in Somalia loo diro ciidamo, sidoo kale maxaakinta islaamiga ah ee somaliyeed ee inta badan Somalia ka talia marka laga reebo Somaliland iyo Punt land ayaa soo horjeedo   in Somaliala geeyo ciidamo nadaba ilaaliyo . 

Wasiirka arimaha dibada ee Kenya Mr Tuju ayaa waxaa kaloo uu markasi sheegay in loo baahan yahay in la mideeyo siyaasada Urur Goboleedka IGAD ee ku aadan Somalia iyadoo ay soo baxayso khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay IGAD.

Tafatirihii Wargayska Al-wifaaq oo surka looga jiray Sudan Caasimadeeda Khartuum..
 
Sida aan ka soo xiganay TV-ga Aljazeera waxaa Arbacadii dalka Sudan ka dhacday dhacdo ka fajicisay saxafiyiinta dalkaasi iyo waliba dadka caadiga ah taas oo ah ka dib markii surka laga jaray nin saxafi ah oo ahaa Tafariha Warygayska Al-wifaaq oo magaciisa la yiraahdo Maxamed Daaha Maxamed.
 
Waxaana maanta maydkiisa oo surku ka go'an yahay laga helay xaafad ku taal dhanka koonfureed ee magaalada caasimada u ah Sudan ee Khartuum iyadoo maalintii shalay ahayd ninkaasi la afduubay iyadoo maanta maydiisa la helay.
 
Booliska dalka Sudan ayaa galabta bilaabay hawl gal lagu raadinayo cidii ka danbaysay falkaasi foosha xun ee loo gaystay ninkaasi wariyaha ah.
 
ilaa iyo haadana ma cada sababa dhaliyay dilkan foosha xun ee loo gaystay Maxamed Daaha Maxamed iyadoo ay ehelkiisana ay booliska ka codsadeen in si buuxda loo baaro.
 
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Email: botaan1@hotmail.com
Somalitalk Nairobi Kenya
Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Atlanta  oo si kulul u cambaareysey falkii Foosha xumaaa ee lagu laayey dhalinyaraddii garoonka Baydhaba. 

Shir degdeg ah oo ay isugu yimaadeen aqoonhanahadda, Culuma’udiinka, haweenka iyo Dhalinyaradda Jaaliyadda Digil Iyo mirif ee ku nool Magaaladda Atlanta ee dalka Mareykanka iyo nawaaxigeeda ayaa lagu qabtey xarunta Jaaliyadda ee Atlanta xaley. 

  Shirkaasi waxaa loogu doodey falkii foosha xumaa ee ay geysteen ciidamadda Booliska

Dowladda KMG ee Somaaliya oo uu hogaaminayey taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliyeed Cali Madoobe.  ayna ku dhinteen 7 Dhalinyaro u dhashey degaanka iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacmeen. 

Dood dheer ka dib jaaliyadda waxay isla garteen in falkani uu ahaa mid gardaro cad ah oo aan loo dulqaadan Karin, meel ka dhac aan geedna loogu soo gaban loogu geystey

Qowmiyadda Digil iyo Mirifle. Sidoo kale waxaa looga dooday fadhigaasi Maamulka uu rabo in uu dhoodhoobo Barre Hiraale oo ku sheegey JUBA LAND. 

Ugu danbeyntii waxay ka soo saareen qodobo muhiim ah oo ay u dirayaan Maamulka Degmadda Baydahaba iyo Dowladda KMG ah, qodobadaasina waxay kala yihiin:- 

    1-In Maamulka gobolka Bay oo ka masu’uul ah dadka u dhashey degaanka ay la xisaabtamaan dadkii dilkaa iyo dhaca geystey.

    2- In degdeg looga saaro Ciidanka la wareegey garoonka diyaaradaha ee Baydhaba,   Dibna loogu soo celiyo gacanta maamulka gobolka.. 

    3-In la sharciga lala tiigsado dadkii laayey dhalinyaradaai , waayo gardaro cad ayaa  lagu laayey..sidoo kale ragii ka danbeeyey dilkii hore ugu dhacey gobolka , weliba  ragii geystey dilkii Marxuum Cabdalla Derow Isaaq  iyo dhaawacii sharciyaqaan Ahmed iyo Gudoomiyaha degamdda baydhabo. 

  1. In aan loo dul qaadan Karin dhacdo tan la mid ah oo gobolkani lagu sameeyo, waayo tani ma aha tii koowaad hore ayaa loo laayey dadka gobolka madaxdooda , tan iyo intii ay soo degtey dowladda magaaladda Baydhabo.
  1. In laga hortago maamulka lagu sheegey Juba Land oo la rabo in lagu abuuro dad dhul ayan u dhalan ,madaxna looga dhigo madax aan isir u galin gobolka.

   6 -  Ugu danbeyntii  waa in Dowladda ay ilaalisaa oo dhowrtaa dadka iyo degaanka  Ay martidda u tahay. 
 

                  Jaaliyadda DM Atlanta,Georgia,USA

                    Seaofknowlage@yahoo.com

Waxaa soo tebiyey:
OMAR SUFI | Email: abasheikhusa-ga@hotmail.com


Garoowe: Hayada MSF Holand iyo xukuumada puntland oo maanta kualan yeeshay.

Wafdi ka socda hayada MSF holand oo uu hogaaminayo Mr: Caned oo ah ninka u fadhiya xafiiska nairobi hayada MSF  holand ayaa soogaaray caasimada puntland ee garowe halkaas oo uu kulamo kula qaatay madax ka tirsan xukuumada puntland.

Kulan  ay wada qaadeen masuuliyiinta haayada MSF holand ka socotay iyo madaxwaynaha puntlanad oo kadhacay madaxtooyada plnd ayaa la isla meel dhigay in  haayadu ay hawlaheeda si toos ah u wadato islamarkaana ay qaadato masuuliyada hawlaha caafimaadka ay kawado gobalka mudug dhankiisa waqooyiga oo ay hadyadu dib shaqo ay uga bilaabayso kadib markii laxaliyay khilaafkii soo kala dhexgalay masuuliyiin ka tirsan puntland iyo haayada MSF holand kaasi oo sababay in ay haayadaasi ka baxdo gobalka mudug islamarkaana ay joojisay hawlihii caafimaad ee ay kawaday gobalkaasi mudug.

kulan kale oo qaatay saacado ayna wada yeesheen masuuliyiinta haayada MSF iyo wasiiro ka tirsan xukuumda puntland oo uu ka mid yahay wasiirka caafimaadka Mr: c/rixmaan dhagawayne, wasiirka qorshaynta Mr: cabdi salaad, gudoomiyaha gudiga caafimaadka puntland Dr:Maxamed jaamac salaadiyo agaasimada caafimaadka puntland iyo masuuliyiin kale oo ka hawlgala arimaha caafimaadka ayay ku ayideen kulankii horay u dhexmaray madaxwaynaha puntland iyo madaxda  haayada MSF islamarkaana la shaaciyaya in haayadu ay hawlaheeda si habsami leh u wadato.

Wasiirka Caafimaadka ee Puntland Dr, Dhagawayne ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi uu is afgarad ku dhamaaday iyada oo maalinnimada birrito ah lagu balansan yahay in la soo saro qoraal wada jir ah oo ku aadan heshiisyada ay gaareen.

Sikastaba haayada MSf holand ayaa gobalka mudug waxay ka fulin kartay hawlo caafimaad oo aad ay ugu diirsdeen dadka deegaanka iyo guud ahaan somali badan kuwaasoo ka heli jiray ispitaalka guud ee magaalda gaalkaccyo oo ay haayadu gacanta horay ugu haynjirtay, hawlo caafimaad  oo joogto ah.

Kadib markii ay haayada iyo maamulka puntland uu soo kala dhexgalay khilaaf xoogan oo sababay in ay haayadu ka baxdo waqooyiga mudug  kaasi oo sababay in ay lunto ama la waayo adeegii caafimaadka  gobalka mudug,

Garoowe:Maalinta Xaalada bini’aadamka Caalamka oo Garoowe laga xusay .

Xaflad siwayn loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabisay wasaarada haweenka iyo qoyska ee maamul gobaleedka puntland ayaa lagu qabtay isla wasaarada xarunteeda oo ku taala caasimada puntland ee Garowe.

Xafladan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin badan oo ka kala socda qaybaha xukuumada, bulshada rayidka ah  ee ku dhaqan magaalada garowe ayaa ugu horaynba waxaa hadal qoto dheer ka soo jeedisey wasiirka  arimaha haweenka iyo qoyska marwo caasha geele diiriye oo iyadu ku deeraaday waxyaabah ay haweenku qabteen mudooyinkii dagaalka sokeeye ka jiray dalka iyo kahor intaanu dagaalkuba dhicin.

Mrs: caasa geele diiriye ayaa tiri haweenku waa lafdhabarka qoyska waa barbariye qoyska waxay dulqaad u yeesheen in ay ka soo dhalaalaan hawl adag oo raga lagasugay oo ay haweenku dhabarka u riteen mudadii dagaalka sokeeya  kadib  waxaana soo food saaray dhibaato aad u qoto dheer haweenka somaliyeed  meel walba oo ay joogaan haweenka somaliyeed waa isku mid  waxaana soogaara dhibka ugu badan iyaga oo mararka qaar lagula kaco kufsi dil iyo jirdil dhac iyo barakicin intaba, dagaalkii sokeeye ee dalka kadhacay waxa uu aad u saameeyay haweenka soomaliyeed ayay tiri marwo casha geele  diiriye.

Wasiirka qorshaynta puntland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in haweenka somaliyeed meel walba oo ay joogaan ay yihiin kuwa mudnaanta leh isla markaan ay yihiin kuwa lagu diirsaday   bur burkii kadib waxaana la ogaaday kaalinta haweenka uu ku leeyahay bulshada dhexdeeda waana mid aan la xaqiri karin ayuu yiri wasiirka qorshaynta puntland oo munaasabadii algu xusayay maalinta  xaalada bini aadamka caalamka ee ka dahcaday garowe.

Si kastaba munaasabadii maanta  ayaa waxaa lagu soo bandhigay ruwaayad ka turjumaysa xaalada ay ku sugan yihiin haweenka soomaliyeed taasi oo qiiro wadaninimo ah galisay dhamaanba xubnihii  isugu yimid munaasabadaas lagu xusayay maalinta xaalada bini aadamka caalmak ee lagu qabtay caasimada puntland ee garowe.

waa markii ugu horaysa  ee munaasabadaan lagu xusayo maalinta xaalada bini aadamka caalamka lagu qabto guda dalka somalia  isla markaana ay soo qaban qaabiyaan haween taasi oo xataa laga soo qayb galiyay haayado badan iyo madax ka tirsan maamulka puntland iyafa oo la garwasday in haweenka soomaliyeed ay  yihiin udub dhexaadka guriga  oo aan marna la xaqiri karin.

GAROOWE : Duqa Degmada Garoowe oo Arabacadii u furay  Golaha Degaanka  Workshop la xiriira waajibaadka Golaha laga doonayo.

Duqa degmada garowe C/qaadir Cismaan Salaad (foodcade) ayaa Arbacadii u furay golaha deegaanka degmada garowe workshop la xiriira waajibaatka horyaala golaha iyo sidii golaha deegaana garowe ay sare ugu qaadi lahaayeen aqoontooda la xiriirta  hawlaha loo igmaday ee laga doonayo in ay wax badan ka qabtaan iyada oo waayadaan danbe uu habac ku yimid hawlihii loo doortay golaha degaanka degmada garowe  oo aan sidii la doonayn u shaqaynayn mudooyinkaan danbe  dad badan ayaa is waydiinaya  halka laga haysto golaha deegaanak degmada garowe oo aan qaban wax lataaban karo tan iyo markii la dhisay golaha deegaanka degmada garowe.

 Mr Food-cade wuxuu sheegay in Workshop-kan uu hormuud ka yahay dhawr Workshop oo loo qaban doono Golaha iyo Guddiyada Xaafadaha. 

Mr . Awaare oo isagu Workshop-kan bixinaya islamarkaasna ka scoda Hay’adda UNDP/RRIDP ayaa sheegay in lagu baran doono doono Workshop-kan , Maxaa looga baahan yahay Golaha ,? , Maxaa Xirfada ah oo baahan yahay
 
Si kastaba , Duqa Degmada Garoowe oo dhawaan la doortay ayaa ballan qaaday in uu ku dadaalayo sidii Golahiisa uu u ahaan lahaa Gole yaqaana waajibaadka ka saran Ummadda ay matalaan , islamarkaasna uu u raadinayo tababaro kor loogu qaado aqoontooda. 

Waaa workshopkii ugu horeeyay ee loo qabto golaha deegaanka degmada garowe tan iyo markii la doortay gudoomiyaha cusub ee golaha deegaanka degmada garowe kaasi oo dar dar xoog leh ugu jira sidii uu   sare ugu qaadi lahaa   hor marka garowe oo uu ku dhaartay in uu ka soo dhalaalayo waajibaadkii loo doortay. 

Si kastaba maalintii shalay ayay ahayd markiii uu duqa degmada garowe ku tilaabsaday  hawl gal lagu furayay wadooyin ku yaala magaalada garowe oo ay yaaleen dhagaxaan iyo guryo aan lahayn jidad loo maro kaasi oo duqa cusub u baneeyay xaafadaas wadooyin ay u maraan dadka iyo gawaaridaba oo ay islamarkaana si wayn u amaaneen dadwaynihii ku noolaa xafadahaas isku raranka ahaa ee wadooyinka fiican loo baneeyay.

Kabul: Madaxwayne Musharraf oo safar ku jooga afghanistaan.

Xuduuda dheer ay leeyihiin labada dal waa mid dhib badan waxaana mar walba ka dacay arimo la xiriira argagixio waxaa ku sugan xuduuda dheer ee ay wadaagaana labada dal kumaakun oo ciidamo pakistaniyiin ah.

Dawlada afghanistan ma aysan jeclaysan in hawlgalada ay paskistan kawado dhulkeeda  xiriirka labada dal  oo mudooyinkan danbe aad u xumaa  ayaa yimid xili ay dawlada pakistan heshiis laga shay mintidiin ka haray dalibankii bur buray, dawlada pakistan ayaa kala baxaysa kumaakun oo cidamadeeda ka jogoay dhulka qabaa ilku dagan yahay ee buuralayda xuduua ah waxaana lagu wareejinayaa dhulkaasi qabaailka daga. 

 Madaxweynaha waddanka Pakistan, Pervez Musharraf ayaa maanta booqasho uga bilaabantay waddanka Afghanistan,
waxana uu halkaasi kula kulmayaa madaxweynaha afghanistan Xaamid Karazai.

Booqashada Madaxweyne Musharraf uu ku joogo Afghanistan oo socon doonta muddo laba maalmood ah ayaa madaxda labada dhinac ay ka xaajoonayaan arrimaha xiriirka labada dawladood oo la sheegayey in uu qaboobaa beryahan dambe, arrimaha argagixisada, iskaashiga dhaqaalaha iyo dib u dhiska waddanka Afghanistan.

Booqashada Mr Musharraf ee dalka Afghanistan ayaa ku soo beegmbeysa xilli madaxweyne Musharraf uu heshiis la saxiixday mintidiin taageera Taliban oo ku sugan soohdinta labada dal oo ay bakistaan ku balan qaaday in ay kala baxayso ciidamadeeda dhulka qabaa ilku dagan yahay isla markaasna ay xukunka dhulkaasi ku wareejinayso qabaailka dagan dhulka. 

A/rizak koronto
garowe puntland


Minneapolis: Shirka Beesha Ismaciil Cali Saleebaan

Waxaa lagu qabtay shir balaaran Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ay isugu yimaadeen dhamaan beesha Ismaaciil Cali ee ku nool Wadanka Mareeykanka.

Shirkaas waxaa ka soo qeeyb galay gudiyada magaalooyinka Chicago - gobolka Illinois, Rochester - gobolka Minnesota, & Detroit - gobolada Michican.
 
Shirweeynaha waxaa lagu furay Aayadaha Quraanka maadaama aanu nahay Ummad Muslim ah.
Waxaa shirka ka hadlay aqoonyahano, iyo wax garad ku abtirsada Beesha oo warbixin dheer ka bixiyay hawshii ay soo qabteen gudiyada kala duwan ee Beesha Ismaaciil Cali.

Waxaa isla goobta lagu doortay gudigii hore iney sii wadaan hawshii Beesha ay u hayeen.
Waxaana halkaasi lagu ansixiyey Dastuurkii Beesha oo in mudo ah dib uhabeeyn iyo sixid lagu hayey lana dhameeyey.
Gudigaasi la doortay wuxuu isku xiri doonaa hawlaha beesha Ismaaciil Cali ee Wadanka Mareeykanka, Kanada, Qaarada Yurub iyo Soomaaliya.

Wa bilaahi towfiiq
Maxamad Ciise Aw Cali
Minneapolis, Minnesota USA

Faafin: SomaliTalk.com Sept 7, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD