SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

Maqsuud: Maashaa-Allee Sow Muqdisho Lama Mushaaxaayo!

Inj. Maxamed Cali Cibaar

Delft, The Netherlands

Mohamed_ebar@hotmail.com 

Gabayga Maqsuud oo ka warramaya isbeddelladii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo gobollo kale, wuxuu soo baxay 28kii Ogoosto 2006da. Maqsuud, wuxuu daba socdaa gabaygii Murugo oo isna soo baxay saddex bilood ka hor kaasoo qayb ka ahaa warqad furan oo aan u diray shacabka ku dhaqan magaalada  Muqdisho 28kii May, 2006da, cinwaankeedu ahaa Inta Tabar La Hayo, Talo Ha La Yeesho .  

Sagaashan maalmood ka hor, waxay ahayd xilli muslimiin iyo gaalaba ay dadku la amakaagsanaayeen  ficilladii gurracnaa ee dagaal-oogeyaashii laga eryay Muqdisho iyo agagaarkeeda. Dilkii iyo dumintii waxaa ka sii xanuun batay ku digashada iyo ku daacdaacsiga danyartii ay Qabqableyaashu dabargoyntooda doollarka ku soo qaateen. 

  • Maqaraaruf ceebeedka iyo mahadhadaan taagan
  • Macangagnimo lagu faano iyo maati baan laynay
  • Muqdishaba qofkii minid maqlaa waa matagayaaye
  • Waxa dambi makaankeenna yaal Mushrik ka qiirooye
  • Majuustiina nala yaabtay iyo Mulxidkii gaalaade
  • Xoolaha macaac lihi gar u leh iney mahmaahaane
  • Geedaha la maagana maxkamad muddac u aadaane
  • Haddaan Mowlahey noo naxeyn midi ma joogeene
  • Yaa ii muslim ahey” haddey maanta maad noqotay
  • Oon qabyaalad moodeyno weli iney macaash keento
  • Quluubtiina ay mirirsantahay waa mashaqo weyne !

Murugo muddo kooban ah, waa wax uu inta badan bani’aadmigu soo maro, laakiin arrinka mashaqada ahi  waa in quluubta oo mirirsan weligeed mashaakil iyo musiibo u joog la ahaado, Mowle ayaan ka magan galnaye. 

Sida uu Quraankeenna Kariimka ahi noo sheeegay; Alle ma dooriyo qoom aan isagu is doorinnin. Waa in xalka badbaadada laga doono halka ay Rabbi (swt) iyo Rasuulkiisu (scw) noogu tilmaameen  iyadoo lala imaanayo dadaal iyo dulqaad badan. 

  • Nabad baa macaan lehe haddaan odayo muuneynin
  • Haddaan wiilal marrasta u naxaa carriga maansheynin
  • Maryamiyo haddii aaney kicin Muxibbo qiireysan
  • Maqrib iyo haddaan mashriq gilgilan meel kastoon joogno
  • Yaa maali jirayey haddey muranka noo doorin
  • Oon mici ku dhiigliyo la didin inta mariid halaq leh
  • Miciinsiga afmiishaar haddaan saaka laga maarmin
  • Haddaan midigtu bidix muujinnoon talo la maareynin
  • Shacabkuna dhammaantii mintidin midnimo waa guule
  • Macbuudkow haddii aan la dhihin magani waa taada
  • Oon  dardaarankii Muxamed(SCW) iyo muuqan taladiisu
  • Nala muudsayoo marannayoo nala madoobeeye
  • Waa murugee wahe yaa u maqan magaci Soomaali ?!

Gabaygii Murugo

Alle  Weyne ayaa mahad leh, waxaa maanta isbadalay wax la yaab leh ! Muqdisho oo ahayd meeshii ay ka jirtay musiibadii Soomaaliya ugu ba’neyd ayuu maalmo gudahood ka dhacay isbedel wanaag doon ah oo nacab iyo nasteexba ay wada qireen. Mucjiso!  

Inkastoo aan  si aad ah uga xumahay in weli  dad badan oo Soomaliyeed ay  ku dulmayihiin dalkii gudihiisa iyo dunida daafaheeda kala duwan, haddana farxad weyn ayay ii tahay inaan shacabka Soomaaliyeed kala qaybqaato raynraynta ay ku jiraan iyo sida maqsuudka leh ee ay u soo dhoweeyeen isbeddelkii ka dhacay magaalo madaxdii waddanka ee Muqdisho. Dareenkeyga ku aaddan isbedelladii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo waliba gobollo kale ayaan jeclahay in aan ku soo koobo gabayga Maqsuud oo soo baxay taariikhda kor ku xusan. 

  • Magacaada Mowlow haddaan maanso ku billaabo
  • Mu’min kuu cibaadeysta iyo Mulxidka gaaloobay
  • Majuus iyo Masiixiyo Yuhuud maaro loo waayay
  • Iyo  kii Munaafaqa intuba  kaama maarmaane
    Inuu Musdafe Nabigaadi yahay aaminkii Muxamed (SCW)
  • Adiguna Macbuudkeenni tahay waa midaan qiraye
  • Mulkigaadu weynaa Rabbiyow doqon uun baa mooge.
  •  
  • Midabkoodu waayaha  adduun  gelinba waa muuqe
  • Waa murugo mar ay kuu tihiyo maalin faraxeede
  • Dhaaxaan ayaan maahsanaa sida majnuunkiiye
  • Dhaaxaan manfacii quudka iyo muufadii nacaye
  • Dhaaxaan maskaxda shiilayoon mariyay suugaane
  • Dhaaxaan digniin meela iyo miisay waanadaye
  • Mas’alooyin dhaaxaan rogrogay mustaqbalkeenna ahe
  •  
  • Maalik weynow dhaaxaan ducada Yaa Mannaan iriye
  • Muuqaalkii aan filanayoon muddada dhowraayay
  • Ma la gaaray meeshaan rabiyo waxan maleynaayay?
  • Ma gilgilatay magaaladii ba’daye  nacabku miineeyay?
  • Inuu shacabku wax maquunin karo maanta ma caddaatay?
  • Nimankii musiibada  ahaa sow ma liqin moolku?
  • Mowjado rogmada sow ma helin maanyo hirarkeedu?
  •  
  • Nabsigii mijaha sow ma qaban miigna uma taagin?
  • Sow maro-daf lama eedin iyo mudullo baarbaarad?
  • Sow lama matagin doollarkii marrasta loo laayay?
  • Sow ma mirqin mid kireysan iyo macangag yaahuu ah?
  • Mooryaantii sow lama qabqaban macashu dheeraatay?
  • Maandooriyiyo sow ma bi’in  munkarkii faafaayay?
  • Meles meeshuu soo muudi jiray sow iskama moosin?
  •  
  • Malqabadda kuwii dafi jiriyo macawis duugowday
  • Markii jirri marqaan waalay  iyo Murux la raacdeeyay
  • Marinadii ay tuugadu xirtee looga kala maagay
  • Sow dariiqyadii lama marmaro mirir bir loon oollin?
  • Sow jidgooyadii lama masixin meherad qaar mooday?
  • Sidii maalin ciideed dadkoo farxad la muusooday
  • Maashaa- Allee sow Muqdisho lama mushaaxaayo?
  •  
  • Maangaabkii la hubeynayee mindiyo loo dhiibay
  • Ee maxastay dabargoynayeen lagu masruufaayay
  • Waa mahade Mukulaal madow sow macaluulin?
  • Madaarkii diyaaradaha iyo meeshii laga quustay
  • Dekeddii maraakiibtu sow maal ka rogi meyso?
  • Maatidii la dhibay sow Cabdow leyri mari mayso?
  • Dhagaheennu waxa ay maqlaan sow mashxarad ma aha?
  •  
  • Middii uu Ilaahey na faray meel u wada jeesad
  • Muwaafaqadu iney guul tahaan dhaar ku marayaaye
  • Miraheedi waa taa la guran  maalmo gudahoode
  • Mashaa’ikhdiyo sow culimadii la marxabbeyn maayo?
  • Sow masaajiddii lama cammirin mowlacyadii diinta?
  • Cadowgii na maagmaagi jiray sow madluun ma aha?
  • Annaguna Maqsuud sow ma ahin muranku waa ceebe?!
  •  
  • Bulshayahay miskiin baad ahayd marag Ilaaheeye
  • Mashaqadu markeey kugu dhacdayeed meehannaabaysay
  • Colaad  waa musiibee markey xaajo kaa murugtay
  • Waa lagugu maadsaday adoo meyd ku hoos yaalle
  • Mucaawino ifkaan laguma arag madfac la tuura ahe
  • Mallaariyada waa yaab la yiri Mootarkow roone
  • Micnihiisa garo  Miin dhibco leh waan maldahayaaye ?!
  •  
  • Mabda’ beena iyo maal adduun malafsi aan raagin
  • Adigoo mashquul ku ah murdinta malas ku hoos taalla
  • Yaa lagu muraaddeyn lahaa waadse moogtahaye
  • Dhulkey maqashu kuu daaqdo iyo beerihii mooska
  • Milkigiisa waxa loo tartamay meeshad huruddaaye
  • Haddaan maya Ilaahey dhaheen mandaqaddoo iibsan
  • Marti inaad ku noqon layd adaa ii marqaati ahe !!!
  •  
  • Maantana halkaad gaartayee laga maseyraayo
  • Muruq laguma keenine Allaan mahadineynaaye
  • Muluqmuluq  iyadoo aan la galin  talo ma-dhaafaan ah
  • Waxba yaan maqaarsaar la shirin maahsaniyo tuuge
  • Waxba yaan mariid nalagu dhihin waa macaanyahaye
  • Waxba yaanan marinkii la dedin guusha loo maraye
  • Rabbi magane aan malabsannee  Musxafka taageera.
  •  
  • Mooskiyo Mareykan ma rabaan Yurub ma yeeleyso
  • Waa mataatac hadalkiisa iyo sheeko maraxeede
  • Waan madaxbannaannoo maxmiyad ma ahin tooda ahe
  • Iyaguba waxay maagganyihiin waw muhiim sir ahe
  • Munaaqishana kama yeelannoo waa mamnuuc abide
  • Waxba yaan Malyuun deeq ah iyo layna siin maale
  • Ninba waa middiisee war aan teenna meel marinno
  •  
  • Mu’aamaraddii ay nala rabeen iyo muraadkoodii
  • Marxabbiyo markii aan ku niri maafiyoy yeelnay
  • Mujrimiinta kuwii noo xulee mirayay hoygeenna
  • Midkii naga dhaqaaqaba qolyihii gooyay madixiisa
  • Marwooyinka kuwii laayayee  mudaneyaal dooxay
  • Miimii qofkii wali u lihi weyska maac yiriye
  • Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise.
  •  
  • Masaaliix in la is dhaafsadaa  waa mubaax duniye
  • Ha yeeshee nin qaan kaala maqan oo mag kuu diiddan
  • Oo wali magliyo soo watoo ku leh mar ii seexo
  • Miyir ruux leh waa waxanan qaban sidan maleeyaaye
  • Dad maquuno lagu maalo oo dhaqankii maarreey leh
  • Maxbuusiin inaannaan ahayn mooro ugu owdan
  • Haddey nimanku maan leeyihiin saaka  yow meersha.
  •  
  • Inkastoon mas’uul nahay isagaa kownkan maamulaye
  • Qaaddirka haddaan  magan galloon maqalno qowlkiisa
  • Haddaan noqonno Muslimiin dhaboo sunnaha maamuusa
  • Waa mugdi qabyaalade haddaan meel isaga tuurno
  • Midnimaa wanaag lehe haddii aan  la kala miirmin
  • Haddii masaska aan didinno iyo mici ku dhiigloo dhan
  • Hadduu maanku taliyoo la naco muhallig qowsaar ah.
  •  
  • Midkanaa i xiga iyo haddaan mudmudka reer dayno
  • Haddii kii maslaxaddeena wada aan mudnaan siinno
  • Haddaan xilku wax nacas muudsadiyo noqonnin maaweelo
  • Oon sida macaashkii la dhuran  hanti malaayiin ah
  • Caddaaladdu haddey muuqatoo xaakin  miisaamo
  • Muxibbiyo kalgacal inuu imaan waa mid aan hubeye
  • Inuu muuqan magaceenni dhumay  waa midaan  hubaye
  •  
  • Ma hubeysnid inaan la is lahayn waa mid aan hubaye
  • Macaluul in lagu diimayaa waa mid aan hubaye
  • Iney gurmad masaakiintu heli waa mid aan hubaye
  • Madaariistu iney badanayaan waa mid aan hubaye
  • Maatidu iney wada duceyn waa midaan hubaye
  • In shisheeye laga maarmayaa waa mid aan hubaye
  • Mowlana inaan hiil ka heli waa mid aan hubaye.
  •  
  • Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise
  • Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise
  • Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise.

                     ---  Dhammaad  -----

Inj. Maxamed Cali Cibaar

Delft, The Netherlands

Mohamed_ebar@hotmail.com 

Diktoor Jaahil : Qiimaha ay aqoontu leedahay waa mid aan la qiyaasi karin oo

Faafin: SomaliTalk.com Sept 7, 2006


Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD