SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

 

Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa ahayed maamihii u danbeeyey mid mashquul ah ayna ka socdaan howlo isugu jira dejin, shubid shiidaal iyo dhoofinta xoolaha nool... 

Hadaba si aan wax uga ogaano arimahaas oo dhan ayaan waxaan soo booqanay Khamiistii (Sept 7, 2006) iyada oo amaankeeda si weyn ay u sugayeen ciidamada midowga maxaakiimta oo suurta geliyey furitaankeeda iyo in ay dib ugu howl gasho dekeda weyn ee magaalada Muqdsho ,waxaana indhaheygu qabanayeen iridaweyn mar aan taagnaa dadka oo laga reebayo hubka sida tooreeyada iyo bakooradaha oo meel la dhigayo  ka sokow tubaakada iyo sigaarka  oo iyaga qashinka la raacinayo ayna ogolyihiin dadkii sitey ,

Intaa ka dib waxaa ku xiraa dekada weyn 5 markab oo waaweyn oo u kala rarnaa ganacsato somaliyeed iyo hay.ada WFP oo deeq raashin ah oo ka koobneyd galay ,masago,iyo digirta waaweyn oo somalidu u taqaano beebeesheega  u keynta umadda somaliyeed waxaana loo xilsaarey howshaas baaxada weyn mas.uuliyiinka tirsan maxaakiimta shareecada ,

Intii aan ku sugnaa halkaa ayaan waxaankula kulmey dekeda dhaxdeeda Cali Xasan Abuukar oo ka mid ah naafada xoga dalka Somaliyeed ee degan isbitaalka Dmartino ee magaalada Muqdisho waxaana uu ka waramay sida ay ula muuqato isaga howlaha ka socda iyo guud ahaan magaalada Muqdisho ,


Cali Xasan Abuukar | Mustafa adan xuseen |

“Cali Xasan Abuukar ilaahey ayaa mahadleh oo dib inoogu furey dekadii 11 sanno naga xireyd waxaana hada dhexjoogaa dekeda weyn gudaheeda waxaana I muuqdo raakiib ilaa 5 garayso mid shiidaal ka degayo mid mucaawino ka dageyso kuwo ganacsato u raran oo si nabad galyo leh ula degayo alaabadooda isugu jirta bagaalka iyo raashin iyo markab kale oo dekeda banaankeeda yaala oo aan weli soo xiran waxaas oo dhan waxey ku yimaadeen wax qabadkii maxaakiimta islaamka sidaa daraadeed aad again ugu hambalyeynayaa aniga oo halkaan fadhiyo ayaa diraaradu soo degtey marakiibtiina waan aragnaa taasuna waa ilaahey mahadii aniga iyo dadki wax soo arki jiray howsha aad wadaan waan soo dhaweyneynaa in badan ayaan hurudnay hada ayaan hurdadii ka kacnay ,

ugu danbeyntii ayuu  Cali Xasan Abuukar oo ka mid ah naafada xooga dalka somaliyeed ee degan isbitaalka Dmartiino  sheegay ujeedada ugu weyn ee uu u yimid dekede in ay tahay  farxad weyn oo uu sariirtiisa la joogi kari waayey taasoo ku keliftey in isaga oo cuuryaan ah oo gaari saran ay tahay arxada dekeda ka muqata in aan indhaindheeyo oo aan farxdaa Somali oo dhan la qeybsado isaga oo baaq u soo jeediyey dadkii dalka ka baxay in ay dib ugu soo laabtaan kana qeyb qaataan dib u dhiska dalka sida bangiyada ,wasaaradaha ,wakaaladaha isbitaalada ,wadooyinka ,iyo guryaha dadka sida gaarka ah u leeyihiin oo uu sheegay in ay socoto howl iskaa wax u qabso ah , 

Mustafe Adan Xusen oo ka tirsan shaqalihii hore ee dekada ayaa sheegay in uu  ku faraxsanahay in uu  manta dib usoo galo 11 sanno ka dib asaga oo  rajeynayo in uu  dib u bilaabo shaqadaydiisii uu ka qaban jirey dekeda waxuuna ka tirsanaa shaqaalaha joogtada ah ee baqaaraka 2 aad . 

Howlaha dekeda ayaa u socday si howli ah sida tirinta ,dejintata ,bixinta ,iyo waxyabaha la mid ka ah sida hantida loo kala saaro , waxaana shaqeynayey shaqaalihii ka soo wareegay dekeda dabiiciga ah ee ceel macaan . shaqaalihii joogtada ahaa iyo kuwii Temporary ku ahaa dekeda ayaa waxaa lagu wadaa diiwaan gelin sida aan ku arkay xafiiska hoogheyta maareeyaha dekeda hortiisa shaqaale saf ugu jirey in ay dib isu qoraan .

Muuse Maxamud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Mogadishu  Somalia
002521576666/002521653623

Faafin: SomaliTalk.com Sept 8, 2006


Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD