SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Warqaddii uu Coleman u Diray Masjidka Abuubakar

Senator Coleman oo Cambaareeyey dab la qabadsiiyey masjid ku yaal Minnesota

Warqad uu Senator Norm Coleman u qoray agaasimaha masaajidka Abubakar Al Sadiiq Imaam Abdirashiid Hassan iyo jamaacada masaajidka ayuu Senatorku ku bilaabay:

Waxaa aad ii dhibay iina murjiyey dabka waxyeeleeyey masaajidka aroortii khamiiste ee bisha August ahayd 24. Waxaanan rajaynayaa in la helo kuwa ku kacay fal denbiyeedkaas shariga lala tiigsado weliba sida ugu xoogan sharciga ciqaabta la marsiiyo

Senator Coleman waxaa kale oo uu warqadiisa ku yiri" Reer Minnesota waxa ay had iyo jeer ahaayeen kuwa soo dhoweeya dhamaan diimaha kala duwan iyo dhaqamada kala duwan waana taas waxa fal denbiyeedkan lagula kacay Masjidka Abubakar Al Sadiq aan loo aqbali karin"

Senator Coleman waxaa uu soomaalida Minnesota ku sifeeye dad sharaf leh oo wax soo saar leh oo aanan laga horjoogsan karin inay gaaraan hadafkooda ayagoo u maraya hab wanaagsan oo ay xaqooda ku raadsadaan (constructive civic involvement).

Seantor Coleman oo warqadiisa uga hadlaya sida bulshada Soomaaliyeed ee Minneapolis uga shaqeynayaan danta guud ee magaalada iyo inay wanaag ku biiriyaan Minneapolis waxaa ka mid ah dadaalada ay ka wadaan masaajidka Abubakar Al Sadiiqoo looga dan leeyahay in dhalaanka Soomaaliyeed lagu hagaajiyo laguna caawiyo.

Senator Coleman waxaa uu warqadiisa ku cadeeye sida uu ula safan yahay shacabka Soomaaliyeed ee Minnesota waxaana uu yiri "Fadlan ogaada waan idinla jirnaa mana jirto awood sharwadayaal oo naga horistaagi karta ujeedada aan wadaagno ee mustaqbalka"

Senator Coleman waxaa uu ku soo gebo gabeeyey warqadiisa inuu muujiyo sida uu uga xun yahay kutubta la gubay iyo sida uu ugu faraxsan yahay in jameecada uusan qofna wax ka soo gaarin dabkaas. Waxaa kale oo uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo bulshada Soomaaliyeed iyo wax qabasho ku saabsan danta aan wadaagno.

Warqadii uu Senator Coleman u Diray Guddiga Masjid Abuubakar ee Minneapolis (pdf)

Isha: Xafiiska Senator Coleman

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2006