SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Mohamed Abdulle Hassan ; Shaqsi naadir ah; waxa qoray joornaalka (La Nation) ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo afka Fransiiska ku soo baxa.

Waxa tarjumay : C/LLaahi Max’ed 
Email :
abdimoh@hotmail.com

Ku xiriirsan Qaybtii 1aad...

Sheeko soomaali la bagac baxday   « goolcas iyo Lax » ayaa si wanagsan u ga turjimaysa u hanqaltaagida xornimada iyo madaxbanaanida uu Mohamed Abdulle Hassan tusaalaha ku dayashada mudan u yahay.

Gool cas ayuu ku soo dhawaatay xeeyn ido ah, mid ka mid ah idahii oo buurnaa aadna u culus una bogtay quruxda Goolcasta jeclaan lahaydna in aay la joogto, ayaa bilowday in aay Goolcasta cashar u dhigto.

Waa sidee xaalka qooskiina ( hadaad reer Goolcas tihiin)? marwalba waad walwalsan tihiin, heegana ugu jirtaan sidii aad isku badbaadin lahaydeen, Aadanaha ayaa idin u gaarsanaya, midaa badalkeeda anaga, waa nala xanaaneeyee, nala difaacaa na loona ka xeeyaa meelaha ugu daaqsin wanaagsan sidaana waxa inoo sameeya dadka ina dhaqda.

Laxi ma fahmi karto, ayey ku jawaabtay Goolcastii. Qoyskeena iyo kaada meelna isakama eka. Waxaynu nahay caruurtii xoriyada dhul waasicana ku nool. Aniga waxan door bidayaa in aay naftu iga baxdo anigoo isku badbaadinaya xawaare sare intii Aadane  I dhaqan lahaa cunto igu daldali lahaa ilaa aan ka cayilo ka dibna uu I dili lahaa caruurtaydana  xasuuqi lahaa. Caqligaygu caqli laxeed ma’aha.

Rabitaankan adag ee xornimo & madaxbanaanidoonka oo aay Goolcastani ku taamayso  waxay hurisay Sayidkii, isagoo dadkiisa hogaaminaya, hardan la galo kii ugu adkaa la galay kuwii soo duulay kuwaas oo ku dhaqaaqay olale dagaal dhul bad iyo cirba si aay isaga iyo kacdoonkiisaba cagta u mariyaan iyogoo isbahheeysi  galay isu keenayna awood tii ugu sareysay. Awoodaasoo aan isaga cabsi galin haba yaraatee, maxaa yeelay wuxuu ku muujiyay gabay. 

Isagoo aay goobgoobayaan cadow aan naxeenin, hub kii ugu danbeeyayna ku hubaysan, jiho walbana aay  ka soo weerarayaan askar midabo kale duwan, Tan iyo inta aan noolahay qalbigaygu cabsi galimeeyso. Ruuxna afkayga kamaqli maayo erayga kuu hogaansamay.Ummadd dagaalyahana, ummaddii suugaanta, dadka soomaaliyeed dhamaantood ma awoodaan waxan ahayn in aay u bogaan xurmeeyaana Sayidkii tusaalaha dhameystiran u ahaa fikradooda xornimo iyo badaxbanaanidoonka ah.

Taasina waa sababta aay dadka soomaaliyeed u raaceen ayagoo waxba aan la harin wadadii adkeed oo uu usoo bandhigay. Tani waxba uma dhimeeyso  kartidisa dhifka ah ee hogaamiyenimo hadii aan muujino in aay jirto iscaawin iyo is ogolaansho layaableh una dhaxeeysa Mohamed Abdulle Hassan iyo dadkiisa, dadkaasoo muujinaya u bogitaankooda cadaynayana xurmada aay u hayaan Sayidkii rogrogi jiray hadalka sidii uu u rogrogi jiray hubka.  

Hub culus oo war isgaarsiineed, dagalyahan geesi ah, Mohamed Abdulle hassan waa gabyaa weeyn, gabayadiisa qotada dheer wuxuu u isticmaalay qadiyadiisa waxayna u eg yihiin gabayadii reer celte (dadkii inta badan Yurub xukumi jiray qarnigii 1000 aad taariikhda Nabi Ciise CS hortii) una dabaaldagaya halyeeyadoodii iyo guulihii aay gaaraan.

Waxa uu tirayaa gabayo cajiib ah oo kiciya dareenka dhageeystayaasha, isla markiina la xafidaa oo aay dadku isku gaarsiiyaan af ilaa dhag afarta jaho ee wadanka. Hadii hab samayska gabaygu uu farxad galiyo dadka gabay-yaqaanada ah, nuxurkiisa wuxuu la yimaadaa baaxad weyn oo uu isku badalaa hub culus oo war isgaarsiineed oo awooda gumeystaha lagu burburiyo.

Dhab ahaantii gabayada Mohamed Abdulle Hassan weey ka qoto dheer yihiin gabay oo kaliya, Waxayna xambaarsan yihiin fariin digniin ah iyo damaca gumaystaha oo aad moodo in uu maskaxdoodo soo daalacday. Gabayadan xad dhaafka ah oo ku kala duwan dhacdada aay ka hadlayaan, erayada hodanka ah oo uu isticmaalaya ayaa ka dhigaya mid adag in si sahal ah loo fasiro.

Ayadoo aay sidaas tahay ayaa waxa jiray , kuwo isaga ka soo  horjeeday, qaarkood aay yihiin hogaamiye dhaqameedyo ama diimeed, dadka noocaan ah waa kuwa aragti dheer aan lahayn, difaacayana darajo ama  danahooda qaaska ah una arka awooda Daraawiishta in ay Qatar ku tahay. Kuma aayan dhicin in si toos ah aay u muujiyaan cadaawadooda ama u babac dhigaan xooga Daraawiishta, waxayse kula dagaalami jireen ayagoo ku daba gabanaya hiil iyo hoona siinaya cadawgiisa (Gumeystaha Ingiriiska). 

Sayidku wuxuu ahaa mid gacan bira kala hortaga kuwa u adeega cadawga qatar galinaya wadajirka ummadda, mana uusan u dulqaadan jirin qaa’inu-wadan iyo kuwa lugooya qadiyada uu aaminsanaa in aay u tahay muqadas soomaali oo idil. Hadii gacantaada midig aay ku qayaanto goo oo meel fog ku tuur, tani waa dhaqan ka mida dhaqamadiisa. Nin adadag oo aan u turin ciqaabta iyo xeerka u yaalana la tiigsada shaqsi walba oo si kas ah u dayaca balamadii uu galay ama khalad ula kaca sameeya isagoo aan loo eegeen darajadiisa iyo meesha uu ka soo jeedo, tani waxay ka mid tahay tilmaamaha aay nimankii isaga ka soo horjeeday ku tilmaami jireen sida nin ma naxa ah oo kale, iyagoo iska indha tiraya sababta aay ku dhacday in arinta halkaa gaadho.

Xukunkan adag wuxuu Sayid Mohamed Abdulle Hassan ku riday wiilkiisii uu isagu dhalay, mar gudi uu ka mid ahaa loo saaray in aay xukumaan ciqaabna mariyaan han dhaqankii wiilkiisa , wiilkaasoo lagu helay in si dayaca aay uga baxsadeen goor habeena koox maxaabiisa uu ilaalinayay . Danbi cawaaqib xumo weeyn leh, baxsashada maxaabiistan waxay ingiriiska u sahlaysaa in uu helo war xogeed qiimo leh oo uusan abid heli lahayn qasaare culus oo naf iyo maal ah ka soo gaari karta Daraawiishta kuna saabsan, awooda iyo meelaha aay ku kala suganyihiin Daraawiishta.

Sayidku  waxay la noqotay in danbi intaa la’eg ciqaabteedu aay tahay un dil, sidaa ayuuna ugu dhawaaqay xukunkaa uu ku ridayay wiilkii uu isagu dhalay. Wafdi la xurmeeyo oo Daraawiishta ka mid ah ayaa u timid Sayidka xusuusiyayna in wiilka uu xukunku ku dhacay uusan ahayn cid aan wiilkiisa ahayn, kana dalbaday in xukunka laga qafiifiyo. “ Adinka xor ayaad u tihiin in kalgacal uu idin qaado marka wiilashiina danbi aay galeen laga xukminayo, hadiise aad rabtaan kala danbeyn iyo is ixtiraam in ummaddu aay ka dhex jirto, sameeya sidii dhamaan aan u ahaan lahayn kuwa siman cadaalada horteeda”.

Halyeey qaran, waxa halkani ka soo if baxay shaqsi soo jiidasho leh shaqsi iimaankiisu iyo fikradihiisuba aay yihiin awood iftiimaya taas oo uu ku soo jiitay ummadd abaal uga haaysa u hanqaltaagidiisa qotoda dheer ee xornimo iyo sharaf difaaca ah, laakiin waxay tani walwal iyo gariir ku reebtay kuwa ku yimid badii ceeryaamada badneeyd ee Yurub, ama ka soo dhaadhacay buurihii abasiiniya  una yimid in aay af iyo adinba  ka xiraan ummaddan Alle ee xorta ah, si sahal ahna dhulkooda ula wareegaan. 

Shaqsi cajiib ah, awoodiisa dagaalyahan-nimo marka lagu daro mida istiraatiijiyadeed waxay amakaak ku riday cadowgiisii ka soo horjeeday, waxayse farxad iyo reeynreeyn u ahayd  kuna  karaar qaadan jiray isaga iyo asxaabtiisa. Liite adoon Alle ah, nolol maalmeedkiisu waxay ahayd ku dhaqanka sida ugu adag diintiisa uu amminsanaa. Dhacdadan yar ama taaladii weyneyd ee bronze ah (nooc biraha ka mid ah) oo aay ummadda soomaaliyeed Muqdisha uga taageen xusuustiisa , beertii xoriyada  ayaa muujinaysa dhimashadiisa ka dib in uu yahay lama ilaawaan.

Mudo ku dhow 15 sano geeridii Sayidka ka dib, ayaa mid ka mid ah dadkii aadka isugu dhawaayeen lana shaqeyn jiray isaga, Ismaaciil Mire gabyaana ah waxa su’aalo weydiiyay shaqaale ingiriisa, turjumihii soomaaliga ahaa ee aay ingiriisku wateen ayaa isagoo caga jugleynaya amar ku siiyay Ismaaciil Mire in uu isticmaalo erayga sir (mudane) marka uu gaalka u jawaab celinayo ; Ismaaciil Mire Allaha u naxariistee wuxuu ku jawaabay " Sayidoow afkii aan ku iri sir ku oran mayo. " ("  La bouche qui a prononcé le nom de sayed ne prononcera jamais le mot sir. ")  

Joornaalku wuxuu soo xigtay buuga lagu magacaabo (MOHAMED ABDULLE HASSAN ; POETE Et GUERRIER DE LA CORNE DE L’AFRIQUE),  

MOHAMED ABDULLE HASSAN ; GABYAAGII IYO DAGAALYAHANKII GEESKA AFRICA, oo aay qortay haweeneeyda la yiraahdo  Nicole Lécuyer-Samantar. 

Dhamaad

Kulaabo Qaybtii 1aad...

Waxa tarjumay : C/LLaahi Max’ed 
Email :
abdimoh@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 12, 2006


Kulan diineedkii Lixaad ee Muslimiinta W/Ameerika....

Halkan ka akhri warbixinta sida uu u dhacay kulankii Musliimiinta W/Ameerika... GUJI...

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD