SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle iyo Cali Xaashi.

  • Cali Xaashi: (Habaar Owliyo wuxuu qabaa ha iyo wow reeb ah)
  • Abshir Bacadle: (Hana igu hadadin Owliyee qaadirka u hiili)

Cali Xaashi ayaa Gabay ka tiriyey Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle), waxa uuna gabaygaasi u dhignaa sidatan:.

  • Abshirow warkaan kaa helniyo hadaladaad sheegtay.
  • Hamigeena kuma jirin inaad noola hawooneysid.
  • Taariikhda wuu kaa haleyn hadalka qaarkiise.
  • Hilibkeeni baad goysayood halacsanaysaaye.
  • Gacalkaagta lama hiifo maysidoo wa habeen tagey.
  • Heyb kalane helimaysidoo waan habeen tagaye.
  • Ayagaa kuu dhannoo kuu tol ahoo lama huraankiiya.
  • Nin hunguri horkuuguma aqoon haatanse anmoogi.
  • Halgankayagii Yunisoom adaa noo horeyn jiraye.
  • Dib inaad u haakowsataa kuuma habooneyne.
  • Dadku waxay ku haasaawayeen sooma aan hubine.
  • Habaar owliyo wuxuu qabaa ha iyo wow reeb ah.
  • Hantidaad laheyd meeday sow hadalku dow maaha.
  • Haad haad maxaa kaa dhigoo la hirgisaysaa.

Jawaabtii Abshir Bacadle

  • Cali Xaashiyow hadalku waa kaa habeensadaye.
  • Anigu hiil rabigeybaan ahay waana la hubaaye.
  • Waxaa hoogayoo ba’ay wixii gaal u howl galaye.
  • Iyo kuwii u hiilinahayoo heyb ku daba joogay.
  • Hogga maalintii lagu riday khabar helaayaane.
  • Adduunyadana ku hungoobe waxay ku haminaayeene.
  • Ka heyruube meeshey khalqiga ku handadaayeene.
  • Haad geed waayey sow lagama dhigin hadura gaabgaabti.
  • Himbiriirsi iyo waan la rabay hogasha ceebeede.
  • Ka huleele Xamar aakhirana howl kalaa sugiye.
  • Hagooga xun hadey magangaleen hoos allow celiye.
  • Haddaabay falkiyo haykalkii ka harqinaayaane.
  • Oo mayd u heybinahayaan hanasho guuleede.
  • Iyagaa hantool iyo ku ridi god iyo hadaane.
  • Oo hilib ka cuni waa waxay ku haminaayeene.
  • Halkaasuu ku sugi goor dhawoo hiihah loo tumiye.
  • Halgankeeni Yunisoom kufribaan wada halgaadeynay.
  • Adinkaa haloosigii ka lumay nagu haboonaaye.
  • Nin walibana hadafkuu lahaa aakhiruu heliye.
  • Habaar waxaa ahoo lagu hubaa mayd gacmo u hoorsi.
  • Hana igu hadadin owliyee qaadirka u hiili.
  • Hawo been ah waa wixii tolkey hodaye sow moogid.

    waxaa soo tabiyey Amiin Yuusf khasaaro

    E-Mail E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2006


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD