SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)

Qore: Mohamed I Osman

Mahad Dhammaanteed Alle SW ayay u sugnaatay, Nabad galyo & Naxariisna  Nabigeennii Muxamed ahaa Dushiisa Alle ha yeelo, iyo Ehelkiisii iyo Asxaabtiisii.

Ugu horrayn waxaa inagu soo fool leh BISHII BARAKAYSNAYD EE RAMADAAN waxaanan isu dardaarmaynaa inaan bishaan FADLIGA badan ka faa'iidaysano, oo aan ku soo dhawayno sidii la ina faray iyo Quraan akhris iyo Danbi dhaaf dalab.

Marka labadaad, Waxaa halkan Tacsi uga diirayaa dhammaan eheladii iyo Asxaabtii ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf waayay qarixii Argagixiso ee Ismiidaaminta ahaa ee lala Beegsaday Madaxwaynaha Soomaaliya waxaanan leeyahay Samir iyo Iimaan Alle ha idinka siiyo, Intii dhimatayna Alle waxaan uga baryayaa inuu Janadiisii ka waraabiyo.  Intii ku dhaawacantayna Alle Caafimaad Taam ah ha siiyo.

Akhriste, Waxaan jeclaan lahaa inaan wax yar ka qoro, Arrinta Waddanka Somalia ku cusub ee dhawaan ka dhacday Xarunta DKFS ee Baydhabo.

Akhriste, Dhawaan waxaa ka dhacay Magaalada Baydhabo Fal ismiidaamin ah (Intixaar), kaas oo lala beegsaday Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Magaaladaas, Haddaba Akhtise, waxaa is waydiin Mudan, Ismiidaamintu maxay ka qabtaa Diinteenna Muqadas ka ah.

Mudane, Nabigeenna SCW wuxuu inoo sheegay in qofkii Naftiis dila, lagu cadaabi doono isdilkiisii isagoo isku dilaya wixii uu isku dilay iyo qaabkii uu isku dilay illaa laga qaaro Qiyaamaha.

Akhriste, haddaynu sidaas u ognahay in ismiidaaminta aysan diinteenna ku bannaanayn, Maxaa ku kallifay Qofka is qarxiyey inuu naftiisa Adduun iyo Aakhiraba halligo ? 

Haddaan usoo noqdo Maqaalkayga, Sidaan ognahay, Maalinnimadii Isniintii 18 Sep 2006 waxaa magaalada Baydhabo ka dhacay Fal aan Diin Islaamka iyo Dhaqankeena diinta ku salaysan aan shaqo ku lahayn, kaas oo ahaa INTIXAAR (IS MIIDAAMIN) uu qof naftiisa Hallige ah isku qarxiyey kolonyo Baabuur ah oo galbinaysay Madaxwaynaha Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf, Qofkaas wuxuu soo abbaaray Gaarigii Madaxwaynaha Halkaas oo ay ka dhacday Khasaaro wayn, Balse Alle uu ka badbaadiyey Madaxwaynihii Waddanka, Qaraxaas warkiisa maadaama aynu kadharagsan nahay ku dheeraan mayo, ee waxaan rabaa inaan wax yar ka dhoho sidii looga dareemay Dunida, Gaar ahaan jawaabihii ay ka bixiyeen dadkii ay Madaxwaynaha siyaasad ahaan isaga soo horjeedeen.

Haddaan soo qaato Sh. Shariif oo ka mid ah Maxkamadaha Muqdisho oo ay waraysatay British Broadcasting Corporation Qaybteeda Soomaaliga, Wuxuu sheegay in Falkaas ay ka dambeeyeen Dad uu ku tilmaamay Cadawga Soomaaliya uuna soo qaatay Dalka Ethiopia, Hase ahaatee aan afkiisa laga maqal inuu ka xun yahay Falkaas iyo Tacsiyayn midna, iyadoo halkaas lagu weeraray Xubintii ugu sarraysay Dalka siyaasad ahaan haba isaga soo horjeedeene, markii la waydiiyey sidee u aragtaana uu uga baxay Dhibaato ayay sii hurin kartaa, haddaba maxaa u diiday in uu u tacsiyeeyo dadkii Halkaas Dhibaatadu ka soo gaaray iyo dadkii ay ehelkoodu ku dhinteen ? Maxaa u diiday inuu canbaareeyo Dadkii Falkaas gaystay uuna caddeeyo in Falkaas uusan wax qiil ah diinteena Muqadaska ah ku lahayn (in la isku qarxiyo Qof  Muslim ah) ?. Arrimahaas oo dhan waxay keenayaa shaki ah in Arrintaas ay wax ka ogaayeen Madaxda Maxaakiimta Muqdiso oo ay Raalli ka ahaayeen amaba dhab ahaan uga dabeeyeen.

Dhinaca Waqooyi Galbeed Soomaaliya, Maamulka ka jira Halkaas iyagu soomaba hadal qaadin Dhibkaas dhacay, Iyadoo aad mooddid in Nacayb ka Soomaalida uu ku sii badanaayo Madaxda Waqooyi Galbeed, Taas oo gaarsiisay inaysan uba damqan Dhibaatada soo gaartay Dad Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Cirka (Xaabsade) oo isagu ka mid ah dadkii ay maalmihii ugu danbeyey Xurguftu kala dhexeysay Madaxwaynaha Dalbadayna inuu isaga boxo Magaalad Baydhabo, ayaa ka hadlay sida uu u la muuqday Isqarxintii ka dhacday Baydhabo wuxuuna yiri " in la isku dayo in lagu qaarijiyo Madaxweynaha iyo Dowlada Federaalka sharafteeda iyo karaamadeedana lagu baabi'iyo aad baan ugu xumahay waana kasoo horjeedaa, waxaan ka tacsiyadaynayaa dadkii halkaasi ku dhintay eheladooda dadkii ku dhaawacmayna ilaah ha caafiyo, falkaasi waxa uu ahaa fal Soomaaliya ku cusub waana shirqool lasoo maleegay oo ay ka danbeeyeen cadaw shisheeye, Wuxuuna sheegay in Ciddii ka danbaysay ay gacan bir ah ku qaban doonaan."

Culimaa'udiinka Ehlu-Sunna wal Jamaaca ayaa iyaguna si wayn uga hadlay sheegayna in wixii meesha ka dhacay ay ahaayeen Fal uu sheydaan ka shaqeeyey, aan diinta Islaam kana shaqo ku lahayn, Ciddii gaysatay, iyo Ciddii ka danbaysayna uu Alle kala xisaabtami doono, Ayna u Tacsiyeeyeen dadkii dadkoodu ku dhinteen, kuwii ku dhaawacmayna ay Alle Caafimaad uga baryeen, Kuwii dhintayna ay Alle Naxariistiisa iyo danbi dhaaf uga Baryayaan.

Haddaba, maxaa sidoo kale looga waayay Jawaab arrintaas ku saabsan Kooxda Itixaad oo ayaantaan labaxday MAXKAMADAHA ISLAAMIGA AH ay arrintaas uga jawaabi waayeen ? Maxay dadkii wax ku noqay Alle Caafimaad ugu waydiin waayeen ? Maxay ? ? ? ?.

Isku soo wada duub, waxaa halkaa ka muuqda in Madaxdii Maxkamadaha iyo Ururka Hogaamiya Maxkamadahaba aysan jawaab Macquul ah ka bixin, in Jawaabtoodu shaki kale sii abuurtay maahane, ayna u muuqdaan in ay arrintaas la dhacsan yihiin.

Ugu danbayn tii waxaan usoo jeein lahaa dadka Soomaaliyeed in ay iska ilaaliyaan wax yaalaha aan diinta Islaam ka meelna ka soo galin ee ku cusub amaba aan dhihi karno (DIINTA CUSUB), ee laga soo safrinaayo dunida Dacalladeeda.

Alle  waxaan ka baryaynaa inuu Tawfiiqda ina waafajiyo Danbi Dhaafna na siiyo.

 
Mohamed I Osman
Gaalkacyo@Gmail.com
Gaalkacyo - Somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2006

.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya | Ingiriisi

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD