SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Afgooye, Shalaanbood, Baraawe, Kuntuwaarey, Sablaale, Qoryooley, Awdheegle iyo Marka: Degmooyin dulman!

Rabi ayaa mahad iska leh. Naxariis iyo nabad galyo nabi Maxamed Korkiisa ha ahaato.

 

Ahmed Ali Diiriye.
guled22@hotmail.com

 

Xaalada Soomaaliya waxay aheyd baryahaan mid aad u qasan, si lama filaan ahna wax walba isu badalayeen.Laga soo bilaabo markii ay ka qarxeen Mogadisho dagaaladii u dhexeeyay qolyaha Maxkamadaha iyo nimankii isku magacaabay argagixiso la dirirka, siyaasada Soomaaliya cago kuma fadhin. Xiligaas wixii ka danbeeyayna Soomaaliya maalinba maalinta ka danbeysa waxay ku sii siqeysay dagaalo sokeeye oo lagu hoobto, saameeyn weyna ku yeesha dhamaan Soomaaliya.

 

Dad badan oo Soomali ah una riyaaqsan guulaha laga gaaray dagaaladii la gala hor yimid nimankii sharka ahaa ee Soomaaliya halakeeyay, ayaa hada waxay is weydiinayaan hadii cadaaladii shaqeysay dadkiina heleen wixii ay raadineyeen ee ahaa inay maalin arkaan hogaamiyayashii Mogadisho oo mar uun ka maqan talada magaalda Mogadisho. Maxaa loo waayay in deegaanada ay ku amar taagleeyaan nimanka hada qaarkood horseedka ka u yihiin Maxkamadaha ay ugu wareejin la'yihiin dadkii deegaanadaas u dhashay? Waa su'aal mudan in jawaabteeda si sax ah loo wajaho si loo helo jawaab ku haboon.

 

Waxaan maalin walba maqalnaa: waa in la helaa cadaalad, sinaan iyo in lagu dhaqmo kitaabka alle.Waa in la difaaco wadanka lagana difaaco cadowgeena soo jireenka ah (Ethiopia) iyo erayada noocaas oo kale ah oo ay idaacadaha ka sii daayaan nimanka horseedka u ah kacdoonka magaalada Mogadisho. Hadaba si loo fahmo cadaaladu waxay tahay iyo waxa looga jeedo loona dareemo shaqsiyaadka afka ku qurxista erayada aan loo meel dayin ee lagu marin habaabinayo ummada Soomaaliyeed, waxaa lagama maarmaan ah  inaan wax yar ka tilmaano  deegaanada ay ka taliyaan shaqsiyaadka doonaya inay marin habaabiyaan kacdoonkii shacbiga kuwaas oon ka mid ahayn maxkamdaha.

 

 Degmooyinka Afgooye, Shalaanbood, Baraawe, Kuntuwaarey, Sablaale,  Qoryooley, Awdheegle iyo Marka oo 30km ilaa 250km u jira Muqdisho waxaa ka taliya hogaamiyo kooxeedyo ku heyb ah C/qaasim Salaad Xassan iyo Xassan Daahir Aweys,   waxayna shacabka dagmooyinkaas ku nool kala kulmaan cadaadis aad u daran iyo dhibaatooyin badan oon hal qormo lagu soo koobi karin, waxeyna shacabka aan hubeysneyn ee degaanadaas fariimo iyo ergooyin isdaba joog ah usoo dirsadaan madaxda Midowga Maxkamadaha Islaamka, iyagoo ka codsanaya in Maxkamado laga hirgeliyo degaanadooda. Midowga Maxkamaduhu dheg jalaq uma siinin codsiga shacabka gumeysiga ku hoos nool ee degaanadaas.Si toos ahna waxaa ugu gacan seyray ninka maanta doonaya inuu kismaayo xoog ku qabsado, hadana hilmaansan shacabka ku hoos dulman. Maxaa loo diidayaa in marko looga dhawaaqo maxkamad islaami ah maamulkana loogu wareejin waayay dadka deegaanka iskal leh sidii Jowhar iyo Balcad oo kale.Sidoo kale dagmooyinkaas aan  kor ku soo xusnay mahan miyaa deegaano xoog lagu haysto oo dadka iska leh xaq u leeyihiin inay ka arimiyaan deegaanadooda.Cadaaladu waxay ahaan laheyd intaan Galkacyo iyo Kismaayo midna lagu fakarin in marka hore degmooyinkaas si dag dag ah codsigoodii looga jawaabo maxkamadana loogu furo maamulkoodana lagu wareejiyo dadka xaqa u leh. Waxaan la soconay markii arintaas Soomaalidu aad isu weydiiyeen maxaa laga yeelayaa Sh/dhexe? in Shariifka maxkamadaha uu sii daayay hadal dadka intiisa badan aysan ka fileyn oo u curdaarayay Indhacade  iyo waliba Xassan Daahir Aweys oo si toos ah ugu taageeray INDHACADE inuu xoog ku sii joogo Marka iyo dadka la midka ahba ee deegaanada kale haysta. Marka su'aashu waxay tahay maxaa qiil looga dhigan karaa Kismaayo iyo Galkacyo sow qar iska tuur aan laga fiirsan mahan.

 

Runtii shacabka Soomaaliyeed waxay indhaha ku hayaan si taxadar lehna ula socdaan talaabooyinka ay qaadayaan maxkamadaha waxayna shacabka Soomaaliyeed meel kastoy joogaanba jecelyihiin inaysan dhicin in la marin habaabiyo loogana faa’iideysto kacdoonkii shacabka ujeedooyin guracan oo u adeegaya dano gaar ah ama mid qabiileed taasoo soo dadajin karta burburka iyo fashilka maxkamadaha. Waxaan hubaa hadii fursadana si toos ah looga faa'iidey sanayo inay rajo wanaagsan leedahay. Si loo gaaro rajadaas waa in la gartaa shaqsiyaadka doonaya in lagu noqda 1991 dii oo Soomaalidu isu dishay qabiil qabiil, jufo jufo iyo reer reer ilaa la arkay kuwii isku reerka ahaa oo dadka wada dilayay oo ayagii iska soo horjeeda isdilayana. Maanta waxaa muuqanaya in dadka qaarkiis u fakarayaan sidii kuwii xiligaas joogay oo u maleynayay in xoog wax lagu gaari karo markii danbana talo farahooda ka baxday.

 

Waxaan ku soo xirayaa maqalkayga niyada shacbiga Soomaaliyeed aad ayay soo hagaagtay maalmahaan danbe, waxayna sugayaan wax qabadka maxkamadaha iyo sida ay ula tacaalaan siyaasada isdaba meereysigaa ee Soomaaliya ka soo jirtay 16 sano ee ugu danbeeyay. Hadiise loo noqdo maalmihii madoobaa (black days) meel walbana la isku qaado ayadoo la isticmaalayo xeelado qarsoon oo loogu adeegayo dad gaar ah iyo reero gaar ah lana marin haabiyo kacdoonkii shacbiga, laguna duulo deegaano wax dhib ah uusan ka jirin ee wada hadal u baahan, waxaan sugnaa waa bilowga burburka maxkamadaha.

 

 

Guul iyo Midnimo.

 

Ahmed Ali Diiriye.
guled22@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2006

.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya | Ingiriisi

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD