SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)

 

said ahmed
Siciid71@yahoo.com 

 

*DFKM ah waxay haysataa aqoonsiga dibadda intiisa badan(oo ay hagari ku jirto), waxaana ka maqan inta badan aqoonsiga gudaha soomaaliya iyo taageeradooda.

 

*MMI ah waxay haystaan aqoonsiga iyo taageerada gudaha soomaaliya inteeda   badan, waxaana ka maqan aqoonsiga iyo taageerada adduun weynaha intiisa badan.

 

Marka sida muuqata waa labo garab oo haddii ay is kaashadaan ay kasoo bixi karto guul, ahna badbaadinta qarannimada ummadda soomaaliyeed.   Haddiise ay taas ku guul darraystaan labaduba gaarimaayaan wax danguud iyo dagaarahaaneedba ah.

 

Annagana Soomaali ahaan, far-isku-fiiq kastoo ay sameeyaan iyo si kastoon ugu kala safannoba wax xal ah nooma samaynayso mar haddii aanaan helayn wax isku keen dila ma'ahee,wax na kala badbaadiya oo na mideeya, noona dhisa qaran hoggaan leh iyo dhaqan nabdoon.

 

Waxaan u baahan nahay maamul naga samatobixiya;dhibka, rafaadka, silica, nololxumada, magacxumada, qaxa, qaadka, qabyaaladda, qaabdarrada, qurunka, qashinka, qamrada, qaaca, qaaxada, cudurka, ciilka, caatada, ceebta, candhada, cafashka iyo halista jiritaan la'aaneed ee aan qarka u saarannahay.

 

Waxayna taladeennu maanta gacanta ugu jirtaa labada maamul ee ay hormuudka u kala yihiin C/HI YUUSUF, GEEDDI, SHARIIF XASAN, iyo SH XASAN DAAHIR IYO SH SHARIIF.  Iyadoo ay aad u yartahay TII ALLE KASOKOW rajada aan ka qabno inay isku soo dhowaadaan nagana yareeyaan walwalka iyo cabsida aan ka qabno isbaddelaadka socda, soomaaliya iyo adduunkaba,  iyo in xal u helidda arrimaha murugsan ee soomaaliya ay ka hormariyaan danahooda, fikirkooda iyo abuuristooda gaarka,  waayo waxaad mooddaa in labada dhinacba aysan indhahoodu waddanka u jeedine ay ku maqan yihiin meelo kale oo ayaga u gaar ah.

 

Waxaa labadiinnaba (DFKG IYO MMI)idinla gudboon inaad isla meel dhigtaan wax aad isku afgarateen, inaad isla gaartaan xal kale oo aan dagaal ahayn, maxaa yeelay, haddii aad tihiin DFKG ah waxaad qiyaas ahaantii jirtiin muddo labo sano ah, ilaa iyo haddana wax guul ah oo aad waddanka usoo hoyseen ma hayno, iyadoo waliba ay adduunyadoo dhan idinku fiirsanaysay awood yaridiinna  walibana ay idin inkiraysay oo ay la xiriiraysay, la shiraysay, qiimaynaysay ,taakulaynaysay- hogaamiye kooxeedyadii badnaa kuwaasoo aan aragnay in xattaa kuwoodii yaryaraaa ee 10 tiknikoolayda ahaa ay dunida caalamku ugu  kala dhuumanaayeen si sharcidaro ah, kuna haddiyaynaayeen sii dhibaataynta dalka, dadka iyo dowladdiinaba.  Marka waxay ila tahay DFKMG ahay haddii aad dan ka leedihiin dib u soo celinta qarannimadi soomaaliyeed inaysan been idiin sheegin adduunyadi shalay idin baylahday, gaar ahaan IGAD kuwooda safka hore iyo fikradda cusub ee maraykanku wato ee "la dagaallanka argagaxisada" loo yaqaan.  Beentaasoo ah inay waddanka intay idiin qabtaan ay adinkoo dowlad ah idin dul keeni doonaan (geel qoorqabad biyo kuma cabo), fikirkaasoo ow diidaayo "in dowlad aysan dowlad ahayn haddii adduunkoo dhan ow aqoonsado laakiin dadkeedu diido" maxaa yeelay dowlad waxaa dhiso, ilaaliyo, daryeelo, ka shaqeeyo, wayneeyo, horumariyo, xoojiyo, u dhinto kuna hoos noolaado dadkeeda.

 

Dhinaca kale haddii aad tihiin MMIgow waxaad ogaatiin inaad tihiin kacdoon shacab oo xoogooda ku qabsaday magaalo madaxda waddanka soomaaliyeed halkaasoo in muddaba ahayd loo yaqiinnay; looma ooyaan, bililqadii adduunka, qashinqubkii adduunka, dal dad waayay, dayacan, dhinacaaga ka boob, yaan lagaa badin, laguuma haystaan danbigaad gasho iwm.

 

*Waxaad ogaatiin adduunyada oo dhan iyo inkabadan bar dadka soomaaliyeed inaysan idin aqoon hadda ka hor idinkana qabaan cabsi aad u wayn ayna fududahay inay isku kaashadaan waxyeelladiinna.

 

*Waxaad ogaatiin in hadda kadib wixi laydinku barto laydinku qiimayn doono.

 

*Waxaad ogaatiin inaysan jirin wax nidaam ah oo aad ka dhaxasheen kuwii idinka horreeyay oo aan ka ahayn; qoray, qaad, dal baaba'san, dad dhaqan xun, iyo duni dufan baratay.

 

*Waxaad ogaatiin in dowladaha isku tilmaamaayo islaamka ama carabta ay san wax weyn idiin tari doonin haddiiba ayaga aad ka nabad gashaan hagardaamooyinkooda, marka ay tagto runta oo waxtarkoodu ku siman yahay oo kaliya af iyo kutirikuteen.

 

*Waxaad ogaatiin muruqa kaliya oo aad haysatiin ow yahay dadka reer muqdishood intooda badan kuwaasoo daal iyo diif qaba danina hayso,  kuwaasoo aan mudnayn in dagaal kale la kor keeno ama mar kale fursad loo siiyo dunida cadowga ku ah inay ka abuuraan dab dhexdooda ah, baabi'iyaan isku diraan kala qoqobaan iwm.

 

Ugu danbayntii shantiinnaas aan kor ku soo sheegayow(DFKMG IYO MMI)  waxaa idin saaran xil, waxayna ummadda Soomaaliyeed idinka dhowraysaa xal.

 

fg

Haddii maanta adinkoo madax soomaaliyeed ah aadan ku kulmi karina dhul soomaaliyeed, maxaad u malaynaysaan dadki aad madaxda u ahaydeen!

 

"HAYBAD WAXAAD KU LEEDAHAY DHULKAAGA HOOYO"


said ahmed
Siciid71@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2006

.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya | Ingiriisi

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD