SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan

 

QS. Xaamid c\laahi xaaji
Xaamid114@hotmail.com

 

Iyado, sida muuqata ay soomaaliya ku soo wajahantahay xaalad dagaal  oo cusub oo ka duwan  dagaaladii  sokeeye hore oo dalka ka dhacay , ayaa hadana shacabwenaha soomaaliyeed   ay yihiin kuwo durbaanka utumaaya, iyago lakalasafan labada  kooxood  oo iskugu soo haray  loolanka xukunka soomaaliya , waa DKMS iyo  MMIS, kuwaaso taageero kahelaya gacmashisheeye.

 

 Shaki kuma jiro in dagaaldii  dalka ka dhacay laga bilaabo 1980s , ay ku luglahayeen gacmo shisheeye, ilaa hadana siween ay ugu lugleeyihiin.

Faragalinta iyo dibindabyada lagu hayo soomaaliya ma’aha mid hada  ku bilaabatay dalka, balse waa mid mudo dheer  soo socotay , iyado xoogeeda lagu bilaabay dalka soomaaliya sanadkii 1977 ka dib markii soomaaliya ay kamid noqotay wadamada Africa ugu xooga waween , islamarkaana dagaal kaga adkaatay  wadanka Ethiopia iyado ciidanka  soomaaliyeed ay kacanta ku dhigeen  soomaali galbeed.

 

Wadankii horey loo dhihijiray midowga soofoyeeti oo markaa ka mid ahaa awoodaha aduunka kajira ama ugu xooga waaween ayaa lasaftay  Ethiopia islamarkaana  go’ ansaday sidii loo burburinlahaa awooda soomaaliya.

 

Sidoo kale wadamada reer galbeedka ah ayaa iyagana kutshanayeey sidii  xooga soomaaliya  meesha looga saarilahaa.

 

Maxaa keenay in wadanka soomaaliya faragelin lagu sameeyo?

 

Waxaa keenay 3 qodob oo hoos ku qoran:

 

  1. dadka soomaaliyeed oo ah kuwa iskudiin, isku af iyo isku qoomiyad kaliya, islamarkaana ah  dad firfircoon oo hadii ay midowbaa halisto leh.
  2. dhulka soomaaliyeed  oo kuyaal meel muhiim ah geeska Africa, islamarkaana dhinaca ku haya badaha India iyo red-sea.
  3. soomaaliya oo noqotay wadanka carbeed oo kaliya uu dhul laga haystay xoog usooceshaday.

Wadamada gaalada ah marna raali ka noqonmaayaan   soomaaliya israacsan iyago maskaxda kuyaha 3da qodob oo kor ku xusan, waxaa nasiib xumo ah in soomaalida badankeeda aysan okayn danta laga leeyhay soomaaliya, dadka  soomaaliyeed waxaa laga soo galay dariishad dabadeedna waxaa laysku diray reer reer, dadka waa dad isku ehel ah waxaa ku yar muwaanimada oo wixii wadanka soomaray 16 sano oo tagtay waxaa moodaa inaysan khibrad ku qaadan, hadan waxaa moodaa in xaaladu hada dib loogu celiyey 1991.

 

Soomaalidu waxay qabtaa cudur xun oo ah qabiil iyado, horey uyiri nin u dhashay UK oo arrimaha  soomaaliya khibrad uleh ‘ soomaalidu waxaay u dirirtaa 3 qabiilka, diinta iyo geela, oo hadii dhabtu timaado laba waa katagaan waxayna laharaan qabiilka”               

Taasi waxaay kusinaysaa dadka soomaaliyeed  ay kagawayntahay arrimaha muwaadinama tan gaarka ah.

 

Waxaa  soo ifbaxday  in soomaalidu aysan rabin dowlad iyo midnomo soomaaliyeed , iyado qofkasta  u doonaya dan gaar ah, oo hadii manta ladoorto ninka soomaaaliya ugu wanaagsan  waxaa soo baxaaya dad ka soo horjeeda, islamarkaana dacaayad kafidinaaya.

 

Ugu dabyntii  dadkan soomaaliyeed isma rabaan, cidna ma rabto “ cidna uma maqna ceelna uma qodna” ayaa moodaa in ay meesha kamuuqato.

 

QS. Xaamid c\laahi xaaji
Xaamid114@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 24, 2006

.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya | Ingiriisi

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD