SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - THAILAND

Warqaddii ay DGPL u dirtay Dowladda Thailand:

Markii la waayey saddex Soomaali ah oo ka tirsanaa ciidanka Booliska Daraawiishta Puntland oo saarnaa markab kalluumaysato oo sita calanka Thailand, ayaa Dowlad Goboleedka Puntland waxay warqad u direen Dowladda Thailand ay ku weydiisanayeen in la sii daayo saddexdaas muwaadiniinta Soomaaliyeed. Warqadii oo tarjuman hoos ka akhri.

Tarjuamdii: SomaliTalk.com | April 14, 2006




Enlarge this letter.... Click...
DOWLAD G. PUNTLAND EE SOOMAALIYA
XAFIISKA K/S MADAXWEYNAHA

Ref XMKX/DPS/417/2005

Garoowe, Axad, 07 Agoosto 2005

Ku: Wasiirka Arrimaah Dibadda
Dawladda Boqortooyada Thailand
Bangkok, Thailand

Badbaadinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran Thailand

Mudane:

Gobolka Puntland ee Woqooyiga Soomaaliya waxa uu qayb ka yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxana uu leeyahay Dowlad Goboleed. Inkasta oo Soomaaliya ay ku jirtay dagaal ahli ah ilaa markii ay burburtay xukuumadii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991, gobolka Puntland waxa uu ahaa meel aad u deggan oo nabad ah halkaas oo ay nabad gelyo ku haystaan muwaadiniinta iyo ajnebiga. Arrintaas ayaa sababata koowaad u ah in ganacsiga Thailand, gaar ahaan qaybta kalluumaysigu ay ganacsi baraaraya/kobcaya uga haystaan Puntland.

Waxaa si cad loo ogyahay in mulkiilayaasha maraakiibta kalluumaysiga ee ka yimid Thailand ay heshiis ganacsi la galeen Dawlad Goboleedka Puntland. Heshiiskaas waxaa qayb ka ahaa in dawlad goboleedka Puntland ay qaabilsanaato nabadgelinta iyo ammaanka, ayadoo ciidamada booliska saartay markab kasta oo kalluumaysanaya.

Ilaa bartamihii bishii Maarso ee sannadkii 2005, ciidanka Booliska ee dawladdu waxa ay baadi goobayeen saddex Soomaali ah oo hawlwadeeno ahaa: 1. Yuusuf Aadan Seed. 2. Maxamuud Cabdullaahi Jaamac. 3. Xuseen Cabdullaahi Aadan. Hawlwadeenadaasi waxa ay ka tirsanayeen ciidanka Booliska Daraawiishta Puntland, waxana la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigeen iyagoo gudanayey hawshoodii waxana ay saarnaayeen markab uu suran yahay calanka Thailand. Laba bilood oo keliya ka hor ayey ahayd markii aan ka war hellay in saraakiishaasi ay ku xiran yihiin Bangkok, Thailand. Waxaa la yaab nagu noqotay in aan naloo soo sheegin meesha ay ku sugnaayeen, sidoo kale nalooma soo sheegin waxa loo xiray iyo dacwada loo haysto.

Waxaan Thailand u tixgelineynaa waddan saaxiib ah kaas oo uu naga dhexeeyo xiriir adag oo xagga ganacsiga ah. Waxaan jecelahay in aan dhawrno xiriirkaas si uu noqdo mid kobca oo xideysta. Dowlad Goboleedka Puntland ma rabto in dhacdadan ugu dambeysey ee Saraakiisha Booliska la xiray ay raad ku yeelato maslaxadda Thailand taas oo leh shirkado badan oo kalluulaysi kuwaas oo ka hawl gala xeebaha Puntland, ee Badweynta Hindiya iyo Badda Cas.

Si uu usii jiro heshiiska wanaagsan ee labada dal, Dowlad Goboleedka Puntland waxa ay halkan si rasmi ah ugu weydiisaneysaa dowladda Thailand in la siidaayo saddexda Muwaadin ee Soomaaliyeed iyo in la xaqiijiyo sidii nabadgelyo loogu soo celin lahaa Soomaaliya. Waxaan la xiriirnay qoysaskii iyo qaraabadii saraakiisha la waayey (ama maqan), waxaana u sheegnay in aan rajeyneyno in Dowladda Thailand ay tixgelineyso codsiganaga.

Degdeg ficil qaadashadiina ku salaysan arrin bini'aadanimo ah aad ayaa loo soo dhoweynayaa.

Mahadsanidin

Xasan Daahir Maxamuud
Madax-weyne xigeen - Dawlad Goboleedka Puntland
Email: plspresidency@hotmail.com Tel: 00252-54-47374 Fax: 00252-54-54086

###

Warqaddii Rasmiga ahayd (Original Letter.... (english))... GUJI...

Waraqaddaas waxaa SomaliTalk.com soo gaarsiiyey dhallinyaro Soomaaliiyeed oo dhiiri gelinaya bulshad Soomaaliyeed in ay la xiriiraan DFKMG ee Soomaaliya, DGPL iyo dawladda Thailand iyo safaaradeheeda si ay usii daayaan saddexda Soomaalida ah ee magacyadoodu kor ku qoran yihiin.

AKhbaar dheeraad ah oo ku saabsan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran Thailand, waxaa lagala xiriiri karaa

Xasan Cubeed Aadan (Seed)
Nabbadon@hotmail.com

Tel. 45-20456217
Denmark

»Waraysi ku Saabsan 3-da Soomaalida ah ee Ku Xiran Bangkok, Thailand (Idaacada Australia)


Wasiirka Arrimaha dibada Boqortooyada Thailand, magaciisu waa: Dr. Kantathi Suphamongkhon, waxaana jagadaas loo doortay bishii Maarso 11, 2005, (waa xilli ku beegan markii saddexda Soomaalida la waayey), telefoon kiisuna waa: (662) 643-5333.

Websiteka http://www.mfa.go.th/web/6.php


Xafiiska guud ee arrimaha dibadda ee dawladda Thailand u qaabilsan xiriirka dadweynaha waxaa lagala xiriiri karaa:
Foreign Office, The Government Public Relations Department, Bangkok, Thailand,
Tel: (66-2)618-2323 ext. 1700,
Fax: (66-2)618-2358,
E-mail: prforeign@prd.go.th

Website: http://thailand.prd.go.th/index.php

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2006