SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Bayaankii Shabaabka: Islaamiyiinta Iyo Aayaha Umadd

CabdiRaxman Warsame
cabdirahman@hotmail.com

Waxaa doodan oo in badan maskaxdayda ka dhexguuxaysay igu kalifay in aan dadka la wadaago warqad lagu daabacay boga internetka ee ay leeyihiin Xarakadda Shabaabka Mujaadihiinta taasoo lagu sheegay in lagu qaadacay shirka Casmara ka dhacaya 1da September ee bisha soo socota. Dhibaato ma lahan in kooxi ay qaadacdo ama ay qoonsato hawl ama waxqabad qolo kale, laakiin wuxuu dhibku ka jiraa dooda ay dhalinyaradu soo gudbiyeen iyo sida ay u arkaan Aduunka iyo inta iyaga kasoo harta oo ay Soomaalidu ka mid tahay. Waxaa iigu yaab badnayd markii ay ka hadlayeen shacabka Soomaaliyeed waxay ku doodeen sidatan  “ Soomaalida waxay noqdeen hal xiraale la furi waayey, dadkani waxay wadaagaan Af, midab, Nasab, Dhaqan iyo Dhul  intaba”. Waxay si ula kac ah uga tageen in Soomaalidu diinta wadaagto. Dooda shabaabka ma ahan mid ku cusub Muslimiinta Taariikh hore iyo mid haatan taaganba, ee waxaa dhibaato ah hadii dooda loo cuskado aayado quraan ah iyo axaadiista Nabiga (SCW), kuwaasoo lasoo luqun jebiyey laguna soo cariiriyey meel aysan qaadin karin iyo mawqic aysan lahayn intaba. 

Dooda dhalinyaradda waxa u muuqataa in ay cadaaladda ka maran tahay, xaqa iyagu isi siiyeen, diintana ay dadka ka xigsadeen, waxaa lagu soo gaabin karaa in ay kaligood garameen, kaasoo ah dhib muslimiinta inta badan maanta haysta. Aasaaska doodaas waa mid aan fiqi diineed iyo faham waaqac toona ku qotomin. Ujeedkaygu qoraalkan ma ahan in aan iyaga la garaytamo oo aan la dodo ee waa in aan dul istaago aragtiyo badan oo ku gadaaman fahamka Islaamka Siyaasiga guuda haan iyo kan Islaamiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan, kaasoo u baahan in dood nuxur leh laga yeesho. Waxaan soo gudbinayo waa dood furan oo iyadu aanan marna xaqa xakiranaynin, waase bilaw wax lagu biirin karo, waxna lagu raaci karo. 

Naska iyo Fahamka Naska. 

Dood kasta oo Diin ku salaysan waa adagtahay in la isla meeldhigo hadii aan marka hore la xadidin manhajka dooda la iskunna afgaran sida iyo qaabka dooda loo gelayo. Waa muhiim si wax badan u toosaan in lakala duwo lana garawsado in ay labo kala yihiin Naska oo ah Quraanka iyo Sunadda Nabiga, iyo fahamka iyo fasirka ruuxa daliishanaya Naskana. Kumaba sii jirto hadii ruuxa doonaya inuu gaaro go’aamo saamayn ku leh ayaaha ummadda kuwaasoo lagu salaynayo diinta Islaamka, uu ruuxaasina ka maran yahay aqoonta lama huraanka ah ee lagu fahmo Naska Diiniga ah (Quraanka iyo Sunadda Nabiga). Sida aqoonta Usuul- Alfiqiga, Cilmiga Quraanka, Cilimiga Xadiiska, Cilmiha Maqaasidda Shareecadda, Cilmiga Taariikhda Islaamka iyo kuwa aasaasiga ah ee Luqadda iyo Cilmigeeda sida (Naxwaha, Sarfiga, Balaaqadda, Suugaanta iwm).  

Nabigeenna Suuban (SCW) ayaa saxaabadiisa ku yiri “ Ruuxiin yuusan Tukan Salaadda Casar Intii aad Tagnaan Banii Quraydda oo iyadu ahayn meel ay Qolo Yuhuudda ka mid ah ay degenayd, Salaadii casar ayaa soo gashay iyadoo weli aan goobtii la gaarin, Saxaabadii waxay isku qabteen in Salaadda la dukado iyo in kale. Kuwii go’aansaday in la dukado waxay ku doodeen in  Nabigu (SCW) uu ula jeeday in la dadaalo oo la dhaqsado, halka kuwa kale ay yiraahdeen Salaadda dukanmayno ilaa meesha laga tago nabiguna (SCW) wuxuu nagu amray in aan halkaas ku dukano, markii ay Nabiga kusoo noqdeen labadodiiba wuxuu sheegay in ay sax ahaayeen”. Ujeedadaydu waa in Xadiiska Nabiga iyo Fahamka Saaxabadda ee Xadiiska uu kala duwanaa. Mar hadii la ogolaado in Naska iyo Fahamkiisa ay labo kala yihii wax badan ayaa Muslimiinta u hagaagi lahaa arrimo badanna waa la isku afgaran lahaa.  

Marjica iyo Meesha loola Noqonayo 

Diinta Islaamka sida la ogyahay waxay u qaybsantaa Caqiido, Cibaaddo, Akhlaaqda iyo Macaamalaad. Waxaa la wada garawsanyahay in Caqiidadda, Cibaadadda iyo Akhlaaqdu ay yihiin waxyaabo sugan oo aan marna u baahnayn in wax lagu soo biiriyo ama laga dhimo, laakiin qaybta macaamalaadka waa mid ka duwan oo inteeda badan waxay u khuduucaysa Ijtihaad iyo duruufta ay dadku noolyihiin, siyaasadu waxay ka mid tahay qaybtan.  

Hadaba siyaasadu ama waxa Islaamku u yaqaan Al-siyaasaya Al-sharciyah oo ka mid ah mucaamalaadka, waxaa sida culimadda Islaamku sheegeen xukumaya Maslaxadda Ummada. Ibnu Qayim Al-jowziyah oo arrinkaas ka hadlayana wuxuu kitaabkiisa Iclaamula Al-muwaqiciin Can Kalaami Rabil Caalamiin ku yiri “Halkii Maslaxadda Umada ku qunto ayuu sharciga Ilaaheey ku dareersanyahay”. Waxay kaloo culimadu si bayaansan uga hadleen in iyadoo la tixraacayo siiradda suubanaheenna ay siyaasadu ku salaynsan tahay isbarbardhig Maslaxadda (samaha) iyo Mafsadda (Xumaanta), Mudnaan siinta Maslaxadda Daa’imka ah wallow ha loo maro wax dhib u muuqda markaas. Waxay culimadu isku raaceen intooda Al-siyaasaya sharciyah wax ka qorta sida, Ibnu Tiimiyah, Ibunu Qayim, , Al-ghazali, Almaaraawirdi, Ibnu qutaybah, Ibnu Jawzi, Alshayzati, Alqalici, Alfaaraabi iwm, in marjica loola noqonayo siyaasadda iyo halbeega lagu qotomaniyo uu yahay danta iyo maslaxadda Umadda muslimka ah, waxa muhiimka ahna ay tahay in la eego in maslaxadaasi aysan si toosa ah uga hor imaanaynin Aayad quraan ah oo Daliilkeedu cadyahay iyo Xadiis Nabi oo sugnaantiisa iyo daliilkiisaba uu cadyahay.  

Culimadu waxay si wayn tusaale ugu soo qaataan Heshiiskii Xudaybiyah, kaasoo uu Nabigu la galay Qurayshtii Mushrikiinta ahayd. Qisadda Heshiiska waa mid dheer, laakiin nuxurkii heshiiska marka la eego wuxuu u muuqday in Muslimiinta uu gaboodfal ku ahaa, sababtoo ah waxa Mushrikiintu dalbadeen in Magaca Nabiga la masaxo, waxay kaloo dalbadeen in ruuxii dhinacooda ka yimaada ee Muslimiinta raac loosoo celiyo, laakiin ruuxii Muslimiinta ka taga ee dhinacooda gala aanan lasoo celinaynin, in muslimiintu aysan sanadka xajka tegeynin iyo wax la mid ah. Arrinkaas Saxaabadii Nabiga waa uu ku cuslaaday in ay qaataan, laakiin nabigu wuu aqbalay sida ay culimadu sheegeen dhibka markaas muuqda isagoo ku bedeshay 10 sano oo heshiis, taasoo uu kusoo afjaray kuna soo laabay jabhadii dhinaca Quraysh uga furnayd ugna soo faaruqay inuu aduunka intiisa kale risaaladiisa gaarsiiyo sida Furus iyo Ruum. 

Diblomaasiyadda 

Waxaa isna aad xiiso u leh in si fiican loo dhugto u baahan in arrinku uusan dagaal keli ah ahayn ee diblomaasiyaddu ay kaalin muhiim ah ciyaarto. Duulaankii huwantii axsaab markii ay isku soo bahaynsteen in ay Nabiga iyo Asxaabtiisa lugta mariyaan, taasoo uu Quraanku si cajiib leh u cabirey in Muslimiintii ay naftii dhuunta usoo gashay cabsi darteed, oo saxaabadiina laga waayey cid istaagta markii uu nabigu u balanqaaday jano cidii war ka keenta huwanta. 

Nabigu (SCW) qolo isbahaysiga ka mid ah ayuu u bandhigay inuu siinayo sedex dalool Timirta Madiina kasoo baxda iyaguna ay kala bar ku gorgortameen. Huwantaas waxaa kala furfuray diblomaasiyad uu ciyaaray saxaabi gulafkaas colaadeed dhexdiisa ku soo islaamay oo la oran jiray Nucaym Ibnu Mascuud isagoo huwantii madaxa isugu dhuftay danahoodiina iska horkeenay. Saxaabigaas wuxuu si wayn u fahamsanaa danaha kala duwan ee huwanta, wuxuu xiriir saaxiibtiinimo la lahaa dhinacyada uu taxaalufku ka kooban yahay, wuxuu ku guulaysta inuu si gooni gooni ah uu qolo waliba u fahamsiiyo in ay dhinaca kale ee taxaalufka aysan ku kalsoonaan karin sababo iyo tusaalooyinna waa uu tusiyey. Reer Banii Nadiir oo iyaguu ahaa Yuhuudii Madiina degenayd ee Nabiga (SCW) heshiiskii ay galeen uga baxday wuxuu ku qanciyey in Quraysh ay iska tegeyso oo ay dhulkoodii ku laabanayaan waxa isku harayanna ay yihiin iyaga iyo Nabiga (SCW) arrintaas aysan kaligood taag iyo tabar u ahayn, sidaas daraadeed waa in si ay damaanad u helaan ay quraysh ka dalbadaan in 10 nin oo madaxyo wayntooda ah ay madaxfurasho ugu soo dhiibaan, arrinkaas waa ay garawsadeen.  

Wuxuu uga hormarayey Quraysh oo uu u sheegay in Banii Nadiir ay Nabiga la heshiiyeen si ay ugu muujiyaan in ay heshiiska daacad ka yahiinna ay u balanqaadeen in ay 10 nin oo madaxweynta Quraysha ay u keeni doonaan sidaas daraadeed waa ay idinku soo maqanyihiine iska jira. Waxaa si toos ah isaga hor yimid labadii qorshe ee taxaalufka, waxaa meesha ka baxay kalsoonidii ay isku qabeen, waxaana halkaas ku burburay isbahaysigii. Ilaaheey wuxuu quraankiisa ku sheegay in dadka cadawga Muslimiinta ah loo maleeyo in ay midyihiin laakiin sida dhabta ah ay kala tagsanyihiin. Waa muhiim in la helaa dad yaqaanna maslaxadaha kala tagsan ee cadawga iyo danaha kala duwan ee dadka kaasoo horjeedda. Wuxuu kaloo quraanku si toos ah ula falgelayaa calaqaaadka iyo xiriirka dawliga ah isagoo tilmaamaya in markii ay Ruum iyo Furus ay dagaaleen in Roomaankii laga adkaaday laakiin ay marka danbe adkaan doonaa, guushaasnna ay muslimiintu ku farxi doonaan. Taasi waxay tusaale u tahay in Muslimiintu ay qayb ka yihiin loolaanka caalamiga ah. Nabigu markii uu Saaxabadiisa dhulka Xabashidda u diray wuxuu ku yiri halkaa taga boqor caadil ah ayaa joogee. Wuxuu ogaa deegaannadda ku xeeran iyo dadka degan iyo sida ay ugu kala dhowyihiin. Hadii dadkii dhan aad cadawsato cida khasaaraysa waa adiga 

Culimaddu waa ayo. 

Dooda inta badan dhalinyaradda saxwadda Islaamka waa in hogaanka umaddu uu qasab yahay in Culimadda loo dhiibo. Ma xuma doodani waase hadii la isku raaco waa ayo culimadu. Diinta Islaamka kalama saarto cilmiga ee waxay tixgelisaa niyadda ruuxa cilmiga. Waxaa bidco ah in cilmiga mid aduun iyo mid aakhiro loo kala saaro, sidoo kale culimadda. Hadii ruux uu caalim ku noqdo diinta islamarkaana uu si ka dhan u adeegsado cilmigaas faa’iido ma lahan, hadiise ruux u cilimga dhaqaalaha ku takhasuso, laakiin uu bulshadda uga faa’iidiiyo wuxuu leeyahay abaalmarin aad u wayn. Waxaa muhiim ah in cilmigu uu naafic yahay, Nabiguna wuxuu ilaaheey warsan jiray cilmi naafic ah. 

Hadaba hadii ay hogaan umadeed loo yimaado ma jirto wax culimadda diinta mudnaan siinaya ee waxaa mudnaan leh cidii cilmiga hogaanka taqaana, ma diidani ay in culimadu ka talo bixin karaan wixii mahaalka khuseeyo, laakiin iyagu ma ahan kuwo wax kasta yaqaan. Waxaa quraanka ku cad in markii ree Banii Israa’iil ay Nabigoodii Daa’uud (CS) ay waydiisteen Malik ama boqor hogaamiya uu nabigii u sheegay in Ilaaheey Dhaaluut uu soo saaray islamarkaana uu siiyey  Cilmi iyo Karti dheeraad ah. Culimadu waxay iswaydiiyeeyn hadii cilimi diineed hogaan looga baahanyahay Nabiga Da’uud ayaa mudnaanta lahaan lahaa, laakiin waxaa la doonayey waa hogaan ciidan oo aqoon milateri leh. Ibnu tiimiyad Kitaankiisa Alsiyaasad Sharciyah wuxuu ku sheegay in Imaama Axmad Ibnu Xanbal la waydiiyey “ Yaa la hormarinayaa hadii umadda muslimiinta isku qabato Ruux Saalix ah laakiin daciif ah iyo ruux faasiq ah laakiin Qawi ah”, Wuxuu ku jawaabay waxaa la hormarinayaa Faasiqa Awooda leh, sababtoo ah fisqigiisa waxaa kula xisaabtamaya ilaaheey laakiin awoodiisaa hogaamineed muslimiinta ay faa’iido u tahay, halka Saalixa daciifka ah uu wanaagiisa isaga uun helayo laakiin hogaan xumidiisa ay dhib Muslimiinta u keenayso” 

Hogaanka umadda waa mid Karti u baahan, kartiduna waxay ku jirtaa sedex waxyaabood oo la isku geeyey, Aqoon, Waayoaragnimo iyo Xirfad. Aqoontuna waa in ay ka timaadda fahamsanaan la fahamasanyahay waxa la qabanayo hadii ay Hogaan siyaasadeed iyo mid Umad la doonayo waa in ay tahay aqoon Cilmiga bulshadda la xariirta sida maamukal, siyaasadda, dhaqaalaha, xiriir dawliga ah, arrimaha bulshadda ah iwm. Nabigu weligiis Abuu Hurayra xil uma dhiibin, laakiin Khaalid ibu waliid markii uu soo Islaamayba waxaa loo dhiibay xilkii hogaaminta dagaalka, sidoo kale Abuu Dara Alqafaari markii uu Nabiga warsaday in Xil loo dhiibo Nabigu ma mujaamalaynin kamana warwareegin ee runta ayuu farta ka saaray wuxuu ku yiri “ Waxaa tahay ruux daciif ah”, laakiin markii uu suubanaantiisa ka hadlayey wuxuu yiri “ Dhulna ma qaadin Samana ma harsan nin Abuu Dara ka run badan”.  

Qaabdhismeedka Sharciyadda Siyaasadeed 

Hadii la isku raaco in Siyaasadda Islaamka waxa halbeega u ah ay tahay Maslaxadda iyo Danta Umadda, waxaa isweydiin leh yaa xadidaya dantaa umadeed yaase looga marti noqonayaa. Diinta Islaamka waxay sheegtay in Wadashi uu yahay sifooyinka umadda Islaamka ayna tahay wadad keli ah ee guusha. Labo jeer ayuu quraanku ka hadlay wadatashiga (Shuuraha) marna wuxuu Nabiga (SCW) ku amray in uu Saxaabadiisa la tashado, mar kalanna wuxuu tilmaamay in Amarka Muslimiintu uu yahay mid wadatashi ku dhisan. Waxaa lagu kala soocaa laba wadatashi ama Shuuro in kan Nabiga (SCW) la amray uu yahay in ruuxa hogaanka ah laga doonayo inuu talo helo dadkana la tashado, laakiin go’aanka uu isagu leeyahay, laakiin Shuuradda kale ee Quraanku sheegay in ay sifooyinka Muslimiinta ka mid tahay ay tahay tan lagu dhisayo Sharciyadda Siyaasadeed ee Muslimiinta, oo macanaheedu yahay in hogaanka siyaasadeed ee Umadda uu ku dhisanyahay raali ahaanshaha dadka kuna qotomo rabitaankoodda.  

Hadaba waxaa iswaydiin leh side lagu gaarayaa nidaam ay dadku raali ka yihiin, rabitaankoodana ka turjumaya. Nabigu (SCW) markii uu geeriyooday Saxaabadiisa kalama hadal cida hogaamin doonta, isagoon weli la aasin ayey Saxaabadu isku qabteen cida hogaanka siyaasadeed qabanaysa. Dood dheer oo Labadii awoodood ee Muhaajiriin iyo Ansaar dhexmartay oo xitaa laga hadlay in awooda lagu kaltamo, ama la wadaago ayaa Abuubakar la doortay. Abuukar (RC) markii ay ajashiisii soo dhowaatay ayuu Saxaabadda waydiistay inuu talo ku aadan cidii hogaanka ka bedeli lahayd uu soo jeediyo wayna ka yeeleen sidaas ayuu Cumar kusoo rashaxay, Cumar (RC) markii la dilay, waxaa soo baxay in hogaankii la isku qabtay oo uu guux badan soo baxay waxaa la saaray gudi doorasho oo dadka Madiina ku dhaqan soo waydiiya. Gudigaas wuxuu tegey meelkasta oo xitaa gabdhaha ugubka ah ee aan xaafadahoodda kaasoo bixin waa la tala waydiiyey, sidaasna waxaa ku soo baxay Cusmaan (RC). Halkaas waxaa ka cad in hogaanka Muslimiinta uu markasta sharciyad ku dhisnaa ilaa Mucaawiye ( RC) uu bedelay uu isagu keenay nidaam dhaxaltooyadda iyo Boqortooyo oo uu Roomaankii kasoo minguuriyey. Muslimiint jawhareerkii siyaasadeed ee ay galeen xiligaas ayey weli ku jiraani, hogaankoodyna marna ma noqon mid sharciyad siyaasadeed oo dhab ah leh, ee waxaa lagu socday aqbalaadda waaqaca iyo duruufta. 

Waxaa tusaalooyinka kore ka cad in uusan jirin nidaam mucayan ah oo Muslimiinta ku qasabaya in ay raacaan, markii ay dhisayaan nidaamkooda siyaasadeed. Waxaa kaloo Muslimiinta loo fasaxay in Xikmadda ay Baadi ka maqan tahay meeshii ay ka helaana ay qaataan. Sidaas daraadeed ayaa Cumar Ibnu Khadhaab (RC) wuxuu kasoo amaahaday nimankii Furus ah ee Beershiyaanka nidaamka ciidanka lagu dhiso ee Dawaaniin, xitaa magaca kama bedelin, waxaan shaki ku jirin in maanta ay muslimiinta marti uga noqonayaan umadaha kale sida sida doorashadda loo sameeyo, sida loo xadeeyo loolanna xisaabtamo hay’adaha dawladda, sida ay uwada shaqaynayaan iyaga qudhoodda, sida maamulka iyo maaraynta loo jideeyo, sida maalka iyo dhaqaalaha loo maamulo, sida horumarka, tacliinta, cilmibaarista loo qaabaadhigo, sida tayadda iyo waxqabadka adeega guud loo koontaroolo, sida ciidanka , booliska, taraafikadda loo agaasimo, sida canshuurta, zakadda, samafalka loo maareeyo, sida  kaabayaasha dhaqaalaha loo taago, sida maalgashiga iyo xiriirka dawliga loo maamulo, diblomaasiyadda iyo danaha isku dhexmilgan ee dunidda loo kala furdaamiyo, sida,,, sida,, sida . Waxaa suuragal ahayn in iyadoo baahidaas cilmi ee aan soo sheegnay Muslimiinta ay yihiin kuwa ugu khibaraada yar dunidda aan joogno la yiraahdo culimadda keli ah ha loo daayo. Waxaa muhiim ah in ruuxu sida Siyadinaa Cumar Ibnu Khadhaab (RC) uu sheegay in qadarkiisa garto. Cumar wuxuu yiri Alaha u naxariisto ruuxii tabartiisa garta.  

Gunaanad 

Waxaa xaqiiqo ah in waxa maanta ay umadda Muslimiinta ay ugu baahi badantahay ay tahay in ay dhexdooda dood furan, lagana wada hadlo waxa halkaan ina dhigay, suuragal ma ahan in cadawga uun wax kasta loo saariyo iyadoo ay laga maarmaantahay in cadawga la iska dhiciyo, suuragalna maahan in Islaamku xal yahay Halkudhig lagu soo koobo ee waa in lala yimaadda barnaamij cad oo arrinkaas qeexay, kaasoo ay muhiim tahay in ka midyihiin sida Ilsaamku ugu jawaabayo Nolosha Casriga, Xukun Wanaaga, Xiriirka Caalamiga ah, Suuqadda Dhaqaalaha iyo Saylahadaha Ganacasiga, Waxaana iyana laga maarmaan ah in Islaamiyiinta Soomaaliyeed ay indhahooda u furan dooda caalamka Islaamka ka taagan ee la xariirta Islaamiyiinta iyo aayaha Umadda.

CabdiRaxman Warsame
cabdirahman@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 27, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com