SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA AFRIKA

Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?

  • EDITORIAL | SOMALITALK.COM | Janaayo 26, 2007

Micnaha ay xambaarsan tahay khariidaddani waxaad kaga bogan doontaa qoraalkan....

Dadka reer Kenya ayaa 15kii Janaayo 2007 waxay ku soo waaberiisteen Jaraa'idka oo qoray cinwaanno farwaaweyn lagu qoray oo dadka loogu bishaaraynayo in dagaalkii ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan Raas-Kambooni, uu ka badbaadey Riigga Batroolka ka baaraya Badweynta Hindiya meel u dhow aagga magaalada Lamu ee dalka Kenya.

Waxaa wararku sheegeen in riiggaasi uu shidaalka ka baarayo ceelka loogu magac daray "Block L-5" oo ku yaal meel 135 km Waqooyi-Bari (N-E) ka xigta magaalada Lamu. Waxaana la ogyahay in magaalada Lamu ay Raas-kambooni u jirto 97 km. [Eeg Khariidadda dhanka midig ee boggan].

Arrintaasi waxay dadweynaha Soomaaliyeed kusoo baraarujisey in ay wax ka ogaadaan ceelka ay Kenya ka hadlayso meesha uu kaga yaal Badweynta Hindiya. Su'aalihii ay daweynuhu is weydiiyeen waxaa ka mid ahaa: "Ceelka ay Kenya Batroolka ka baareyso xaggee kaga yaal Badweynta Hindiya, maadaama Kenya iyo Soomaaliya ay deris ka yihiin xagga Badda," "Fogaan intee leeg ayuu ceelkaasi u jiraa magaalada Raas-Kambooni ee Soomaaliya", iyo su'aalo kale oo la xiriira meesha uu ceelkaasi ku yaal oo shaki geliyey shacabka Soomaaliyeed.

Haddaba si aan wax uga ogaano ceelka loogu magac daray "Block L-5" ee ay Kenya shidaalka ka qodeyso, waxaan cilmi baaris kooban ku samaynay wararkii ilaa hadda ay warbaahintu ka qoreen ceelkaas iyo xogta ay ilaa hadda soo bandhigtay Wasaaradda Tamarta ee dalka Kenya. Waxa kale oo aan cilmi baarista la kaashan doonaa khariidadda adduunka.

Qoraalka waxaan u kala qaybin doonaa dhawr qaybood oo kala ah:

  1. Xogta ilaa hadda laga ogyahay Ceelka Block L-5
  2. Warbaahintu Maxay Ka Qoreen Ceelka Block L-5
  3. Xeerarka Badaha Adduunka: Si aan u ogaano inta badda ee dalalka xeebta leh ay leeyihiin
  4. Loolka iyo Dhigaha Adduunka: Si aan u ogaano meesha uu khariidadda kaga yaal ceelka Block L-5
  5. Xeerka Fogaanta Dhinacyada Saddex xagalka: Si aan u ogaano fogaanta u dhexaysa Lamu iyo Raas-Kambooni
  6. Gababada Qoraalka

1. Xogta ilaa hadda laga ogyahay Ceelka Block L-5


Riigga shidaalka qoda
Ceelka "Block L-5" waxa uu ku yaal meel 135 km Waqooyi-Bari ka xigta magaalada Lamu ee dalka Kenya. Ceelkaasi waxa uu xeebta u jiraa 80 km. Ceelkani waxa uu ka mid yahay laba ceel oo saddexdii bilood ee ugu dambeeyey (October - Janaayo) ay ku baxday lacag dhan $100 million.

Ceelka labaad waa Block L-7 oo ku yaal aagga magaalada Malindi oo ah magaaladii lagu qabtay kulan socdey intii u dhexeysey June 8 ilaa 12, 2006, kaas oo lagu soo agaasimayey sharci loo dejinayey shidaal qodista dalka Soomaaliya . Waxaana la sheegay in kulankaas sharci dhisidda ay ka qayb qaateen aqoon yahanno Soomaali iyo shisheeye ah - dadkaas oo aan ilaa hadda magacyadooda la shaacin. Cali Maxamed Geeddi, Ra'iisul-wasaaraha DFKMG, oo gabagabdii kulankaas ka dib qabtay shir jaraa'id ayaa sheegay in asaga lagu soo wareejiyey sharcigii loo dejiyey shidaalka Soomaaliya, sharcigaas oo ilaa hadda - Jan. 2007- aan la hor geyn baarlamaanka DFKMG ee Soomaaliyeed.

Horraantii bishii December 2006 ayaa riigga batroolku uu baaritaankiisii ka bilaabay ceelka Block L-5. Muddo 60 ilaa 90 maalmood ayaa markabkaasi hawshiisa halkaas ka wadi doonaa, muddadaas oo ah waqtiga la qorshaynayey in lagu ogaan karo in halkaas uu ku jiro Batrool.

2. Warbaahintu Maxay Ka Qoreen Ceelka Block L-5

Warbaahinta Kenya iyo kuwa caalamka kale waxay aad uga hadleen sida ay dawladda Kenya dardarta u gelisey baaritaanka shidaalka ay ka wado Badweynta Hindiya. Qaybtan ayaan kusoo ururinay qaar ka mid ah wararkaas:

Jariidadda Petroleum Africa Magazine, cadadkii Arbaca 30kii August 2006, waxay qortay in Kenya ay heshiis la gashay shirkadda Gippsland (Offshore Petroleum Limited) si ay baaritaan batrool uga samayso aagga magaalada Lamu oo ku taal xeebta Badweynta Hindiya. Waxayna Kenya shirkaddaas kula heshiisey in ay aaggaas ku samayso baaritaan ah nooca loo yaqaan "2-D seismic" oo ah nidaam lagu ogaado nooca dhagaxa ku jira dhulka hoos-tiisa si loo ogaado in uu yahay dhagax ay ku kaydsan yihiin shidaal iyo in kale, sidoo kale waxaa shirkadda lagula heshiiyey in ay aaggaas ka samayso baaritaan hawada sare laga soo sawirayo dhulka ubucdiisa.

Jariidadda East African Standard ee ka soo baxda Kenya, cadadkeedii 28kii September 2006, waxay qortay in madaxweynaha kenya, Mwai Kibaki, uu ku dhawaaqay in ay shidaal baaris ka bilaabmi doonto aagga magaalada Lamu bisha November ama December 2006. Waxa kale oo jariidadu qortay in ay jirto shirkad kale oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo ay Kenya kula heshiisey goobaha loo bixiyey Blocks L2, L3, iyo L4 oo ah aagga Lamu, shirkaddaas oo ah CNOOC (China National offshore Oil Corporation).


Markabka Chikyu ee reer Japan
JAMSTEC:
www.jamstec.go.jp

Shirkadda Norway ee Seadrill Offshore AS www.seadrill.no
Warsaxaafadeed ay 27kii October 2006 soo saartay hay'adda JAMSTEC (Japanese Agency for Marine Earth Science and Technology) ee dalka Japan ee qaabilsan xagga badda iyo farsamada, waxay ku cadaysay in markabka Chikyu oo ah Riigga shidaalka badda kabaara uu ka dhoofi doono dekedda Hachinohe, Japan, una dhaqaaqi doono dhanka xeebta kenya, halkaas oo uu baaritaan shidaal ka bilaabi doono. Waxaana warku intaas ku daray in Markabkaasi uu xeebta Kenya gaari doono dhammaadka bisha November 2006. Waxana hay'addu intaas ku dartay in ay qandaraas shidaalka looga baarayo badda Kenya ay ka heshay shirkadda Woodside Energy Ltd. oo soo martay shirkadda kale ee reer Norway ee Seadrill Offshore AS.

Shabakadda NOCK, oo ah shabakad ay leedahay Waaxda Qaranka Kenya u qaabilsan Maaraynta Batroolka ee loo yaqaan National Oil Corporation of Kenya (NOCK), waxay 14kii November 2006, qortay in Laanta Kalluumaysiga u qaabilsan Kenya lagu wargeliyey in aagga badda Lamu uu iman doono markab laga leeyahay dalka Japan oo halkaas shidaalka ka baaraya. Waxaana warku intaas raaciyey in markabkaas, Mv Chikyu, uu dherer kiisu yahay 210 mitir, ballaciisuna uu yahay 38 mitir, waxaaana markabkaas oo ah riig batroolka baara ka shaqayn kara 150 qof.

Jariidadda Standard Business, cadadkeedii Isniin 30kii October 2006, ayadoo soo xiganeysey shirkadda Woodside oo hoggaan u ah afar shirkadood oo shidaal qodis ka wada Kenya, waxay qortay in la arkay calaamado muujinaya in batrool iyo gaas ay ku jiraan meelaha baaritaanka laga sameeyey oo ay ugu muhiimsan yihiin ceelka koowaad oo ah aagga loo bixiyey Block L-5 (Pomboo), iyo ceelka labaad oo ah aagga Block L-7 (Sokwe). Afarta shirkadood waa: Woodside (Australia), Dana Petroleum (Britain), Repsol YPF (Spain) iyo Global Petroleum (Australia).

Kenya: Blocks L5 and L7

Labada Blocks ee L5 iyo L7 waxaa hadda wadaag ku ah shirkadaha: Woodside 30%. Dana 30%. Repsol 20%. Global 20%

Labadaas ceel (L5 & L7) ee shidaalka laga baarayo waxaa la filayaa in ay ku bixi doonto lacag dhan US$120 million, waxaana, sida aan soo xusnay, hormuud ka ah shirkadda Woodside, waxaana qodistii ceelka koowaad uu horraantii bishii December 2006 ka bilowday Block L-5 (Pomboo). Ceelkaas oo la qorshaynayey in uu hoos u qodnaan doono 5,005 mitir (waa 5 km oo hoos ah). Sidaas waxaa lagu qoray xaashida International Oil Letter, Vol 22, cadadkii 49aad oo la daabacay 11kii December 2006, kuna soo baxday shabakadda IHS (Information Handling Services).

Qoditaankii baarista batroolku in uu ka bilowday Kenya waxaa sii xaqiijiyey warsaxaafadeedkii ay NOCK soo saartay 5tii December 2006, ee shaaca ka qaaday in baaritaankii ugu horeeyey ee shidaal looga baarayo Kenya ay qoditaankiisii bilaabatay.

Waxaana warsaxaafadeedkaasi intaa ku daray in markabka Chikyu uu hawshiisa baaritaanka muddo 60 ilaa 90 maalmood ah ka wadi doono labada ceel ee Pomboo iyo Sokwe, oo ah meelo qiyaastii xeebta u jirta 80 Km (Xusuusnow hadalkaas, waayo macne gaar ah ayey ku yeelan doontaa dhanka hoose ee qoraalkan). Waxana uu markabkaasi ka hawl gelayaa meel dhererka biyaha baddu ay hoos jiraan 2 Km, kaddibna dhulka hoos loo sii qodayo 2 Km ama 3 Km oo biyaha kasii hooseeya (Waa shantii kiiloomitir ee aan kor kusoo xusnay). Waxayna shirkadda Woodside sheegtay in fursadda halkaas lagaga heli karo batrool ay tahay boqolkiiba 12%. Haddii baaritaankaas lagu ogaado in halkaas uu kujiro shidaal, markaas waxaa loo baahan doonaa in ceelal dheeraad ah halkaas laga qodo, waxayna qaadan kartaa bilo ama sannado. Shirkadda Woodside haddii ay halkaas shidaal ka hesho waxay ku qaadan doontaa sannado kahor inta aan bartaas laga soo saarin shidaal.

Sidoo kale war ay 8dii December 2006 faafisay NOCK ayaa sheegay in magaalada Lamu uu ka bilowday qodista shidaalka, kaas oo sida warkaasi sheegay muddo 45 cisho ah lagu ogaan doono in uu halkaas shidaal ku jiro iyo in kale.

Warku waxa uu intaas ku daray: Qoditaanka waxaa samaynaya riigga saaran markabka Mv Chikyu oo laga leeyahay dalka Japan, markabkaas oo ay la xiriirtay shirkadda Woodside oo u sii martay shirkadda kale ee Smedvig oo laga leeyahay dalka Norway (Norwegian international drilling), taas oo ka wakiil ahayd hay'ad laga leeyahay dalka Japan ee qaabilsan xagga badda iyo farsamada ee loo yaqaan JAMSTEC.

Jariidadda Daily Nation ee ka soo baxda Kenya cadadkeedii soo baxay 25kii December 2006, waxa ay qortay: Rajada in kenya laga soo saaro batrool waxay ku xiran tahay 145 shaqaalaha ah ee ka shaqeeya shirkadda batroolka ka baareysa xeebta Kenya.

Jariidada oo warkeedii sii wadata waxay tiri: Baaritaanku waxa uu ka bilowday ceelka lagu magacaabo Pomboo oo ku yaal meel 135 km Waqooyi-bari ka xigta magaalada Lamu - (xusuusnow halkaas waayo macne ayey ku yeelan doontaa xagga hoose ee qormadan). Ceelkaas oo sida aan kor kusoo aragnay loo yaqaan Block L-5 waa kan Janaayo 2007 uu riiggu baaritaanka ku wadey. Ceelka labaad ee Block L-7 (Sokwe) waxa uu 180 Km waqooyi-bari ka xigaa magaalada Malindi. (Magaalada Malindi sida aan kor kusoo xusnay waa magaaladii lagu qabtay kulankii socdey June 8-12, 2006 ee la sheegay in sharciga loogu soo sameeyey shidaal qodista Soomaaliya - in kasta oo aan weli baarlamaanka la hor geyn.)

Jariidada Kenya Times, caddadkii Jimce 3dii November 2006, oo soo xiganeysey khabiirka macdanta iyo batroolka ee reer kenya, Dr. Bernard Rop, ayaa sheegay in saliid ceyriin (batrool) aad u farabadan ay ku kaydsan tahay Waqooyi-Bari Kenya (northern Kenya). Dr. Bernard Rop waxa uu ka soo shaqeeyey waaxda qaranka kenya u qaabilsan batroolka ee loo yaqaan NOCK - (Shidaalka gobolka Woqooyi-bari "ee Kenya" hadda mowduucani kuma saabsana, balse mowduucu hadda waxa uu ku socdaa aagga Lamu).

Loolka iyo Dhigaha Ceelka Block L-5
Point (Barta) Longitude (Dhigta) Latitude (Loolka)
L27 41o 44' 00.00" E 01o 39' 43.00" S
L28 41o 44' 00.00" E 01o 49' 49.00" S
L29 41o 39' 00.00" E 01o 49' 00.00" S
L30 41o 39' 00.00" E 01o 54' 00.00" S
L31 41o 37' 33.60" E 01o 53' 38.04" S
L32 41o 36' 00.00" E 02o 02' 00.00" S
L33 41o 07' 18.00" E 02o 02' 00.00" S
L34 41o 07' 18.00" E 02o 22' 45.00" S
L80 42o 06' 07.00" E 02o 22' 45.00" S
L79 42o 40' 33.00" E 01o 39' 43.00" S
Halkan ka eeg shaxda oo dhamaystiran... [pdf]
Isha: Kenya  Gazette
Khariidadda Afrika oo lagu muujiyey Ceelka Block L-5

Halkan ka eeg khariidada oo weyn...

Isha: www.rigzone.com
Loolka iyo Dhigta mara magaalaga Lamu

Sawirkani waa Google Earth oo muujijaya Lamu.
Isha: http://earth.google.com/
Jariidadda Kenya Gazette, caddadkii 1dii December 2006, waxay qortay shax ay soo bandhigtay wasaaradda Tamarta ee Kenya oo muujineysa  cabbirro ah nooca topogaraafiyada oo la dhamaystiray 27kii November 2006, cabbirradaas oo muujinaya ceelka Block L-5 meesha uu kaga yaal Badweynta Hindiya. Sida ka muuqata shaxda dhanka midig ee boggan, cabbirradaasi waa Loolka iyo Dhigaha Adduunka ee aagga ceelkaasi kaga beegan yahay Khariidadda.

Qoraalkan dhankiisa hoose ayaad ku arki doontaa faahfaahin la xiriirta Loolka iyo Dhigaha Adduunka, taas oo markaas kuu fududayn doonta in aad si xeel dheer u fahamtid meesha uu ceelkani kaga yaal badda. [Xusuusnow in bar ka mid ah aagga ceelka Block L-5 ee shidaalka laga baarayo ay marto: Dhigta:  42o 40' 33.00" E iyo Loolka: 01o 39' 43.00" S].

Jariidadda East African Standard qoraal dheer oo ay qortay 2dii January 2007 oo ay kaga warbixineysey waxyaabihii ugu xiisaha badnaa Kenya sannadkii 2006, waxay xustay hadalkii shirkadda Woodside Energy ee ahaa in fursadda Kenya batrool looga heli karo ay tahay 12%. Waxayna markaas jariidaddu xustay in dardarta cusub ee la geliyey in Kenya shidaal laga baaro ay ka dhalatay farsamada shidaal baarista oo horumartay iyo kororka tartanka loogu jiro aagga uu ku jiro batroolka (hadalkaasna xusuusnow) . Waxa kale oo jariidadu xustay in wixii ka dambeeyey sannadkii 2003 la dardar geliyey shidaalka laga baarayo magaalooyinka Lamu iyo Mandheera. Waxana wararku tibaaxeen in dhaqdhaqaaq badan oo shidaal baaris ah lagu arkay xeebta Kenya wixii kadambeeyey dabayaaqadii sannadkii 2006.

Jariidadda East African Standard waxay 15kii Janaayo 2007 qortay qoraal ay walaaca kaga saareysey reer Kenya, kaddib markii ay warkeeda ku bilowday: "Markabka MV Chyuku oo ah riigga batroolka ka qodayada meel ka durugsan xeebta magaalada Lamu ee Badweynta Hindiya waxa uu ka badbaadey in ay soo gaaraan rabshadaha dalka deriska ah ee Soomaaliya". Jariidaddu waxay soo xigatey agaasimaha guud ee shirkadda, Woodside Energy, Mr. Alex Taylor, oo yiri: "Wax kasta waa caadi, shaqaduna sideedii ayey u socotaa," asagoo ka jawaabayey su'aal laga weydiiyey in markabku uu bedqabo ka dib markii dagaal ka dhacay dalka Soomaaliya oo diyaarado duqeeyeen aagga Raas-Kambooni ee Soomaaliya.

Warbaahinta, (gaar ahaan hay'adda wararka ee AP - Jan 9, 2007), oo ka warbixinayey fogaanta u dhexeysa Lamu iyo Raas-Kambooni waxay qortay: Magaalada Lamu waxay 60 miles koonfur ka xigtaa magaalada Raas-Kambooni. (Hadalkaasna xusuusnow).

Jariidada The Age ee Australia cadadkii 23kii Jaruary 2007, oo soo xiganeysey AAP (Australian Associated Press), waxay qortay in shirkadda Woodside Petroleum ay ku hungowdey in ay batrool ka hesho ceel ku yaal xeebta kenya, oo ka mid ahaa shan ceel oo ku yaal aagga Lamu oo ay qorshayneysey in ay shidaal ka baarto, waxaana warku caddeeyey in ceelka Block L-5 aan lagu arag wax "hydrocarbon" oo ah calaamadda lagu garto meesha uu batrool ku jiro.

Shidkadda Woodside warsaxaafadeed ay soo saartay Talaada 23kii Janaayo 2007 waxay ku xaqiijisay in aallada lagu baaro batroolku ay muujisay in aan ceelkaas ay san ku jirin "hydrocarbons", waxaana ceelka hoos loo qoday 4,887 mitir oo badda hoos teeda ah.

Waxaana warku intaas ku daray in shirkaddu ay sheegtay in markabka goobtaas shidaalka ka baarayey uu ceelkaas iskaga huleeli doono, ceelkaas oo ku yaal meel 350 km Waqooyi-Bari ka xigta magaalada Mombasa (halkaasna xusuusnow).

Shirkadda Woodside sannadkan 2007 baaritaanka shidaalka ay ka wado daafaha adduunka waxay u qoondaysan in ay ku kharash-garayso lacag dhan $419 million.

Sidoo kale, shabakadda The Australia cadadkeedii 24kii Jaruary 2007 waxay sheegtay in ceelkaas oo ah Block L-5 (Pomboo-1) in uu noqday mid qallalan oo aan aysan ku jirin batrool iyo gaas midna, waxaana (Isniin Janaayo 23, 2007) sidaas lagu wargeliyey dadka saamiyada ku leh shirkadaha baaritaanka halkaas ku wada.

Waxaana xusid mudan in shirkadahaas ay saami ah 34% leedahay Royal Dutch Shell group. Waxa kale oo warku xusay in shirkada Woodside ay hore u sheegtay in rajada Kenya shidaal ku jiro ay tahay boqolkiiba 12%. Waxa warku intaas ku daray in markabka laga leeyahay dalka Japan ee Chikyu oo ah riigga halkaas shidaalka ka baarayey ay ku baxday lacag kor u dhaaftay $100 million oo doolar.

Shabakada Sky News ee Australia waxay Janaayo 24, 2007 sheegtay ceelka Block L-5 ee shidaalka laga waayey in uu ka mid yahay shan ceel oo ku yaal xeebta Kenya (aagga Lamu) ay shirkadda Wooodside qorsheyneyso in ay shidaal ka baarto.

Ceelka "Block L-5" waxaa saami ku lahaa Woodside (Australia) 30%, Dana Petroleum (UK) 30%, Global Petroleum (Australia) 20% and Repsol (Spain) 20%.

Arrimahaas taxanaha ah waxay Soomaalida ku baraarujiyeen arrin aan markii hore aad loogu fiirsan, taas oo ah: Su'aalihii aan kor ku soo xusnay ee ay ka mid ahayd su'aal ka soo laabatay meesha uu ku yaal ceelka Block L-5. Su'aashaas oo ah ceelkaasi ma waxa uu ku yaal badda Kenya, mase badda Soomaaliya?.

Su'aashaas si aan jawaab ugu helo, una ogaano meesha uu ceelka Block L-5 kaga yaal khariidadda Afrika, waxaan naqtiin ku samayn-doonaa waxyaalaha aan ilaa hadda ka ognahay ceelkan, sida:

  • Ceelka Block L-5 (Pomboo) waxa uu xeebta u jiraa 80 Km,
  • Ceelka Block L-5 (Pomboo) waxa uu ku yaal meel 135 Km Waqooyi-bari ka xigta Lamu,
  • Magaalada Lamu waxay 60 miles koonfur ka xigtaa magaalada Raas-Kambooni.

Haddaba inta ayanaan u gudbin micnaha ay samaynayaan tirooyinkaasi, waxaan naqtiin ku samayn doonaan xeerka caalamiga ah ee badda, kaas oo gogol dhig u noqonaya dulucda qoraalkan.

3. Xeerarka Badaha Adduunka

Qaanuunka ama Xeerka Badda waxaa loo baahday kaddib markii la arkay in uusan shaqaynayn xeerkii badda ee lagu dhaqmi jirey laga soo bilaabo qarnigii 17aad ee ay sameeyeen Dutch-ka (Holland), sharcigaas oo biyaha badda ee dal uu leeyahay ku xadidayey meel xeebta ka durugsan 3 nautical mile (nmi) oo keliya - taas oo u dhiganta 5.6 km. Biyaha badda ee intaas ka baxsan waxay ahaan jireen kuwo aan cidna lahayn, oo aan cidna sheegan karin. [NB: nautical mile waa maylka lagu cabbiro fogaanta badda, waxana uu la mid yahay: 1 nautical mile = 1.852 Km].

Qarnigii 20aad, ayaa dalal badan oo leh xeeb waxay muujiyey baahida ay u qabaan in la kordhiyo fogaanta inta ay xeebta ka durugsan yihiin biyaha badda ee ay dalalkaasi leeyihiin, si ay u yeeshaan macdanta /khayraadka dabiiciga ah, isla markaana u difaacdaan kalluunka, baddana uga ilaaliyaan wasakhaynta ama dikhowga loo geysan karo. Arrintaas baahideeda waxaa lagu aqoonsaday kulan sannadkii 1930kii lagu qabtay magaalada Hague (Holland), laakiin kulankaas waxba la iskuma raacin.

Ilaa sannadihii 1950-maadkii waxay Qaramada Midoobey isku deyeysey in ay dalalka adduunka ku qanciso in ay isku raacaan sharci loo sameeyo badda adduunka. Shir-weynihii ugu horeeyey ee Qaramada Midoobey ee looga hadlay xeer loo saameeyo badda waxaa magaalada Geneva (Switzerland) lagu qabtay sannadkii 1958kii, shirkaas oo hordhac u ahaa afar kulan oo lagu samaynayey xeerka badda. Sannadihii 1970-naadkii ayaa la qabtay shir-weynihii saddexaad ee Qaramada Midoobey ee xeer u samaynta badda. Toban sano ayey qaadatay in xeerka badda la nidaamiyo, ayadoo la tixgelinayo khayraadka dabiiciga ah ee badda ku jira.

Shirweyne ay qaban qaabisay Qaramada Midoobey oo 10kii December 1982 lagu qabtay magaalada Montego Bay ee dalka Jamaica ayaa waxaa 117 dal saxiixeen sharcigii Qaramada Midoobey ee badaha. Waxana uu sharcigaasi si rasmi ah u dhaqan galay 16kii November 1994. Tirada dalalka heshiiskaas dhaqan geliyey waxay 28kii December 2006 gaartey 152 dal. Waxaa kale oo jira 28 dal oo saxiixay laakiin aan weli dhaqan gelin xeerka badaha iyo 18 dal oo aan weli saxiixin.

Arrinta ugu weyn ee wax laga bedeley waxay ahayd in dalalka xeebaha leh loo kordhiyey fogaanta inta ay xeebta ka durugsan yihiin biyaha badda ay leeyihiin oo kamid ah dhulka dalkaas, taas oo ahaan jirtey 3 nmi waxaa laga dhigay 12 nmi (22 km) meel ka durugsan xeebta dalkaasi leeyahay.

Waxaa kale oo dalalka xeebaha leh loo ansixiyey in ay leeyihiin xuquuqda gaarka ah ee kalluumaysiga iyo khayraadka badda ilaa meel biyaha xeebta dalkaas u jirta 200 nautical miles (370 km). Waxaa kale oo dal kasta oo leh xeeb badda gudaha usii gashan uu xeerka caalamiga ah ee baddu uu dalkaas xuquuq u siinayaa gaar u lahaanshada xuquuqda batroolka, gaaska iyo khayraadka kale ee ku jira badda ilaa 200 nmi (370 km) meel ka durugsan biyaha xeebta dalkaas - toosna ugu beegan xeebta. (Halkaas xusuusnow macne ayey ku samayn doontaa qormada xaggaada hoose).

  • FG: Waxaa xusid mudan, marka laga hadlayo 370 km oo ah badda ee biyaha xeebta dalkaas ka durugsan in fogaantaasi ay ka bilaabaneyso 22 km ka dib, waayo 22km oo ah badda ku dhow xeebta waxaa loo aqoonsan yahay inay ka mid yihiin dhulka dalkaas.
  • Waxaa kale oo xusid mudan in 370 km ee badda laga hadlayo ay tahay badda jiho ahaan toos ugu beegan xeebta dalka badda leh.
  • FG: Waxaana muhiim ah in la ogaado in Soomaaliya ay 370km u tahay Territorial water, sidaas daraadeedna in aagga dhaqaalahu taas hoos imanayo, waxaana arrinta Territorial Waters ee Soomaaliya qeexaya sharciga No. 37, sidaas daraadeed marka Soomaaliya laga hadlayo waa in la xasuusnaado in aagga dhaqaalahu uu hoos imanayo territorial waters ay Soomaaliya mulki ahaan u leedahay oo ah 370km (200nmi).

Dalalka saxiixay heshiiska Badda waxaa ka mid ah Soomaaliya oo saxiixday (24kii July 1989), iyo Kenya oo saxiixday (2dii March 1989).

Halkaas waxaa ka cad in Soomaaliya iyo Kenya ay labaduba saxiixeen heshiiska caalamiga ah ee badda, sidaas daradeedna ay tahay in uu mid kasta tixgeliyo, xushmeeyo, oo dhawro waxyaabaha uu dhigayo xeerkaasi Qaramada Midoobey ee badaha. [Eeg Xeerka Caalamiga ah ee Badda: www.un.org].

Qaybtan waxaan kusoo oganey:

  • In dalalka xeebaha leh ay shidaal ka baaran karaan ilaa 370 km oo badda dalkaasi ku aadan ah oo dheeraad ka ah 22 km ee badda u dhow xeebta oo loo tixgelinayo in ay dhulka dalkaas ka mid tahay.

Waxa kale oo aan ilaa hadda qoraalkan ku soo ogaaney:

  • Fogaanta uu ceelka Block L-5 u jiro magaalada Lamu
  • Jihada uu ceelkaasi ka xigo Lamu
  • iyo loolasha iyo dhigaha aagga ceelkaasi ku yaal, oo ay ka mid yihiin: Dhigta: 42o 40' 33.00" E iyo Loolka: 01o 39' 43.00" S.

Haddana si aan cilmi ahaan ugu ogaano barta uu aagga ceelkaasi kaga yaal khariidadda adduunka, waxaan naqtiin ku samayn doonaa sida ay uu shaqeeyaan Loolka iyo dhigaha adduunka.

4. Loolka iyo Dhigaha Adduunka

Adduunku maadaama uu aad u ballaaran yahay, bini-aadamku waxay samaysteen tilmaamo ama cabbirro lagu garan karo meel kasta oo adduunka ah barta ay ku taal. Cabbirradaas ayaa loo bixiyey Lool iyo Dhigo. Magaalo kasta ama bar kasta oo adduunka ka tirsan waxaa lagu meeleeyaa ama lagu tilmaansadaa dhigta iyo loolka ay ka kaga taal adduunka.

Loolka iyo dhiguhu waxa kale oo ay aad u fududeeyeen isu socodka adduunka, sida hagidda diyaaradaha, maraakiibta iyo aaladaha satellite-ka ee adeegsada farsamada casriga ah ee loo yaqaan GPS [Global Positioning System]. Tusaale ahaan Telefoonada Gacanta (Cell-phones) waxay adeegsadaan aaladda GPS taas oo markasta muujineysa ama lagu ogaan karo Loolka iyo Dhigta uu qofka telefoonkaas isticmaalayaa uu adduunka ka joogo.

Waxaa kale oo loolka iyo dhigaha loo adeegsadaa marka dhulka lagu samaynayo baaritanka shidaalka, si loo ogaado barta qoditaanka laga bilaabayo, cabbirka rasmi ah ee bartaasi kaga taal khariidadda adduunka.

Haddaba qaybtan waxaan daraasad kooban ku samayn-doonaa waxa ay yihiin Loolka iyo Dhigaha adduunku, taas oo marka aan fahamno inoo bayaamin doonta dulucda aan u socono ee ah in aan cilmi ahaan u ogaano loolka iyo dhigta ceelka shidaalka laga qodayey ee ku yaal aagga magaalada Laamu. Waxaana markaas soo dhowaan doonta in jawaab loo helo ceelka Block L-5 barta uu kaga yaal khariidada Afrika.

Loolka (Latitude): waa xarriiqo jiifa oo muuqaal ahaan u muuqda kuwo siman, laakiin cabir ahaan ah kuwo xoodan oo lagu muujiyo khariidada adduunka. Loolku waxa uu suurta geliyaa in lagu ogaado meel adduunka ka mid ah fogaan ahaan inta ay Waqooyi ama Koonfur ka xigto Dhulbaraha Adduunka.

Loolka waxaa halbeeg u ah cabbirka xaglaha ama degrees (oo lagu muujiyo o). Waxana uu cabbirkaasi ka bilowdaa 0o oo ah Dhulbaraha ilaa 90o oo ah Cirifka Adduunka (90o N oo ah Cirifka Waqooyi ama 90o S oo ah Cirifka Koonfureed).

sanguni
Sanguuni: Dhulbaraha Soomaaliya
Waxaan soo xusnay in loolka lagu cabbiro cabirka xaglaha ee degrees. Haddaba xagal kasta oo ah loolka waxaa loo qaybiyaa lixdan qaybood oo ah 60 minutes oo fogaan ahaan u dhiganta 60 nmi (nautical miles) oo qiyaastii ah 111.12 km. Sidaas daraadeed halkii minute oo ah lool dhererkiisu waa hal nmi oo ah 1852 mitir (ama 1.852 km). Halkii minute oo ah loolka ah waxa loo sii kala qaybin karaa 60 seconds. Waxaa markaas cabbirka loolka rasmiga ah ee magaalo ama meel ay leedahay uu u qormi karaa 00 degree, 00 minute, 00 seconds oo u qoran 00o 00' 00". Sidaas ayaa lagu ogaan karaa fogaanta ay magaalo Waqooyi ama Koonfur ka xigto Dhulbaraha.

Tusaale ahaan loolka ay dhacdo magaalada Raas-Kambooni waa 1o 38' 60" S [S = South oo muujineysa in magaaladaasi ay Koonfur ka xigto Dhulbaraha oo Soomaaliya ka mara meesha lagu magacaabo Sanguuni oo Waqooyi kaga aadan Kismaayo). [Xusuusnaw in Loolka mara Raas-Kambooni uu yahay 1o 38' 60" S].

Halkaas waxaan ka ogaaney in fogaanta u dhexaysa laba lool ay tahay 111.12 km. (60 nmi x 1.852 km/nmi = 111.12 km).

Maadaama Dhulbaruhu adduunka u kala qaybiyo Waqooyi iyo Koonfur, waxaa markaas loolku noqonayaa mid saamayn ku leh cimilada adduunka, waana halka laga qiyaas qaato xilliyada sida: Gu', dayr, xagaa iyo jiilaal, taas oo loolka ay markaas qorraxdu dul mareyso in aagga ku dhow uu noqonayo kulayn (ama xagaa), loolka ay qorraxdu ka fogtahayna aagga uu maro uu noqonayo qabow ama dayr ama jiilaal.

Sidaas ayaa Loolku qiyaas ahaan macne weyn adduunka ugu sameeyaa, ha noqoto xagga cimilada ama xagga meelaynta magaalo ama bar meesha ay kaga taal adduunka.

Dhigaha (Longitude): waxay suurta geliyaan in lagu ogaado meel adduunka ka mid ah dhanka Bari ama Galbeed ee ay adduunka kaga taal. Waana xarriiqo xoodan oo lagu cabbiro halbeegga xaglaha oo ka bilaabanaya 0o oo ah Dhig-dhexada ilaa +180o E oo ah dhanka Bari iyo -180o W oo dhanka Galbeed [Sidaasna ay dhiguhu ku noqonayaan 360o oo wareeg ah]. Dhig-dhexada adduunka waxaa looga qiyaas qaataa barta la yiraahdo Greenwich ee ku taal magaalada London, UK.

Fogaanta u dhexeysa labo dhigood in la helo uma sahlana sidii loolka. Sida caadiga ah fogaanta u dhexeysa laba dhigood waxay noqon kartaa 0 ilaa 111 km. Halkaas waxaa ka muuqda in fogaanta u dhexeysa dhigaha ay ku xiran tahay meesha ay dhigtu kaga beegan tahay loolka. Sidaas daraadeed haddii la rabo fogaanta rasmiga ah ee laba dhigood waxaa la adeegsadaa qaacidada ama xeerka ah: Halkii derejo ama degree oo ah Dhig (longitude) = (111.320 + 0.373sin2φ)cosφ km. Calaamadda φ waxay u taagan tahay loolka ay markaas dhigtu ku beegan tahay.


Sawirkani waa Google Earth oo muujijaya Raas-Kambooni
Sidii aan ku soo aragnay loolka oo kale ayaa dhigahana waxaa cabbirkooda loo qori karaa 00 degree, 00 minute, 00 seconds oo u qoran 00o 00' 00". Tusaale ahaan Dhigta marta magaalada Raas-Kambooni waa: 41o 34' 60" E (E = East oo muujineysa in RaasKambooni ay dhanka Bari ka xigto dhig dhexada). [Xusuunaw in Dhigta marta Raaskambooni ay tahay 41o 34' 60" E].

Dhigaha waxa kale oo lagu ogaadaa waqtiga ama inta saacadood ee u dhexeysa meel adduunka ka mid ah iyo waqtiga UTC (Coordinated Universal Time) oo sida caadiga ah loo yaqaan GMT (Greenwich Mean Time).

Maadaama maalintu ay ka kooban tahay 24 saacadood, isla mar ahaantaasna dhigaha adduunku ka kooban yihiin 360o oo wareeg ah, waxay Qorraxda ku qaadataa halkii saacba in ay goyso 150  (360o/24 saacadood = 15o saacadiiba). Haddii aad ogtahay inta saacadood ee magaalo ay ka horeyso (ama ka dambayso) waqtiga GMT waxaad markaas ogaan kartaa Dhigta ay magaaladaasi dhacdo. Tusaale ahaan meel GMT ka horeysa 4 saacadood waxay meeshaasi ku taal dhigta 60o (4 saacadood x 15o /saacadiiba= 60o) oo ah dhanka bari ee dhig dhexada.

Haddaba si loo ogaado meel ama magaalo barta ay dunida kaga taal waxaa muhiim ah in la yaqaan loolka iyo dhigta marta bartaas - Loolka oo lagu ogaanayo dhanka ay bartaasi ka xigto Dhul-baraha oo noqon karta Waqooyi (N) ama Koonfur (S). Dhigtana waxaa lagu ogaanayaa dhanka ay bartaasi ka xigto Dhig-dhexada oo noqon karta Bari (E) ama Galbeed (W).

Waxaa halkaas ka soo baxay in dhigta & loolka mara Raas-Kambooni ay yihiin: Dhig: 41o 34' 60" E. Lool: 1o 38' 60" S.

Magaalada Lamu ee aaggeeda shidaalka laga baarayo waxay dhacdaa Dhigta: 40o 54' 00" E iyo Loolka: 02o 17' 00" S.

Mar haddii aan fahamney qaab dhismeedka dhigaha iyo loolka waxaan is barbar dhigeynaa cabbirada: RaasKambooni, Lamu iyo Ceelka Block L-5.

Meesha Dhigta Loolka
RaasKambooni 41o 34' 60" E. 1o 38' 60" S.
Ceelka Block L-5 41o 44' 00.00" E
42o 06' 07.00" E
42o 40' 33.00" E
01o 39' 43.00" S
02o 22' 45.00" S
01o 39' 43.00" S
Lamu 40o 54' 00" E 02o 17' 00" S

Shaxda sare waxay muujineysaa loolka iyo dhigaha Lamu, RaasKambooni iyo qaar ka mid ah cabbirka dhigaha iyo loolka ceelka "Block L-5" oo sida aan kor kusoo xusnay ay soo bandhigtay Wasaaradda Tamarta ee Kenya. Waxaana muuqata sida ay cabbirrada Ceelkaasi ugu dhow yihiin aagga magaada Raas-Kambooni ee dalka Soomaaliya. Cabbirrada aagga "Block L-5" oo dhamaystiran Halkan ka eeg [pdf].


Isku bedelka cabbirrada adeegso Google.com ama websitekan: www.digitaldutch.com/unitconverter

Qaybaha hore ee qoraalkan waxaan kusoo aragnay in fogaanta u dhexeysa Lamu iyo Raas-Kambooni ay tahay 60 miles (oo u dhiganta qiyaastii 97 km). Sida aan kor kusoo xusnay fogaantaasi muhiimad aad u weyn ayey ku leedahay qoraalkeena, waayo fogaantaas ayaan ka qiyaas qaadaneynaa marka aan is barbar dhigeyno dhigaha iyo loolasha ay maraan Lamu iyo RaasKambooni, kuwaas oo aan barbar dhigeyno halka uu ceelka Block L-5 kaga yaal Badweynta Hindiya.

Is barbar dhiggaasi si uu inoogu fududaado waxaan naqtiin ku samayn doonaa xeerka dhererka dhinacyada saddex xagalka, kaas oo aan muhiimadiisa mar dhow arki doono.

5. Xeerka Fogaanta Dhinacyada Saddex Xagalka

Sida caadiga ah waxaa aad u sahlan in la ogaado dhererka dhinac ka mid ah saddex xagal marka la haysto dhererka labada dhinac ee kale ee saddex xagalkaas. Qaacidooyinka la adeegsado waxaa ka mid ah: Tusaale ahaan: (Shakaal)2 = (Deris)2 + (Horjeede)2 oo ah saddex xagal qumman taas oo ah qiyaasta ugu dhow ee aan samayn karo inaga oo tix gelineyna xogta aan ilaa hadda soo xusnay.

Xeerkaas maxaan hadda ugu baahanahay, ayaa laga yaabaa in aad is weydiisid? Jawaabtu waxay tahay: Ugu horrayn xusuuso in aan qoraalka hore kusoo xusnay in ceelka Block L-5 uu xeebta ka durugsan yahay fogaan dhan 80 Km. Sidoo kale xusuuso in ceelkaasi uu 135 Km Waqooyi-bari ka xigo magaalada Lamu. Mar labaad xusuusnow in ceelkaasi uu jihada Waqooyi-Bari (N-E) ka xigo magaalada Lamu.

Halkaas waxaan ka ogaaney in qiyaas ahaan dhinacyada sadde-xagalkeena ay yihiin:

  • Shakaal = Jihada Waqooyi-Bari ee uu ceelku ka xigo Lamu, taas oo fogaanteedu tahay 135 km.
  • Horjeede = Jihada xigta Badweynta Hindiya oo ah inta ceelku u jiro xeebta, taas oo ah 80 km.
  • Deris = Fogaanta u dhexeysa magaalooyinka Lamu iyo RaasKambooni, taas oo ah 97 km.

Waxaa xusid mudan in barta cabirka laga qaato marka laga hadlayo RaasKambooni in ay tahay meel xadka Soomaaliya gudaha usii gashan 3.5 km (2.2 miles). Sawirka: GoogleEarth

Mar haddii aan ognahay saddexda dhinac ee saddex xagalka, waxaan adeegsan doonaa laba ka mid ah dhinacyadiisa si aan u soo saarno dhinaca maqan.

Haddaba waxaan adeegsan doonaa fogaanta  inta ceelku Waqooyi-bari ka xigo Lamu oo ah (135 km) iyo inta ceelku ka durugsan yahay meel berri ah, taas oo ah (80 km), waa in markaas tirada soo baxdaa ay noqonto 97 km ama wax ka yar si ceelkaasi uu u noqdo mid ku jira gudaha biyaha dalka Kenya. Haddiise tirada soo baxda ay ka badato 97 km, waxaa muuqaneysa in ceelkaasi uu noqon karo aagga gudaha badda Soomaaliya. Aan eegno tirada soo baxda:

(135 km)2 = (Deris)2 + (80 km)2
Markaas: (Deris)2 = 1352 - 802 = 11,825
Markaas dhererka: Deris = 108.7 km

Halkaas waxaa ka muuqda in fogaanta soo baxday ee 108.7 km ay ka badan tahay fogaanta 97 km oo ah inta ay isu jiraan labada magaalo ee Lamu iyo Raas-Kambooni. Arrintaasi waxay muujineysaa sida ay suurta galka u tahay in ceelka Block L-5 ee ay Kenya shidaalka ka baartay uu gudaha ugu jiri karo dhanka gudaha badda Soomaaliya ku dhawaad dhawr Kiilomitir.

Waxa kale oo xusid mudan in ceelkaasi uu xeebta u jiro 80 km oo keliya, oo ah bad xisaab ahaan u muuqata fogaantaas aad uga yar 370 km oo ah inta xeerka Qaramada Midoobey u ogol yahay dalka xeebtaas leh in uu leeyahay xuquuqda macdanta, batroolka iyo gaaska kujira xeebta ilaa 370 km oo ah gudaha badda. Xeerkaas caalamiga ah ee badaha oo sida aan soo xusnay ay Kenya iyo Soomaaliya saxiixeen sannadkii 1989.

Fogaantaas waxaa sii xaqiijinaya cabir kale oo sida kor ku xusan ay bixisay shirkadda Woodside, kaas oo ah in ceelkaasi uu ku yaal meel 350 km Waqooyi-Bari ka xigta Mombasa....

[Magaalada Lamu, sida ku cad Ecylopedia Britannica, waxay 150 miles (241 km) Waqooyo-Bari ka xigtaa magaalada Mombasa. Sidaas daraadeed Mombasa iyo Raaskambooni waxay isu jiraan 338 km (241+97 km). Tiradaas oo haddii la raaco xeerka xisaabta saddex xagalka ee aan kor kusoo aragnay, waxay muujin doontaa in fogaan ugu yaraan ah ilaa 2 km uu aagga ceelku gudaha ugu jiri karo badda Soomaaliya].

Sidaas daraadeed haddii cilmi ahaan loo caddeeyo ama loo ogaado in ceelka "Block L-5" uu dhawr kiiloomitir gudaha ugu jiro aag ku beegan xeebta Soomaaliya, oo isla mar ahaantaasna uu ceelkaasi xeebta ka durugsan yahay 80 km oo keliya markaas su'aal weyn ayaa halkaas ka dhalan karta, taas oo ah: Yaa leh Ceelkaas? Maxaa sababay in kenya ay shidaal ka baarto meel aad ugu dhow badda xadka Soomaaliya? Iyadoo la ogyahay in Dhererka Xeebta kenya uu yahay 536 km, maxaa sababay in xilligan ay baaritanka ka bilowdo xeebta iyo badda la olloga ah dhulka Soomaaliya?.

Khariidadda hoose ayaa soo koobeysa dhammaan macluumaadkii aan kusoo ururinay qoraalkan, taas oo ah aagga uu ku beegan yahay ceelka "Block L-5" ee ay Kenya batroolka ka baartay. Khariidaddaas waxaa ku muujisan dhigaha, loolka iyo fogaanta ay isu jiraan meelaha kala ah: Raas-Kambooni, Lamu iyo ceelka "Block L-5".


Eeg Khariidadda Soomaaliya oo weyn... Guji [pdf]

6. Gabagabo:

Qoraalkan uma qorin in aan caddayno in si rasmi ah uu ceelka "Block L-5" ugu jiro biyaha Soomaaliya, balse waxaan ugu talo gallay maadaama ay muuqato in ceelkani cabbir ahaan aad ugu dhowyahay biyaha Soomaaliya in su'aasha ah: Xaggee Ceelka "Block L-5" kaga yaal Badweynta Hindiya aan u soo bandhigno in ay jawaab ka keenaan aqoonyahannada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa cilmiga u leh: Juqraafiga, Khariidadaha, Topogaraafiyada, cartografiyada, qaab dhismeedka Loolka & Dhigaha Dhulka iyo sharciyada Badda iyo xeerarka caalami ah.

Haddii rasmi ahaan loo ogaado, ama si madax bannaan loo caddeeyo, in ceelkaas shidaalka laga baaray uu dhawr mayl oo keliya uu gudaha ugu jiro badda Kenya (maadaama kenya aysan cadayn in aaggaas ay ku hungudeyn aysan agagaarkiisa shidaal ka baarayn), oo markaas ceelkaas aaggiisa shidaal laga helo, su'aasha kale oo in laga jawaabo u baahan waxay tahay: ma dhici kartaa in shidaalkaasi ka soo jiidmayo badda Soomaaliya ama dhulka Soomaaliya. Su'aashaas jawaabteeda waxaa laga sugayaa aqoonyahanka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa aqoonta u leh Juquraafiga iyo cilmiga Batroolka, qaab dhismeedka joolojiga dhulka iyo qawaaniinta shidaalka.


Nov 2006: Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo Caariyey Xeebaha Soomaaliya
Dhererka Xeebta Soomaaliya oo qiyaastii ah in ka badan saddex kun oo kiilomitir, wixii ka dambeeyey burburkii dawladii Soomaaliyeed ee 1991kii, waxay noqotay xeeb aan lahayn cid ilaalisa, arrintaas oo sababtay in la arkay sun badan oo ka soo caaridey xeebaha Soomaaliya. Waxaa kale oo jirta in maraakiib aad u farabadan ay xeebaha Soomaliya ka kalluumaystaan iyagoo aan u meel deyeyn nooca kalluunka ay dabanayaan, halkaasna ay ku nabaad guuraan khayradkii badda Soomaaliya.

Haddii aan u soo laabano shidaalka, qaaradda Afrika waxay u muuqayaa mid ay tartan ugu jiraan shirkadaha adduunka ee shidaalka baara. Soomaaliyana waxay ka mid tahay dalka qaaradda ka mid ah ee aad loogu tuhunsan yahay in ay ceegaagaan macdano iyo batrool aad u farabadan.

Daraasad cilmiyeed la bilaabay sannadkii 1988 oo ay ka qayb qaateen Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabislan horumarinta ee loo yaqaan UNDP iyo Bangiga Adduunka (World Bank), ayaa natiijadii daraasadaas ka soo baxday waxaa lagu soo bandhigay kulan ay joolojiistayaal ka qayb qateen oo September 1991 lagu qabtay magaalada London, UK. Waxaana la is weydiiyey: Soomaaliya batrool ma ku jiraa? "Waa ku jiraa. Wax shaki ah kuma jiro in halkaas uu batrool ku jiro," sidaas waxaa yiri Joolojiiste Thomas E. O’Connor, oo Injineer guud u ahaa Bangiga Adduunka, kaas oo hoggaamiyey baaritaan xeel dheer oo ahaa daraasad saddex sano qaadatay oo la xiriirtey rajada batroolka Soomaaliya. Guud ahaan waxaa kulankaas lagu sheegay in "Soomaaliya ay ku fadhido isha Batroolka".

Su'aasha hadda Soomaalida hor taal ayaa ah: Sidee khayraadkaa dadka Soomaaliyeed loogu ilaalin karaa isla mar ahaantaasna loogu faa'iideyn karaa mujtamaca Soomaaliyeed?.

Waxaan la inkiri Karin in shaki iyo feejignaan badan la qabo xilligan hadda ah cidkastoo isku mashquulisa Khayraadka Soomaaliya inay wax ka qabato ama ha xadayso ama daacadba ha ka ahaatee. Sababtu waxay tahay waxaa maqan wixii ka muhiim sanaa oo wadanku u baahnaa. Waxaa aad layaab ugu ah dad fara badan oo Soomaaliyeed sababta loo horror sanayo khayraadka Soomaaliya, loogana faa'iidaysanayo Dowlad la'aanta ka jirta daraadeed iyadoo badanaa saxiix laga qaato qof uun ku magacaaban xil, laakiin aan awoodeedii, aqoonteedii, fakerkeedii iyo hankeedii qaranimo toona lahayn.

Miyaanay ahayn in Su'aalahaan aan is waydiino Dowladaha dariska ma waxaa u faa'iido badan inaan sidaan u burbursanaano iyana nafagtaan? Mise waxaa u doorroon inaan dowlad lasiman noqono? Miyaan ficiladooda jawaab looga dhigi Karin sida ay u fakarayaan? Dowladaha reer Galbeedka laftooda oo sida ku cad qoraalka kore saamiyada (sheerarka) ugu badan leh ceelka lagu hungoobay marka la isku daro, miyaanay layaab ahayn sida ay ugu dhiiradeen maalgalinta xuduud laba wadan dhexdood iyo waliba haddii meeshaas Soomaaliya yeelato jabinta qawaaniintii ay iyagu badaha u dajiyeen?.

Miyey ilowsan yihiin dowladaha iyo dadka ku foogan khayraadka Soomaaliya in Soomaaliga maskaxda fayow xilligan hadda ah markuu maqlo hadal haynta khayraadka dabiiciga ah markiiba maskaxdiisa kusoo dhacayso in 'Sun la aasayo'? Miyaanay is waydiin mudnayn in ay maalin imaandoonto la isku qaado xukun 'xatooyo xoolo qaran'? Miyaanay ahayn inaan xusuus qor usamyno dhacdooyinka layaabka leh ee soo noq noqonaya? Miyaanay ahayn inaan u fakero qaranimo? Aana ka gudubno qofnimo iyo qabiilnimo?.

Qormada waxaa kusoo xireynaa: Dadweynaha Soomaaliyeed waxaan halkaas ugu soo bandhignay xogta aan ka soo ururinay ilaa hadda macluumaadka laga hayo ceelka ay Kenya shidaalka ka baartay oo ku yaal meel la ollog ah Soomaaliya. Laakiin jawaabta rasmiga ah ee meesha uu ku yaal ceelka "Block L-5" waxaa laga sugayaa dadka cilmiga u leh.

  • FG: Aagga dhaqaalaha ee badda Soomaaliya waxa uu hoos imanayaa dhul-badeedka Soomaaliya oo ah 200nmi(370km), waayo Soomaaliya waxay xeerka badaha adduunka saxiixday ayadoo aan ka tanaasulin in Territorial Sea ay tahay 200nmi.

Jawaabta qoraalkan waxaa lagu soo hagaajin karaa emailka ku jirta linkigan: www.somalitalk.com/feedback

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 26, 2007

Tixraac

Akhri: Shiinaha iyo Tartanka Batroolka Qaaradda Afrika

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD