SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA AFRIKA


  • Riigga Batroolka ka Qodaya aagga Magaalada Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya....
  • Shiinaha iyo Tartanka Batroolka Qaaradda Afrika

Kenya: Blocks L5 and L7

Labada Blocks ee L5 iyo L7 waxaa hadda wadaag ku ah shirkadaha: Woodside 30%. Dana 30%. Repsol 20%. Global 20%
Shirkadda Woodside waxaa laga leeyahay dalka Australia.
Website: www.woodside.com.au

Shirkadda Dana Petroleum waxaa laga leeyahay dalka Britain.
Website: www.dana-petroleum.com
Shirkadda Repsol YPF waa shirkad Spanish ah oo xarun teedu tahay Spain.
Website: www.repsolypf.com
Shirkadda Global Petroleum waxaa laga leeyahay dalka Australia

Website:
www.globalpetroleum.com.au

Riigga Batroolka ka Qodaya aagga Magaalada Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya....

  • Qore:  Philip Mwakio | Isha: Eastandard.net | Tarjumadii SomaliTalk.com | Jan 15, 2007

Riigga shidaalka qoda

Markabka lagu magacaabo MV Chyuku oo ah riigga batroolka ka qodayada meel ka durugsan xeebta magaalada Lamu ee Badweynta Hindiya waxa uu ka badbaadey in ay soo gaaraan rabshadaha dalka deriska ah ee Soomaaliya. Sidaas waxaa warka ku bilowda jariidada Standard ee ka soo baxda magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Jariidada oo warkeeda sii wadata waxay qortay sidan:

Arrintaas, ah in markabku badbaadey, waxaa caddeeyey shirkadda Woodside Energy agaasimaheeda guud ee Kenya, Mr. Alex Taylor.

"Wax kasta waa caadi, shaqaduna sideedii ayey u socotaa," ayuu Taylor waxa uu telefoon ugu sheegay Jariidada Standard, markii laweydiiyey in markabku uu bedqabo ka dib markii dagaal ka dhacay dalka Soomaaliya.

Diyaarad Maraykan ah ayaa Talaadadii toddobaadkii hore waxay weerar ku qaaday meel lagu sheegay in ay ku jiraan xubno looga shakiyey Al-Qaeda oo u dhaw magaalada dekeda ah ee Kismaayo oo ku taal Soomaaliya.

Warbixino ayaa sheegay in laba Helicopter ay dhawr gantaal kusoo rideen tuulo soo xigta meel u dhow xadka Kenya halkaasna ay dad ku dhinteen. [Magaalada Lamu waxay 60 miles koonfur ka xigtaa magaalada Raas-Kambooni oo ah aagga duqayntu ka dhacday].


Jan 10, 2007: Sawir ay shaaciyeen US Navy oo muujinaya diyaarado ka duulaya markabka USS Dwight D. Eisenhower oo jooga meel aan la sheegin. Saraakiil Soomaali ah ayaa Maraykanka ku eedeeyey in duqayn kale ku sameeyeen meelo looga shakiyey  Al-Qaeda oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya, laakiin taas Washington waa beenisey in ay duqayn dheeraad ah fulisey. Sawirka: AFP

Markabka diyaaradaha qaada ee Maraykanka ee USS Dwight D Eisenhower ayaa yimid meel ka durugsan xeebta Soomaaliya si uu halkaas uga fuliyo hawl-gal xog ururin ah oo ku saabsan Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta (ee Kenya) Mr Kiraitu Murungi ayaa la qorshaynayaa in uu booqdo markabka xambaarsan riigga shidaalka lagu baarayo ee ku sugan meel ka durugsan xeebta Lamu, Kenya.

Wasiirku waxa uu u duuli doonaa halkaas, oo 300km ka durugsan magaalada Mombasa isagoo ay diyaarad khaas ah ka qaadi doonto garoonka diyaaradaaha ee caalamiga ah ee Moi Airport, ee Mombasa.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha shirkadda Woodside Energy wax faahfaahin ah kama bixin halka uu marayo heerka qoditaanka shidaalka ee ilaa hadda la sameeyey. Shirkadda Woodside Energy waxa ay leedahay saamiga 30% ee shirkadaha wadaagga ku leh ee qoditaanka batroolka ka wada laba meelood oo rajo laga qabo oo ah meelo ka durugsan xeebta Lamu.

Saddexda shirkadood ee kale waa Dana Petroleum oo leh saamiga 30%, Repsol YPF oo leh 20% iyo Global Petroleum Energy, oo ayaduna leh 20%.

Qoditaanka oo la filayo in uu qaato 40 maalmood oo markaas ka dib lagu samayn doono baaritaan xeel dheer ka hor inta aan natiijada loo gudbin dawladda, waxaa shirkadahaas wadaagga ah qoditaankaas kaga baxaya kharash dhan k.Sh. 7 billion ($100 million).

Waxaa kale oo xusid mudan in shirkadda shidaalka Baarta ee Australia ay dalka Liibiya ka baareyso Shidaal taas oo baareysa hal ceel oo qiimahiisu dhan yahay $US194 million oo u dhiganta 226 million oo lacagta Australia ah. Taas barbar dhig in shirkada Range Resource ay gebi ahaan dhul baaxadiisu dhantahay 212,500 Km oo labajibaaran ay kula heshiisey Puntland in ay bishiiba ka siiso $200,000 oo keliya, taas oo xitaa DGPL aysan qirsanayn in ay bil kasta hesho lacagtaas, laakiin shirkaddu ay ku celcelisey in ay bixiso bil kasta..

Saxaraha Liibiya oo shidaal laga baarayo.
Akhri halkan...
| Isha: TheAge,

Eeg sawirka oo weyn... Guji..

Labada ceel ee Blocks L5 & L7 oo baaritaankooda la samaynayo inta u dhexeysa 2005 iyo 2008.

Mid kasta oo ka mid ceelashaas waxaa qoditaankiisa ku baxaya lacag dhan Sh4.9 billion, ayey warkeedii ku soo xirtay jariidada Eastandard.

Ceelashaas mid ka mid ah waxa uu ku yaal meesha la yiraahdo Pomboo oo 135 kilometir woqooyi-bari ka xigta magaalada Lamu, ceelkaas oo loo yaqaan Block L-5 waa kan hadda uu riiggu baaritaanka ku wado. Ceelka labaad ee kaas ku xigi doona waa mid ku yaal meesha la yiraahdo Sokwe oo 180 kilometir waqooyi-bari ka xigta magaalada Malindi, waxaana loo yaqaan Block L-7 (Magaalada Malindi waa magaaladii lagu qabtay kulankii socdey June 8-12, 2006 ee la sheegay in sharciga loogu soo sameeyey shidaal qodista Soomaaliya, sharcigaas oo ilaa hadda aan la hor geyn baarlamaanka Baydhabo.).

Ceelka Lamu ee ay hadda shidaal qodistu ka socoto waxaa ka shaqeeya 145 qof oo shaqada gala laba jeer oo kala duwan oo koox kasta ay shaqayneyso 12 saacadood. Shaqaaluhu waxay markabka Riigga saarnaadaan muddo 28 maalmood ah, markaas ayaa la siiyaa fasax intaas le'eg oo ay ku nastaan.

Sida ay qortay shabakadda Kenya London News, Janaayo 12, 2007 (iyo weliba jaridada Daily Nation Dec. 25, 2006): Woodside Energy oo ka mid ah shirkadaha shidaalka ka baara Kenya waxay tiri: Rajada laga qabo in aagga magaalada Mombasa ay tahay meel uu ku kaydsan yahay batrool waa 12%. Maamulaha guud ee shirkaddaasi, Alex Taylor, waxa uu sheegay in xitaa haddii ay halkaas shidaal ku jiro in ay qaadneyso muddo toddoba sano ah in laga bilaabo baaritaan qoditaanka shidaalka.]

Ilaa hadda (Jan. 2007) waxaa baaritaanka shidaalka oo soo bilowday saddex bilood ka hor (Oct. 2006) ku baxday lacag dhan $100 million oo doolar. Waxaana shirkadda Woodside Energy baaritaanka batroolka ay Kenya ka waddo kula jira afar shirkadood oo kale oo shidaal ka baaraya xeebta kenya. [Waxaa la xusuustaa inta ay ahayd lacagtii muddada Afarta sano ah lagula heshiiyey DGPL si shidaal/macdan looga baarto gebi ahaanba dhulka Puntland.]

Waxaa warku shegay in shirkadd Woodside Energy ay qandaraas la gashay shirkad laga leeyahay dalka Japan si ay ceelal uga qodo badda hoosteeda meel dhulka hoos u qodan 2000 mitir. Batroolka ka sokow, waxaa Kenya ka socda baaritan Gaaska dabiiciga ah.


Shiinaha iyo Tartanka Batroolka Qaaradda Afrika

  • Isha: Wakaaladaha | Tarjumadii: SomaliTalk.com

Hu  iyo Kibaki oo ku kulamay Nairobi. Sawirka: AP

Kulankii xiriirka Shiinaha iyo Afrika(Forum on China-Africa Cooperation) waxaa ka qayb galeen Shiinaha 48 dal oo African waxana lagu qabtay magaalada Bakiin (Beijing) intii u dhexeysey 4tii ilaa 5tii November 2006. Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii ka qayb galay.

Dalka Shiinaha waxa uu ka mid yahay dalalka Aasiya ee dadaalka xoogga leh ugu jira sidii ay xiriir sokeeye ula yeelan lahaayeen dalalka Afrika, taas oo qorshaha ugu weyn ee dalka Shiinaha uu yahay sidii uu uga qayb qaadan lahaa tartanka shidaalka ee loogu jiro Qaaradda aan weli khayradkeeda sida rasmiga ah looga faa'iidaysan ee Afrika.  Sidoo kale waxa dalka Shiinaha uu danaynayaa shidaalka Bariga dhexe.

Arrintaas si ay uga miro dhaliso xukuumada Shiinahu waxay xiriiro badan la samaysay dalal badan oo dhulkooda laga helay shidaal ama lagu tuhunsan yahay in shidaal ku jiro. Xiriiradaas si loo sii xoojiyo madaxweynaha Shiinaha waxa uu safar qaatay April 22-29, 2006 ku maray dalalka Saudi Arabia, Morocco, Nigeria iyo Kenya.

On April 26, 2006, ayey ahayd markii madaxweyna China Hu Jintao uu booqashada ku tegey magaalada Abuja ee caasimada dalka Nigeria halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho ay xukuumada Shiinuhu ku sheegtay dardar gelinta xiriir saaxiibtinimo ee horumarineed oo dhexmara Afrika iyo China. Intii uu dalka Nigeria joogey Hu waxa uu la kulmay madaxweynaha Nigeria Olusegun Okikiola Aremu Obasanjo, waxa kale oo uu la kulmay afhayeenada golaha baarlamaanka iyo aqalka odayaasha ee Nigeria. [Shirkadda CNOOC ee Shiinaha waxay markaas dalka Nigeria la saxiixatay heshiis ah in shirkaddaas la siiyo shatiga /laysanka shidaal qodista Nigeria heshiiskaas oo ahaa $4 billion oo doolar.]

On April 27, 2006 ayaa madaxweyne Hu Jintao waxa uu yimid magaalada Nairobi, ee caasimada Kenya Kenya, si uu sii wado xiriirkii uu la samayneyey madaxda Afrika. Intii uu joogey Kenya waxa uu la kulmay madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki.


CNOOC Ltd

Intii uu Madaxweynaha Shiinuhu ku sugnaa Kenya, waxa heshiis ku saabsan baaritaanka shidaalka uu dhex maray Kenya iyo Shiinaha, baaritaanakaas oo ay ka qayb qaadaneyso shirkadda ay leedahay xukuumada Shiinaha ee CNOOC Ltd. Heshiiskani waxa uu dhacay laba maalmood ka dib heshiiskii ay shirkaddaasi la gashay Nigeria, ee kor ku xusan. Heshiiska CNOOC kenya la saxiixatay waxa uu ahaa qandaraas wax-soosaar wadaag ee lix goobood (6 blocks) oo ah Lamu, Anza iyo Mandera. [Shirkadda CNOOC waa shirkaddii July 16, 2006 magaalada Garoowe kulanka kula yeelatay madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo madax ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland. Waxaa reer Puntland aaminsan yihiin in shirkaddani ay tahay mid ay wadato DFKMG taas oo ka duwan shirkadda Range Resources/Consort ee ay wadato DGPL.]

Intii uu madaxweynaha Shiinuhu safarka ku marayey afarta dal ee kor kuxusan, waxa dalka Shiinuhu uu dalalkaas la saxiixday 28 heshiis oo ay ka mid yihiin: heshiisyo siyaasadeed, ammaan, dhaqaale, ganacsi, tamar (shidaal qodis), waxbarasho, aalad caafimaad, dhaqan-isweydaarsi iyo dalxiis.

Xiriirka dhaqaalaha ee u dhexeeya Afrika iyo Shiinaha waxa uu sannadkii 2005 gaarey $40 billion oo doolar (waxaana la qiyaasayaa in dhaqaalahaasi uu gaari doono $100 billion oo doolar sannadka 2010.)

Waxa kale oo xusid mudan shir-weynihii lagu qabtey magaalada Beijing, China intii u dhexeysey 4tii ilaa 5tii November 2006,  oo ay ka qayb galeen dalka Shiinaha iyo 48 dal oo Afrikaan ah, shirkaas oo ahaa sii horumarinta iyo xoojinta xiriirka Afrika iyo Shiinaha.

Horumarradaas uu dalka Shiinuhu ka gaaray xiriirka dhaqaale ee uu la leeyahay qaarada Afrika ayaa dadka siyaasadda adduunka odorasa ay ku tilmaameen mid keentay in reer galbeedku ay il gaar ah ku fiiriyaan horumarka degdeg ah ee sida xawliga ah ku socda ee dhex maraya Shiinaha iyo Qaaradda aan weli kharaadkeeda laga faa'iidaydsan.

Walaacaas waxaa soo koobay jariidada Guardian ee ka soo baxda dalka UK caddadkeedii Arbaca November 1, 2006, oo ah maalmo ka hor intii uusan dhicin kulankii Afrika iyo China, oo ay ku qortay qoraal ay cinwaan uga dhigtay "Beijing xusul-duubka ay ugu jirto Afrika", waxana ay jaridadu tiri: Dalka China waxa uu jeebka ku shuban doonaa inta badan tartanka cusub ee loogu jiro Qaarada Afrika marka uu marti geliyo shirka aragtida-dheer ee ganacsiga, maalgelinta iyo caawinaad ee lagu qabanayo Beijing, waa markii qoraalka la qoraye'e, oo ay ka qayb gelayaan madaxda 48 dal oo African ah. Laakiin, ayey tiri jariidadu, in kasta oo kulanku loogu talo galay in in uu Shiinaha u kordhiyo rabitaankiisa caalamiga ah ee khayradka, alaabta ceyriin, iyo suuqyada ganacsiga, hadana waxaa isa-soo taraya walaaca laga qabo in koboca Beijing aysan wax dan ah oo weyn ugu jirin qaarada Afrika, waxaana dalalka reer Galbeedka laga jari doonaa ganacsiga Mustaqbalka ee qaaradaas.

Su'aasha is weydiinta leh waxay tahay Afrika maku baraarugsan tahay in lagu tartamayo Khayraadkeeda ay qarniyaasha ka faa'iidsaysan la'ayd.

soolDAGAALKA, BATROOLKA IYO SOOMAALIYA
Qofkii raba in uu si dhab ah u fahmo cinwaannada wararkii ugu dambeeyey
Akhri..

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2007

Isha/Sawirkada: http://english.focacsummit.org iyo Google images, www.Eastandard.net, AP, Yahoonews, Kenya London News, Daily Nation, Guardian

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD