SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XILBEEG

X I L B E E G

Ardaa Bulsheed Dan Bida Tan Guud.
_________________ 
 “…Haddey boogi kugu taal, nin kale tiisu kaa dedane, Haddaad adigu tuur leedihiyo, tootir iyo qaallo,

Mid kaleeto inaad toosisaa waa tu aan dhicine. “ Xaaji Adam Axmed Xasan ‘Afqalooc’.
______________________________ 

Puntland: Dhankii loo Saraba waa Boog 

* Afeef – Ujeedadu ma aha in la ihaaneeyo maamulka hadda jira, ceebaakiisa lagu maadaysto, balse waa tusaalayn looga golleeyahay in kafado la saaro maamulka caynka u haya Puntland. 

Kani waa qoraal aan ku odorosi doono xaalada ay Puntand hadda ku sugan tahay, iyo halka ay tahay in ay mustaqbalka hiigsato. 

Ugu horayn waxaanu qeexi macnaha maamul, waxaanu milicsan halka sida ay nala tahay ay ka qaloocdo, deetana waxaan soo jeedin doonaa talo iyo tusaalayn sidii lagu kabi lahaa.  

Marka la qeexo macnaha weedha “maamul”, inkasta oo ay weedhu macno badan tahay, tan ugu sahlan ayaa lagu ekeeyaa “…hannaan go’aan qaadasho…kaas oo leh tub lagu fuliyo go’aamada.”

Si kale haddii loo dhigo waa “…shuruuc, nidaam, iyo tasaruf raad ku yeesha hannaanka loo maareeyo awoodda … khaasatan marka la tixraaco ka qaybgalinta, iskaashiga, hufnaanta, u dabacsanaanta, iyo ka mas’uul ahaanshaha…daraja kasta oo maamul, ha ahaato mid tuuulo, degmo, gobol, dawlad goboleed ama dawlad dhexe, iyo xubin kasta oo bulshada ka mid ah” [1]. 

Si haykal maamul wadaag ahi uu u dhismo, waxaa lama huraan ah in uu yeesho dabeecado dhawr ah, oo la’aantood aan lagu astayn karin maamul. Waxaa ugu mudan sinnaan, iskaashi, u nuglaan, ka qaybgalin, u hogaansan sharci, hufnaan iyo hawlkar, iyo oofin wacad.  

Sahamle (stakeholder) kasta oo bulshada ka mid ahi waa in uu dareemaa in cabashooyinkiisa uu maamulku danaynayo, una nugul yahay tabashooyinkiisa, iyada oo la xeerinayo ahmiyada sahamluhu uu u leeyahay jiritaanka iyo hanaqaadka maamul. Tusaale ahaan, marka gobol ama beel ka mid ah kuwa dega Puntland ay ka cawdaan maamulka, waxaa ay mudan yihiin in cabashadooda la tixgeliyo, lagana shaafiyo – sax ama qalad (waa ay dhacdaa in marar badan dadku iyaga oo qaldan ay sax isu arkaa, waase in lala garramaa, lana kala gar naqsadaa), nasiib darose ma muuqato in ay taasi hadda ka jirto Puntland. Aafooyin si sahlan lagu furdaamin karay, ayaa faraha ka baxay, meel xunna ku gabaabsiyey. Waxaa tusaale noqon kara dhacdooyinkii Majiyahan iyo Bosaso [2]. 

Isu dheelitir maamul, iyo u hayin noqoshada cahdiga seetada u ah bulshada, kuna dabra gobol gobol kale, ama hay’ad hay’ad kale. Tusaale ahaan, sow gaf weyn ma aha in golaha garsoorka oo ah rukniga saddexaad ee hay’adaha dawliga ah xukuumadu ay ula macaamisho sidii xubno ka tirsan xukuumada oo markii la doonana la bedalo, cidii la doonana loo magacaabo [3]. 

Go’aan kasta waa in uu ahaado mid wadareed oo badi sahamlaydu ay isku raacaan, loona arko in uu yahay mid danta wadareed ka hormarinaya tan mid ama tiro yar. Tusaale ahaan, maxjarka laga dhisayo Bosaso waxaa su’aalo ka keenay ganacsato tiir dhexaad u ah dhaqaalaha Puntland, sababna u ah adeegyada gaarka ah ee ay ku naalooto bulshadu, daboolaan badi baahiyaha joogtada ah ee bulshada. Maamulku waa uu ku barriiqday ayaa la odhan karaa maaraynta xaajadan, waxaana la arkaa in ay dhibkeeda la timaado mar aan fogayn.  Dhibkuna waa taagan yahay iyada oo ganacsatadu ay hadaba wadaan dhisme maxjar iyaga u gaar ah, dhismaha kan dawladuna uu socdo. Is-waafajin, isu dheelitir iyo u xeerin kan danta ummaddu ku jirto ayaa ay ahayd in loo iisho. 

Bulshadu waa in ay u siman tahay hannaanka iyo hay’adaha dawliga ah, ayna dareentaa in ay qayb ku leeyihiin, kana yihiin. Sida muuqata, gobollada Puntland waxaa ka samaysmay sawir gobolaysi ah oo gobol ama beel kastaa iskeed isu maaraynayso, taasina waxaa ay si weyn u soo ifbaxday markii Laascaanood si sahlan ay ula wareegeen ashkhaas ka biyadiiday tubta uu hayo maamulka Puntland, danna mooday maamulka goosanka ah ee Somaliland. Sanaag warkii daa. Nugaal iyo Mudug haba sheegin. Bari cadho ayaa uu tikhda hayaa. 

Hawlwadeenada maamulka ee lagu aaminay masiirka iyo hantida bulshadu waa in ay ogaadaan in ay u qoolan yihiin sahamle kasta, ayna tahay in gafafkooda la dhawro, lana turxaan bixiyo.

Waa in uu jiraa la xisaabtan, hantidhawr iyo agaasim waafi ah oo sahamlayda oo dhami ka dharagsan tahay, si loo ogaado halka iyo cidda ka baydha wadiiqada bulshadu ku heshiisay, ee u janjeedhisa dhanka tiisa ama tooda. Xilligan lagu jiro lama odhan karo Puntland waxaa ka jira hantidhawr iyo agaasim mudan in lagu asteeyo mid hufan. Tusaale waxaa noqon kara heshiisyada ay xukuumada Puntland la gasho hay’adaha shisheeye ee aan laga ansixin baarlamaanka, laga talogelin shacabka, nuxurkooda dhabta ahna aanay bulshadu xog ogaal u ahayn marka laga reebo tiro yar oo is mahadisay.

Si uu u hirgelo maamul, waa in ay jiraan sahamlayaal u arka in maamulku danahooda wadareed, iyo gaar ahaaneedba dhawrayo. Haddii taa la waayana, haykalkii iyo aaladii maamul lahaa ayaa meesha ka baxaysa, waana biyadhaca qoraalkan, oo dhab ahaan ka bixinaya sawir aan qurux badnayn xaalada Puntland ee eegakadan, su’aalna ka keenaya sharci noqoshada maamulka hogaamiya Puntland.  

Wanaag iyo xumaanba, Puntland waxaa ay tahay dhul nabdoon oo mitaal u noqon karta gobollada kale ee Somaliya ee dhanka amniga, ammaanka, maamulka, iyo iskaashigaba. Ayaan darose, gaawihii intuba ay ku jireen ee bulshadu ay ku tiir iyo tacab beeshay ayaa afka ciida loo daray. 

Ma garaad li’ibay eersatay? Ma falfal xumaa keentay? Mise waa fayo gab maamul? Waxaan qabnaa in jawaabta laga dhex heli karo intaba. Mana aha mid qof, beel ama gobol eersatay, ee waxaa wanjalay tiro falal gurracan oo isbiidhsaday. 

Maamulka hadda jira waa loo hanweynaa, mase noqon, ceebaalkiisa ka sokowse waa uu caymin karaa Puntland inta uga harsan xilli maamuleedkiisa. Waa lagu dhiiran karaa in lagu doodo “Puntland magac ahaan ayuun bay u jirtaaye, maamul ahaan hore ayaa ay u iilatay” – alle horti, weedhaasi dhabta kama foga. Laakiin, iyada oo intuba ay jirto, ayaa hadana mustaqbalku uu aad u cuddoon yahay, si sahlanna lagu caymin karaa boogaha maarayneed iyo maamul ee Puntland. 

Waxaan marag ma doonta ah in maamulka Puntland uu lahaa riyo iyo qorshe waxqabad oo ay u aydo bulshada Puntland, nasiib darose riyadaasi ma aanay dhoboobin. 

Intii ay doontaba ha ku qaadatee, waxaan ku boorin lahayn maamulka M/weyne Cadde in wuxuun dhaxal ah oo taariikhda gala ay ummadda uga tagaan, aanayna ku sifoobin odhaahdii Adam Carab ee “Sabool dhargaa nabada waa iskaga safaadaaye”, mudnaanta koowaadna uu siiyaa talooyinka hoose ku xusan. 

Waa in lagu dhiiradaa gedo iyo tabo raali geliya bulshada, mustaqbalkana loona aayo. Tusaale ahaan, M/weynihi hore ee Puntland Maxamed Cabid Xaashi taariikhdu abid waxaa ay xusi doontaa in uu ahaa halyey jeexay tub awood wareejineed (legacy of power transfer), reer Puntland-na ay abid abaal ugu hayn doonaan [4].

Waxaan talo ku soo jeedin lahayn in laga dhabeeyo:

  • Hirgelinta astaamaha maamul talo-wadaag ah oo ay ugu horeeyaan:
    • In la ebyo dastuurka Puntland, bulshadana loo soo bandhigo,
    • In la hirgeliyo shuruucda axsaab siyaasadeed,
    • In la yagleelo guddiga doorashooyinka,
    • In loo diyaariyo bulshada doorashooyin ku salaysan nidaamka ‘qof iyo cod’,
  • Dhiirigelin doodo ay bulshadu ka yeelato masiirkeeda iyo mustaqbalkeeda,
  • Saxaafada oo u madax banaan ka warranka wixii jira, u warranka bulshada, iyo warinta walaaca sahamleyda,
  • Isbedel kasta oo yimaadaa uu noqdaa mid siyaasadeed oo loo maro nidaamka siyaasiga ah, marnabana aan lagu deyin tabo aanay geyin.

Haddii intaa la waayo, waxaan shaki ku jirin in Puntland ay noqon doonto mid baalasha taariikhda uun laga dheegto mar aan fogayn.  

Tixraac: 
[1] Nature and politcs - Rapaczynski, Andrzej.
[2] The constitution of liberty – Hayek, Freidrick A.
[3] Dastuurka DG Puntland, July 2001.
[4] Warbaahinta maxalliga ah, 2003-2007 
_______________________ 

** Xilbeeg waa ardaa bulsheed u taagan toosinta galdaloolooyinka maamul, goobana horumarka fog ee Puntland, lehna aragti siyaasadeed u nugul danta guud.  

“Cindi laawe, Ha Cawarine, Caymi” Hal kudhegga XILBEEG.

Maxamed A Cali.
Guddiga Xiriirka Bulsho
XILBEEG@gmail.com
______________________ 
*** Kii raba in uu dhibic ama dhamal ku darsado dhaanka XILBEEG, waa ay u furan tahay.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 09, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com