SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Jan 6, 2006
  • Mudaharad Looga Soo Horjeedo Ethiopia Ka Dhacay Muqdisho
  • Muuse Suudi Yalaxow oo lix bilood kadib kasoo Degey Gegida Diyaaradaha Ee magaalada Muqdisho.
  • Hay'ad Ka Tirsan Qaramada Midoobey oo ka dayrisay Xaaladda Ammaan-darro ee Soomaaliya
  • Hadalkii Kasoo Baxay Wasiirka Arimaha Gudaha Xuseen Caydiid oo Damqay Meel Dhaawac Ahayd.
  • C/laahi Yuusuf oo dalbaday in ciidamo nabad ilaalin ah si deg deg ah loogu soo diro Soomaaliya
  • Qaar ka Tirsan Mudanayaasha Baraalamaanka oo ku sugnaa nairobi ayaa oo Xabsiga La dhigay .
  • Ayman la zawahiri oo ku Baaqay weeraro ku Dhufo ka dhaqaaq ah oo lala Beegsado ciidamada Ethiopia
  • Contact Group oo Shir ku yeeshay Nairobi, Kenya
  • Alqaacida oo Muslimiinta Soomaaliya ugu baaqday inay weeraro ku qaadaan Ciidamada Itoobiya Ethiopia

"Wiil dhawr iyo toban jir ah oo ay Ciidamada Ethiopia ku dileen Muqdisho" nytimes

Muqdisho: Jariidada New York Times waxay sheegtay in saraakiisha Cisbitaal ku yal Muqdisho ay sheegeen in ciidamada Ethiopia ay Muqdisho ku dileen wiil dhallinyaro ah oo ka mid ah dadkii mudaharaadka ku dhigayey Muqdisho. Waxaa wararku tibaaxeen in ciidamada Ethiopia ay rasaas hoos ugu dhigeen dad dhigayey mudaharaad ay kaga soo hor jeedaan Ethiopia oo ciidamadeedu ay maalintii 10aad ku jiraan magaalada dekedda ah ee ku taal xeebta badweynta Hindiya ee Muqdisho. Waxaa wararku intaas ku dareen in dad kalena ay dhaawac yihiin. [nytimes].

Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxo oo Muqdisho ku soo laabtay::

Waxaa maanta oo Sabti ah Muqdisho kusoo laabtay Muuse Yalaxow oo ka tirsanaan jirey Isbahaysigii la magac baxay "La dagaalanka Argaggaxisada", arrintas oo walaac kusoo kordhisey shacabka Soomaaliyeed... Warka oo dhan hoos ka akhri...

Ciidamada Ethiopia oo Muqdisho Ku Dhaawacay Dad Mudaharaadayey

  • Warka & Sawirada mudaharaadka::
    yaasiin maxamed cali (faytin)

Sabt, Jan 6, 2007: Saaka waaberigii ayaa waxaa mar qudha lagu waaberiistay wadooyin waaweyn ee magaalada muqdisho oo xiran islamarkaana ay Uurada iyo Qiiqa taayirada la gubayo ay is Qabsadeen ,taasoo ka dhalatay Hadalkii kasoo yeeray Dowlada ee ahaa in hubka ay xoog kaga qaadi doonaan shacabka iyo ganacsatada Ku dhaqan magaalada muqdisho oo la filayey inuu maanta Bilowdo.

Ilaa Afar qofood iyo in ka badan ayaa waxaa ay ciidamada Ethiopia ee ku jiray Xaruntii hargaha iyo saamaha oo ay weheliyaan ciidamada DFKMGS ay ku dhaawaceen banaan baxaas, islamarkaana arintaan ayaa timid ka dib markii ay dadka qaar dhagaxtuureen.

Sidoo kale Habeenimadii xalay ayaa waxaa wadooyinka waaweyn ee Magaalada muqdisho waxaa ka bilaabatay jidgooyooyinka aan abaabulneyn oo ay sameynayeen dhallin yaro caraysan oo xaafadaha qaarkood isaga soo baxay waaguna ugu barayey meelo badan oo sida Tarbuunka ,Warshada caanaha, Taleex, tre Pianno, Soope iyo xaafa daha ku dhow oo saakay aanay ka aysan jirin wax Gaadiidka dadweynaha ah oo ka shaqaynayey halkaasi.

Arintan ayaa ah mid cirka isku sii shereeraysa hadii xaaladu sidan ku sii socoto oo Xiligan ay Ciidamo dabaabad Wata oo Ethiopian ahi ay ku jiraan Gudaha muqdisho oo taageerada DFKMGS.

Mid ka mida ragii shirkii Eldored ee loo xilsaaray hub ka dhigista oo sheegay in reer Puntland aysan hub ka dhigi Karin reer Muqdisho isagoo soo qaaday hadalkii Madaxweynaha Puntland ee ahaa..... Ka akhri hoos....

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

Mudaharaad Looga Soo Horjeedo Ethiopia oo Ka Dhacay Muqdisho

Reuters, Sabti Jan 6: Boqolaal qof oo Soomaali ah ayaa gubey taayiro, waxayna tuurayeen dhagxaan maanta oo Sabti ah iyagoo ka mudaaraadaya joogitaanka ciidmada Ethiopia ee ku sugan Muqdisho. Ciidamada Ethiopia waxay rideey rasaas ay kor u ridayeen si ay u kala cayriyaan dadka isusoo baxay. Waxaana lagu soo waramay in ganacsiga aagga K4 ay xiran yihiin halkaas oo mudaharaad ka dhacay. Dhawr kooxood oo ay ku jiraan dumar iyo carruur ayaa logeeyey wadooyinka iyagoo ku dhawaaqayey "Itoobiya ha dhacdo". Qof goobta joogey ayaa yiri "Waxaa socda mudaharaad aad u weyn, dadku waxay gubeen taayiro, agga K4 waxaa qariyey qiiqa taayirada la gubey."

AFP: Dadka mudaharaadayey waxay ku qaylinayeen "Ma rabno hub ka dhigis hal dhinac ah... ma rabno Ethiopian, hanooga bexeen dalkayaga."

AP: Mudaharaad ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo looga soo horjeedo barnaamijka dadka hubka looga qaado xoogga iyo joogitaanka ciidamada EThiopia ay ku sugan yihiin Soomaaliya. Wararkii u horreeyey ee ka soo baxay dadka mudaharaadka dhigayey ayaa sheegay in ay dadkaasi wadooyinka ku gubeen taayiro, waxayna ku dhawaaqayeen erayo dhan ka ah Ethiopia. Hay'ada AP waxay werisey in ay dadkaasi ku dhawaaqayeen "Ha dhacdo, Ethiopia ha dhacdo." Aagga rabshadaha ugu badan ka dheceena waa aagga Tarabuunka.


Hay'adda Qaramada Midoobey u Qaabilsan Xiriirka Samafalka oo ka dayrisay Xaaladda Ammaandarro ee sii Xumaaneysa ee Soomaaliya

  • Qaramada Midoobey oo Raadina Qof Shaqaale u ahaa oo ay Ciidama Itoobiya xirteen...
  • Isbaarooyinkii oo kusoo laabtay Jidadka ku xeeran Muqdisho...
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2006... Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

ItoJan 6, 07: Inta maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan Magaalooyinka: Galkacyo (42), Baydhabo (21), Beledweyne (13), Muqdisho (10), Kismaayo (6)..
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa....

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...

Qoraal ay hay'adda OCHA ee Qaramada Midoobey u qaabilsan xiriirinta samafalka Soomaaliya ay Jimcadii (Jan 5, 2006) ka soo saartay magaalada Nairobi ayey ku sheegtay sida ay Soomaaliya ugu sii kordheyso ammaandarrada, iyo sida looga cabsi qabo in ay soo laabtaan Qabqalayaashii dagaalka iyo weliba maleyshiyada aan cidna ka amar qaadan iyo Isbaarooyinki oo soo laabtay, qoraalka hay'adda waxaa ka mid ahaa:

"Inkasta oo Soomaaliya aysan dhawrkii beri ee la soo dhaafay ka jirin dagaal baahsan, haddana warbixinadu waxay sheegayaan in ay dhaceen arrimo xagga ammaanka la xiriira oo halis ah. Janaayo 2deedii magaalada Afmadow (J/Hoose) ayaa ciidamda Itoobiya waxay ku xireen qof shaqaale ah oo ka tirsan hay'ada Qaramada midoobey ee UNDSS, ilaa haddana Qaramada Midoobey waxay raadinayaan meesha uu ku dambeeyey qofkaas shaqaalaha u ahaa Qaramada Midoobey."

"Waxa kale oo jira dhacdooyin iyo falal ay ka mid yihiin hanjabaad iyo nintooxsi iyo xarig aan loo meel deyin oo ay Ciidamada Militariga Itoobiya u geysteen shaqaalaha Hay'adaha aan dawliga ahayn ee NGO. 3dii Janaayo laba duulimaad oo kuwa diyaaradaha ah oo ay lahayd UNCAS (Hal duulimaad oo xamuul ahaa, iyo mid rakaab ahaa) ayaa loo diidey in ay ku dejiyaan garoonka K50, waxaana rakaabkii khasab loogu soo celiyey Nairobi, xamuulkii oo loo sidey hay'adda gargaarka carruurta ee UNICEF waxaa loo weeciyey magaalda Jowhar. 4tii January, diyaarad ay lahayd UNCAS waxaa loo diidey in ay ku degto garoonka diyaaradaha ee Kismayo.

"Maleyshiyooyin hubaysan ayaa la soo sheegay in joogaan jidadka magaalada Mogadishu ku xiriiriya Shabeellada Hoose, Shabeelada Dhexe, iyo Baydhabo, jidadkaas oo ay ka dhacaan bililiqo, nintooxsi, cabsigelin, hanjabaad iyo dhac. Waxaa si khaas ah sheegay saddex dhacdo oo maleyshiyadaas iska wareegaysanaya ay fuliyeen kufsi - ay kufsaden qof dumar ah oo saarnay gaari ka tegey Muqdisho oo kusii jeedey Shabeellada Hoose meel 60km jirta, iyo qof dumar ah oo ganacsato ah oo lagu kufsaday meel u dhow degmada Afgoye meesha la yiraahdo Bushka iyo gabar lagu kufsaday tuulada Gandershe oo u dhexeysa Merka iyo Mogadishu (dhacdada u dhambaysa waxay dhacday 4tii January weerar ay ku dhinteen afar qof)."

"Waxaa lagu soo waramayaa in qabqalayaashii-dagaalka hore ay isku deyeyaan in ay ku soo laabtaan awoodda magaalooyinka Jowhar, Kismayo, iyo Mogadishu."

"Kaddib markii baaqii Ra'iisul wasaare Geeddi uu toddobaadkii hore reer Mudisho ugu yeeray in ay hubka iskood isaga dhigaan uu noqday mid aan guud ahaan dheg loo dhigin, DFKMG waxay ku dhawaaqday maanta (5 January) in ay dadweynaha reer Muqdisho berrito ku bilaabi doonto hubka dhigis, oo ay xoog hubka kaga qaadi doonto dadka diida in ay hubka iskood isaga dhiibaan. Arrintaasi waxay dhallin kartaa ammaanka oo sii xumaada."

"Magaalada Galkayo, waxaa laga soo sheegay in xaalada guud ahaan deggan tahay, inkastoo dilal aar gudasho ah laga soo sheegay Koonfurta Galkacyo, iyo in la soo sheegay in dadku ay socodkooda yaraynayaan iyagoo cabsi qaba awgeed. Madaxweynaha Puntland waxa uu ku dhawaaqay cafis iyo in la siideynayo dhammaan maxaabiista loo xirxiray arrimaha la xiriira iska hor-imaadkii. Si kastaba ha ahaatee, Waxaa muuqada, in maxaabiis aad u tiro yar laga sii daayey Boosaaso iyo in aan wax maxaabiis ah laga siideyn Galkacyo. Waxaa lagu qiyaasay in cibtaalka Galkacyo ay ku jiraan 212 oo ah dhaawac isugu jira ciidamada DFKMG iyo Midowga Maxkamadaha Islaamiga. Waxaa kale oo lagu soo waraamay in ay jiraan 58 qof oo dhaawac ah (oo badankoodu ah kuwii dagaalamayey) magaalada Gellinsoor kuwaas oo aan tegin cisbitaal cabsi ay qabaan awgeed in la xirxiro ama laga aar goosto."

Warbixintu waxay sheegtay in dadka Soomaaliyeed ee ku barakaacay dagaaladii ugu dambeeyey ay gaarayaan 65,000 ilaa 70,000.

Waxa kale oo warbxintu sheegtay in aad looga cabsi qabo soo laabashada qabqablayaashii dagaalka maadaama ay aad u soo bateen maleyshiyaad aan cidna ka amar qaadan ee isk awareegaysanaya, qawaaniin la'aan, iyo Isbaarooyinkii oo soo laabtay.

Warbixinta oo arrintaas ka hadleysa waxay tiri "Kooxaha Maleyshiyada ee iska wareegaya iyo Isbaarooyinka oo soo kordhaya ayaa lagu soo waraamayaa in ay sababaan dib u dhac ku keenaan isu socodka gawaarida, gaar ahaan agagaarka Muqdisho."

Warbixinta oo dheeray waxay hadalkeeda kusoo gabagabeysey in Dawladda Maraykanku ay 4tii January 2007 ballan qaaday $16 million oo ah gargaar aadaminimo oo lagu caawinayo Soomaaliya. Deeqdaas oo la sii marsiinayo hay'adaha gargaarka oo kala ah: $11.5 million ee WFP, $1.5 million ee UNICEF iyo $3.575 million ee UNHCR.


Muuse Suudi Yalaxow oo lix bilood kadib kasoo Degey Gegida Diyaaradaha Ee magaalada Muqdisho.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

Waxaa maanta kasoo degay Garoonka weyn ee magaalada Muqdisho Muuse Suudi Yalaxow oo si wayn ay usoo dhaweeyeen Taageerayaashiisa ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu in muda ah kamaqnaa magaalada muqdiso kadib dagaal faraha lagaga gubtay oo uu la galay Golaha maxaakiimta islaamka ay xoog kaga saareen magaalada muqdisho lix bilood kadibna uu maanta ku soo noqday fariisinkiisii hore.

Muuse suudi oo sida la sheegay safarkan kaga yimid dalka Malaysiya halkaas oo uu ku soo hakaday magaalada Hargeisa kadibna wax uu usoo gudbay magaalada Muqdisho oo ahayd fadhigiisii lix bilood kahor islamarkaana kamida ahaa Qabqablayaashii Dagaalka ee isku Bahaysatay Ururkii La dagaalanka argagixisada ee Looga awood badnaaday Magaalada Muqdisho.

Imaatinkan Muuse ee magaalada Muqdisho ayaa Lala xiriiniyaa iyadoo ay uga soo Horeeyeen axsaabtiisa siyaasada ee uu kamid yahay maxamed qanyare oo isna dhowaan soo gaaray xaruntiisii dayniile .

Si kastaba Ha Ahaatee Dadka Reer Muqdisho Ayaa Walaac Xoogan Ka Muujiyey Arintan Oo ay u arkaan in ay soo Laabteen Qabqablayaashii dagaalka ee ay ka Raysteen Mudo lix bilooda ah islamarkaana ay Muqdisho ay Dib UQooraansatay meel ay isku bahaysteen qabqabalaayshii dagaalka .

[Sidii Muqdisho loogu soo dhoweeyey Muuse Suudi iyo sawirro Halkan ka eeg...]

Mid ka mida ragii shirkii Eldored ee loo xilsaaray hub ka dhigista oo sheegay in reer Puntland aysan hub ka dhigi Karin reer Muqdisho...

Siyaasiga C/llaahi Sheeh Xasan oo ka mid ah siyaasiyiinta magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay fikirkiisa ku aadan hub ka dhigista dowladda federaalka ay ku dhawaaqday isagoo sheegay in wado munaasib ah aanan loo soo marin iclaaminta hub ka dhigistaasi, sida uu hadalka u yiri isagoo tibaaay in loo baahan yahay in la helo ciidamo Qaran oo cudud leh.

"Qorshaha hub ka dhigista dowladda waa in hal maalin, iyo hal saac laga bilaabo gobol walba oo Soomaaliya ka tirsan” ayuu yiri siyaasigan oo xusay in haddii aan axdigii lagu heshiiyay la raacin ama lagu dhaqmin, ay imaan karto fowdo iyo qalalaase, sida uu yiri.

Siyaasigan ayaa ka mid ahaa oo kale gudugii hub ka dhigista ee loo soo diray in aysoo diyaariyaan qaabkii Soomaliya hubka looga dhigi ahaa balse markii danbe lagu xiray Garoowe ka dibna laga Soo masaarfiriyey halkaas , taas oo keenatay in uu soo bandhigo kaarto uu sheegay in la damacsanahay in lagu soo galo Soomaliya siiba Muqdisho.

Dhinaca kale, siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in isaga oo ka tilmaan qaadanaya hadakii ka soo yeeray xilligii maxkamadaha madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee ahaa in maxkamadaha ay yihiin Hawiye shaar diimeed noo soo gashaday uu isaguna maanta aaminsan yahay reer Puntland aysan hub ka dhigi Karin reer Muqdisho, ayna yihiin ciidamada maamulka Puntland qabiil u soo gashaday shaar dowladeed.

Dib u dhac ku yimid waqtigii u cayintay Dowlada FKS hub uruurintii Muqdisho


Mudaharaadka Muqdisho, Sawirka: Reuters

Sida uu xaqiijiyay afhayeenka dowladda KMG Soomaaliya C/raxmaan Nuur Max’ed (Diinaari), waxaa dib loo dhigay hub uruurintii maanta lagu waday in laga sameeyo magaalada Muqdisho, taasoo ay fulin lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwo Itoobiyaanka ah.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in kadib wadahadalo badan oo ay la yeesheen ururada bulshada rayidka ah ee G/banaadir iyo odayaasha iyo waxgaradka ay isla garteen in dib loo dhigo hub uruurinta, waxaana xusid mudan in afhayeenku uusan sheegin illaa iyo inta dib loo dhigay, isagoo ka gaabsaday, waxaana arrintan si weyn u soo dhoweeyey dadka ku dhaqan Muqdisho oo iyagu ka cabsi qabay in Inta lagu guda jiro hub uruurinta ay dhacaan falal khal khal geliya ammaanka iyo naftooda.

Ra’iisal wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa isagu horey u shaaciyay in muddo saddex cisho ah kadib ay dowladdu ka bilaabi doonto Muqdisho iyo gobolo kale oo uusan carabaabin, waxaana la filayaa in maanta ra’iisal wasaaruhu uu shir jaraa’id uga hadlo arrinta dib u dhigista.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916


Hadalkii Kasoo Baxay Wasiirka Arimaha Gudaha Xuseen Caydiid oo Damqay Meel Dhaawac Ahayd.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

Badanaaba Xarumaha Laysugu Yimaado ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay noqotay waxayaalaha ugu Hadal Haynta badan ee xiligan lagu Qaxweeyo Hadalkii kasoo baxay wasiirka arimaha gudaha Dfkmg ah xuseen caydiid ee uu dharka kaga dhigay siyaasadii Qarsoonayd ee ay Dadka xeeldheerayaasha Qaarkood ay hore u shaaciyeen oo ahayd in itoobiya ay doonayso in dalka soomaaliya Ka Dhigto Kilinka Lixaad.

Sidoo kale Cali Maxamed Geedi oo ah Ra'isul Wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya ayaa sheegay in hadalkii dhowaan uu jeediyay Xuseen Caydiid ee sheegayay in ay qorshaynayaan in ay baab'iyaan xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo u muuqday Mid wax badan ay ka aamineen Shacabka Soomaaliyeed Dawladdan oo loo arko in ay tahay mid uu ku shaqaynayso Ra'isul Wasaaraha Itoobiya Melez Zenawi oo dano dhaqaale iyo kuwo Siyaasadeedba ka leh dalkaasi Soomaaliya.

Geedi oo sheegay in uu ka xunyahay hadalkaasi ayaa yiri ''Hadalka Xuseen Caydiid waa mid lama filaan ah, ma garan karo sababta ku kaliftay inuu umadda Jahwareer ku abuuro Shacabka Soomaaliyed ee ku dhaqan Dibadda iyo Gudaha, ma garan karo danta uu ka leeyahay hadalkaasi ''

Waxuu kaloo yiri: '' waxaan kaloo u sheegay in xuseen Caydiid meel saaro Hadalkaasi , anigana danta ayaa igu qasabtay inaan ka hadlo hadalkaas" ayuu yiri Geeddi

Hadaba waxaa Soo Baxaya in dadka shacabka ah Badankiisu aysan ku Qanacsanayn hadalka kasoo Baxay geedi, waxaan waraysi la yeeshay la sameeyey Qaar kamida shacabka soomaaliyeed ee ku sugan magaalada muqdisho ,waxaana ugu horayntiina wax ka waydiiyey cali magan oo ah Oday ruug cadaa ah oo mudo soo noolaa waxuuna ka yiri arintan ''wax la Qarsoon Maaha arintani waxaa Mugdi ku jirta xoriyadii umada soomaaliyeed ,waxaa Muuqata in ay umada soomaaliyeed waxii mudo lala rabay ay Maanta Xariga ugu jirto Itoobiya waa nasiib daro ayuu yiri cali Magan oo ah sida uu ii sheegay 70jir.

Arintan oo noqotay Mida Ugu saamaynta balaadhan Ee lagu Qaxweeyo Magaalada Muqdisho ayaa Waxaa ka dhasha ismaan dhaafyo ay dadka Qaar leeyihiin ama ku macneeyeen waxaa La damqay Nabar aan awalba daawo lahayn.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com



C/laahi Yuusuf oo dalbaday in ciidamo nabad ilaalin ah si deg deg ah loogu soo diro Soomaaliya

mahamud ahmed hassan
xuurshe114@hotmail.com


Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa ku baaqay in ciidamo nabad ilaalin ah si deg deg ah loogu soo diro Soomaaliya, wuxuuna khudbad ka jeediyay shirka kooxda xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya ku yeelatay shalay Magaalada Nairobi ku sheegay in baahi weyn loo qabo ciidamo sida ugu dhaqsiyaha badan loo keeno Soomaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha waxa uu sheegay in iyadoo laga ambaqaadayo qaraarkii Golaha ammaanka ee QM 1725 looga fadhiyo in ciidamo afrikaan ah la keeno dalka, ayna dowladiisu u baahan tahay taageero dhaqaale , mid farsamo iyo qalab intaba.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in heshiis siyaasadeed oo Soomaaliya arimaheeda laga gaaro uu yahay mid fursad yar heysta hadii aan beesha caalamka taageero laga helin, wuxuuna si cad u sheegay in ay meesha ka baxeen maxkamadihii Islaamiga ahaa .

Dowladda Mareykanka 16.5 ugu deeqday Soomaaliya

Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Condoleeza Rice ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay ugu deeqeyso lacag gargaar oo dhan 16.5 Milyan oo dollarka Mareykanka.

Condoleeza Rice ayaa sheegtay in dhaqaalahaasi ay ugu talagashay in wax looga qabto arimaha gargaarka iyo qoxootiga Soomaaliyeed ee ka barakacay dagaalada sokeeye.

11.5 Milyan oo gargaar ayaa dowladdu Mareykanka ay soo hor marineysaa iyadoo cuno gargaar ah ay u soo marsiineysaa hey’adda WFP taasoo wax looga qabanayo dadka ku tabaaleysan gobolada dalka Soomaaliya, halka 5 Milyan oo kale ay ku bixineyso mashaariic ay Qaramada Mdioobay ka fulineyso gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa bilowday iney taageero dhinacyo kala duwan u fidiso dowladda Federaalka iyo dadka Soomaaliyeed kadib markii meesha laga saaray Maxkamaddihii Islaamiga.


mahamud ahmed hassan
xuurshe114@hotmail.com


Contact Group oo Shir ku yeeshay Nairobi, Kenya

Kooxda xiriirka caalamiga ee Marka lasoo Gaabiyo Loo yaqaano (Contact Group) oo Jimcadii shir Uga socday Magaalada Nairobi ee Dalkaasi kenya islamarkaana ay ka Qayb Galeen shirkan diblomaasiyiin Heer caalami ah iyo Madaxweynaha Dfkmg ah ee soomaaliya oo ay Weheliyaan xubno wasiiro ah oo dowladiisa kamida ayaa isku raacay in Soomaaliya loo diro ciidamada nabada ilaalineed iyadoo Mareykanka uu bixinayo Qarashyidda ku Baxaysa ciidamadan.

Diblomaasiyiinta reer galbeedka iyo kuwa Afrikaanka ee ku mideysan kooxda xiriirka caalamiga ee Mareykanka uu taageerayo ayaa maanta ku baaqay in si deg deg loo diro ciidamo nabad ilaalineed oo xasiloonidii kusoo celiya Soomaaliya ,ka dib Markii ay dagaalo laba todobaad socday oo ciidamada isbaheystay ee Dowlada KMG iyo itoobiya ay xididada ugu siibeen maxaakimtii Islaamiga ahaa.

Sidoo kale kulankan oo markii hore ay wada yeesheen Kooxaha xiriirka caalamiga ah oo ay ku jiraan Mareykanka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika, ayaa maanta kulankoodii hore ahaa Mid albaabadu u xirnaayeen islamarkaana uu ka qayb Galay madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, iyadoo uu soo baxayo walaacyo hor leh oo ku saabsan oo dagaalyahanada Islaamiga ay fulin karaan weeraro iyo iyadoo Muqdishu ay dib ugu soo laabteen dagaal oogayaashii.

Dhanka kale Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho dhinacyada siyaasada ay iskaga soo horjeedaan si nabad loo Helo.

kaaliyaha xogahaya arrimaha dibada Maareykanka ee arrimaha Afrika Jendayi Frazer oo shir gudominaysay kulanka Nairobi ee maanta ayaa iyana La Fikir ahayd madaxweyne Yuusuf, waxayna sheegtay in wadahadalka uu u furan yahay Lana doonayo in dadka qunyar socodka ah ee ku jira maxkamadaha islaamka ay Wada Hadal Ku dhameeyaan iyaga iyo dowlada soomaaliya.

"waxay ila tahay in ay sidoo kale muhiim tahay in dowlada federalka Soomaaliya ay noqotaa mid sal balaaran oo wada hadal la sameyso raga qunyar socodka ah ee ku jira Midowga maxaakimtii islaamiyiinta ee hore,"

Waxaa arintan kasoo hor jeestay wasiirka arimaha dibada dfkmg soomaaliya Ismaaciil hure Buubaa oo saxaafada nairobi ugu sheegay "Haddii aad nagu raaceeysaan , ma aanu arag wax qunyar socod ah oo ku jira maxkamadaha islaamiga,"

Sidoo kalena waxay Jendayi Farazer ku Boorisay madaxweyne C/laahi Yuusuf inaan marnaba dagaal oogayaasha Soomaaliya aan loo ogolaan mar kale inay Fursad Helaan .

Waxay kaloo intaas ku dartay Jendayi Frazer inay dowlada Maraykanku ku Ugu deeqayso soomaaliya 16-million oo la marsiinayo hay'adaha Gargaarka.

Si kastaba Ha ahaatee kooxda xiriirka caalamiga ee Soomaaliya ayaa Maanta si Buuxda isugu Wada raacay in la taageero dowlada FKMG Soomaaliya islamarkaana si degdega ah loogu diro ciidamada nabad ilaalinta dalka soomaaliya.

Qaar ka Tirsan Mudanayaasha Baraalamaanka oo ku sugnaa nairobi ayaa oo Xabsiga La dhigay .

Wararka Naga soo Gaaraya Magaalada nairobi ee dalkaasi kenya ayaa sheegaya in Tiro aan la cayimin oo kamid ahaa mudanayaasha barlamaanka Dfkmg ahi ay Ciidamada Booliska Kenya ay kala bexeen Hoteelkii ay deganaayeen .

Hoteelka Barakaat ee magaalada Nayrobi ayaa waxay wararku sheegayaan inay kala baxeen boliska dalka kenya Mudanayasha baarlaamka soomaaliyeed oo Tiro ahaan lagu Qiyaasay sida ay noo xaqiijiyeen Goobjoogayaal Ku sugan halkaas ilaa tobaneeyo xildhibaan inay ahaayeen oo halkaasi daganaa, iyadoo aan la garaneyn sababaha iyo halka ay Geeyeen boliskaas watay , waloow ay wararka Qaar sheegayaan in la xiray.

Si kastaba ha ahaatee Lama Garanayo Ilaa iyo hada Xaqiiqda dhabta ah ee ka jirtaa Halkaasi oo ka Turjumaysa xarigga Mudanayaashaas oo ahaa dhamaantood Kuwo La garab ah gudoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya Shariif xasan sh,Aadan.

Ayman la zawahiri oo ku Baaqay weeraro ku Dhufo ka dhaqaaq ah oo lala Beegsado ciidamada Ethiopia

Kuxigeenka Hogaamiyaha Shabakada Al-qaacida Sheekh Aydman Al -dawahiri ayaa ugu Baaqay shacabka soomaaliyeed iyo Maxaakiimtaba islaamkaba inay qaadaan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo lala beegsanayo ciidamada itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha dalka soomaaliya, islamarkaana lamida weerarada ka dhacaya dalka ciraaq oo kale ,sida ismiidaamin iyo qaraxyo lala beegsanayo ciidamada itoobiyaanka ee ku soo duulay dalka Somaliya

Aydman Al-Dawahiri ayaa hadalkan ku sheegay fariin cajalad ah oo ay shaacisay tvga al-jaziira ee afka carabiga ku Hadla ,ayaa ku nuuxnuuxday in ay muslimiinta umada soomaaliyeed ay cadowga itoobiyaanka la dagaalamaan islamarkaana aysan eegan inta ay kusii fidayaan dalka soomaaliya ee ay wiiqaan Cadowga Gaalada ah ee uu wato maraykanku .

'' waa in Soomaaliya ay ka dhacaan weeraro la mid ah kuwa ka dhacaya Afghanistaan iyo Ciraaq meelahaas oo awoodii waayeen Gaaladu inay xukumaan waxaana ka hor tegey ciidamada mujaahidiinta waana xaq ,waa in sidoo kale soomaaliya lagu baabi,ayaa ciidamada itoobiyaanka ee soo duulay.

Aydman Al- Dawahiri oo ah kuxigeenka Shabakadda Muslimiinta ee Al-qaacida ayaa waxaa sidoo kale uu yiri isagoo la hadlayay Muslimiinta Soomaaliya "waa in aad qaadaan weeraro Gaadmo ah’Miino dhigis iyo Qaabab kale oo is miidaamin ah oo ay ku shihiidaan muslimiinta Soomaaliya si ciidamada Ethiobianka looga saaro dalka soomaaliya’oo ah dhulka muslimiinta".

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay tan iyo intii laga saaray golaha maxaakiimta islaamka Meelihii ay ka talin jireen ee ka timaada Shabakadda Al qaacida

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com


Alqaacida oo Muslimiinta Soomaaliya ugu baaqday inay weeraro ku qaadaan Ciidamada Itoobiya Ethiopia

mahamud ahmed hassan
xuurshe114@hotmail.com

urur weynaha Al-qacida ee uu hogaamiyo Osama Bin ladin ayaa ku baaqay in gudaha Sooomaaliya laga fuliyo weeraro ka dhan ah ciidamada ethiopanka ah ilaa ay ka baxayaan gudaha Somaliya, wuxuuna hadalkaan ku soo aaday xili habeenkii xalay Bam lagu weeraray goob ay fadhiyaan Ciidamada Itoobiyaanka oo ku dhow Km4 ee magaalda Muqdisho.

Ayman Al -zawahir oo ah ku xigeenka Osama Bin Ladin ayaa ku booriyay muslimiinta Soomaaliya inay qaadaan weeraro la mid ah kuwa ka dhacaya dalalka Ciraaq iyo Afganistaan sida ismiidaamin iyo qaraxyo lala beegsanayo ciidamada Ethiobianka ee ku sugan gudaha Somalia, iyadoo uu Ayman Al-zawahiri hadalkan ku sheegay fariin cajalad ah oo la soo dhigay internetka

Ayman la zawahiri waxaa uu arintan ku yiri waa in Soomaaliya ay ka dhacaan weeraro la mid ah kuwa ka dhacaya Afghanistaan iyo Ciraaq meelahaas oo awoodii gaalada ay ku wiiqeen ciidamo mujaahidiina waana in sidoo kale soomaaliya lagu wiiqaa awoodaha ku soo duulay

Ayman Al- zawahiri oo ah kuxigeenka Shabakadda Al-qaacida ayaa waxaa sidoo kale uu yiri isagoo la hadlayay muslimiinta Soomaaliya "waa in aad qaadaan weeraro gaadmo ah’miino dhigis iyo qaabab kale oo is miidaamin ah oo ay ku shihiidaan muslimiinta Soomaaliya si ciidamada Ethiobianka looga saaro dalka soomaaliya’dhulka muslimiinta".

Cajaladan oo muuqaal aheed ayaa la soo dhigay website ay leeyihiin kooxo muslimiin ah oo lagu xiriirsho Shabakadda Al-qaacida, waxyna fariinta Al-qaacida ku soo aaday xili xoogagii maxkamadaha laga saaray dalka oo aan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin

mahamud ahmed hassan
xuurshe114@hotmail.com


Kulunkii Culumada Masjidul Darul Quba Iyo Maamulka Gegida Diyaaradaha (Airport)

Markey saacadu ahayd 1:00 pm ee Bisha Janaayo 2-dii ayaa Maamulaha (Steve) iyo Ku xigeenka(Arlie) Gegida diyaaradaha ee Magaalooyinka Mataanaha ee Minneapolis iyo St. Paul ayaa waxay la kulmeen Culimada iyo Muslimiinta Masaajidka Daarul Quba. Shirkaas oo ka dhacay Masaajidka Darul Quba ayaa waxaa looga wada hadlay dhibaatada ay ka cabanayaan darawalada tagaasida ka wada Gegida Diyaaradaha iyo sidii meel lagu tugado loogu sameyn lahaa Muslimiinta ka dhoofeysa ama ka soo degeysa Gegidaas.

Tagaasileyda ayaa waxay inta badan ka cawdaan in lagu qasbo inay qaadaan khamriga iyaga oo ay inbadan diideen. Waxaa sanado badan soo jiitamayey cabashooyinka iyo dacwooyinka ay tagaasileydu ka bixinayeen Maamulayaasha Gegida diyaaradaha, waxaana Culumada Masjidka Daarul Quba ay ka dhaadhiciyeen inaysan Diinta Islaamku ogoleyn in khamriga la cabo, la iibsado, la qaado, laga ganacsado iwm, taasoo ay Culumadu usoo daliishadeen Aayado iyo Axaadiis fara badan.

Waxaa kaloo laga codsaday Maamulaha in Gegida Diyaaradaha afafka wax lagu ogeysiiyo lagu daro afka soomaaliga maadaama ay Magaalooyinkan mataanaha ah ay ku badan yihiin Jaaliyada Soomaaliyeed. Guud ahaan shirku wuxuu u dhacay si wanaagsan iyo in la sii wado xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxeysa Masjidka Daarul Quba iyo Gegida Diyaaradaha (Airport).

Sh. Ahmed
magteyn1711@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 6, 2007

Xuseen Caydiid: Xadka Soomaaliya Waa La Baab'inayaa
.Nin hubeysan oo labo Itoobiyaan ah ku diley Degmada Jilib...
.Mucaaradka itoobiya oo ku celiyey in Ciidmda Itoobiya ay..
.Dowladda FKMG oo xayiraaddii ka qaaday duulimaadyadii
.Ciidamo ka socda Wadamada Uganda iyo Nayjeeriya oo ku..
.Goobihii Dowladdu u cayintay in hubka la geeyo oo..
.Ma laga yaabaa in uu qabsoomo kulanka uu ku baaqey...
Wararka oo dhan oo ka akhri... Jan 3


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH