SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MURTI
Daabaco Boggan | Print
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
Dadka Magaca leh ee ku jira Xabsiyada Ethiopia

Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka Zenawi ku aadey Soomaaliya


Murtida Maanta:::
:::::::Majaajillo Xigmadeed:::::::

  • Janaayo 2, 2007
    Inta maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan magaalooyinka: Muqdisho (6), Kismaayo (2)


Prof. Geeddi: Soomaaliya Waa Kililka 6aad ee Ethiopia, Calankii Buluugnaa ee Soomaaliyana waa la Baabi'iyey.....

Sarkaal sare oo Ethiopian ah ayaa warbixin gurigiisa ku siiyey Prof.  Cali Maxamed Geeddi, waxana uu uga warbixiyey waxyaabihii dhacay 24kii saacadood ee ugu dambeeyey ka dhacay Soomaaliya, waxana uu sarkaalkii warka ku bilaabay:

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kililka Lixaad ee Ethiopia ayaa kulan gaar ah la qaatay Odayaal-Dhaqameedka Degmada Banaadir, waxana uu odayaasha Muqdisho si caddaan ah ugu sheegay in Soomaaliya si toos ah loo hoos keenayo Ethiopia, oo labada dal laga dhigayo hal dal, Xadka in la baabi'inayo, Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku. Waxana uu odayaasha ku adkeeyey in la tirtirayo xuduuda caalamiga ah ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidii aan ku amarnayna waxa uu ka fogaadey in uu xuso taariikhihii soo kala dhex maray Soomaaliya iyo EThiopia, gaar ahaan 1528-35 ee Axmed Gurey, iyodagaalladii 1964 iyo 1977-78, iyo in Soomaalida iyo Xabashda ay ka dhexeysey cadaawad dheer oo weli taagan.
[DHEGEYSO: CAYDIID OO KU DHAWAAQAY MIDAYNTA SOMALIA & ETHIOPIA IYO BAABI'INTA XADKA SOOMAALIYA -
Guji Linkiga, markaas Fadlan wax yar sug si codku computerkaaga ugu soo xeroodo, taas oo culayska ka yaraneysa Severka oo dad badani akhrisanayaan].


Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah kentay Afgooye: 29/12/06, Sawirka: AP

Waxa kale oo Saraakiisha Itoobiya ay Prof. Geeddi u sheegeen in ay bilaabaan hadalo ay ku durayaan dalka Talyaaniga maadaama uu dalkaasi ahaa kii gumeysan jirey Koonfurta Soomaaliya oo ay dhici karto in beesha caalamku ay arrimaha Soomaaliya wax ka weydiiyaan.

Saraakiisha Ethiopia waxa kale oo ay Geeddi u sheegeen in ay jirto warqad maanta uu Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan Sh. Aaden oo ku sugan Kenya uu u diray Ban Ki-Moon, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey... [Warqaddii ka eeg halkan.. PDF].

Waxa kale oo ay uga warbixiyeen in Afar Diyaaradood oo kuwa helikobtarada dagaalka ee Ethiopia in ay ku xad gudbeen hawada Kenya iyagoo u malaynaya in ay weli ku jiraan Soomaaliya, taasina ay markiiba ka caraysiisay ciidamada cirka ee Kenya oo markiiba soo kiciyey diyaaradaha dagaalka, markaasna inta diyaaradihii Ethiopia ay duqeeyeen goobo ka tirsan Kenya oo dhow Dhooble ay u soo carareen xagga Soomaaliya si ay uga badbaadaan Kenyaatiga diyaaradohooda oo soo cayrsaday.

Waxa kale oo saraakiisha Itoobiya ay u sheegeen Prof. Cali Maxamed Geeddi in aysan jirin qof yimid goobihii loo qoondeeyey in hubka lagu qaado ee Muqdisho, oo uusanjirin qof soo xaadiray oo hubka iskiis u keenay. Waxaana markaas saraakiishu soo jeediyeen in berrito askar Ethiopian ah loo soo xiro dhar shicib oo saf la soo geliyo ayagoo hub geynayey goobahaas, markaasna sawir laga qaado oo la yiraahdo waa Soomaalidii oo hubka iskood usoo wareejinaya, isla mar ahaantaasna waa in aan loo ogolaan warbaahin aan ka ahayn Raadiyaha Codka Zenawi ee Muqdisho si uu sawirradaas u qaado oo adduunka ugu qaybiyo.

Waxa kale oo ay saraakiisu Geedi u sheegeen in Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tifatiraha wargeyskaa, Cali Cabdi Diini lagu xiray Hargeysa maanta kaddib markii wargeyskaas lagu qoray qoraalo taxane ah oo ku saabsan in qoyska Madaxtooyada Hargeysa ay maal badan samaysteen intii ay talada hayeen. Waxayana Geeddi xusuusiyeen in saxaafada Muqdisho laga rabo in aysan qorin wax dawladdu aysan jeclayn haddii kale sidaas oo kale ayaa ku dhici doonta. Waxayna u akhriyeen dhawr cinwaan oo ay qoreen jaraa'idka Koonfurta Soomaalidu oo cinwaan uga dhigeen: "Xussen Caydiid oo Dalkii Soomaaliya sheegay in ay ku darayaan Itoobiya". "Xuseen Caydiid Oo sheegay in la baabi'in doono xuduudaha Itoobiya iyo Soomaaliya lana mideyn doono labada dal". "Caydiid: Xadka Somalia iyo Ethiopia waa la tirtirayaa". "Xuseen Caydiid: Soomaliya waxaa lagu Darayaa Itoobiya!". "Nacaladi ha ku dhacdo hadalkii ka soo yeeray Xuseen Mohamed Caydiid!", sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha Ururka SORASOD: Eng. Idiris Hassan Farah.

Saraakiishu waxa kale oo ay Prof. Geeddi u sheegeen dilal maanta ka dhacay magaalooyin ka tirsan Gobolka Gedo, kuwaas oo kala ah: BELEDXAAWO oo lagu diley nin magaciisu ahaa Cabdi Buraale oo la toogtey isagoo meel maqaaxi ah fadhiyey. LUUQ waxaa lagu diley nin oday ahaa la oran jirey Hirre Margade. Taas oo ay ku muujiyeen ammaan xumida jirta.

Opposition Members of Ethiopian Parliament ::::

Honorable Temesgen : "We can not stay in Somalia at the cost of our economy. We speculate extension to Ethiopia in Somalia. Eth. Foreign policy calls internal security than external. No one can tell for sure next,..."  

Honorable Lidetu: " Wining war and reconstructing are quit different. Our admiration for Gov't`s clever engagement  More security measures are needed. Sooner evacuation the better. “Individual hunt”, “group chase” seems begin soon?.."

Honorable Dr. Negasso: "Meles should have thanked Bush. The Somali problem takes its root in colonial times Self determination necessary for Ogaden." 

Waxay Saraakiishu u sheegeen Prof. Geeddi in xubnaha ku jira Baarlamaanka Ethiopia ee mucaaradka ah ay aad uga soo hor jeedaan dagaalka uu Zenawi kusoo aadey Muqdisho iyo Kismaayo, waxayna u dhiibeen qoraal ku qoraa Af-Ingriisi - [Eeg dhanka midig ee boggan.]

Waxayna intaas u raaciyeen in dagaalkii ay Itoobiya la gashay Maxkamadaha Islaamiga uu Ato Zenawi qirsan yahay in Itoobiyaanka ay kaga dhinteen shan boqol (500) oo askari oo "keliya", ayna kaga baxday lacag dhan 10 Million oo birr ah [oo u dhiganta $1.2 million doolar]. Geeddi isagoo dhimashadaas Itoobiya ka xun ayuu yiri: askartiinu waxay joogayaan Soomaaliya muddo bilo ah. Markaas ayaa Saraakiishii yiraahdeen: Geeddi xaalku waa sidee, dalka sow lama aanaan wareegin, ma ilowdey taas. Markaas ayuu yiri: Iga raali ahaada markaan sidaas lahaa waxaan weli gashanaa shaarkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya intii aan maamulku idinku soo wareegin.

Saraakiisu waxay Geeddi ku dejiyeen in Kismaayo loo furay Qaadkii iyo Shaneemooyinkii, ayna tahay lacagta laga helo Qaadka laga keeno Ethiopia in laga heli doono lacagtaas 10-ka million ee birr ah ee ilaa hadda kaga baxday dagaalka.

Xaaladda Maxaakiimta iyagoo uga warbixinaya Saraakiisu waxay Geedi ku yiraahdeen in Telefishnka Aljazeera uu soo xigtey in la soo weriyey in Cabdirahim Cali Muudey uu sheegay "Haddii Adduunku u malaynayo in aan dimanay, waa in ay ogaadaan in aan noolnahay. Waxaan ka soo dhex bixi doonaa dambaska".

Waxay saraakiisu Geeddi weydiiyeen sababta keentay in Aadan Garaaso oo ahaa guddoomiyihii degmada Baladweyne iyo Yuusuf Axmed Xagar (Yuusuf Dabageed) ay ciidamo ay wataan isugu wareejiyeen dhammaan goobihii dawladda ee Beledweyne iyagoo ka soo horjeeda xil ka qaadistii shalay lagu sameeyey ee G/Hiiraan loo dhiibey maamul cusub. Waxa kale oo ay u sheegeen in Maxamed Qanyare Afrax uu yiri "Hubkeyga in ku wareejiyo cid kale ma dhacayso, ma dhacayso in aan ku wareejiyo dowladda federaalka, illaa qodobka hub dhigista baarlamaanka la horgeeyo, oo markaas uu baarlamaanku isku raaco hub ka dhigis." Waxay kaloo u sheegeen in Barre Hiiraale uu ka dhega adaygayo in uu yimaado Muqdisho.

Markii shirkii Geeddi iyo saraakiisha Ethiopia dhammaaday ayaa weriye reer Muqdisho ah oo hadalka Xuseen Caydiid maqlay waxa uu su'aalo weydiiyey Prof. Geeddi, hadalkan ayaana dhex maray:

Weriye: Jaalle Ra'iisul wasaare, waxaad nooga warbixisaa xaaladda hadda ee Soomaaliya, maxaase sabab u ah in Ciidamada Ethiopia ay weli kusoo qulqulayaan dalka?

Geeddi: Ugu horayn maanta waxaa Jilib lagu diley laba askari oo Xabashi ah... Sug.. sug... aan halkaas ku celiyee: Maanta waxaa Jilib lagu diley laba askari oo saaxiibadeen ah oo Ethiopian ah. Ciidamada Ethiopia sababaha loo soo kordhinayo waxay tahay waxaa laga cabsi qabaa in dalka uu kacdoon cusub ka dhaco maadaama DFKMG ay cadaysay mowqifkeeda in Soomaaliya lagu darayo dalka aan saaxiibka ahaan jireyn oo weligeen aan dagaalku ina dhex marin ee aan dhulka inaga haysan ee Ethiopia. Hadalka uu ku hadlay Xuseen Caydiid waa hadalka DFKMG maadaama uu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee Soomaaliya ka hor intii aan Itoobiya lagu darin. Waxaa saraakiisha Ethiopia soo ogaadeen in dalka uu ka soo socdo kacdoon la mid ah kii dalka looga saaray qabqablayaashii hore, kan oo Ethiopia lagula dagaalamayo oo Soomaalida oo dhammi ay midoobi doonaan, arrintaas oo halis ku ah xukuumada xakunta Raas casayr ilaa Raas Kambooni ilaa balliyada uu ka bilowdo webiga Niilka Buluugga ah (Blue Nile).

Weriye: Jaalle Ra'iisul wasaare, ma waxaad leedahay Soomaaliya hadda ma ahan dal xor ah?

Calankii hore ee Itoobiya

Calanka cusub ee Itoobita

et adopted 6 February 1996

Taariikhda Calanka Soomaalida.. Akhri..

Geeddi: Soomaaliya 16 sano dawlad ma lahayn, Ethiopia intaas dawlad ayey lahayd. Qorshahan in Soomaaliya lagu daro Ethiopia xilli hore ayuu soo bilowday, waxaase la dardar geliyey intii uu socdey shirkii Mpagathi, Kenya. Xilligaas waxaa magaalada Addis Ababa oo aan markaas joogey iigu yimid saraakiil Ethiopian ah, waxaana la ii ballan qaaday in Ra'iisul wasaare la iiga dhigi doono Soomaaliya, haddii aan ballan qaado in aan Soomaaliya ka dhigayo gobol la mid ah sida Kililka 5aad. Waxaan markaas weydiiyey saraakiishii sida ay taasi ku hir geleyso, waxayna saraakiishii ii sheegeen: In si loogu gogol dhigo qorshaha hadda hor dhiciisu muuqdo in Bishii Febraayo 6, 1996 ay Itoobiya raggeeda khubarada ah ay shir qaateen, waxana shirkaas isla maalintaas la go'aamiyey in Calankii Hore ee Itoobiya la bedelo, laguna bedelo calan ay dhexda kaga sawiraran tahay xiddigta shanta gees leh, taas oo qorshuhu ahaa marka la mideeyo Soomaaliya iyo Itoobiya in Soomaalidu iska dhex arkaan calanka Itoobiya oo aysan dhehin calankayagii aaway. Waxaan markaas weydiiyey aniga, Geeddi ahaan maxaad iiga baahan tihiin, waxay markaas igu yiraahdeen: Ugu horrayn marka aad Ra'iisul wasaaraha noqotid waa in aad si cad u sheegtaa in aysan jirin dhul Soomaaliya ka maqan, taas oo aan fuliyey, waxaana taas Soomaalidu hadda u yaqaanaan GEFKII GEEDDI. Itoobiya waxa kale oo ay ii sheegeen in aysan bad lahayn oo ay rabaan xeebaha Soomaaliya, taasna waxay ku caddeeyeen websiteka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo wax qarsoon ma aha. Ugu dambaytana waxay ahayd in la Addis Ababa la iiga keenay Khariidad muujineysa in magaca Soomaaliya laga masaxay Khariidada.

Weriye: Lakiin Khariidadaas in xafiiskaaga laga helay maxaad u beeniseen?

Geeddi: Markaan beeninay waxaan joogney Baydhabo oo weli awooda ayaan urursaneyney mana rabin in aan indhaha Soomaalida isku soo jeedino, hadda xoog ayaan yeelanay oo sidaas ayaan mowqif-keena u cadaynay.

Weriye: Jaalle Ra'iisul wasaare, waa sidee xaalku waxaad u hadleysaa sidii nin Itoobiyaan ah'e?

Geeddi: Meeshaan qof kasta inta uu soo gaaro ayuu ka qaadanayaa inta aan Itoobiya toos ula wareegin, waad aragtaan in hadda Xuseen Maxamed Faarax Caydiid sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan Sheikh Aaden inuu in ka badan $3-million oo Doolar uu kasoo qaatay Midowga Yurub, taasoo ahayd lacag loogu dhiibey  Ummada Soomaaliyeed iyo DFKMG.

Weriye: Marka aad leedahay Ummada Soomaaliyeed iyo DFKMG, tan kale Ra'iisul wasaare aan kaa dhex galee: Waxaad sheegteen in ay Hal Baasaboor qaadanayaan Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana jirta in aad dhowaan malaayiin doolar kubixiseen Baasaboor aad tiraahdeen waa casri oo waxaa loo sameeyey Soomaalida, marka sow taas lama dhehi karo idinka ayaaba malaayiin doolar qaatay halka aad Shariif Xasan oo keliya kaga eedayneysaan saddex malyan oo doolar in uu qaadatay?

Geeddi: Su'aasha ahore haddaan kaaga jawaabo: Ummada Soomaaliyeed waa shacabka aan war hayn, DFKMG ahna waa tan uu Caydiid sheegay in ay baabi'neyso xadka Soomaaliya, sidaas ayey u kala duwan yihiin, waayo shacabku ma ogola in ay Amxaaro xakunto. Su'aasha labaad jawaabteeda waa kuu hor mariyey oo waxaan ku iri "Meeshaan qof kasta inta uu soo gaaro ayuu ka qaadanayaa inta aan Itoobiya toos ula wareegin." Laakiin taas cidna ha u sheegin.

Weriye: Jaalle Ra'iisul wasaare, horta kama tirsani Raadiyo Muqdisho sidaas daraadeed ma qarinayo wixii aad ii sheegto ee ha khaldamin. Tan kale Maxaa sababay in Xuseen Caydiid uu xuso in Webiyaasha Jubba iyo Shabeelle ay ka soo bilowdaan Itoobiya.


Niilka Buluuga iyo Niilka Cad
Sawirka: Wikipead

Geeddi: Wiil yar ayaad tahay ee waxaan kuu sheegayaa taarikh kooban oo ku saabsan dagaalka Biyaha Afrika ee i dhegeyso: Waxaa jira heshiis sannadkii 1929 dhex maray dalka Masar iyo Boqortooyadii Ingriiska (oo ku hadleysey codka Sudan maadaama ay xilligaas gumaysaneysey), heshiiskaas oo loo yaqaan "1929 Nile Treaty" waxa uu dalka Masar siinayey xusuuqda ugu badan ee adeegsiga biyaha webiga Nile. Waxaana heshiiskaas markale dib loo eegay sannadkii 1959 (waxaana sidaas dalbatay Sudan). Heshiisyadaas wax tixgelin ah lama siin Ethiopia oo qiyaastii ilaa 80% biyaha webiga Blue Nile ay ka soo bilowdaan [Webiga Niil ee uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha dalka Masar waxa biyihiisu ka yimaadaan labada webi ee Niilka Cad "White Nile" oo ka soo bilowda Harada Victoria ee ay wadaagaan Kenya, Tanzania iyo Uganda, iyo Webiga Niilka Buluugga "Blue Nile" oo kasoo bilowda Haarata "Lake Tana" oo ku taal Ethiopia, waxaana webigaas dhanka Ethiopia looga yaqaan "Abay" ama "Giyon". Labada webi ee Niilka-Cad iyo Niilka-Buluuga waxay ku kulmaan bartamaha magalada Khartuum ee dalka Suudaan, markaas ayey noqdaan Niilka waraabiya beeraha dalka Masar oo ay dagaalka ka xigto haddii biyahaas ay Ethiopia ka faa'iidaysato iyadoo aan Masar lagala tashan ]. Sidaas darteed Ethiopia looma ogola in ay mashaariic horumarin ah ka fuliso Webiga Blue Nile ee dalkeeda ka soo bilowda, haddii ay sidaas samayso dalalka Sudan iyo Masar ayaa soo weeraraya Ethiopia oo ah dalal aad u xoog weyn. Markaas waa in Itoobiya hesho meel kale oo ay horumar ku samayso si ay dadkeeda oo hadda kor u dhaafay 75 million u helaan cunto ku filan. Haddaba meesha ugu dhow ayaa noqotay dhulka baaxadda weyn ee Soomaaliya maadaama tirada Soomaalidu ay yihiin 9 million oo keliya ayna haystaan dhul ballaaran oo ay maraan Webiyada Jubba iyo Shabeelle iyo xeeb aad u dheer, sidaasna dadka tirada badan ee reer Itoobiya la soo dejiyo dhulkaas barwaaqada ah.

Weriye: Jaalle ra'iisul wasaare waxaad xustay in heshiiskii 1929 aan Ingiriisku wax tixgelin ah siin Ethiopia markii biyaha webiga Niil la qaybsanayey, sidee taasi ku dhacday?

Geeddi: Ingriisku waxa uu Itoobiya ku qanciyey in uu siinayo dhulkii loo aqoon jirey "Hawd /Reserve Area" ee Galbeedkii Soomaaliya. Waxaa kale oo Itoobiya markii ay murantay la xusuusiyey Heshiiskii loo aqoon jirey "Tripartite Accord" ee 1894. Heshiiskaas oo Boqor Mililikh lagu siiyey in uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee hadda loo bixiyey Ogaden si loogu arko in hal qabiil leeyahay oo aan Soomaalida kale dan uga yeelan, Itoobiyana ay u bixisay Kililka 5aad.

Weriye: Waa gartay.... Laakiin...


Akhri Halkan..................

Geeddi: Sug weli ma dhamaysane.. Taariikh ayaan soo dhex geliyey'e.... markii la ii keenay Khariidada ayaan su'aal weydiiyey saraakiishii Itoobiya, su'aashaas oo ahayd: Khariidadani waa mid u eg in la soo macmalay. Saraakiishii Itoobiya inta ay igu qosleen ayey i yiraahdeen: Sidaas annagaa ugu talo gallay waayo annagu dib u qori meyno Kharidida Afrika oo dhan, balse waxaan wax ka beddeley khariidad jirta oo inta Soomaaliya ka masaxney aan ku dul qornay Ethiopia anagoo adeegsaneyna Photoshop, waxaana muuqata in khaddu kala duwan tahay, waana sida aan rabno in qorayaashiina ay shaki u geliso oo ay ugu maleeyaan macmal.

Weriye: Haye...

Geeddi: Waxay markaas saraakiisii ii sheegeen marka ay Muqdisho ku geyso diyaarad Ethipian ah ayaa jariidada Daily Monitor ee kasoo baxda Addis Ababa waxay qori doontaa cinwaanka "Mission Accomplished", taas oo ah baaq ay DFKMG ugu sheegayaan in si degdeg ah loogu dhawaaqo in xadka Soomaaliya iyo Itoobiya la baabi'yo...

Weriye: Ka warran jariidadaasi haddii ay qorto cinwaanka "The fault lines of civilizations" oo ay qortay International Herald Tribune. Ama ay qoraan hadalkan: "Muslims in Ethiopia are angry," said Isaac Eshetu, 25, a student. "For 2,000 years they've been living as strangers in their own motherland." oo ay qortay post-gazette.com.

Geeddi: Jawaab taas uma hayo, waxaanse jawaan u hayaa in maalmaha soo socda aan Raadiyaha Codka Zenawi ka sheegi doono in la baabi'yey calankii Soomaaliya, madaxweynaha Soomaaliyana uu yahay Meles Zenawi, aniguna aan Gubarnatoore ka ahay Soomaaliya. Taasna waxaa kuugu daliil ah in Xuseen Ceydiid uu ku nuux nuuxsaday in Dowladda Ethiopia ay wax badan ka qaban doonto xaaladda dalka Soomaaliya taas oo ah baaq kale oo aan isku ognahay.

Weriye: Jaalle Ra'iisul wasaare waxaan maqallay in Kooshin Maxamed oo ah Soomaali deggan magaalada Seattle ee gobolka Washington ee galbeedka Maraykanka uu Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf, weydiistey in uu noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka, marka dawladdiisa ay Maraykanku si rasmi ah u aqoonsadaan, marka Safiirkaasi hawshiisu mexey noqon doontaa haddii dalka la hoos geeyo Ethiopia?

Geeddi: Cabdullaahi Yuusuf ayaad taas weydiineysaan.

Weriye: Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waxa uu hadda aadey Mombasa si uu ula kulmo Mai Kibaki-ga Kenya si uu taageero ugu helo in la keeno Soomaaliya ciidamado nabad ilaalin ah oo Afrikaan ah, arrintaasi miyeysan khilaafsanayn hadalada aad sheegtay.

Geeddi: Ciidamadaasi waa kuwo dadka lagu jaah wareerinayo. Waayo waa maxay hadal aad sugi lahayd oo ka dambeeya haddii aan niri: "Waxaa la midaynayaa labada dawladeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo laga dhigayo hal dal oo aan xad u dhexayn maadaama xadka la baabi'yey, baasaboorkana hal baasaboor la qaadanayo, hal lacag, hal dhaqaale, hal ciidan."



Sawirada: Google News/Images, Yahoo images

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH