SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MURTI
Daabaco Boggan | Print
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
 
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..

Kongo, Tansania & USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha Ammaanka: Isagoo xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...
AKhri....

Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia...
Akhri



Murtida Maanta:::
::::Majaajillo Xigmadeed::::

  • Dec 28, 2006
    Maalintii ugu Horeysey ee Xabashidu soo Gaartey Muqdisho


Askarta Itoobiyaanka oo Ka Argagaxay Guuxa Mawjadaha Badweynta Hindiya:::

Askartii Tigreega oo la yaaban bilicda dhul-beeraadka Webiga Shabeelle ayaa markii ay soo dhaafeen Balcad waxay hal mar la kulmeen guux aad u xoog weyn, markaas ayaa taliyihii ciidanka watey waxa uu markiiba fooniyaha halow-halowga qabadiisyey Addis Ababa, waxana isagii iyo Addis Ababa dhex maray hadalkan:

dhagax tuurWar heedhahaya maxaad u tiraahdeen Maxkamadihii waa ka bexeen Muqdisho, waayo guuxa gawaaridooda iyo madaafiicdooda ayaa magaalada ka yeeraya, markaas ayaa Addis Ababa markiiba si halhaleel ah waxay u soo kicisay diyaarado Helikobtarro ah oo soo kor meera Muqdisho, diyaaradihii ayaa waxay yiraahdeen, uma jeedno wax madaafiic ah oo la soo ridayo ee xaggee arrintu iska qaban la'dahay. Dib ayaa la isugu laabtay markaas ayaa lala xiriiray Meles Zenawi, oo lagu yiri: Adigaa Melesoow Muqdisho magan-gelyo ahaan u jooji jirey ee waa maxay guuxaa is qabsaday.

Cabbaar markii uu fekerayey ayuu Meles xusuustay xilligii uu soo galay Muqdisho oo uu mucaaradka ku ahaa Dergigii hore ee Mingistu, markaas ayuu yiri: Waxaas aad guuxiisa maqleysaan waa mowjadaha Bad-Weynta Hindiya ee aan ka samri waayey ee arkay xilligii aan Muqdisho magan-gelyada ku joogi jirey oo aan u xiisay in aan ku laabto, ee ma aha madaafiicda Maxkamadaha, in kasta oo aan abaalaawe ahay. Markaas ayaa neefi ka soo boodey askartii aagga hore joogey oo u malaynayey in Cabdullaahi Yuusuf oo hore u ballan qaaday in Xabashi ka aarsanayo uu shir qoolayo oo marka ay gudaha dalka u galaan la dhabar jebinayo. Si arrinta loo hubsado, markiiba waxay askartii u dhoweyd Xamar ay telefoon qabadsiiyeen Baydhabo oo waxay yiraahdeen si aan u xaqiisano in guuxaasi uu yahay kan badweynta sida uu Zenawi sheegay waa in la soo hor mariyo ninka aynu kalsoonida buuxda ku qabno ee noo ogol in aan laga hadlin qadiyadda Soomaalidii maqnayd ee nagu casumey tii ay iyadu dhulka nagu haysatey, waa Cali Maxamed Geeddi, markaas ayaa loo soo diray in uu yimaado Afgooye bal si uu u hubiyo Guuxa la sheegayo meesha uu ka soo baxayo- Geeddi ayaana laga sugayaa in uu Zenawi u xaqiijiyo guuxaasi in uu yahay kan badweynta Hindiya, oo si rasmi ah u sheego in maxaakiimtii ka baxeen Muqdisho, in kasta oo ay Geeddi ku adkaan doonto qaabkii uu ugu sharxi lahaa askarta weligood joogey meel saxara-xigeen ah in lagu qanciyo guuxaasi waxa uu ka soo baxayaa hirarka badweynta Hindiya, magaaladaas bilcida sanna waa Muqdisho.

Sayid Maxamed Cabdulle XassanAskarta Tigreega mid ka mid ah oo weli yaaban ayaa la yiri: is deji Geeddi ayaa meesha soo hubinaya'e. Markaas ayuu inta uu is hayn waayey waxa uu yiri: Suurtagal ma ahan Addis Ababa oo loogu yeero caasimada ugu bilicda san Afrika in ay Muqdisho oo 18 sano dagaal ka socdey ay ka qurux badnaato, isagoo intaas raacinaya: Addis Adaba waa magaalada ay dhex maraan waadiyaal ay dadku sidii ay kaadi ula fariisanayeen madoobaadey, balse sidee ku dhacday in Muqdisho ay sidaas u qurux badnaato. Mid kale ayaa soo boodey oo wuxuu yiri: Aamus, aamus... yaan lagu maqal'e, waayo bilicda aad arkeysid waa raadkii maxaakiimtu ay ka tageen, ee haddii aad Muqdisho imaan lahayd xilligii qabqablayaashu haysteen sida ay u fool xumayd waayo TV ayaan ka daawaday sidii ay ahayd markaas.

Bilicda Muqdisho

Isha Sawirka: www.swan.ac.uk

Zenawi ayaa markiiba khadka Fooneeyaha kusoo laabtay, waxana uu yiri: Waxaa iga soo fakatay oraahda ah "in aan abaalaawe ahay" oo aan ula jeedey in aan Muqdisho dagaal ugu abaal gudey, haddaba waxaa dhici karta in fooniyaha la iska maqlayey, sidaas daraadeed askarigii aan ka maqlo Meles waa Abaal Laawe waxaan ka daba geynaa Dr. Berhanu Nega. Askari FeerFeer buuraheeda saaran oo fooniyaha dhinac ka dhegeysaney ayaa yiri: Ato xaggee ayuu maray Dr. Berhanu Nega oo ahaa duqii magaalada Addis Ababa. Zenawi inta uu xanaaqey ayuu yiri: Adiga waxaan kaa daba geynayaa meeshii uu maray Dr. Yacob Hailemariam.

Oday maahir ah oo ka ag dhowaa meesha ay xabashidu kuwa hadlayeen ayaa inta uu fiiriyey wiil dhallin yaro ah oo Soomaaliyeed oo ka murugaysan xabashida ku sugan dhulka Soomaaliyeed waxa uu ku yiri: Adeer ha is murugayn, ninba waa markiisa'e, ogsoonow in Qaanta iyo aanada laga galo Soomaalidu aysan harin oo aysan Soomaalidu illoowin, kana harin ilaa ay aar goostaan, marka maalinteeda sug aad arki doontid xabbadda ka dheceysa Addis Ababa. Mid kale oo dhallinyaro ah ayaa markaas odaygii ku yiri: Awoowe ka warran hadda haddii aan u galo dhabbada xeebta Liido oo marka ay damcaan in ay uskagga iska mayran aan...... halkaas markii uu marinayey hadalka ayaa askari Tigree ah dhegta u soo raariciyey, markaas ayaa wiilkii iska aamusay isagoo wixii uu dhehi lahaa ay maskaxdiisa ugu kaydsan yihiin.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH