SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  QAADKA
Maanta waa:

Duullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Tabcashada Geedka Qaadka

The Nation (Nairobi)  | NEWS 
December 20, 2006  

Qore: Muchemi Wachira 

khatSaddexdii toddobaad ee la soo dhaafey, ninka la yiraa Mudane Joseph Kirigia wuxuu isagoo aad uga calool xun daawanayey beertiisa qaadka oo geedihii ay laamaha qaadku iska baxeen, aadse uu u dhibsadey oo ay uur ku taallo ku noqotey in waxaas oo laamo qaad ah ay khasaaraan oo inta la guro la daadiyo.

Gaddisleyda qaadka ee magaalada Maua waxay qaadka u diyaariyaan in la dhoofiyo, laakiin meel loo dhoofiyo ma leh maaddaamo joojintii Qaadka aadi jirey Muqdisho ay tahay mid weli jahawareer ba’an ku noqotey geddisleydaas.

Mudane Joseph Kirigia oo ah 55-jir nin odey ah wuxuu awoodi kari waayey in uu laamaha cardunka ah ee qaadka ka guro geedihiisa dhaadheer halka beeraleyda kale ay iyagu wadaan howshaas guridda ah- Ma aha in ay beec geynayaan qaadka ay jaraan ee waxay uun uga gol leeyihiin in ay ku badbaadiyaan geedahooda si uusan geedku u bi’in.

"Waa howl badan oo aan ka bixi Karin marka la eego nin da’a ah sideydoo kale. Carruurteyda oo ah kuwo yar yar anigey si weyn iigu tiirsan yihiin oo igama maarmaan. Aniguna ma awoodo in ay shaqaaleysto qof ii gura geedaha maaddaama aan wax faa’iido deg deg ah aysan ka imaaneyn.” Ayuu yiri Joseph Kirigia.

Tan iyo intuu Joseph billaabey in uu beerto geedka miiraaga ah 15 sano ka hor, wuxuu ahaa nin iska ladan oo ku jira dadka ugu dhaqaalaha fiican Tuulada Ngawene ee waaxda Igembe oo ka tirsan degmada Waqooyiga Meri. Waxaa soo gali jirtey bishiiba 35,000 ilaa 50,000 oo shilinka Kenya ah.

"Lacagtaas waxay aheyd mid ku filan in aniga, islaanteyda iyo sagaal carrur ahba ku filan. Laakiin bishan wax I soo galey oo lacag ah ma jiraan maadaama uusan jirin suuq aan qaadka u iib geeyo.” Sidaas waxaa yiri Joseph.

Si kastaba ha ahaatee, Joseph wuxuu ku khasban yahay in uu guro laamaha ku baxay geedihiisa qaadka si ay geedaha ugu suurto gasho in ay soo bixiyaan laamo curdun ah oo cusub haddii kale laamahaas oo ku adkaada geedaha dushooda waxay keeni doonaan in geeduhu u dhammaato.

Geedaha oo laamaha laga gurana waa kharash miiran maaddaama la tuurayo oo aan la iib geyneynin. Laakiin guristaas ayaa socoto oo beeraleyda degmada Waqooyiga Meri ay wadaan.

Laakiin Joseph oo leh afar carruur ah oo dugsiga hoose dhigato oo laga rabo qarashkooda iyo kharashka korintooda awgeed ayaa ay u taallaa howl ka culus middaas laama gurowga ah ee micnaha aan laheyn.

Nasiibku in uu billaabo in uu ku xumaado ninkaas iyo kuwo kale oo deegaanka ahba waxay billaabatey bil ka hor markii dowladda Kenya ay joojisey duullimaadyadii diyaaradaha qaadka ee Soomaaliya aadi jirey taas oo ay ka sii daba timid xaaran timeyntii qaadka ee caasimadda Muqdisho iyo meelaha kale ee ay ka taliyaan kooxaha islaamiyiinta ee mayalka adag.

Dowladda Kenya waxay duullimaadyada Soomaaliya aada u joojisey iyadoo sabab ka dhigatey arrimo la xariira dhanka Ammaanka. Dabadeedna Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya ayaa iyana ka mamnuucay qaadka Muqdisho iyo meelo kale oo badan oo ay ka taliyaan.

Joojinta qaadka waxay la mid tahay ceel si rasmi ah u qallaley. Qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool Meru waxay iska dhaadhiciyeen in qaadku uu yahay wax soo saar ay naftoodu ku tiirsanaan karto oo aan ebid dhammaan doonin. Sidaa darteed maba aysan diyaarsan oo dhisan keyd kale oo u baddali kara ka ganacsiga qaadka.

Tusaale ahaan beeraleyda Waqooyiga Meru waa dhif in ay qaadka ku dhex labaan oo beertaan dalagyada cuntada. "Lacag fiican ayaan ka helnaa qaadka, lacagtaas oo aan isla markiiba isticmaalno oo dhammeysanno, innagoo ay naga dhaa-dhacsantahay in lacag kale oo fara badan ay imaan doonto bisha xigta tan iyo inta aynu haysanno geedka Miraa. Arrimuhu haatan waa is baddeleen.” Ayuu yiri Joseph.


34-jir Qaad Cune ah waxa  uu sheegay in uu jecel yahay dareenka uu ka helo Qaadka, waxa uu ka dhigaa mid had iyo jeer soo jeeda. Calashiga ama ruugidda qaadku waxa uu noqon karaa mid bulsho ahaan ay aqbaleen wadanka aan laga aqbalin cabitaanka khamriga. Akhri...

qad qaad jaad
2002: Soomaalida U.K. oo Ku Baaqay In La Mamnuuco Qaadka  
:::QAADKA & MARAYKANKA:
qoraal
44 Qof oo Lagu Eedeeyey in ay Qaad Soo Geliyeen Maraykanka

Beeraleyda oo qudha ma ah waxa dhibku soo gaarey. Dhammaan intii kale ee ku xirneyd beeraleyda qaadka iyaguna dhibka waa soo gaarey. Lacagtii wareegeysey ayaa aad u yaraatey. Guddoomiyahay Ururka Geddisleyda Miiraaga ee Nyambene Julius Mwereria wuxuu isagu leeyahay dalagga qaadku wuxuu soo qaban jirey ugu yaraan 64 milyan oo shilinka Keenya ah sanadkiiba. Wuxuuna Miiraagu ahaa waxaa noolashu ku dhisantahay halkan. [64 million K.SH = 1.4 Billion Sh.SO]

Tan iyo bishii Nofeember 12-keedii goortaas oo dowladda Keenya ay mamnuucdey duullimaadyadii Soomaaliya aadi jirey, nolashii dadka deegaankan sidii lagu yaqiin ma aheyn. Xataa ganacsigii kale ee dheeriga ahaa ayaa haatan khaati taagan. Mulkiilayaasha Hodheeladii iyo makhaayadihii Mutuati iyo Igembe waxay leeyihiin ganacsigayagii wuu burburayaa. "In aan albaabada isugu dhufanno ayaan joognaa.” Sidaas waxaa yiri Abdirizak Maalim oo ah milkiilaha Hodheelka Al Sadiq ee magaalada Maua.. Hodheelka ninkaas waxaa la dhisey dhowr sano ka hor. Wuxuuna ku tiirsanaa ganacsiga Miiraaga. Dullaaleyda, darawallada iyo baaburleyda iyo geddisleyda kaleba waxay isugu imaan jireen meeshaas si ay isugu duba ridaan daabulista miraaga ee loo daabulo qaybaha kale ee Keenya iyo dunida oo dhan. Qaar qaadka ah waxaa loo qaadaa Nayroobi, Mombaasa iyo magaalooyinka kale, laakiin boqolkiiba siddeetan (80%) waxaa loo qaadaa Wilson Airport si loogu duuliyo Muqdisho. "Ilaa laga soo gaarayey bishii aynu soo dhaafney markaas oo aheyd markii la mamnuucey qaadka, waxaa haysanney macaamiil aad u fara badan. Waxay macaamiishaasu noo iman jirtey waqti kasta xitaa habeynkii qaar baa socdey. Laakiin maanta waxaan haysannaa wax ka yar 5 macaamiil ah." Sidaas waxaa yiri Abdirisaaq Macallin. Maua oo ah xarunta degmada Waqooyiga Meru iyadu dhibka intiisa badan sidaas uma sarreeyo.

Laakiin waaxda aadka u dadka badan ee Mutuati iyadu dad badan waa shaqa la’aan oo waa la iska fadh-fadhiyaa. Meeshaas waxay ahaan jirtey suuq aad u cammiran oo aad mararka qaarkood ku kahdid in ay jiraan Kulamo Siyaasideed oo aad u weyn marka aad eegto tiro badnida dadka isugu soo baxay suuqa ee wax kala iibsanaya.

Rugaha ganacsi ee degmada Waqooyiga Meru iyo Magaalada Maua waxay soo jiiteen dadka wax maal gashada oo ka kala yimid dalka qaybihiisa kale oo dhan kuwaas oo meeshaas ka abuurey ganacsi aad u sarreeya. Arrintu si ba’an ayey haatan isu baddashey. Suuqyadu weli waa muuqdaan marka laga reebo cadadkii weynaa ee maacaamiisha wax kala gadan jirtey.

Nin dullaala Miiraaga oo la yiraa Stanley Kubai wuxuu yiri"waynu iska fadhinnaa oo suuqa ayeynu iska naallaa innagoo rajeyneyno in aynu shaqo helno ama fursado shaqo noogu yimaadaan.” Inta badan ninkaasi wuxuu ka shaqeystaa rugta ganacsiga Laare. Wuxuu ninkaasi leeyahay dad badan oo qaadka ka ganacsigiisa ku tiirsanaa haatan waxay noqdeen tuug (dad qalato). “Boobka tuugta soo dhacda waa kordhey, taas oo aheyd waxa aan jirin markii qaadku uu ahaa berisamaadka.”

"Weli waynu iibinnaa miiraaga oo waxaynu u dirnaa Mombaasa iyo Nayroobi, oo ah suuqyada-nada labaad marka loo eego Muqdisho.” Waxaa sidaas yiri Kubai oo 39 jir ah. Waa in aynu raadsanno suuq kale ama ganacsi ka duwan kan qaadka si aynu u noolaanno.

Macdaarrada qudaarta iibsho oo u dhaw Rugta Ganacsiga Laare oo ay leedahay gabadha la yiraa Bridget Kananu ayaa gabadhu waxay tiri “ilaa iyo saakey waxaan iibiyey labaatan xabbo oo moos ah, haddana waxaa la joogaa labadii duhurnimo. Waxay tiri markii uu qaadku jirey bishii hore waxaan iibiyey kun xabbo maalintii. Dhawaan waxay u badan tahay in aan korsan waayo canuggeyga lix jirka ah.”

Miraaga lagu beero Kaelo waxaa inta badan loo iib geeyaa Yurub , laakiin ganacsatadu waxay dareemayaan qandhuufo maaddaama ay qaar qaadkooda ka mid ah u diri jireen Muqdisho. Saraakiisha ururka Miiraaga waxay yiraahdeen suuqa qaadka ee Yurub ma aha mid sidii kii Soomaaliya la isku halleyn karo. "Dhibaatada ugu weynna waa daabulista loo daabulo Yurub. Marka qaad loo qaadayo dalalka Yurub waa kharash badan waayo waa in aad diyaarad u kireysato maaddaama aysan Kenya Airways aysan kuu qaadeyn qaad." Sidaas waxaa yiri Mwereria.

David Ithalii oo 44-jir ah oo leh Hodheel suuqa qaadka ku yaalla ayaa wuxuu leeyahay waxaa hoos u dhacay ganacsigeygii wixii ka danbeeyey saddexdii usbuuc ee la soo dhaafey.

Abukaridere Maxamed oo ah qaad wale ka shaqeysta rugta qaadka iyo Nayroobi ayaa wuxuu isna leeyahay waxaa iga khasaartey 8-deed milyan oo shilinka keenya ah oo sababsadey mamnuucidda qaadka. “waxaan iibiyey qaad 8 milyan oo shilin ah markii la joojiyey qaadka iibintiisa. Waxaan weli sugayaa in lacagtaas la ii soo diro. Ninkan oo ah 50 jir reer Gaarisa ah waxaa lagu leeyahay oo uu deyn ahaan u qabaa ilaa 3-dex milyan oo shilin keenya ah..

Taariikh 6 ee bishan Diseember waxaa saraakiisha Ururka Miraagu ay ashtako u gudbiyeen dowladda Keenya iyagoo u sii marsiiyey Guddoomiyahay degmada Athumani Shauri si bal ay dowladdu u eegto ba’a la soo gudboonaadey degmadaas iyo dadkeeda.

Haddii aan duullimaadyada diyaaradaha aan dib loo furin bishan Jannaayo waxay saraakiishaasu yiraahdeen dadka degmadu waxay u baahan doonaan in lala soo gaaro Raashin mucaawino ah. Waxay yiraahdeen Miiraagu wuxuu ahaa dalag lacag dadka soo galiya. Waalidiin badan waxay awood u waayi doonaan in ay ilmahooda dugsi u diraan oo ay qarashka dugsiga bixiyaan. Iyadoo taas u sii dheer tahay noloshii kale iyo korintii ilmahooda.

Bisha Diseember 7-deedii Shauri wuxuu isna farriintii u sii gudbiyey David Jakaiti oo ah guddoomiyaha gobalka Bari. Wuxuuna u sheegey in dakhliga qoysas badan uu aad u wiiqmey, iyo in dadka dambiyada galo iyaguna ay kordheen.

"Beeraleydu waxay gurayaan laamaha dheeriga ah ee ku baxay geedka qaadka si bal uusan u bur burin. Waa shaqo aad u kharash badan.” Sidaas waxaa yiri Shauri.

Waxaa turjumey: Wali Farah, Ottawa  wfarah@rogers.com

ISHA:  http://allafrica.com/stories/printable/200612200045.html

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 20, 2006

Jendai Frazer waxay Dalka Mareykanka u sameynaysaa cadaw iyadoo ku kaceysa khaladaad badan

Kongo, Tansania & USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha Ammaanka: Isagoo xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...AKhri....

Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri

CopyrightXuquuqda Qoraalka Copyright Akhri..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosas
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD