SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QAADKA
Daabaco Boggan | Print

44 Qof oo Lagu Eedeeyey in ay Qaad Soo Geliyeen Maraykanka....

Afar iyo Toban qof oo reer Minnesota ah ayaa ka mid ah 44 qof oo lagu soo eedeeyey in ay ka tirsanaayeen koox caalami ah oo si qarsoodi ah Qaadka uga keeni jirey Afrika, Qaadkaas oo lagu qiyaasay 25 tons oo ay soo geliyeen Maraykanka, Qaadkaas oo qiimihiisu dhan yahay $10 million oo doolar, sidaas waxaa sheegay hay'adda USA u qaabilsan la dagaalanka daroogada ee loo yaqaan Drug Enforcement Administration (DEA).....


Qaadka ay qabatay hay'adda Drug Enforcement Administration (DEA) Shan (5)ton oo Qaad ah oo qiimihiisu ahaa $2 million oo doolar ayaa gacanta lagu dhigay 18-kii bilood ee dabagalka lagu wadey Qaadka la soo geliyo Maraykanka...
(Sawika: ABC)

Shan (5)ton oo Qaad ah oo qiimihiisu ahaa $2 million oo doolar ayaa gacanta lagu dhigay 18-kii bilood ee dabagalka lagu wadey Qaadka la soo geliyo Maraykanka...

31 Qof ayaa Waaberigii Arbacadii July 26 lagu Xirxiray Daafaha Maraykanka eedayn la xiriirta Qaad ay soo geliyeen USA.....

Dadka Dacwadda lagu soo oogey waxaa ka mid ah nin Qaramada Midoobey u shaqaynayey 29 sano....

Sida ay sheegtay hay'adda USA u qaabilsan la dagaalanka daroogada, Afar iyo toban qof oo deggan Gobolka Minnesota ayaa ka mid ah 44-qof oo ka tirsan koox caalami ah oo mas'uul ka ahaa in ay si qarsoodi ah Maraykanka u soo geliyeen 25 ton oo Qaad (Khat) ah oo laga keenay Afrika, sidaas waxaa warka ku bilawday jariidada StarTribune ee ka soo baxda magaalada Minneapolis ee USA. Waxa kale oo warkaas weriyey Telefishanada Minnesota, warbaahinta New York, hay'ada wararka ee AP iyo guud ahaan warbaahinta Maraykaanka.

Jariidada oo qormadeedii sii wadata waxa ay qortay: Qaadka oo ah geed laga helo xaraarad, cadadkii la soo geliyey Maraykanka waxaa qiimihiisa lagu qiyaasay $10 million oo doolar, sida ay sheegtay hay'ada lagadaalanka daroogada.

Saddex iyo toban ka mid ah dadkaas, oo 10 kamid ah ay yihiin reer Minnesota, ayaa la xiray xalay (July 26) saqdii dhexe.

Baaritaan la wadey muddo Siddeed iyo toban bilood (18) ah, oo loo bixiyey hawlgalkii "Operation Somalia Express," waxa ay meeshii ugu dambeysey gaartey kaddib markii saakay (July 26, 2006) magaalada New York lagaga dhawaaqay dacwadaas la soo oogey.

Sida ku cad dacwadda, dadkaasi waxa ay Qaadka ka soo dhoofinjireen Afrika (Kenya iyo Itoobiya) ayagoo keeni jirey dhawr dal oo ku yaal Galbeedka Yurub, kaddibna magaalada New York. Halkaas oo markaas Qaadka loogu sii qaybin jirey gobolada Minnesota, Ohio, Maine, Massachusetts, Utah, Washington, Illinois iyo DC (District of Columbia).

Waxaa warku intaas ku daray: Marka qaadka la iibiyo, lacagta ka soo baxda waxaa la sii marsiin jirey "Xawaaladaha", oo ah hab laga adeegsado Afrika iyo Bariga dhexe oo lacagta la isugu xawilo, waa sida warku u dhigay'e.

Ninka sida rasmiga ah Minnesota ugu qaybin jirey Qaadka ayaa warku sheegay in magaciisa yahay Emil Moge Abdi, waa sida magucu u qornaaye, a/k/a “Abdi Ilmoge,”. Waxaana warku intaas ku daray haddii lagu helo dacwadaas ku saabsan soo gelinta Qaadka waxaa soo wajahi kara xabsi ah 20 sano iyo 20 sano oo la xiriirta dacwada lacagta waaridideeda. [Hay'adda DEA waxa ay sheegtay in dhammaan dadka dacwadaas lagu soo oogey haddii lagu helo in mid kasta ay soo wajahi karto xabsi ah 20 sano, kuwa hoggaanka u ahaana ay intaas u dheeraan karto 20 sano oo la xiriirta lacagta ay waarideen). Magacyada kale ee DEA ay sheegtay in ay yihiin hoggaamiyayaasha Qaad soogelinta USA waxaa kamid ah: BASHI MUSE (New York), ALI AWAD (New York), OSMAN OSMAN (oo la sheegay in uu ka shaqayn jirey Qaramada Midoobey taas oo lagu soo eedeeyey in uu magaca diblomaasiyadeed ee Qaramada Midoobey u adeegsadey in uu Qaad kusoo geliyo Maraykanka. - Linkiga hoose ka eeg magacyada oo dhan.)

Jariidada New York Sun waxa ay sheegtay in Osmaan Osmaan uu haysto dhalashada Soomaaliya, isla mar ahaantaasna uu Qaramada Midoobey u shaqaynayey muddo 29 sano ah.

Booliska degmada Hennepin County oo kaashanayay xubno ka socda dowalda Federaalka Maraykanka waxa ay dad ka xirxireen saddex meelood oo kamid ah Magaalada Minneapolis.

Hay'adda la dagaalanak Daroogada (DEA) waxa ay sheegtay in dadkaas dacwada lagu soo oogey 31 ka mid ah isku mar la xiray hawlgal waaberigii Arbaca July 26, 2006 laga fuley daafaha dalka Maraykanka.

Shan (5)ton oo Qaad ah oo qiimihiisu ahaa $2 million oo doolar ayaa gacanta lagu dhigay 18-kii bilood ee dabagalka lagu wadey Qaadka la soo geliyo Maraykanka.

Qareenka Dowladda Dhexe U.S. Attorney Michael Garcia waxa uu yiri: Arrintan waxa ay calaamad u tahay hay'adaha dhawra sharcigu sida ay arrinta Qaadka ee Qarsoodiga lagu soo gelinayo ugu arkaan arrin weyn. John Gilbride oo ka tirsan hay'adda ladagaalanka Daroogada waxa uu Qaadka ugu yeeray Geed aan laga fuqi-karin (addictive), isla mar ahaantaasna si ba'an u waxyeeleeya dadka adeegsada.

Qoraalo ay qoreen warbaahinta Maraykanka waxa ay Qaadka ugu yeereen geed aan dadka Maraykanku wax badan ka aqoon, laakiin caan ka ah dalalka Yemen, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Qaadku waa Maraykan ka yahay Daroogo, waana ka mamnuuc in la soo geliyo ama lagu cuno dalka Maraykanka.

Barnaamij habeenimadii (July 27) laga siidaayey telefishanka ABC, barnaamijkiisa Nightline, ayaa lagu sheegay mas'uuliyiinta Maraykanku ay ka welwelsan yihiin in Dhallinyarada Maraykanku ay bartaan Qaadka. Halkan ka daawo Video-ga ABC.

Warbaahinta Maraykanka ayaa ilaa xalay si weyn uga hadashay Qaadka, waxaana telefishanada looga hadlay Soomaalida iyo isticmaalka Qaadka.

Magacyada Dadka Dacwada Lagu Soo Oogey Akhri Halkan....

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

RAADIN

 



HTML CD