SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  SOOMAALIYA
Maanta waa:

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad Cilmaani ah (oo wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn), Iyaguna Waxay rabaan in ay Soomaaliya Ka Asaasaan Dowlada Islaami ah" DFKMG

"We Want to Create Secular State in Somalia, They Want to Create Islamic State In Somalia"

DHAGAYSO VOA::: Waraysiga TV oo dhamaystiran ka daawo halkan..

DHEGEYSO:: Dowlad Secular ah ayaan rabnaa in aan asaasno


Mar la weydiiyey Ciid Beddel in sababta uu Maraykanku xilligan qaraarka cunaqabataynta ka qaadida Soomaaliya u soo hor dhigay Qaramada Midoobey in ay tahay in Soomaaliya ay joogaan Argaggixiso, waxana uu ku jawaabey "MAYA". Hadalkaas ah in aan Soomaaliya Argaggaxiso joogin waxa uu si toos ah uga hor imanaya hadaladii Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG (ee uu Ciid Beddel wakiilka u yahay) ee hore Soomaaliya ugu sheegeen in ay joogaan Arggagixiso.


VOA:::TV

Ciid Beddel Maxamed oo ah Ku-xigeenka wakiilka Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey oo ka jawaababyey su'aalo ku saabsan Itoobiya iyo Soomaaliya, oo December 13, 2006 laga weydiiyey Telefishanka Voice of America, ayaa ku jawaabey  "Waxaan rabnaa in aan Soomaaliya ka Asaasno Dowlad 'Secular' ah (diin iyo aakhrino toona shaqo ku lahayn), iyaguna (Maxkamadaha) waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah". Waxana uu intaas ku daray in arrintaasi ay tahay tan keentay xiisadda u dhexeysa  Maxkamadaha iyo Dowlada Federaalka Kumeelgaarka. [Kelmedda "Secular" qaamuuska Soomaaligu waxa uu ku macnaynayaa sidan: Secular = cilmaani (ee cilmi-adduun ku salaysan, oo diin iyo aakhiro toona aan ku lug lahayn.)].

DHEGEYSO:: Hadalkaas ka dhegeyso Halkan

  • TAARIIKH KOOBAN:::: Taariikhyahannada Muslimiintu marka ay sharaxaad ka bixinayaan kemedda "Secular" waxa xusaan ficiladdii Mustafa Kemal Atatürk (Dhammaadkii dagaalkii Koowaad ee Adduunka). Mustafa Kamaal waxa uu dalka Turkiga oo ahaan jirey dal Islaami ah ka dhigay "Secular State", si uu taas u hirgeliyo waxa uu sameeyey arrimo ay ka mid ahaayeen: Ardaydii dhigan jirtey dugsiyada Quraanka inta laga saaray ayaa la geeyey iskuulo ah "Secular Schools", waxa uu baab'iyey maxkamadihii Islaamiga ahaa iyo shareecadii Islaamiga, waxana uu ku bedel Qaanuunka madaniga (civil code) laga soo minguuriyey xeerkii dalka Switzerland, iyo xeerarka fal-dembiyeedyada (Penal code) laga soo minguuriyey xeerarka dalka Talyaaniga. Waxa uu mamnuucay khimaarka ay gabdhuhu isku asturaan. Mustafa Kamaal waxa kale oo uu bedeley magacyadii magaalooyinka, sida magaaladii caanka ahayd ee Taariikhda ku lahayd Islaamka ee Constantinople oo uu u bixiyey Istanbul. Waxa uu baab'iyey luqadii carabiga ee dalka Turkiga laga adeegsan jirey, waxa uu mamnuucay koofiyadii ay raggu xiran jireen waxana uu yiri raggu waa in ay u lebistaan sida reer Yurub. Waxa uu fasaxay oo weliba dhiiri geliyey in la cabo Khamriga, dadkuna ay soo saari karaan Khamri, isla mar ahaantaana xitaa dowladu ay yeelan karto wershado soo saara Khamriga. Muddo gaaban ayuu dal Muslim ahaa kaga dhigay dal "Cilmaani" (secular = Aan Diin iyo Aakhiro toona shaqo ku lahayn.). [Qoom Allah ma bedelo haddii aysan gacmohooda Isku bedelin].
  • QuraanSuuradda Ar-Racad, Aayadeeda 11, qayb ka mid ah ayaa macneheedu yahay: "Allah ma dooriyo wax dad ku suganyahay intay ka doorinayaan waxa naftooda ku sugan" {Qur'aan 13:11}.
  • Xadiis uu weriyey Muslim, kana soo weriyey Abuu Saciid al-Khudri ayaa macnihiisu ahaa:  Rasuulkii Allah (Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa ha ahaatee) ayaa yiri: "Haddii mid idinka mid ah uu arko shey ama wax xumaan ah, waa in uu ku suuliyaa gacmihiisa; haddii uusan taas awoodin waa in uu markaas ku suuliyaa carrabkiisa, haddii uusan taas awoodina waa in uu qalbiga ka nebcaadaa- taas oo ah iimaan kan ugu diciifsan".

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 18, 2006


Ethiopia: Soomaaliya waxaan kula jirnaa Dagaal


Dec 5, 2006: Bereket Simon oo ah la taliyaha ra'iisul wasaaraha Itoobiya waxa uu Radiyaha VOA u sheegay in Itoobiya ay dagaal kula jirto Soomaaliya. Dhegeyso: Hadalkii Ethiopia waxay dagaal kula jirtaa Soomaaliya (MP3) - [Isha: VOA]

HFKMG: Soomaaliya Ciidan Itoobiyaan ah ma joogaan

Idd Bedel Mohamed
Dec 6, 2006: Ciid Beddel Maxamed [Idd Bedel Mohamed] oo ah Ku-xigeenka wakiilka Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey oo su'aal laga weydiiyey Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya, waxa uu sheegay in aan ciidamo Itoobiyaan ahi joogin Soomaaliya, isagoo weriyihii su'aas weydiiyey ugu jawaabey ma garanayo meesha aad ka heshay warkaas... Halkan ka daawo... [Isha: UN]

AP: 6,000 ilaa 8,000 oo ah Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya...

Dec 7, 2006:  Warbixin ay qortay ha'adda wararka ee AP ayaa sheegtay in ay heshay warara sir-Qarsoodi ah oo sheegaya  in Soomaaliya ay ku sugan yihiin 6,000-8,000 oo ah ciidamada Itoobiya. [Isha: AP]. Mar sii horeyseyna ayey ahayd markii uu ra'iisul wasaaraha Itoobiya si rasmi ah u qiray in ciidamadiisu ay ku jiraan gudaha Soomaaliya.


Kongo, Tansania & USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha Ammaanka: Isagoo xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...AKhri....

Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri

CopyrightXuquuqda Qoraalka Copyright Akhri..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosas
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD