SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIDA


Dalka Maldives oo Caddeeyey in Shirkadda "Consort" ay ka Diiwaan Gashan tahay Dalkooda...

  • Arrin Madaxda DGPL caddayn la'aayeen muddo dheer oo si rasmi ah ay shaaca uga qaaday Maldives.....
  • Madaxweynaha DGPL oo u safray magaalada Baydhabo si uu ula kulmo Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG

Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda "CONSORT PVT LTD" ay ka diiwaan gashan tahay Dalkaasi, waxaana shirkadaas si rasmi ah loogu daray liiska shirkadaha, wershedaha iyo laamaha ganacsiga ee ka diiwaan gashan Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Maldives. Shirkadda CONSORT waa shirkaddii ay DGPL sannadkii 2005 siisay lahaanshada xuquuuqda baarita/qodista dhammaan khayraadka dabiiciga ah ee ku hoos jira dhulka Puntland. [Dhanka hoose ayaad ka arki kartaa meesha ay shirkadaasi kaga qoran tahay liiska shirkadaha ka diiwaan gashan Maldives.]

Arrintaas cadaynteedu muhiimad gaar ah ayey u leedahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland, maadaama ay shirkadda CONSORT tahay tan ay saamigeeda dhowaan iibsatey shirkadda "RANGE RESOURCES", saamiyadaas oo lagula kala wareegayo lacago farabadan - Bishii October 2005 ayey ahayd markii "Shirkada Consort" oo ay saami ahaan 50.1% Khayraadka Puntland ka iibisey "Shirkada Range Resources", waxaana taas xigtey in July 14, 2006 ay "Range Resources" shaaca ka qaaday in ay la wareegtey baaqigii ku harsanaa xuquuqda 'Consort ltd' ee khayraadka Puntland ee ahaa 49.9%, sidaasna ay sheegtay in ay Range ku yeelaneyso saamiyada 100% xuquuqda dhulka Puntland, saamigaas oo ahayd in lacag laga siiyo CONSORT. Shirkadda RANGE RESOURCES waxa ay markaas sii suuq geysey saamiyaas, waxayna October 2006 "Heshiis is Afagard" (HIA) la gashay shirkadda CANMEX oo shirkad reer SWEDEN ah laakiin ka diiwaan gashan dalka CANADA, heshiiskaas waxa uu dhigayey in US$50 million lasiiyo "RANGE RESOURCES" si ay CANMEX u yeelato 80% xuquuqda baarista dhulka Puntland, 20% oo saamiga xuquuqda baarista Puntland ay u harto "RANGE RESOURCES", waxaana la qorsheynayey in uu heshiiskaasi dhaqan galo November 15-keedii 2006 taas oo aan dhicin,  kamadambaysta la sheegay in maalin aan la dhaafi karayn ay noqoto December 31, 2006, taas oo ay maalmo yar ka dhiman yihiin, waana sababta loo malaynayo, si heshiiskaasi u dhaqan galo, in uu si degdeg ah (December 17, 2006) Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, ugu safray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu shir albabaabadu u xiran yihiin uu Axad December 17, 2006 kula yeeshay Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG - Ayadoo wararka ka imanaya Puntland ay sheegeen in Cali Maxamed Geeddi uu diidan yahay in lacag hor-maris ah oo ay bixiso shirkadda CANMEX, lacagtaas oo la siiyo DGPL.

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf Gaagab
Dr.Gaagaab


Gen.Cade


Mr. Terry


Dubai, Hilton Hotel

Cadaynta ay Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Maldives ay sida rasmiga ah shirkadda "Consort private ltd" ugu dartay liiska shirkadaha ka diiwaan gashan dalkooda, loona daalacan karo si caam ah, waxay waji-gabax ku tahay madaxda Dowlad Goboleedka Puntland oo hore shacabka Soomaaliyeed ugu cadayn weayey meesha ay shirkadaasi ka diiwaan gashan tahay. In la ogaado meesha ay ka diiwaan gashan tahay shirkadda CONSORT iyo cidda ay u diiwaan gashan tahay waxa ay fududayneysaa in baarlamanka DFKMG iyo baarlamaanka DGPL ay kula xisaabtamaan lacagta laga helo saxiixa xuquuqsiinta shirkadaha iyo saamiyada la kala iibsanayo.


  • Faahfaahin dheeraad oo ah ku saabsan cidda ay u diiwaan gashantahay shirkada "Consort pvd Ltd" iyo xilliga dalka Maldives laga diiwaan geliyey, waxaa toos loogala xiriiri karaa Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Maldives: Teleofoon:: +960 3323668, ama Tel: +960 3315593. Fax: +960 3323840. Ama Email: contact@trademin.gov.mv Ama Xafiiska madaxweynaha Maldives, Maumoon Abdul Gayoom, Emailka: info@presidencymaldives.gov.mv

Bishii Agoosto 2005 ayey ahay markii Hoteelka Hilton ee magaalda Dubai ay shirkada "Consort pvt Ltd" heshiis kula gashay madaxda Puntland, heshiiskaas oo ahaa in shirkaddaasi ay yeelan doonto dhammaan xuquuqda macdan iyo shidaal qodista ee gebi ahaan dhulka Puntland. Xilligaas oo sida muuqata ay madaxda Puntland ogaayeen in shirkaddaasi ahayd mid lagu soo asaasay Maldives (oo uu soo asaaray Terry oo markii hore Puntland u yimid barnamij uu ugu magac daray "KIDS IN NEEDS", laakiin markiiba la arkay isagoo ka mid ah waftiga madaxweynaha DGPL). Sida uu sheegay agaasimihii hore Range Resources, Mr. Jim Marinis, shirkaddaas Consort agaasimayaasheeda waxaa ka mid ah wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland, arrintaas waxa uu October 7, 2005 u sheegay jariidad ka soo baxda dalka Australia, waxaana loo aaneeyey in ay taasi sabab u noqotay in agaasimihaas guud ee Range Resources, Mr. Marinis uu May 25, 2006 shirkadaas iska casiley.

Bishii June 2006 ayey ahayd markii sharci lagu soo sameeyey magaalada Malindi ee dalka Kenya oo loo sameeyey "Shidaal Qodista Soomaaliya" waxaa lagu wareejiyey Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, si uu sharcigaas u horgeeyo Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka DFKMG si ay u ansixiyaan, taas oo ilaa hadda aan baarlamaanku ansixin.

Shirkadaha ka Diiwaan Gashan Wasaarada Ganacsiga Maldives

Si aad u aragtid meesha ay Shirkadda CONSORT PVD LTD kaga qoran tahay shabakada wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Maldives, eeg qormada iyo sawirada hoose:

1. Ugu horayn booqo websiteka wasaarada: http://services.trademin.gov.mv/

2. Markaas Guji barta ay ku qoran tahay "A-Z Business Names" (oo ah Dhanka hoose ee shaashadda)

3. Markaas Khaanadda Bannaan ee Baaritaanka ku qor "CONSORT PVT LTD", markaas guji batoonka "Search Database"

4. Waxaad markaas arki doontaa magacii shirkadda

5. Sidoo kale haddii aad riixdid xarafka "C" ee liiska shirkadaha (ee dhanka hoose ee shaashadda) waxaad markaas arki doontaa liiska shirkadaha ka bilowda xarafka "C" oo ay ka mid tahay shirkadda "CONSORT PVT LTD", taas oo cadayn u ah in shirkaddaasi ay ka diiwaan gashan tahay dalka Maldives - Markii aan baareyney waxay liiska xarafka "C" shirkadda CONSORT kaga jirtey lambarka 724-aad, laakiin labmarkasi wuxuu isla bedeli karaa inta shirkadood ee xarafkaas ku diiwaan gashan.

Caddayn dheeraad ah, iyo cidda ay shirkaddaasi u diiwaan gashan tahay, waxaa lagala xiriiri karaa Wasaarada Ganacsiga ee Maldives, Teleofoon:: +960 3323668, ama +960 3315593. Fax: +960 3323840. Email: contact@trademin.gov.mv .


Maldives (Republic of the Maldives) waa dal ku yaal badweynta Hindiya meel Soomaaya kaga aadan dhanka Bari. Waa dal ay ku dhaqan yihiin dad Sunni Muslim ah oo bishii July 2005 tiradooda lagu qiyaasay 349,106 qof. Madaxweynaha dalkaas waa Maumoon Abdul Gayoom. Isha dhaqaalaha ee dalkaas ugu muhiimsani waa dalxiiska iyo kalluumaysiga.

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 17, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD