SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIDA


ONLF oo Digniin u jeedisey Shirkadda Lundin ee reer Sweden

warbixintii iyo Tarjumadii: SomaliTalk.com | Nov 16, 2006

Ethiopia oo heshiis 25 sano ah shirkadda Lundin kula gashay in ay bartrool ka baarto "Gobolka Soomaalida"...

  • "Shirkadda Lundin waa in ay faraha kala baxdo Batroolka Ogaadeenya" JWXO
  • "Dadka reer Ogaadeenya ma soo dhoweyn doonaan heshiiskaas" JWXO

Ian H. Lundin

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (J.W.X.O) ayaa soo saartay warsaxafadeed (sida aad hoos ku arki doontid), waxana ay digniin u jeedisey shirkadda "Lundin Petroleum" ee reer Sweden (laakiin xarunteedu tahay dalka Holland), shirkadaas oo dhowaan xukuumadda Ethiopia heshiis kula gashay in ay shidaal ka baarto qaybo ka mid ah dhulka ay Ethiopia gumeysiga kaga haysato Soomaalida, gaar ahaan labada aag ee loo yaqaan 'Blocks 2 & 6' (ama Ogaden-2 & Ogaden-6 : sawirka hoose) oo ah dhul baaxaddiisu tahay 24,420 Km2 (oo laba-jibbaaran). Waa dhulka loo yaqaan Calub iyo Hilala oo 1,200 km koonfur-bari ka xiga magaalada Addis-ababa.

Heshiiskan oo 7dii November 2006 ka dhacay magaalada Addis-ababa waxaa kala saxiixday wasiirka Ethiopia u qaabilsan tamarta iyo macdan qodista, Alemayehu Tegenu iyo madaxa shirkadda, Ian H. Lundin iyo agaasimaha guud ee shirkada qaybteeda loogu magac daray "Lundin East Africa BV", James Phillips. [Ian H. Lundin waxa ay walaalo yihiin Lukas H. Lundin oo ahaa madaxweynihii shirkadda CANMEX ee 12kii October 2006 heshiiska hordhaca ah la saxiixatay shirkada Range Resources ee heshiiska macdan/shidaal baarista kula jirta Dowlad Goboleedka Puntland, inkasta oo uu Lukas uu madaxweynanimada CANMEX iskacasiley shan maalmood kaddib markii uu dhacay heshiiskii Range iyo Canmex oo mataan la ah shirkadda Lundin. Waxa kale oo xusid mudan in madaxweyne kuxigeenka DGPL, Xasan Daahir Afqurac uu kulan degdeg ah ku tegey Addis-Ababa October 28, 2006 taas oo ahayd toddobaad ka hor intii aan la saxiixin heshiiskan cusub ee Ethiopia iyo shirkada Lundin.)

Heshiiskaasi waxa uu dhigayaa in shirkadda  Lundin ay aaggaas (block 2 & 6) baaritaan ku wadi doonto muddo 25 sannadood ah, taas oo afarta (4) sano ee ugu horeysa u qoondaysan lacag dhan 10.8 million birr ah. Waxana uu heshiiskaasi shirkaddaas siinaya 100% xuquuqda shidaal baarista ee aagga Calub iyo Hilala. [Qiyaaso hore oo la sameeyey waxaa lagu ogaadey in aagga Calub uu ku kaydsan yahay gaaska dabiiciga ah oo lagu qiyaasay 2.7 trillion ft3 (cubic feet), halka aagga Hilala uu ku kaydsan yahay gaas lagu qiyaasay 1.3 trillion.]


Aagga Block 2 & Block 6: Eeg Sawirka oo weyn.. GUJI... (pdf)
  • Waxaa xusid mudan in isla aaggaas (block 2 & 6) ay xukuumadda Ethiopia ay hadda ka hor heshiis 25-sano ah kula gashay shirkada SI-Tech International (SIL), oo ahayd shirkad deggan dalka Jordan laakiin ka diiwaan gashanayd Panama, heshiiskaas oo ay December 2003 kala saxiixdeed wasiirkii xilligaas Itoobiya u qaabilsana tamarta macdanta Mohammed Dirir iyo Ziad I. Kh Mango oo ahaa madaxa shirkadaas, waxana qorshuhu ahaa in shirkadaasi ay baaritaanka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee aagga Calub iyo Hilala ay bartamahii sannadkii 2004 ku bixiso lacag dhan 1.5 billion dollars, waxana qorshaha ka mid ahaa in ay magaalada Diridhaba oo 580 km u jirta Caluba ay ka dhisto wershed gaaska sifeysa. Heshiiskaas oo aan wax maxsuul ah ka soo bixin lana sheegay in xukuumada Itoobiya rabtey in ay baabi'so. Waxaa wararku sheegeen in shirkada SI-Tech ay xilligii loo qabtay ee July 2004 bilaabi weydey baaritaankii shidaalka, sidaasna uu waxiirkii cusubaa ee macdanta iyo tamarta, Alemayehu Tegenu, uu shirkadaas u qabtay 90-maalmood in ay hawsha ku bilowdo, waxaana taas xigtey in uu heshiiskaas wasiirkaasi ka soo qaaday waxba kama jiraan. Waxaa kale oo jira heshiis ay xukuumada Ethiopia la gashay shidkada Petronas ee reer Malysiya kaas oo ku saabsan dhul baaxadiisu dhan tahay 90,000 Km2 oo ka tirsan dhulka Soomaalida ee ku jira gacanta gumeysiga. Waxa kale oo aaggaas xiisaynayey shirkado badan oo ay ka mid yihiin shirkada Gail & Gujarat State Petroleum Corporation ee reer Hindiya.

Jariidada "The Ethiopian Herald" oo ku hadasha afka xukuumadda Itoobiya oo soo xiganeysey wakaalada wararka Itoobiya ee ENA oo ka warbixineysey heshiiska cusb (ee Lundin iyo Ethiopa) waxa ay hadalkeeda ku bilowday "Wasiirka tamar iyo macdan baarista  iyo shirkadda Lundin East Africa BV, oo ah shirkad deggan Netherlands, ayaa kala saxiixday heshiis shirkaddaas u ogolaanaya in ay bartool ka baarto Gobolka Soomaalida". Halkaas oo jariidaddaasi ku qireysey dhulkaas Soomaaliyeed laakiin aysan sheegin in heshiiskaas aan lagala tashan dadka Soomaaliyeed ee ku hoos jira gumeysiga iyo in heshiiskaas ay ka soo horjeedo Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya, taas oo soo saartay warsaxafaadeedka hoose:


JWXO oo Lundin weydiisatey in ay faraha kala baxdo Batroolka Ogaadeenya
Tarjumadii: SomaliTalk.com

November 12, 2006
Ka: Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (J.W.X.O)

Ku: Ian H. Lundin (Madaxa)
Ashley Heppenstall (Agaasimaha sare)
Alexandre Schneiter, (Madaxweyne xigeenka, ahna madaxa hawlgalka)
Geoffrey Turbott (Agaasimaha dhaqalaha)

Nuqul: Warbaahinta Caalamiga ah

Tixraac: Heshiiska Wadaaga Wax soo saarka ee Ethiopia lagula galay hawlada Baaritaanka ee Ogaadenya


I. Lundin

MA-OGTAHAY:
Shirkadda LUNDIN in uu madaxweyne ka yahay Ian H. Lundin oo ay walaalo yihiin Lukas H. Lundin oo ahaan jirey madaxweynihii CANMEX. Mase ogtahay in labadas shirkadoodba ay yihiin mataano asaaskooda loo tirinayo in uu lahaa Adolf H. Lundin (eeg hoose).



L. Lundin
Shirkadda CANMEX in markii shan (5) maalmood oo keliya [Oct 11 - Oct 17] laga soo wareegey markii ay heshiiska qabyada ah ee ku saabsan khayraadka Puntland la gashay Range Resources in uu is-casiley Lukas H. Lundin oo ahaa madaxweynihii shirkadaasi CANMEX ilaa 1996, waxaana lagu bedeley ninkii heshiiska la soo galay Range Resources ee magaciisa la yiraahdo Mr. Richard Schmitt. Sharraxaad lagama bixin sababta isku soo beegtay is casilaada madaxweynihii shirkadda CANMEX ee reer Sweden iyo heshiiska ay la gashay Range Resources. Mase Ogtahay in shirkadda CANMEX aysan ilaa hadda lahayn website u gaar ah oo laga heli karo akhbaarteeda ama taariikhdeeda.

A. Lundin
Lukas & Ian H. Lundin waxaa dhalay Adolf H. Lundin oo loo tirinayo in uu ahaa maskaxdii ka dambeysey shirkada macdan qodista ee CANMEX, iyo shirkada macdan/shidaal qodista ee LUNDIN waxana uu September 30, 2006 Adolf H. Lundin  ku dhintay magaalada Geneva ee dalka Switzerland halkaas oo uu deganaa. Lukas oo sida kor xusan uu dhalay Adolf ayaa ahaa madaxweynaha shirkadda macdan qodista ee CANMEX, waana ninka uu xusay Gaagaab mar uu la hadlayey baarlamaanka Puntland inkasta oo uusan xusin in mr. Lukas uu shirkadaas madaxweyne nimadeedii iska casiley shan maalmood oo keliya markii ay kasoo wareegtey  heshiiskii dhex maray Range iyo CANMEX ee kusaabsanaa khayraadka Puntland.

Ururkayaga waxaa lagu soo wargeliyey in 7dii November 2006 la saxiixay heshiis "wadaag wax soo saar" kaas oo dhexmaray shirkadda 'Lundin Petroleum' iyo dowlada Ethiopia. Hawl-gallada baaritaanka ee gaar ahaan ugu qorshaysan 'Lundin East Africa BV' waxa uu ku jihaysan yahay aagga dhulkayaga kaas oo loogu yeeray "blocks 2 & 6" taas oo aan ahayn macquul, isla mar ahaantaasna aysan soo dhoweyn doonin dadka reer Ogaadeenya.

Inkasta oo ay dhici karto in dowlada Ethiopia ay idiin dammaanad qaaday ammaanka, waxaa muhiim ah in aad fahamtaan in xukunkaasi uusan hadda iyo weligeedba si rasmi ah u xakumin Ogadeenya. Ogaadeenya waxa ay ahayd meel uu ka socdey iska-hor-imaad hubaysan tiro tobanaano sano ah kaas oo u dhexeeyey dowladda dhexe ee Itoobiya iyo beelaha Soomaalida. Iska hor imaadkaasi waxa uu degaankaas ka dhigayaa meel aan ammaan u ahayn in laga baaro macdan. Ururkayaga, Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (J.W.X.O), iyo ciidamada hubaysan ee xukuumadda Ethiopia waxaa si joogto ah u dhex mara iska hor imaad. Aagga uu khuseeyo heshiiska (Wadaagga waxsooraarka) ay kala saxiixdeen idinka iyo xukuumadda Ethiopia waa aag hoos yimaada inta ay saarantahay diiradayada hawlgalaada militari, sidaas daraadeedna ammaanka hawlgalladiina lama dammaanad qaadi karo. Sidaas daraadeed waxaan si xoog leh idiinkula talinayneyaa in aydinaan qaadan qorshahan maalgashiga ayadoo ay jirto xaaladan iska hor-imaadka ee ka dhex jirta ciidamadayada iyo kuwa xukuumadda Ethiopia.

Inkasta oo aan wax muran ah naga dhaxayn Lundin Peteroleum, JWXO ka siyaasad ahaan uma ogolaan karo baaritaanka khayraadka macdanta ee Ogaadeenya ilaa laga gaarayo waqti  uu Ogaadeenya ka jiro qaab is xukun sharci ah.

Sidaas oo kale waxaan si waadax ah ugu sheegnay dhawr shirkadood oo muujiyey rabitaan kaas oo kale ah ee Ogaadeenya, shirkadahaas oo ay ka mid yihiin Petronas ee Malaysia iyo Gail & Gujarat State Petroleum Corporation ee Hindiya iyo kuwo kale.

Inkasta oo aanu muujinayn rabitaan-kayaga ku aadan wada xaajood aan la gallo xukuumada Ethiopia ayadoo ay goob joog yihiin qolo saddexaad oo madax bannaan oo lagu qabto waddan saddexaad oo dhex-dhexaad ah ayadoo labada dhinacba aysan wax shuruudo ah ku xirin kulankaas, xukuumaddaasi taas si ku celcelis ah ayey u diidey. Taas bedelkeedana xukuumadda Ethiopia waxa ay dooratay in ay si qoto dheer u ciqaabto Soomaalida Ogaadeenya, arrintaas ciqaabta oo ay ka mid tahay xabsi iyo ciqaab-jireed loo geysto dumarka, carruurta iyo dadka da'da weyn. Waxaan rajayneynaa in aad dib uga fiirsataan qorshihiina, isla mar ahaantaasna aydin qayb ka noqon iska hor imaadka hubaysan ee muddada dheer soo jirey ee u dhexeeya xukuumadda Ethiopia iyo dadka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya.

Waxa kale oo aan rajayneynaa in aad iska fogeysaan xukuumad hadda faraha kula jirta ku xad-gudubka qotada dheer ee dhan ka ah xuquuq-Insaanka ee ay ku hayso Ogaadeenya.

-------------------------------------
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (J.W.X.O)
ONLFPRESS@onlf.org

Aagga Block 2 & Block 6: Sawirka oo halkan ka eeg.. GUJI... (pdf)

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 16, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD