SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


Madaxweynaha DGPL oo Wasiirkiisa Maaliyadda ku eedeeyey in uu Hanti Lunsaday...

  • Gen. Cadde Muuse: ...aniga iyo Gaagaab Lacagtii aan qaadan jirnay iminka waxaan ku dhisaynaa garoonka Boosaaso.
  • Dr. Gaagaab: waxaa jira lacago la qaato ka hor inta aan lagu soo xarayn Bangiga dawladda, haddii lacagahaas wax lagu qabto iyo haddii kalaba ay xatooyo, maadaama aan si sharci ah loo qaadan.

Qoraaladaan waxaa qoray oo isku soo dubaridey:
C/rizak Koronto, Garoowe Puntland | Oct 31, 2006

Garoowe: Kalfadhigii 17 ee Golaha Baarlamaanka Puntland oo Oct 31, 2006 ka Furmay Xaruntooda Garoowe.

Kalfadhigii 17aad ee Golaha baarlamaanka DGPL ayaa (maanta oct 31, 2006) si rasmi ah uga furmay xaruntooda caasimada Puntland ee Garoowe, kalfadhigan ayaa furitaankiisii waxaa  ka soo qayb galay madaxda dawlada oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DGPL Gen: Cadde Muuse.

Gen. Cadde Muuse oo halkaasi ka jeediyay khudbad ayaa ugu horaynba ka hadlay safarkiisii uu bisha iyo xaaxaabka ku maqnaa dalka dibadiisa, waxana uu sheegay in ay soo galeen heshiisyo badan. "ku dhawaad 40 shirkadood ayaanu heshiis la soo galnay" ayuu Cadde muuse ka cadeeyay hoobtii furitaanka kalfadhiga baarlamaanka ee maanta.


Boosaaso: Carruur Qashinka ka baaraneysa cunto


Range Resources oo sheegtay in ay xafiis qurux badan ka furatay Boosaaso

Gen: Cadde muuse ayaa sheegay in dhamaan shirkadahaasi ay imaan doonaan dalka islamarkaana ay wax walba yihiin khaas loo leeyahay ama waxa loo yaqaano Private sector oo buu yiri adduunku maanta waa Private Sector wax la arkaana sidaas bay ku socdaan annaga maxaa noo diiday in aan dalka sidaas adduunkuba gartay in ay hawlahooda ku maareeyaan aan annaguna ku maarayno.

Gen: Cadde muuse waxa uu cadeeyay in garoonka Boosaaso  ay  dhisi doonto shirkad ajnabi ah ayna ku bixi doonto hanti ka badan 12Millilan oo dollar sida uu carabaabay madaxwaynuhu waxana uu sheegay in Dekada iyo Garoonka Bosaso lagu wareejin doono shirkado.

"Jabuuti oo dawlad ah ayaa sidaas oo kale yeeshay, waxayna Garoonkii iyo Dekadii ku wareejisay shirkad. Kudhawaad 40 dawladood ayaa sidaas ugu wareejiyay shirkado annaguna waxaan u garanay in aan ku dayano oo sidaas u maarayno hawlahayaga anaga ayaana dalka ka mas'uula." ayuu yiri.

Gen: Cadde muuse oo ku dheeraaday hawlaha macdan baarista shirkadaha ayaa sheegay in ay dhulka ka baari doonaan shidaalka iyo macdan meeshii laga helana laga soo saari doono, waana arrin buu yiri dhulka iyo dadka u wanaagsan in shidaalka ceegaaga dhulka la dheefsado.

Kalfadhiyada Baarlamaanka DGPL oo aysan kasoo bixin wax mujtamaca dan u ah...

Kalfadhiga baarlamaanka DGPL ayaa Talaadadii si rasmi ah uga furmay  xaruntooda magalaada Garowe lamana saadaalin karo suurtagalnimada ay baarlamaanka ka dalban karaaan xukuumada Cadde muuse in uu soo gudbiyo dhammaan documintiyada ku qotama heshiisyadii ay gashay xukuumadu kuwo hore iyo kuwa danbe, oo u baahan ansixinta baarlamaanka, lamana saadaalin karo sida uu baarlamaanku u meel marin karo iyo in ay gabi ahaanba ka soo horjeensan karaan heshiisyada caynkaasi ah oo kale waxaase baarlamaanka puntland looga fadhiyaa wax qabad dhab ah oo daacadnimo ku dhisan iyo xisaabtan.

Mas'uul kasta waxaa xil ka saaran yahay xilka loo dhiibo oo uu u hayo mujtamaca sidoo kale ayaa baarlamaanka Puntland waxaa xil ka saaran yahay hagaajinta iyo meel marinta shuruucda dalka ansixinta hormainta dalka iyo dadka. Kalfadhi baarlamaanka Puntland oo mar fariista oo ay ka soo baxeen arinta shacabka dan u ah ayaan wali laga hayn baarlamaanka puntland oo hada dhisan 9sano, qaar ka mid ah baarlamaanka hada soo fariistay ayaaba intooda badan ah kuwii lagu furay baarlamaanka, waxaana dad badan ay is waydiinayaan dhaxalka  ay u heleen baarlamaanka aan marna la badalin ee wali ah xubintoodii baarlamaan xataa aan dalicin.

Xaalka xukuumada Puntland ayaa sanadihii danbe ahaa mid aan sidaa wax qabadkiisu u sii buurnayn waxaana dhammaan ay habacsanaani ku timid laamihii dawladda iyada oo ay meesha ka baxday wadashaqayntii dawlada iyo xisaabtankii baarlamaanka, kalfadhi kasta baarlamaanku ballan ayuu ku qaadaa in uu samayn doono xisaabtan dhab ah balse hadana marka uu dhammaado kalfadhigaasi ayaan la isugu imaan xisaabtan danbe iyo dabagal waxaaana caadigii looga bartay ku sii socda wax walba oo u baahnaa wax ka qabasho waxaana halkaa ku baaba'a mujtamaca Puntland oo iyagu u heelan hormarka dalka.

Madaxwaynaha DGPL oo Wasiirkiisa Maaliyadda ku eedeeyey in uu Lacago Qaatay
Cadde Muuse oo si toos ah eedayn maaliyadeed dusha uga tuuray wasiirka maaliyada Gaagaab.

Madaxwaynaha DGPL gen: Cadde Muuse oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 17-aad ayaa sheegay "in ay iminka jiraan 2 Maaliyadood wuxuuna intaasi ku daray in dhaqaalihii dalka ay qaateen Wasiiradda iyo Agaasimayaasha Guud, Gaagaabna si wayn loo xamanayo, anigu waxba qarinmayo wixii jira ayaan cadaynayaa, arintaas jirta oo ay shacabku ka cabanayaana dhawaan waanu sixi doonaa.

"...aniga iyo gaagaab ayaa u leexin doona dhaqaalihii aan qaadan jirnay garoonka Bosaso.." Madaxweynaha DGPL.

"...aniga iyo Gaagaab Lacagtii aan qaadan jirnay iminka waxaan ku dhisaynaa garoonka Boosaaso." Cadde Muuse
Cadde Muuse wuxuu dhowr jeer ku celceliyay in Gaagaab uu Lacago qaatay , wuxuu si kaftan ku jiro ku yiri "aniga iyo Gaagaab Lacagtii aan qaadan jirnay iminka waxaan ku dhisaynaa garoonka Boosaaso."

Garoonka Bosaso oo ay dhawaan dhisi doonto shirkada lagumagacaabo "Jabali Cali" kuna bixin doonto 12Millian ayay shirkadu sheegtay in Puntland laga rabo in ay dhaqaalahaas ka bixiso 20%. 

Cadde Muuse ayaana yiri "aniga iyo gaagaab ayaa u leexin doona dhaqaalihii aan qaadan jirnay garoonka Bosaso, si aan shirkadaas wax ula qaybsano dhisaysa garoonka magaalada Bosaso." 

Wasiirka maaliyada Puntland Maxamed cali yuusuf (Gaagaab) ayaa ka mid ah wasiirada ugu tunka wayn awoodana ku leh xukuumada oo aan si dheel dheel ah xilka looga qaadi karin hadii xilka qaadis la damco in lagu sameeyo. Waana wasiirka kaliya ee la sheego in uu saami (sheerka) kuleh shirkadaha doonaya in ay macdan ka baaraan Puntland isla markaana lagu tilmamo in uu yahay wasiirka dakhliga badan u xareedo bishii marka la eego wasiirada puntland. 

Gaagaab ayaan eedayntaas uu madaxwaynuhu u soo jeediyay markii hore waxba ka soo qaadin waxana uu isku dhaafiyay in uu khudbadiisii xooga ku saaro safarkii madaxwaynaha iyo heshiisyadii ay soo galeen, sida aad ku arki doontid qormada hoose.

"Ceel walba 12millian ayaan ugu talagalnay in marka hore lagu baaro"
wasiirka maaliyada DGPl Maxamed Cali Yuusuf  Gaagaab ayaa sidaas ka cadeeyay kalfadhigii Baarlamaanka ee Oct 31, 2006.

Wasiirka maaliyada DGPL ayaa kasheegay kalfadhigii baarlamaanka ee Talaadadii "Ceel walba waxaan ugu tala galnay 12 millan oo dollar  in marka hore lagu baaro."

Wasiirka ayaa hadalkaasi ka cadeeyay kalfadhigii baarlamaanka waxana uu intaa ku daray isaga oo si aad uga warbixiyay qorshaha baaritaanka shidaalka Puntland iyo safarkii madaxwaynaha Puntland ee dalka dibadiisa uu ku tagay.


L. Lundin

MA-OGTAHAY:
Shirkadda CANMEX in markii shan (5) maalmood oo keliya [Oct 11 - Oct 17] laga soo wareegey markii ay heshiiska qabyada ah ee ku saabsan khayraadka Puntland la gashay Range Resources in uu is-casiley Lukas H. Lundin oo ahaa madaxweynihii shirkadaasi CANMEX ilaa 1996, waxaana lagu bedeley ninkii heshiiska la soo galay Range Resources ee magaciisa la yiraahdo Mr. Richard Schmitt. Sharraxaad lagama bixin sababta isku soo beegtay is casilaada madaxweynihii shirkadda CANMEX ee reer Sweden iyo heshiiska ay la gashay Range Resources. Mase Ogtahay in shirkadda CANMEX aysan ilaa hadda lahayn website u gaar ah oo laga heli karo akhbaarteeda ama taariikhdeeda.


A. Lundin
Lukas H. Lundin waxaa dhalay Adolf H. Lundin oo loo tirinayo in uu ahaa maskaxdii ka dambeysey shirkada macdan qodista ee CANMEX, waxana uu September 30, 2006 Adolf H. Lundin  ku dhintay magaalada Geneva ee dalka Switzerland halkaas oo uu deganaa. Lukas oo sida kor xusan uu dhalay Adolf ayaa ahaa madaxweynaha shirkadda macdan qodista ee CANMEX, waana ninka uu xusay Gaagaab markii uu la hadlayey baarlamaanka Puntland,  inkasta oo uusan xusin in mr. Lukas uu shirkadaas madaxweyne nimadeedii iska casiley shan maalmood oo keliya markii ay kasoo wareegtey  heshiiskii dhex maray Range iyo CANMEX ee kusaabsanaa khayraadka Puntland.

Wasiirka maaliyada DGPL ayaa sheegay in ay soo galeen heshiisyo badan waxana uu sheegay "shirkadaha aan heshiiska la soo galnay wax walba ayay  isugu jiraan kuwo runta ka hadlaya oo dalka imaanaya iyo kuwo aan imaanayn laakin runta baan idiin sheegayaaye wax walba maanta shirkado ayaa gacanta ku haya."

Wasiirka wuxuu sheegay in la baaridoono ceelal badan, waxaana baari doona shirado shisheeye, shirkada aan rajada ka qabno waa shirkad Canadian ah laakiin asalkeedii hore waa Swedesh mulkiilihii shirkadaasi waa dhintay waxaana hada la wareegay wiilkiisii" waa sida uu hadalka u dhigayay.

Shirkadan ayaa lagu magacaabaa CANMEX waana Canadian, ceel walba waxaan ugu tala galnay in ay wajiga hore ay ku baxdo lacag dhan 12 millan oo dollar.

Laakiin wasiirku ma cadayn in heshiisyada ay soo galeen in ay baarlamaanka hordhigi doonaan iyo in kale, kalfadhigii baarlamaankana wali ajandihiisa looga hadli doono lama soo gudbin waase la sugi doonaa waxa ay kawada arinsan doonaan insha allaah.

Dhanka kale waxaa wasiirka maaliyadda DGPL, Maxamed Cali Yuusuf "gaagaab" oo ayaa sheegay in ay jiraan lacago la qaato ka hor inta aan lagu soo xarayn Bangiga dawladda, waxana uu intaas ku daray in lacagtaasi haddii wax lagu qabto iyo haddii kalaba ay xatooyo tahay, maadaama ayuu yiri aan si sharci ah loo qaadan. hadalkaas oo loo fasirtay in uu ugu jawaabayey madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse oo isaga ku eedeyey lunsasho hanti.

Wasiirka Maaliyadda DGPL oo si deg deg ah ugu anbabaxay magaalada Galkacyo.

Garoowe: Oct 31, 2006: Wasiirka maaliyada DGPl Maxmed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa si dag dag ah uga baxay kalfadhigii baarlamaanka ee Talaadadii isaga oo aan dhammaan oo wali socda.

sababaha uu uga baxay ayaa lagu nisbeeyay kaddib markii uu war dag dag ah ka soo  gaaray magaalada uu asal ahaan ka soo jeedo ee Galkacyo.

wararka iska soo dabadhacaya ayaa sheegaya in ay magaaaladaasi Galkacyo ka socdaan kulamo looga arinsanyo in halkaas looga dhawaaqo Maxkamad Islaami ah oo hoos tagta Midowga maxkamadaha ee magaalada muqdisho.

Arintan ayaa ah mid si hoose loogu gudbiyay wasiirka maaliyadda iyada oo uu meesha fadhiyo Madaxwaynihii DGPL Gen: Cadde Muuse, dad badan ayaana arintani ka yaabisay sababta Gaagaab loogu sheegay, Caddena aan loogu sheegin.

Dhanka kale M/weyne Gen.Cadde ayaa isaguna deg deg ug aambabaxay Garoowe oo asagoo aadey magaalada Galkacyo, wuxuuna sheegay halkaas buuq laga soo sheegay uuna doonayo inuu soo ogaado xalka lagu daaweyn karo waa siduu hadalka u dhigaye.

C/rizak Koronto
Garowe Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 31, 2006

Daahir Ciiro: Khudbadii Gen. Cadde oo xoogga saartay soo celinta dhacdadii Majayahan
iyo talo lagu soo jeediyey in madaxda Puntland dhaqaalahooda la xisaabiyo si loo ogaado xubin kasta dhaqaalaha ay leedahay... Guji....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD