SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MURTI
Daabaco Boggan | Print
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
 
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..

Kongo, Tansania & USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha Ammaanka: Isagoo xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...
AKhri....

Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia...
Akhri



Murtida Maanta:::
::::Majaajillo Xigmadeed::::

  • Dec 29, 2006
    Maalintii 2aad ee Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan Muqdisho


Meles Zenawi: Anigaa Imanaya Muqdisho, Gaar ahaan Xeebta Liido:::

Kaddib markii ay Askartii xabashida ee soo gaarey Muqdisho ay argagax la joogi waayeen mowjadaha Badweynta Hinidya awgood, oo sidaan qormadii hore ku soo aragnay uu Zenawi la soo xiriiray Geeddi si uu u soo hubiyo in guuxa ka soo yeeraya Muqdishu uu yahay Hirarka Badweynta Hindiya, ayaa Geeddi waxa uu tegey xeebta meel u dhow bal si uu Zenawi guuxaas ugu xaqiijiyo.

Inta aan Geeddi jawaab ku celin, ayaa Zenawi Fooneeyaha soo qabadsiiyey Geeddi, waxana dhex maray hadaladdadan:

dhagax tuurZenawi: Waxaan maqlay in kolonyo gawaarida ciidanka Itoobiya oo marayey meel u dhow Muqdisho la soo hujuumay, iyo mudaharad Itoobiy aloog asoo horjeedo uu ka dhacay Muqdisho, iyo in dadka dareenkoodu kacsan yahay ee sidee wax u jiraan.

Geeddi: Miyeynaan Zenaawiyoow isku ogeyn in aan marka hore jawaab ka keeno Guuxa Mowjadaha ee ciidanka Xabashida... Aan ku noqdo hadalkaas... ee ciidanka difaaca Itoobiya cabsida ku haya.

Zenawi: Maxaad marka taas jawaab iiga haysaa.

Geeddi: Waxaan tegey Muqdisho, dad dawlada taabacsan ayaan la hadlay...

Zenawi: Xaggee kula hadashay, ma tarabuunkaad kula hadashay..

Geeddi: Maya.

Zenawi: Mar haddii arrintu sidaas tahay anigaa Muqdisho imanaya oo indhahayga ku hubinaya inta aan tago xeebta Liido, reer Muqdishona kala hadlaya Tiyaatarka

Geeddi: Tiyaatarka ma waxaad ula jeedaa, Tarabuunka?

Zenawi: Halmaan hadal kuma jiro, ee waxaa afku iga boobay Tiyaatarka oo aan waagii aan magan gelyada Muqdishu u joogey ku galay riwaayadii "LAANKARUUSAR GADO, OO SOO BARI GALLEY" oo loola jeedey xukuumadii i marti Gelisey ee Baasaboorka i siisay, ee hoteel Jubba i dejisey, ee baararkii curuba igu casuntey, ee baar xaraf cashada iga siisay, ee lafa weyne kaabo shiinada iga siisay, waayo waayo... ee... ee.....

Sayid Maxamed Cabdulle XassanGeeddi: Ato, Ato, Ato... Taas gartay, balse qabablayaashii hore xukuumadaydu ka socon weydey ayaa soo laabtay, sida Jawhar, Deyniile iwm, ee sidee xaalku yahay?

Zenawi: Hadda arrintaas ka wada hadli meyno.

Geeddi: Ato, goorma ayaad amreysaa in ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya, waayo haddii ay muddo sii joogaan dadka ayaa u arkaaya in ay gumeysanayaan oo waa nalaku ka cayaa

Zenawi: Goorma ayaad dad haysatey waa adigii Baydhabo joogey'e ma hadda oo rag igaga dhammaaday ayaad sidaas iila hadleysaa... Waxaan amrayaa in ciidamadu soo baxaan 24 saac gudohood...

Geeddi: Maya maya, Ato, 24-saac waa waqti degdeg ah, ee bal sidaad sheegtay Muqdisho marka hore imow, xeebta Liido ku naso adigooo kasoo degaya Garoonka Muqdisho oo ay caalami ka dhigeen Maxkamaduhu....

Zenawi: Maxaad tiri, ku celi, maxkamadahaa... Goormey maxkamaduhu garoon hagaajiyeen?

Geeddi: Ato, gaal dil gartiisana sii, nimanku hawshii aan qaban weyney saddex sano ku dhowaad ayey lix bilood ku qabteen..

Bilicda Muqdisho

Isha Sawirka: www.swan.ac.uk

Zenawi: oo xanaaqsan: Horta nimanku waa Muslimiin ee dheh "Muslim Dil Gartiisana sii", tan kale sow iskuma ogey raggaas guul ha u ogolaan oo xitaa wanaagoodii hore qari...

Geeddi: Mardambe la iga maqli maayo wanaag ayey sameeyeen.

Zenawi: Sidaas ayaan kaa rabaa.. Tan kale Cabdullaahi Yuusuf muxuu uga soo tegi la'yahay Baydhabo..

Geeddi: Ato, jawaabta gadaal ayaan kaaga soo sheegi doonaa,

Zenawi: Jawaabta hadda ayaan u fadhiyaa.

Geeddi: Sug marka Fooniyaha ayaan kula xiriirayaa... ... ... Khadku ma xirmaayo laakiin...

Zenawi: Waa maxay khadka aad ka hadleysid, diyaarad degdeg ah oo miig ah u dir si ay jawaabta u keento..

Geeddi: Iga war sug.

  • Murtidii Shalay [Askarta Tigreega oo Guuxa Mawjadaha Badweynta Hindiya u Maleeyey Madaafiicda Lagu Soo Ridayo oo si ay Arrintaas u Hubsadaan Fooniyaha kula Hadlay Meles Zenawi.. Majaajillo....]..  akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH