SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MURTI
Daabaco Boggan | Print
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
 
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..

Kongo, Tansania & USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha Ammaanka: Isagoo xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...
AKhri....

Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia...
Akhri



Murtida Maanta:::
::::Majaajillo Xigmadeed::::

  • Dec 30, 2006
    Maalintii 3aad ee Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan Muqdisho


C/Laahi Yuusuf: Zenaawiyoow Sidee ku Dhacday in Prof. Kinfe  ka Hadlo Guushii Itoobiyaanku Gaareen 1977-78

Abdikarim Farah
Amb. Cabdikariin Faarax


Prof. Kinfe Abraham



Shirkii Jaraa'id

Mid ka mid ah Soomaalida deggan xaafadda Rwanda ee Addis Abab ayaa telefoon waxa uu u soo diray Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxana uu u sheegay in safiirka DFKMG u fadhiya Addis Ababa, mudane Cabdikariim Faarax, in wajigiisa laga arkayey niyad xumo ka muuqato, markaas ayaa madaxweynaha iyo ninka reer Addis Ababa ee xaafadda Rwanda waxaa dhex maray warkan:

Madaxweyne Yuusuf: Maxaad u malaynesaa in niyad xumida safiirka ay sabab u ahayd, sidee wax u dheceen?

Rwanda: Madaxweyne, waxaa dhacday in shir jaraa'id ay 29/12/2006 wada qabteen safiirka iyo Prof. Kinfe Abraham. Markaas ayaa Prof. Kinfe waxa uu ku xeel dheeraaday guulihii Itoobiya ka gaartey dagaalkii 1964 iyo 1977-78 ee ay la gashay Soomaalida, isagoo yiri labadaas dagaalba Itoobiya ayaa guulaysatey, wuxuuna adeegsadey weedha "Victories", oo uu ku celceliyey: Itoobiya dagaaladaas waxay ahayd "Victories", isagoo weliba yiri dagaalladaas waxaa dhaliyey Soomaalida sheegashadooda dhulka yar ee Ogaadeenya. Markaas ayaan arkay safiirkeena oo indhaha hoos u rogaaya waayo goobta war saxaafadedka waxaa fadhiyey weriyayaal tiro badan iyo dad khubaro ah oo og  xaqiiqada ka dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, safiirkeenana sidaas hortiisa laga dhehayo ayuu u akaysan la'aa. Safiirku waa nin Soomaali ah oo si kasta oo uu Itoobiya isu xejiyo haddana dhiiggiisa Soomaalinimo kama marna oo shucuurtiisa markii uu shirka Jaraa'id fadhiyey ayaa laga dareemayaa.

Madaxweyne Yuusuf: Sug maandhe, sidaas marka aad leedahay ma aqoon hore ayaad u leedahay Cabdikariin?

Rwanda: Madaxweyne, safiirka Cabdikariim Faarax waa nin marka ay sinmaan Ethiopia iyo Eritrea, xigsanaya Itoobiya, waxaan taas ku ogaadey mar uu la hadlay MoFA Newsletter [Dhambaalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya] ayuu waxa uu yiri:  Eritrea waa in ay faragelinta kala baxdaa Soomaaliya, waxana uu intaas ku daray: xasillooni darrida ay dhalineyso ayaa iyada saamayn ku yeelan doona, waxana uu yiri: xiriirka Maxaakiimta iyo Eritrea waa garabaysi goboleed, marka uu sidaas lahaa waxa uu ku daray Dadka Soomaaliyeed waxay abaal ugu hayaan Itoobiya in ay ka shaqayneyso dhamaystirka khilaafka u dhexeeya xubnaha DFKMG dhexdooda - madaweyne xilligaasi waa markii ay heshiisiinayeen adiga iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Madaxweyne Yuusuf: Nin wax og ayaad tahay ee bal sidoo kale ii sheeg ninkan aad ku sheegtay Knife?

Rwanda: Madaxweyne, ninka magaciisu Knife ma ah ee waa Kinfe [Prof. Kinfe Abraham], waana nin qoraa ah oo buugaag badan qoray oo caan ka ah Addis Ababa, oo waa ninkii dhowaan marka uu Maraykanka ka soo laabtay waxa uu taageeray in Itoobiya weerarto Soomaaliya.

Madaxweyne Yuusuf: Ma heli karaa Video ku saabsan shir saxaafadeedkaas?

Rwanda: Haa madaxweyne waakan Video oo laba qaybood ah ee daaawo: Qaybta 1aadd   Qaybta 2aad

Madaxweyne Yuusuf: Arrintaas waxaan kala hadlayaa Prof. Geeddi.

Rwanda: Madaxweyne, maxaad arrinta ugala hadli weydey Ra'iisul wasaaraha dowladda Itoobiya, mudane Meles Zenawi?

Madaxweyne Yuusuf: Maandhe waxa aadan ogeyn ayaan ogahay, taas oo ah ma rabo in taariikhdu iga qorto in aan ahayd madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaalida kusoo hoggaamiya xabashi, balse waxaan rabaa in taariikhdu i qorto anigoo ah madaxweynihii inta uu soo xera geliyey ciidanka xabashida markii ay dalka isku ballaariyeen ku jebiyey oo hubkooda xoog ugala wareegey, sidaasna kaga aargoostay xabsigii ay i dhigeen - Ma illaawi karaayo in markii uu Zenawi mucaaradka ku ahaa Itoobiya in Soomaalidu ay gogol cas u dhigeen oo si wanaagsan u soo dhoweeyeen, halka anigu markii aan mucaaradka ku ahaa xukuumadii Siyaad Barre la i dhigay xabsiga Itoobiya, marka aar gudashadaydii ayaa soo dhow ee i sug la hadlee Geeddi oo ay Zenawi isku dhow yihiin si aan xeeladayda la iigu fahmin.

Markaas ayaa Madaxweynuhu waxa uu fooniyha halaw-halaw-ga ka soo diray Baydhabo, waxana uu kula soo hadlay Prof. Geeddi oo jooga Afgooye, waxaana dhex maray hadalkan:


Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah kentay Afgooye: 29/12/06, Sawirka: AP


Mudaharaad ka dhacay Muqdisho oo looga soo horjeedo Itoobiya

Madaxweyne Yuusuf: Geeddiyoow ma maqashay qaabka looga hadlay shir jaraa'id oo uu fadhiyey safiirkeena Itoobiya inoo fadhiya, Amb. C/Kariim Faarax, oo si aan loo baahnayn iyo is digiigixis uu u hadlay ninka la yiraahdo Prof. Kinfe, waxana arrintas kala hadli lahaa Zenawi.

Prof. Geeddi: Jaalle madaxweyne shalay oo dhan ayaan telefoon kugu raadinayey, oo Zenawi ayaa xilligaas khadka telefoonka ku jirey oo wuxuu i weydiinayey waxa aad Muqdisho u imanla'dahay, marse haddii aad ila soo hadashay waa hagaag, ee diyaarad Militari oo Helikobtar ah oo Itoobiyaanka ayaan hadda kuu soo dirayaa, Afgooye isugu kaaya keen, diyaarada dhexdeeda ayaana ku wada hadleynaa. Balse aan sii ogaadee maxaad ku dhehi lahad Ato Zenawi?

Madaxweyne Yuusuf: Caato.. miyaad tiri....?

Prof. Geeddi: Maya.... ee waxaan dhehay Ato Zenawi.

Madaxweyne Yuusuf: Waxaan Zenawi weydiin lahaa: Sidee ku Dhacday in Prof. Kinfe ka Hadlo Guushii Itoobiyaanku Gaareen 1977-78, waayo xilligaas waxaan ka mid ahaa saraakiishii Soomaalida guulaha u soo hooyey, waxaana Soomaalidu dagaalka iskaga soo baxeen markii madaxweyneenii xilligaas, marxuum Maxamed Siyaad Barre (Allah ha u naxariistee), la tusay khariidadii dalka Soomaaliya oo dhan lagu qabsan lahaa, khariidadana uu dejiyey Ruushkii, sidaas darteedna dalal Carbeed oo ay ka mid tahay Masar kula taliyeen Maxamed Siyaad in uu ciidanka la baxo si dalka loo badbaadiyo, markaas ayaa nalaku amray in aan ciidanka la soo baxno, xilligaas oo Itoobiya la soo dhoobay ciidamo Ruushkii aan dalka ka saarnay iyo Kuubaan ah. Marka guul ay Itoobiya dagaalkaas ka gaartay majirto, mana ahayn Safiirkeenii oo fadhiya in sidaas loo hadlo oo taariikhda la leexiyo. Tan kale Prof. Kinfe markii uu hadlayey waxa uu si quursi ah u yiri: "sheegashada Soomaalidu sheeganayaan dhulka Ogaden", taas oo ah quursi aan la qaadan karin waayo dhulkaasi waa dhul Soomaaliyeed oo goor ay ahaatoba ku soo wareegi doona xukunka Soomaalida, adduunka oo dhammina waa ogyahay inay gumeysi iyo xoog ku haystaan.

Prof. Geeddi: Marka aad soo raacdid ditaaradda aan kuu soo dirayo ayaan arrintaas jawaabteeda ku siin doonaa, waxaana ku xusuusinayaa in aan ku wada hadli doono diyaarada dhex deeda.

Madaxweyne Yuusuf: Sow ma dhici karto in diyaarada dhexdeeda qalab ugu xiran yahay Itoobiyaanka oo la duubi karo waxa aan ku wada hadleyno, hadhowna taasi ma noqon doonto sir qaran oo la inaga hayo?

Prof. Geeddi: Taas iska dhaaf ee diyaaradda soo raac.
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH