SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MURTI
Daabaco Boggan | Print
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
 
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..

Kongo, Tansania & USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha Ammaanka: Isagoo xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...
AKhri....

Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia...
Akhri



Murtida Maanta:::
::::Majaajillo Xigmadeed::::

  • Dec 31, 2006
    Maalintii 4aad ee Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan Muqdisho


C/Laahi Yuusuf: Geediyoow Dalka ma anigaa Madaxweyne ka ah mase adiga....


Sawirka Geeddi iyo Zenawi oo ku dhegan gaari marayey Koonfurta Muqdisho. timesunion.com, iyo AP

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa miiska loo saaray sawir ah Geeddi iyo Zenawi oo isla sawiran oo ah sawirro loo qorsheynayey in lagu dhejiyo gawaarida Itoobiyaanka ee duullaanka ku ahaa Muqdisho. Markaas ayaa madaxweynuhu inta uu sawirka la yaabay waxa uu yiri "Sawirkaan ma maxkamadah ayaa soo macmalay mise waa xaqiiqo"? Markaas ayaa lagu yiri: Jaalle Maxadweyne sawirka waxaa laga keenay Addis Ababa waana sax. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf furka ayuu tuuray waxana uu markiiba telefoon qabadsiiyey Ra'iisul wasaare Geeddi, waxaana dhex maray hadalkan:

Madaxweyne Yuusuf: Geediyoow ugu horrayn waxaan ku weydiinayaa ma adiga ayaa dalka madaxweyne ka ah mase aniga?

Ra'iisul wasaare Geeddi: Cabdullahi sidee wax u jiraan, maxaa dhacay?

Madaxweyne Yuusuf: Waxaa la ii keenay sawirro adiga iyo Zenawi ah oo lagu dhejiyey gawaarida Koonfurta Muqdisho, aniguna waxaan qiyaasayey in aad xamar dadka meel fagaare ah kala hadli doontid si aad u xaqiijisid in ay nabad tahay.

Ra'iisul wasaare Geeddi: Madaxweyne sawirkaasi waa macmal sidii ay u macmaleen Khariidadii ay yiraahdeen waxaa samaysay Itoobiya oo Soomaaliya khariidada ka baa'isay.

Madaxweyne Yuusuf: Waa gartay, ee ka warran waxaad maanta xamar kala kulantay

Ra'iisul wasaare Geeddi: Waxaan reer Muqdisho u sheegay in saxaafadu xor tahay, balse ay la shaqeeyaan dawladda, waxaanse hadalkaas ulajeedey Saxaafaddu dawladda hala shaqeeyeen si ay xor u ahaadaan.

Madaxweyne Yuusuf: Waa gartay, laakiin waxaan maqlay in Qanyare uu dawladda ka soo horjeestey ee maxaa taas ka jira..

Ra'iisul wasaare Geeddi: Madaxweyne kaasi waa hadal sidii Khariidada ay u macmaleen warbaahintu oo aan waxba ka jirin.

Madaxweyne Yuusuf: Waa gartay...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH