SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MURTI
Daabaco Boggan | Print
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....


Murtida Maanta:::
:::::::Majaajillo Xigmadeed:::::::

  • Janaayo 1, 2007
    Inta maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan magaalooyinka: Muqdisho (5), Kismaayo (1)


    Maalintii Koowaad ee Ciidamada Itoobiya cagta saareen Kismaayo

Xuseen Caydiid: U Diyaar Garooba Codka Zenawi ee Raadiyo Muqdisho iyo Martial Law....


Wareegtadii Kacaankii 21 Okt 1969:  oo aysan jirin saxaafad aan dawladdu maamulin.
Sawirka: swan.ac.uk

Ciidamada Xabashida ku faraxsan in ay Galaan  Kismaayo Markii ugu horeysey taariikhda Soomaalida: Jan 1, 2007 : Sawirka: Reuters

Askar Itoobiyan ah oo dhex taagan Kismaayo: Jan 1, 2007: Sawirka: Reuters

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFKMG, ahna ra'iisul wasaare xigeen, Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, oo la wareegayey Raadiyo Muqdisho, ayaa yiri "Waxaan warbaahinta gudaha Soomaaliya u sheegayaa in ay si toos ah ula shaqeeyaan Wasaaradda Warfaafinta". Markaas ayaa weriye meesha taagnaa waxa uu weydiiyey: Jaalle wasiir, marka aad sidaas leedahay miyeysan taasi ka hor imanayn hadalkii Ra'iisul wasaaraha Dawladda aad ka tirsan tahay, hadalkaas oo ahaa: "Waxaan reer Muqdisho u sheegayaa in saxaafaddu xor tahay"... Halkaas markii weriyuhu hadalka marinayey ayaa Xuseen Caydiid hadalkii ka soo dhex galay waxana isaga iyo weriyihii dhex maray sidan:

Xuseen M.F. Caydiid: Haa waa ogahay in Geeddi uu intaas ku daray: "...balse ay la shaqeeyaan dawladda...", waxana uu Ra'iisul wasaaruhu hadalkaas ula jeedey "Saxaafaddu dawladda hala shaqeeyeen si ay xor u ahaadaan". Sidaas daraadeed haddii maanta uu Raadiyo Muqdisho gacanta usoo galay Dawladda ma saxaafad kale ayaa loo baahan yahay, waa inagii lahaan jirey raadiyaha keliya xilligii dawladii uu hoggaaminay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayey marxuum Maxamed Siyaad Barre, Allah ha u naxariistee, dawladaas oo dalka ku qabsatay kacaan aan dhiig ku daadan, waxayna lahaan jirtey joornaalkii Xiddigta Oktoobar iyo Raadiyo Muqdisho.

Weriye Reer Muqdisho: Jalle Wasiir si aan u xaqiiqsado hadalka aad tiri aan mar labaad su'aasha ku weydiiyo: Saxaafaddu waa in ay la shaqeeyaan Wasaaradda Warfaafinta maxaad ula jeedaa?

Xuseen M.F. Caydiid: Uma baahnin saxaafad kale oo ka hadasha Soomaaliya mar haddii aan Raadiyo Muqdisho haysano. PERIOD!

Weriye Reer Muqdisho: Jalle wasiir sidee dalku horumar ku gaarayaa haddii durbadiiba aad bilowdeen in aad saxaafadda caburisaan, oo cid aan idinka ahayni wax qori karin, sidee loo hubinayaa hantida dawladda, sidee muqusmaasuqa loola dagaalamayaa, sow meesha ka maqnaaneyso "HUBIN & KA WARQABID". Warbaahinta dawladda oo qura gacanta ugu jirta waxaan kusoo aragnay tii xukuumadii Siyaad Barre oo aan laga daba hadli jirin meesha ay martayna waa ognahay. Waxaan kale oo warbaahinta noocaas ah ku aragnay dawlad Goboleedyada oo uu diloodey musuqmaasuqa. Marka Jaalle Wasiir haddii arrintu aysan ahayn "Once Marine Always Marine!", xaalku sidaas ma ahane jaalle wasiir akhri dastuurka aad kusoo degsateen Nairobi, inkasta oo uusan ahayn dastuur dadku u codeeyey, hadana bal akhri qodobka 19aad iyo 20aad oo ka hadlaya in dadku samayn karaan mudaharaad, isu soo bax, saxaafaduna xor tahay, dadkun afikirkooda oo aan faafreeb lagu samayn ay cabiri karaan.

Xuseen M.F. Caydiid:  Hadda dastuurka la cuskan maayo, waxaa la cuskaneynaa "Martial Law".

Weriye Reer Muqdisho: Jaalle Wasiir, waan maqlay "Martial Law" ee waa maxay, ma waxaad uga jeedaa "Xaalad Degdeg ah"

Xuseen M.F. Caydiid: Micnaha "Martial Law" waxaa la weydiin karaa Ra'iisul wasaaraha isagaa sharxi doona micnihiisa.

Weriye Reer Muqdisho: Jallee Wasiir Goorma ayey ciidamada Xabashidu ka baxayaan Dalka?

Xuseen M.F. Caydiid: Waxaan ka sheegi doonaa Raadiyo Muqdisho ee raadiyaha dhegta haka qaadin.

Weriye Reer Muqdisho: Waxaan maqalay in ciidamadaasi ay sugayaan inta Meles Zenawi uu Muqdisho ka imaanayo oo dadweynaha kala hadli doono Tiyaatarka ee maxaa ka jira.

Xuseen M.F. Caydiid: Arrintaas Ra'iisul wasaaraha ayaa la weydiinayaa, Raadiyo Muqdisho ayaana arrimahaas lagala socon karaa.

Weriye Reer Muqdisho: Jaalle Wasiir, waxaad sheegteen in aan dawladdu ka soo guuri doonin Baydhabo, oo madaxweynuhu xafiis ka furanayo Muqdisho, xafiiskiisa Baydhabona uusan ka tegi doonin, sidoo kale Ra'iisul wasaaruhu uu xafiis ka furanayo Muqdisho, xafiiskiisa Baydhabona uu sidiisa sii ahaanayo, haddaba maxaa dawladdu toos ugu soo guuri weydey Caasimada, maxaad arrintaas ku sharxi lahayd?

Xuseen M.F. Caydiid: Xaggee warkaas ka keentay, dawladdu warkaas ma oran?

Weriye Reer Muqdisho: Jaalle wasiir warkaas waxaa maanta shacabka Itoobiya telefishanka Itoobiya kala hadlayey Safiirka DFKMG ee Addis Ababa, Cabdikariin Faarax. Halkan ka Daawo...

Xuseen M.F. Caydiid: Anigu hore ayaan Dawladda ugu sheegay in aan qof jago ka haya DFKMG uusan la hadlin saxaafadda Itoobiya si aan shacabka Soomaaliyeed uga shakin in ay Itoobiya tahay tan dejisa Siyaasadda DFKMG.

Weriye Reer Muqdisho: Jaalle Wasiir waxaan maqallay in Col. Cabdi Qaybdii uu yiri ma fulineyno aargoosi, laakiin waxaana jira warar sheegayey in Cabdi Qaybdiid oo garabsanaya Itoobiyaan uu xasuuq ka geystey aagga magaalada Cadaado, oo weliba uu diidey in meydka la aaso, sidee marka labadaas arrimood isu qaban karaan. Tankale waxaan maqalay in sidoo kale aargoosi xasuuq ah laga geystey Diinsoor markii maxaakiimtii ay ka baxeen, marka arrimahaas ma kuwo dawladdu u dhan tahay ayey ahaayeen, mase waa ficil ay fuliyeen Qabqablayaashii dagaalka ee soo laabtay. Haddii jawaabtu tan dambe tahay, dadkii xasuuqa geystey sharciga ma hor keeneysaan?

Xuseen M.F. Caydiid: Arrimahaas aad sheegtay miyaa laga sheegay Raadiye Muqdisho?

Weriye Reer Muqdisho: Maxamed Dheere waxa uu maanta Jawhar ka sheegay in aan maamulkiisu ciqaabi doonin maamulkii hore ee la shaqayn jirey maxaakiimta, marka miyaan hadalkaas loo fasiri karin in ciqaabi dhacday?

Xuseen M.F. Caydiid: Raadiye Muqdisho hadalka sidaas uma dhehin.

Weriye Reer Muqdisho: Cabdi Nuurre Siyaad wuxuu sheegay in ay tahay in lala tashado odayaasha iyo waxgaradka, arrintaas muxuu ula jeedey

Xuseen M.F. Caydiid: Raadiye Muqdisho ayuu ka faahfaahiyey warkaas.

Weriye Reer Muqdisho: Jaalle wasiir waa maamul sidee ah maamulka maanta loo dhisay Hiiraan?


Cabdikariin Faarax oo la hadlaya Saxaafada Addis Ababa, una sheegay in an dawladda FKMG ka guurayn Baydhabo.... Halkan ka Daawo...

Xuseen M.F. Caydiid: Sida Raadiye Muqdisho sheegay madaxweynaha ayaa magacaabay maamulka Gobolka Hiiraan oo loo magacaabay: Guddoomiye Xuseen Maxamed Maallin, Kuxigeen 1aad Xuseen Cumar Xasan, Kuxigeen labaad Suleymaan Axmed Hilowle. Degmada Beledweyne waxaa guddoomiye looga dhigay Axmed Gubey Cawaalle, kuxigeen Cabdraxmaan Cilmi, saldhiiga degmadana Gaashaanle: Xuseen Shukri.

Weriye Reer Muqdisho: Jalle wasiir magacyadooda kuma weydiin ee waxaan ku weydiiyey: waa maamul noocee ah?

Xuseen M.F. Caydiid: Yuusuf Daba-Geed waa laga reebay maamulka cusub ee Hiiraan.

Weriye Reer Muqdisho: Ka warran Aadan Garaaso

Xuseen M.F. Caydiid: Guddoomiyihii hore ee Beledweyne, Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso), isagana waa laga reebay, wixii faahfaahin ah kala soco Radiyo Muqdisho.

Weriye Reer Muqdisho: Jalle wasiir Barre Hiiraale ma lagu dari doonaa Maamulka Cusub ee Kismaayo, waayo maleysiyadiisa ayaa hadda bililiqaysatay meelo magaalada ah, waxaana jira warar sheegaya in Barre lagu amray in uusan dhaafin Bu'aale, oo uu aado Muqdisho isagoo aan gelin Kismaayo, waayo waxaa la rabaa in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu hor yimaado magaalada inta aan Barre Hiiraale iman, arrintaas Barre lagu amray in uu Xamar aado waxaa la sheegay in uu diidey, hadda Kismaayo ayuu tegey. Dhanka kale Xaaji Daahir Maxamed Cilmi (Daahir Carabeey) isagana ma lagu soo dari doonaa maamulka Kismaayo, maadaama uu hadda gaarey Kismaayo. Ka warran arrimahaas?

Xuseen M.F. Caydiid: Ma hubo sida laga yeeli doono xaaladdaas.

Weriye Reer Muqdisho: Jaalle wasiir waxaan maqallay in gaari u socdey Wanlaween in burcad dhexda u gashay, taas waxaa ka horeysey dhacdo kale oo ka dhacday Gobolka Sh/Hoose kaddib markii ay ka baxeen maxkamadihii, marka sidee u sugeysaan ammaanka dadka.

Xuseen M.F. Caydiid: Horta warkaas kama maqal Raadiye Muqdisho, haddiise uu raadiyuhu warkaas soo xaqiijiyo, markaas waxaan waddooyinka ku dalban doonaa diyaaradaha Itoobiya oo dul heehaabi doona.

Weriye Reer Muqdisho: Waxaan maqallay in xukuumada Addis Ababa ayaa hadda ku dhawaaqday in ay ka qayb qaadaneyso ciidamada Afrikaanka ah ee nabad ilalinta ee joogaya Soomaaliya, arrintaasi miyeysan ka hor imaneyn Go'aankii Golaha Ammaanka ee Qaraarka 1725 (2006) ee soo baxay December 6, 2006, isla mar ahaantaasna miyaan arrinta Addis Ababa hadda ku dhawaaqday aysan Zenawi u xaqiijinayn hamigii xabashidu in ka taliso Soomaaliya.

Xuseen M.F. Caydiid: Yaa Dhegeysa Qaramada Midoobey.

Weriye Reer Muqdisho: Sidee u aragtaa in Addis Ababa ay cuntadu uga soo degto Muqdisho

Xuseen M.F. Caydiid: Arrintaas hadda Itoobiya cidna weydiisan meyso oo rag ayaa kaga dhintay halganka ay arrintaas u soo galeen kaddib markii ay Asmara ka xiratay baddeeda, Jabuutina ay xamili kari weydey baahida Itoobiya

Weriye Reer Muqdisho: Jaalle wasiir waa sidee xaalku waxaad u hadleysaa sida sarkaal Itoobiyaan ah'e.?

Xuseen M.F. Caydiid:  Geeddi ayaa iga sii xag jira, waayo isagu maba ogola wax la yiraahdo in Soomaalida dal ka maqan yahay, wuuna caddeeyey arrirtaas hadda ka hor waana arrinta sababtay in Zenawi uusan tab iyo taag kala harin DFKMG. Muqdisho ayaana ka bilaabi doonaa heeso Itoobiyaan ah uu muujinaya Bilicda Itoobiya, si loo ilaawo dagaaladii 1964 iyo 1977-78 iyo wixii ka dambeeyey burburkii Soomaaliya dhibkii ay geysatey.

Weriye Reer Muqdisho: Jaalle wasiir ka warran barnaamijyadii, gabayadii iyo heesihii lagu guubaabin jirin Soomaalidii la dagaalameysey Xabashida, kuwaas oo ku kaydsan Raadiyo Muqdisho.?

Xuseen M.F. Caydiid: Hadda Raadiyo Muqdisho waxaa ilaalinaya Askarta Xabashida, sidaas daraadeed wixii barnaamijyo ahaa ee liddiga ku ahaa xabashida waa la burburin doonaa, wixii xigmad ku jirtona waxaa lagu sharfi doonaa in gacanta loo geliyo Zenawi marka uu yimaado Muqdisho.


Nin gaari dhuxul ku raraya magaalada Muqdisho 31/12/2006
Mogadishu, Somalia on Sunday Dec. 31, 2006. . (AP)

Weriye Reer Muqdisho: Waxaan maqalay in ay durbadiiba magaalada Muqdisho kusoo laabteen shaneemiiyinkii "Macmacaanka" ee arrintaas maxaa ka jira.

Xuseen M.F. Caydiid: Dalku waa xor oo dadku shaneemada ay doonaan ayey geli karaan.

Weriye Reer Muqdisho: Jaalle wasiir su'aashayda ma fahamtey, waxaan ka hadlayaa waa shaneemooyinka "Macmacaanka"

Xuseen M.F. Caydiid: Kelmedaas ma garanayo, waxaana ammar ku siinayaa in Raadiye Muqdisho soo baaro arrintaas.

Weriye Reer Muqdisho: Jaalle wasiir waxaa dad badani is weydiinayeen marka ay Dawladdu magaalada timaado in la mamnuuci doono dhuxusha la dhoofiyo, waxaana maanta magaalada lagu arkayaa dhuxushii oo si xawli ah loo rarayo, ee arrintaas ka warran?

Xuseen M.F. Caydiid: Arrintaas maxkamatiiba wax ka qaban waaye, waxaase dadka khudbad arrintaas ku saabsan looga jeedin doonaa Raadiye Muqdisho.

Weriye Reer Muqdisho: Jaalle wasiir dhibaatada ugu weyn ee madaxda Soomaalida haysata waxay tahay in ay marka ay meel madax ka noqdaan ay bilaabaan Xaqiraad dadkii meeshaas uga horeeyey, halkee ay wixii ay kuwaasi ku khaldanaayeen iyo wixii ay ku saxsanaayeenba qiri lahaayeen. Hadda waa runtaa oo maxaakiimtii kuma guulaysan joojinta dhuxushii la dhoofinayey, laakiin maxaakiimtu waa kuwa hir geliyey idaacadan Radiye Muqdisho ee aad hadda ku faaneysid iyaga ayaana dib u habeeyey. Dekedii Muqdisho oo ay fureen. Garoonkii Muqdisho oo ay ka dhigeen caalami bilicdiisa aad aragtay, ayna ku guulaysteen in ay garoonkaas dib u furaan 16-sano oo ay qabqablayaal aad ka mid tahay ku guulaysan waayeen furitaanka garoonkaas, waa marka aan saddex wax oo keliya ka xuso waxyaabihii ay qabteen.

Xuseen M.F. Caydiid: Waa runtaa oo anigaba waa la i xaqiray oo waxaa la iga qoray qoraalo badan oo aanaan jeclaysan, marka xilligooda ha adkaysteen.

Weriye Reer Muqdisho: Waxaad la xusay in Zenawi iman doono Muqdisho, laakiin goorma ayaa madaxweynaha DFKMG uu iman doonaa Muqdisho?

Xuseen M.F. Caydiid: Madaxweynuhu xilliga uu imanayo Xamar waxaan ka sheegi doonaa Raadiye Muqdisho, laakiin xafiiskiisa Baydhabo lama xiri doono sida aan hadda ka wada daawanay TV-ga Addis Ababa. Waxaana suurta gal ah in Madaxweynuhu ku hor maro Kismaayo.

Weriye Reer Muqdisho: Jaalle wasiir waxaa tiraahdeen dadka ayaan hubka ka qaadeynaa, sidee hubka dadka looga ururinayaa?

Xuseen M.F. Caydiid: Ra'iisul wasaaraha ayaa Raadiye Muqdisho ka sheegi doona qaabka hub qaadista, laakiin isku taaban meyno Somaliland, waxaan marka hore hubka ka qaadeynaa Puntland.

Weriye Reer Muqdisho: Aan mar kale kuugu celiyee, goorma ayaa ciidamada Xabashidu ka baxayaan dalka gudihiis.


Xuseen Caydiid (Dhexda) oo caano cabaya: Dec 28, 2006: AFP

Xuseen M.F. Caydiid: Waa kuu sheegay in aad taas kala socon doontid Radiye Muqdisho

Weriye Reer Muqdisho: Jaalle Wasiir, with all due respect, waa kugu mucaaradayaa hadalkaas, We strongly disagree with you, waayo Raadiye Dawladdu gacanta ku hayso arrimaha marna si xor ah ugama war bixin karo maadaama uu ku hadlayo afkiina, lamana rumaysan karo wax kasta oo laga sheego, shacabka Soomaaliyeedna hadda waa ilbaxeen oo si fudud laguma khaldi karo ee su'aasha ma ka jawaabeysaa?

Xuseen M.F. Caydiid: Sababtaas weeye tan aanaan ugu baahnayn saxaafad xor ah, waayo sida ay rabaan ayey su'aalo adag noo weydiinayaan. Si warku u yaraado laga bilaabo maanta saxaafadda gudaha Soomaaliya waxaan u cuskanay "Martial Law"

Weriye Reer Muqdisho: oo jaalle wasiir saxaafadda Muqdisho xilligii maxaakiimta Islaamiga ah xor ayey ahayde miyaadan ogeyn.

Xuseen M.F. Caydiid: Suga maxaakiimtii marka ay soo laabtaan ayaa markale saxaafaddu xor noqondoontaaye, inta ka horeysa waa "Martial Law iyo Radiyo Muqdisho iyo codka Meles Zenawi", wixii intaas ka badan caano lo'aad ayaan ka cabaa, ama haddii loo baahdo caano geel..


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH