SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007... Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


  • Magaalada Muqdisho oo U xuubsiibatay meel Amaan xumo...
  • Ciidamada Itoobiya oo Afduubtay sarkaal Somali ah Magaalada B/weyne
  • Safarkii Jendayi Frazer ee Muqdisho Ay Ku Imaan Lahayd Oo Baaqday .

Magaalada Muqdisho oo U xuubsiibatay meel Amaan xumo...

Waxaa isa soo taraya xaalad amaan xumo oo ka taagan magaalada Caasimada ah ee muqdisho iyadoo dadka shacabka ah ku dhaqan magaalada muqdisho ay lasoo gudboonaatay cabsi wel wel iyo walaac taasoo ay keentay kadib markii xalay ilaa shalay ay ka dheceen dilal arxan daro ah oo loo gaysanayo dad shacab ah.

Waxaa xalay fiid horaadkii lagu diley Marxuum C/weli Cumar Daahir oo kusii dheelmanayey gurigiisa agtiisa oo ku yaala deegaanka xarunta tababarka wershedaha ee loo yaqaano (xero jarmal ) waxaa saxaafada uga war bixisay marawadii marxuumkaas oo lagu magacaabo Faadumo Samatar oo sheegtay in ninkeeda loo diley isagoo ahaa sida ay sheegtay marwadu Nin culimo ah oo aad ugu xeel dheeraa xoojinta shareecada islaamka islamarkaana sida sheegtay marwadaasi marxuumku ka dhintay inuu marxuumka aysan dilin Burcad balse ay loo dilay qaab siyaasadeed islamarkaana ay raacisay intaas in uu watay telefonka gacanta oo ah mid qaaliya iyo bastoolad oo aan laga qaadan.

Dhanka kale waxaa Isna sidan oo kale laga soo afduubtay xarun uu deganaa shalay maqribnimadii nin sheikh ahaa sida la sheegay oo u dhashay qowmiyada Oromoda islamarkaana lagu soo qaatay sida ay sheegeen goobjoogaayaal ku sugnaa halka lagala baxay gaari noocyada daboolan ah oo muraayadaha mugdiga ah leh kadibna waxaa si arxan daro ah loogu toogtay fagaaraha tarabunka oo uu ku geeriyooday .

Sidoo kale Waxaa isla xalay Guri ku yaalay xaafada juungal ee degmada yaaqshiid lala beegsaday Bam gacmeed sida ay noo xaqiijiyeen dadka ka ag dhowaa xaafadaasi islamarkaana halkaasi ay ku dhaawacmeen sadex gabdhood oo kamid ahaa qoysakaasi oo ay sida wararku sheegayaan mid kamida ay aad u daran tahay.

Iskusoo wada duuboo magaalada muqdisho ayaa u xuubsiibatay goob Colaadeed oo uu ka jiro xasuuq ba,an oo loo gaysanayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ,islamarkaana aysan jirin cid u hadlaysa iyo cid ka damqanaysa dhiiga daadanaya ee dadka shacabka ah ,ma jiraan wax masuul ah oo dfkmg ah oo ka hadlaya amaan xumada soo wajahaday Caasimada muqdisho kadib markii ay ka baxeen golaha maxaakiimta .

Ciidamada Itoobiya oo Afduubtay sarkaal Somali ah Magaalada B/weyne

Col, Muqtaar Xuseen Afrax oo ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka soomaaliyeed Qaybteeda beledweyne ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa shalay askar Itoobiyaan ahi ay ka kaxeysteen gudaha magaalada B/weyne, arintaasoo loo aanaynayo kadib markii ay itoobiyaanku dalbadeen in lagu soo wareejiyo Gudoomiyihii hore ee Midowga maxakmadaha islaamka ee gobolka hiiraan faarax macalin oo hada ku sugan gudaha magaalada beledweyne .

Sidoo kale arintaan oo ay keentay Khilaaf soo kala dhex galay saraakiisha Itoobiyaanka iyo kuwa Somalida ah ayaa salka ku haya, ka dib markii saraakiisha ay ka dalbadeen in gacanta loo soo galiyo Gudoomiyihii Midowga Maxkamadaha islaamka Ee gobolka Hiiraan oo dhowaan soo gaaray magaalada B/weyne islamarkaana uu ku gacan sayray sarkaalka col,Muqtaar xuseen afrax .

Qaar ka mid ah ciidamada Itoobiya oo wata dabaabado ayaa shalay gudaha u soo galay magaalada B/weyne, waxa ayna ka kaxeysteen taliyaha ciidamada dowladda Col. Muqtaar Xuseen oo ay la aadeen saldhigyo ay ku leeyihiin dhinaca bari ee magaaladaasi.

Sarkaalkan Muqtaar ayaa waxa uu u gudbiyay ciidamada Itoobiya Warqad qoraal ah oo shalay ka soo baxday kulan ay qaateen shalay odayaasha, ugaasyada iyo waxgaradka gobolka Hiiraan oo lagu tibaaxay warqadan in aanu wax dambi ah laheyn sheikhaasi islamarkaana uu yahay nin soomaali ah oo gobolka u dhashay uuna joogi karo , iyadoo ciidamada Itoobiya ay qaadaceen ariuntaasi.

Si kastaba ha ahaatee Qoraalkan ayaa waxaa kuwada saxiixnaa ugaasyada ,waxgaradka iyo aqoon yahanka dhamaan reer hiiraan inuu sheikh faarax macalin joogi karo Magaalada beledweyne balse ay Ciidamada itoobiyaanka ahi ku gacan sayreen oo ay yiraahdeen gacanta hanaloo soo geliyo .

Safarkii Jendayi Frazer ee Muqdisho Ay Ku Imaan Lahayd Oo Baaqday .

War kasoo Baxay xafiiska raysal wasaaraha dfkmg ah ee soomaaliya ayaa sheegaya inay Baaqatay Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka ee arimaha afrika Jendayi Frazer oo lagu waday in ay maanta soo gaadho magaalada Muqdisho .

Lama shaacin xilliga rasmiga ah ee Jendayi Frazer ay booqashada ku imaan doonto Magaalada Muqdisho iyo sababaha keenay dib u dhaca ku yimid safarkeeda oo maanta la filayay in ay ku timaado Caasimada .

Sidoo kale Jendayi Frazer ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay socdaalo ku kala Bixinaysay dalal dhowr ah oo ku lug leh arimaha Somalia oo ay kala hadashay qaabka ugu haboon ee xasilin karo dalka soomaaliya .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH