SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Gabay layidhaahdo (Godlan)
  1. Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare’
  2. Waa duco gudeysiyo amaan, geesi soo diraye
  3. Waa gocasho raagtiyo ladh iyo, hibasho ii gaara
  4. Waa geydha roobkiyo ufada, galuhu keenaaye
  5. Waa raxan gadoodiyo libaax, beesha soo galaye
  6. Waa faras gudoodiga bartiyo, gaade iyo weerar
  7. Waa galacda waagiyo, habeen kala gayoonaaya
  8. Waa gabadh xishootiyo barbaar, timaha geedeystey
  9. Waa goray haldhaagoo aroor, gedefka taagaaya
  10. Waa geedka laysukugu tagiyo, golaha waayeelka
  11. Godlan weeye maansadu, ninkay faro lagaadhoowe
  12. Afartaa galool ubax lihiyo, man iyo geed saar dheh
  13. Afar kalana gudiyeey imaqal, waydin garan siine
  14. Goortii aduunyada lasimay, gebi ahaanteedba
  15. Ee Guulaheen qaybiyee, gobalba meel joojey
  16. Dhulka uduga laga soo guriyo, xabagta geed saaqa
  17. Soomaali geeskaalafuray, galaya xeebaaye
  18. Geel iyo adhay dhaqan jireen, guunyo faro wayne
  19. Gabdhahaa lakala guursan jiray, gob iyo caadkeede
  20. Gacal iyo xigtey wada ahayd, beel is garab taale
  21. Hadii uu dareen kale galoo, daano kala gaadho
  22. Garta odayadaa qaadi jirey, guud.cadaadige
  23. Gudoonkuna heshiisa buu ahaa, loo gudboon yahaye
  24. Iyadooy gadaa wada tahoo, nabad ku goohaysa
  25. Ayuunbaa waxa soo dhex galay, geed ismjaaris jaane
  26. Waa geedi baabaw waxeer, saatan noogalaye
  27. Guul-darrayste eel kuu dhigaan, cidina goyneyne
  28. Markii uu sokeeyaha ku gudey, mariyey gaaleefta
  29. Markii uu gadhweyntii jaree, haadku gabasleeyey
  30. Markii uu haween gawdhiyuu, gawrac ugu jiiday
  31. Geesaaska naagaha markii, giida laga waashay
  32. Gees biciid markii uu tuntuu, gudari noo loogay
  33. Daahyada markuu goostayuu, gelen gel noo saaray
  34. Ayuun baanu ciil goohnayoo, goyney dabarkiiye
  35. Gugii hore dareenkii nagalay, gibil madoobaaney
  36. Gugii xigey gunaad baa jiraa, gawnaxyada buuray
  37. Gugii xigey faqhoosiyo gujada, ubadka gaadhsiiney
  38. Gugii xigey dhadhaab guranayoo, laamiyada goyney
  39. Gugii xigey sidii goosan lumay, gees isugu boodney
  40. Gugii xigey Hubkii Gaaranoo, gamaska dhiigeyney
  41. Gugii xigeyan Gaadmiyo Badheedh, nacabkii googoyney
  42. Gugii xigeyna geeda waaqlihii, garabka naafeyney
  43. Gugii xigeyna dooyada galoo, guluf u heenseyney
  44. Gugii xigeyna duhur soo galoo, hadalba soo gaabey
  45. Kun gabraarta kuman leylka guda, kuman kaloo gaafan
  46. Kun gaatamaya kuman ciil la goda, kuman godoodaaya
  47. Kun geylamaya kuman goob dagaal, looga kala guulmey
  48. Kuman marada gaabinahayoo, labada low geeya
  49. Iyo kuman sidii Aarka guda, godabta raacdeeye
  50. Baroon gaaban jiib galaxsan, oo gumaca tuuryeeya
  51. Shilka guuxa suugoo gingiman, guda yaraw biiten
  52. Sii kaawi geelgeel tamoo, cadawga googooya
  53. Foodhiga gariirkii ka baxay, galawgu eedaamay
  54. Garaanbiiga goobtuu ku dhaco, ciidu Gubaneyso
  55. Beebeega orod gaariyeen, cidina Gaadheynin
  56. Kaaraha gurguurtee khalqigu, baqe ka giigaayo
  57. Galabtaan intaa soo tubnee, faqashtii guudkeeney
  58. Sidii goroyo lagu soo baxay, gelelef yaaceena
  59. Gaaleef markii lala dhacee, guduri loo loogey
  60. Maydkoodu waa tuu gignaa, goonyahoo idile
  61. Waligoodba goob layska heley, guul lamay hoyane
  62. Gafuuro xun sidee eebahay, Gabo gabo u taagey
  63. Afartaa golool ubax leh iyo, maniyo geed saar dheh
  64. Afar kalana gudiyeey imaqal, weydin garansiine
  65. Galadeynu joogniyo ragii, guusha wacan keenay
  66. Nimankii gumaystaha diree, faqashta gaagaabshay
  67. Nimankii sariir lagu gamiyo, guri ka dheeraaday
  68. Nimankii gudoodiga habeen, guura bahaleeyey
  69. Nimankii haween lala golyiyo, gaari wacan dhaafay
  70. Sidii Aar gabood yaleh ragii, gooha damin waayey
  71. Gaashaan dhigeeniyo ragii, gacanta xoogeeyey
  72. Gaajiyo haraadiyo raguu, gawre kari waayey
  73. Ragii gocondhadii aad ogeyd, calaha guud joogey
  74. Guud kooda raamaha ragaad, geydhe baxay moodey
  75. Sidii goray saraareed ragii, goroyo cawloobey
  76. Jananada ragii gawracee, libin ku geeraaray
  77. Gayigooda nimankow xishee, guri kale u dhoofin
  78. Cod mujaahid eebaa galaday, gooruu joogaba’e
  79. Gudiyeey wanaag lama gadee, guda abaal kooda
  80. Calan kaa na guud jooga, iyo guri yagleelkeena
  81. Gobanimada niman baa u go’ay gacalayaalowe
  82. Inta geesi ciida u nafbaxay, waa gun iyo baare
  83. Rabi waxaan galiimaday, inuu geeyo meel wacane
  84. Gudiyeey wanaag lama gadee, galiya taariikhda
  85. Shuhadadu gurboodkii ay dhaleen waa lagaasiraye
  86. Gabanadu haddii ay cawdaan, waa gunimo wayne
  87. Gaari weer ku raagaa ka badan, geedahaa baxaye
  88. Guno iyo xasuus bay rabaan, gu iyo jiilaal
  89. Gudiyeey abaal lama gadee, guda abaalkooda
  90. Naafadan gacmaha ciirsatee, cadawgu googooyay
  91. Ee wada gurguurtee, kurtood gabi dhaclaynaaya
  92. Ee wada galiilyaysan, ee goroda laalaadshay
  93. Laxaadkooda nimankaa gatee, gumaro noo siiyay
  94. Hadii geesi jiro waa iyaga, garashadaydiiye
  95. Guno iyo dhaqaalay rabaan, garasho waayeele
  96. Gudiyeey wanaag lama gadee, guda abaal kooda
  97. Haweenkii gambada xoorayee, ficil gadoodaayay
  98. Ee giraamka noosoo huree, gacanta noo saaray
  99. Ee aan galaan nagala hadhin, guri wixii yiilay
  100. Iyagoon gasiin hayn, kuwii tamaradood gaystay
  101. Gudiyeey wanaag lama gadee, guda abaalkooda
  102. Dhaawacayga nimankii guree, geeda sare waabay
  103. Eegoolka soo wada dabriyo, gaabanaw adhiga
  104. Gurgurshaaga nimankii qaliyo, gibil madiidaanka
  105. Dooyada ragii ila galee, gaade iga eegay
  106. Reer miyeey garagaaroo, bulshada iiga gooniyaha
  107. Gudiyeey wanaag lama goda, guda abaalkooda
  108. Debadaha ragii geylamee, gooha damin waayey
  109. Ee giniga lacagta ah baxshiyo, guufka iyo moodka
  110. Ee aan goblooleyn marnaba, gamashi waa ceeba
  111. Ninkii ganay iyo waa kala ogyahay, kii galaday Aare
  112. Gudiyeey wanaag lama gadee, guda abaalkooda
  113. Xilkaad guudka saarteen ka culus, buurihii golise
  114. Kuwii horaba waxa loo genbiyey, garabku daqiiye
  115. Idinkuna hadii aad geftaan, waa gedaan jabaye
  116. Umadii godbaa lagu ridoo, guudka laga aasye
  117. Goof bay dhex taalaa bulshadu, gabi ahaan teede
  118. Waxa gododka naartaa ku guray, gacan ku dhiigliiye
  119. Gacalkiyo xigaalkeer is diley, waa gaduu falaye
  120. Intuu reerkan guuluu mid kale, garabka saaraaye
  121. Gaaleysyaduu qeybiyiyo, gudintu soo feeyey
  122. Isku go, ayuun bay ahayd, gacal cun xeeshiiye
  123. Gacmaha isu saaroo bulshada, godobta daaweeye
  124. Yaaney kala gadoomine ka jira, gawdhiskiyo hiifka
  125. Gogol qudha isugu keena oo, samo ku gaalgaala
  126. Geyigeenu wada leenihiyo, gumaro hoostaale
  127. Nina yaan guhaad loola tegin, gocasho waa ceebe
  128. Shir la gooyey, waayeel gabyidhi, garangar muunaysan
  129. Gole xaadhan guurtidoo la wacay talo gorfayn teena
  130. Masuul wuxuu gabtoolaa, markuu eexa guursade’e
  131. Nin qabiil u guuraa ka dheer, guri barawaaqeede
  132. Nin jeclaysi yuu soo dhexgelin, gacalayaal beesha
  133. Qaramaadka danyar laga guree, laysu wada geeyey
  134. Gabaan dhiiqda laga soo lisee, gaban u ooyaayo
  135. Gacan-dhaaf ayaan loola tegin, waw gudboonahaye
  136. Wuxuu geel ku dararaa markuu, guri san daaqaaye
  137. Godolkeedii maandeeq la waa, gacal islaamoowe
  138. Gorofkeedii wuu haawadaa Dhawr guyoo tegeye
  139. Ganboor iyo Sunbay daajiyeen, geed xun iyo ciine
  140. Gafanaa ku naaxiyo, kud-kude kaymaha u galaye
  141. Geed sabool ayay yuururtaa, guri habaas weyne
  142. Gu’ga oy hayaan taa u eeg, Geydho wey rimiye
  143. Jiilaalka inay goojisaa, waa gedaan rabo’e
  144. Goortuu sidkeedii go, ee, gabanta loo qaado
  145. Gujo laguma maaliyo afkee, yare he gaalgaala
  146. Qalax laguma giijee ka jire, dabar danbeed gooya
  147. Geyigeenu waa hodan hadaan, gees walba udayaye
  148. Dooxyadan ganaaneynayiyo, galalkan ceegaaga
  149. Dudur aan go, ayniyo harada, galacleh ee Jiifta
  150. Mar haddii abuur lagu guroo, gacamo loo jeexo
  151. Gaajaba rugteeniyo ka dheer, guri sabooleede
  152. Majada iyo gadhweyta u qabtoo daaba gudinteena
  153. Uguntada Dadaal buu nafluhu, libin ku gaadhaaye
  154. Diinteena oon garabsanaan, guul ku helaynaaye
  155. Wax kaloo lib lagu gaadhayaa, waa gefiyo beene
  156. Gudoonsada distoorkiyo sharciga, wow guboonayahay
  157. Malaa hadalka waan guud maree, aan u galo hoose
  158. Umadeeni way goomaan tahay, geliya laabtiina
  159. Gaajiyo harraad baa jiree, galiya laabtiina
  160. Gurboodkeeni way daalanayiin, geliya laabtiina
  161. Gurgurshaagu waa isdinka ee, geliya laabtiina
  162. Afar geedi baa lagu hodmaa, geliya laabtiina
  163. Galxareeda baa muuqda ee, geliya laabtiina
  164. Geyi doog lebaa soo hiree, geliya laabtiina
  165. Goobaare dacalbaa hadhee, geliya laabtiina
  166. Golibaa idaha laysa ee, geliya laabtiina
  167. Gorgorbaa maroodiga cunee, geliya laabtiina
  168. Garwaan luhu marbuu ii dusee, geliya laabtiina
  169. In aan gaadh dib laysaariheyn, geliya laabtiina.

sallaamulahi  calaykum

Anigoo ah Cali Maxamuud Xiirane waxaan tiriyey tixdaan gabayga ah oo aan inta badan tiriyey 11/11/06, mar aan u jawaabayey nin dhallinyaro ah oo ii soo direy gabayga kor ku qoran, gabayga oo aan qaarkiis shakhsi ahaan ugu direy ninka e-mailka ii soo direy ayaan is la markiiba arkay waxyaabihii aan ka digayey oo waddankiiyoo dhan ku faafay (Gumeysi Tigree), markaasaan jecleystay inaan gabayga awal waan iska sahalsanayee aan dhammeystiro oo aan saxaafadda u gudbiyo. Waxay ila tahay dadka Soomaaliyeed inay arkaan oo ay fahmaan nimanka Dictators ka ah ee mar walba kursi u hamuun qaba, diinta, dadka iyo dalkabana iibsanaya si ay maalmo u sii wataan magaca ama jagada ay wataan. Dadkaas ayaga ah waxay joogaan gobol walba waxayna leeyihiin qabiil walba. Haddaan haddaba meel looga soo wada jeesan, hadhoow waxay halleeyaan yaan la isku eedin oo yaan gobol gaar ah iyo qabiil gaar ah loo saarin wixii dhib ah oo ka yimaada, qofkii qaladkooda tilmaamana yaan la dhihin gobolkayga ama reerkaygaad u dan leedahay. Midda kale Soomaali weligeed walaahoow iyo tiih ka bixi mayso inta diinta la sheeganayo, haddana caddaaladdeeda laga cararayo oo shareecada ku dhaqankeeda dhinac la isaga riixayo. Waxaa ii muuqda iney nimanka kursi doonka ah ee badankood ay jagada ku heleen meel heblaan haystaa ay mar walba raali gelinta ilaahay iyo tan shacabkoodaba ay ka doorbidaan raalli-gelinta shisheeyaha danaha gaarka ah leh, oo waxay dhahaanba ay ka daba leeyihiin sida shimbirka Baq-baqaaga.

  1. Waa gabay gu' weynoo abwaan soo gardaad baraye
  2. Waa gun iyo baar waano aanay cidi giriifeeyne
  3. Waa galalka taariikhda oo aan la gooyn karine
  4. Waa gacal heshiisiin u yiri ruux garaad lihiye
  5. Waa taladii ruux garasho dheer uu gorfeyn jiraye
  6. Waa guubaabo uu soo gudbiyo ruuxa gaamuraye
  7. Waa garyaqaan taladuu lahaa garashadiisiiye
  8. Waa gaf iyo ciilkii dhacoo laga gadoodaaye
  9. Waa waano loo guudmaroo gaar dad loo yiriye
  10. Waa gabbasho wiilaan aqoon gole ka sheeggiise
  11. Waa geesi hadilkiyoo nin ragihi uusan gaasirine
  12. Waa loo garwaaxeedsadoo geedna loo galaye
  13. Waa guurti odayaal gigiman talo ay gooyeene
  14. Waa maanso gudihiyo u weyn goonyohoo idile
  15. Waa murtida ay gaar maraan gooni daaqyaduye
  16. Waa gartiye anba xaajadaas waan garawsadaye
  17. Waa arrin go’aankii la xiray niman gadaayaane
  18. Gudihii tigreegey gor-goro inagu geeyaane
  19. Sidii gabar aroosey Adiis sii galbinayaane
  20. Waa xaajo kaa geeddi dheer oodan garaneyne
  21. Anse guusha waan kula jeclahay libin ad gaartaaye
  22. Ha yeeshee raggii geela jirey wuu ka gaagaxaye
  23. Gandaalkiyo waxay kuu sidaan gaawohoo marane
  24. Diintuu an garabsanno lahaa waa la geesmaraye
  25. Culumada raggaa gaadayaa guudka loo firaye
  26. Gabdhihii xijaabtey haddeer gaba-gabeeyaane
  27. Gantaallada kuwii kula dhacaa hoosta kuu galaye
  28. Guclihii la galay bay kuwani gaabinahayaane
  29. Geed is mariskuu ka digayana hadduu golaha jiifaaye
  30. Gafanihii ku cunayaan arkaa gaadmadii weliye
  31. Gardaduub wadaad loo xiroo gaalo laga raacay
  32. Oo lagu guhaadshoo xabsiga lagu garaacaayo
  33. Gindir iyo niman baa u wada guri amxaaraade
  34. Aniguna markaasaan gammuun leebka geliyaaye
  35. Gar waa loo islaam oo ninyahow beenna way guriye
  36. Intaad gaarka iga hayso ood iguna goohayso
  37. Bal garoowso girmaa kaa hantiyey gobolladaadiiye
  38. Culumada waxaa loo gujeeyn waa wax gooniyehe
  39. Waa gunnimo suldaankay xabsiga gaarka ka hayeene
  40. Waxa jeelka loo geeynayaa waa go’aan diine
  41. Nin gamaaray oo gubanayoon gurmadna soo gaarin
  42. Oon gafkaas ruuxii ka galay jeelka lala gaarin
  43. Godobtuu ka geeraaray iyo soo gocashadii maahan? 
     
  44. Gar ilaahay baa loo hadlaa geedka xaajada e
  45. Dad loo gafay ogaanteeyda waa loo garaabaaye
  46. Geed waaban hoostiis ayaan talo gorfeeynaaye
  47. Gogoshii ikhyaar loo dhigaa laga garsooraaye
  48. Godob waa la daaweeyn karaa loo gudboonyahaye
  49. Gar caddaa ayaa loo miraa goobta xaajada e
  50. Geel baa diyada loo baxshaa geesiyaal tegaye
  51. Godob reeb gabdhaa loo baxshaa labada geesoode
  52. Gammaan baa la kala qaadan jiray gaar ahaan farase
  53. Garta kii leh gondihiyo garkaan gacanta saarnaaye
  54. Gobonimo waxaa laga fishaa ruux gar qaataahe
  55. Gardarrada midkii laasimaan gawska jebinaaye
  56. Gocorraha is guuf-guufa waan wada garaacnaaye
  57. Is giriirixin waxaa laga fishaa kaan wax garaneyne
  58. Golihii kacaankaa na baday kala gadoodkaane
  59. Kulli waa na wada gaawin jirey goor iyo ayaane
  60. Sargaalkii giriifkiis qaddimay guulwadaa dilaye
  61. Cabdullaahi golongol buu ahaa taniyo goortiiye
  62. Isaguna dad buu gubahayee guul ma dhalineyne
  63. Waxaa gawda laga saari jirey gobolladiisiiye
  64. Galgaduud bar baa loola tegey garab ku taagleyne
  65. Culumaan wax galabsanin ayaa gawrac loo simaye
  66. Garbasaar weyn gabdhihii xirtaa jeelka loo guraye
  67. Canshuurtay naga gurahayeen gaar rag leexsade e
  68. Diyaaraad garoonkey degaan dibu garaacaya
  69. Oo shacabka goobanahayee kaga gariirsiiyey
  70. Waa gurracan wallee xaajadaas aan la garaneyne
  71. Ka gees iyo ka geesay jabhado soo gurmanayeene
  72. Ummad bay galaafteen iyana galalaftoodiiye
  73. Gumaadkii ayaa weli socdoon gaabin orodkiiye
  74. Goobihii la wada daawan jirey gubato weeyaane
  75. Halkii gacal ku haasaawi jirey waa gel-gelintaase
  76. Gaashaandhiggii geedaa ka baxay golaha fiicnaaye
  77. Gaboodfalkan inkastoon la arag maanka geli waayey
  78. Niman baa garsoorkii horkacay diin ku gaamuraye
  79. Gacaltooyo nooma kala dhammaan garashadeydiiye
  80. Gafuur cawo ninkiisuu gubaa aan la garaneyne
  81. Waxa adiga kuu gaar noqdeed gooni ugu boodday
  82. Oon geedka laga sheegan karin yaa i garansiiya? 
     
  83. Maansadu gar weeyiyo runtii aan gorfeeyn jiraye
  84. Adna gaabis baad tahay midkii igu giriifoow e
  85. Gacal waaya Soomaaliyeey waad is gurateene
  86. Gobonimo qofkeennii rabiyo kii gunnimo doortay
  87. Midka gobol ku faaniyo Tegree kii guryaha siiyey
  88. Geyigeenna Soomaali waan kala gurmaynaaye
  89. Gurmad iyo dadaal badan ninkii orodka geeyfnaada
  90. Iyo Giiryaale fulaygii ordee goojo la abraara
  91. Iyo gaajo ruuxii wax badan gubadka meereysta
  92. Iyo geesigii waddaniyaa wax badan liiska noo geliye
  93. Ninka guuxa gaariga Tigree guul ka filanaaya
  94. Ama godob sokeeyoo la galo geni ku doonaaya
  95. Waxba yuu is giijinin rag baan gaabineyn orode
  96. Gucle orodka ruuxii wax badan cadow guulaayey
  97. Iyo kii u geeyee gabdhaha gogol macaan seexshay
  98. Taariikhda guunkaa ayey kala gelaayaane
  99. Gaalnimo midkii nala rabee diinta naga guula
  100. Ama lagu gabraartee xornimo aanba garaneynin
  101. Geyigeenna soomaali waan kala gurmaynaaye
  102. U garaaca gurbaan beenahaad garasho mooddeene
  103. Nimankii garoonkey dunsheen geedo ku tallaalay
  104. Gurmadkiyo abaaraha raggii wada gucleeynaayey
  105. Dadkii daadku soo galay raggii doonta ugu gooshay
  106. Oo meelaan cidi gaari karin timirta geeynaayey
  107. Oo gacalka naafoobi raba orod ku gaaraayey
  108. In gumeysi loogu yeerta oo lagu gantaalleeyo
  109. Iney gaalo faraxoodi tahay ama garaadlaawe
  110. Nin gu’weyni waa garan karaa oo garaadsadaye
  111. Allow guusha adigaa hayee garabgaloo caawi
  112. Aakhiro midkoodii go’ana guri jannaa seexi. 

Waa ikhyaar Midowga maxkamadaha ee Jubbooyinka oo u gurmanaya dadka daadadku wax yeelleeyeen. 

Cali Maxamuud Xiirane 
xiirane2@hotmail.com 

Towbad soo celiya (Gabay) Tixda gabayga beryahaan ma tirin tuducyadiisiye... Akhri

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qiraaga ju saxiiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH