SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoJan 15, 07: Inta maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan Magaalooyinka: Galkacyo (51), Baydhabo (30), Beledweyne (22), Muqdisho (19), Kismaayo (15)..
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa....

Jan 15, 2007

  • Dowlada KMG Soomaaliya oo Albaabada u laabtay idaacado ka howl gala magaalada muqdisho iyo xafiis TV ga caan ah ee Aljazeera...

  • WEERAR LALA BEEGSADAy SALDHIGA HURIWAA OO LAGU EEDEEYEY K/XIGEENKA DUQA MAGAALADA.

  • Cali Daacuun: Ma sii socon doonto dowlad dowlad dul saaran .

  • WIIL DHALINYARO AH OO CEEJIN LAGU DILAY.

  • Weerar xalay lagu qaaday kolonyo ciidammo Ethiopia ah oo marayay waddada warshadaha

  • Madaxweynaha DFKMG oo xalay wareegto ku magacaabay Maamulka cusub ee Magaalada Muqdisho

  • Waraaqo lagu daadshay Magaalada Muqdisho..

  • Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlaya Arrimaha soomaaliya..

  • Ururka Midowga Afrika oo dadaal ugu jira sidii ciidamo lookeeni lahaa..

  • Somaliland oo ka walwalsan xaaladda deg deg ah ee lagu soo rogey...


Dowlada KMG Soomaaliya oo Albaabada u laabtay idaacado ka howl gala magaalada muqdisho iyo xafiis TV ga caan ah ee Aljazeera...

Wareegto kasoo baxaday xafiiska waaxda amniga ee gobolka Banaadir ee hoos taga dowalda kmg soomaaliya ayaa lagu amray in albaabada laysugu laabo qaar kamida idaacadaha ka howl gala magaalada muqdisho iyo xafiis tv ga caalamiga ah ee al-jaziira .

Wareegtada ayaa waxaa lagu xusay in idaacahada ay kamid yihiin ,idaacada shebeele ,idaacada horn afrik ,idaacada quraanka kariimka ,iyo weliba xafiiska tv -ga caalamiga ah ee al-jasiira uu ku leeyahay soomaaliya .

Wareegtadan ayaa waxay amraysaa in dhamaan milkiilayaasha xarumaha warbaahineed ee aan kor kusoo xusnay ay yimaadaan xarunta waaxda amniga ee gobolka banaadir islamarkaana ay joojiyaan shaqada ay wadaan isla maanta . [Warbixin dheeraad ah hoos ka akhri]

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

Idaacadaha Qur’aanka Kariimka, Shabeelle iyo Honafrik oo albaabbada la isugu dhuftay maanta

Xarunta dambi baarista Dowladda Federaalka Soomaaliya [NNS] ayaa amar ku siisay inay howlahooda joojiyaan Idaacadaha Shabeelle, Hornafrik, Idaacadda Qur'aanka Kariimka iyo weliba xafiiska telefishinka ku hadla Afka Carabiga ee Al-Jazeera ee Muqdisho.

Laguma faahfaahin qoraalka la soo gaarsiiyay xarumahaas warbaahineed sababta dhabta ah ee howlahooda ay u joojinayaan, waxaase warar ku dhowdhow dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegayaan in lagu haysto arrimo qarsoon oo aan hadda la badhigi karin.

Madaxda xarumaha howlahooda la joojiyay ayaa waxaa lagu amray inay tagaan maalinta berri ah xarunta NNS-ta Magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in loo caddeeyo maalinta berri ah sababta loo hakiyay howlahooda shaqo, inkastoo aysan sheegin madaxda xarumahaas sababta dhabta ah ee lagu haysto xarumahooda.

Waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya xirto xarumo idaacadeed oo ku yaalla Magaalada Muqdisho tan iyo sidii ay dowladdu u soo gaartay Muqdisho muddo saddex toddbaad ku dhow.

Ururrada Saxaafadda ee ka jira gudaha Soomaaliya ayaa sheegay durba inay ka walaacsan yihiin joojinta howlaha xarumo warbaahineed oo ku yaalla Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxayna ka codsanayaan dowladda Federaalka inay si dhaqso badan dib ugu ogolaato howlahooda inay sii wadaan xarumaha warbaahineed ee la xiray.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com


Cali Daacuun: Ma sii socon doonto dowlad dowlad dul saaran .

Siyaasiga Soomaaliyeed Cali maxamed axmed cali dhuux (cali daacuun ) Ayaa Dhaliilay Ololaynta la doonayo in xilka lagaga qaado Gudoomiyaha baarlamaanka shariif xasan sheikh aadan islamrkaana ka hadlay fikirka siyaadadeed iyo Mowqifka uu ka taagan yahay xiligan dowlada iyo siyaadeeda .

''Ololaynta ladoonayo in xilka lagaga qaado gudoomiyaha baarlamaanka shariif xasan sheikh aadan ayaa u muuqata mid horseedi doonta Bur bur ku yimaada dowlada lagu soo dhisay Embaghati '' ayuu yiri cali daacuun

Cali maxamed axmed ayaa intaas ku daray '' waxaa ii muuqata in si xoog leh loo urursanayo Mudanayaasha baarlamaanka si ay u ridaan Gudoomiyaha baaralamaanka ,kadibna loo bedelo xubnaha had iyo jeer ku dhegan sharciga ,arintaasina waxay horseedi doontaa dowlada oo labo garab noqota ,kadibna ku yuu yuutanta sharciga iyo dastuurka ,dowlada soomaaliyeed ee qaarkeed ku sugan yahay muqdisho''.

Sidoo kale cali daacuun ayaa ka hadlay sida dowladu ku timid magaalada muqdisho waxuuna yiri ''dowladu caasimada kuma imaan rabitaanka shacabka balse waxay ku timid Taangi ay leedahay Ethiopiya mana qabo inay sii socon doonto dowlad dowlad dul saaran , waxaana ka rajeyanayaa madaxda soomaaliyeed inay gartaan cida ay madaxda u yihiin iyo dalka ay masuulka u yihiin ''.

Si kastaba ha ahaatee Cali daacuun ayaa welwel ka muujiyey xaalada siyaasadeed ee dalku Haatan ku sugan yahay.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com


mudahaBanaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland :
xarunta qaramada midoobay ee Geneva horteeda ayey ku dhigeen.
Akhri..


WEERAR LALA BEEGSADAy SALDHIGA HURIWAA OO LAGU EEDEEYEY K/XIGEENKA DUQA MAGAALADA.

Weerar lagu diley hal qof , ayaa lala beegsaday saldhiga ciidamada Booliska ee Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho.

Isagoo warfidiyeenada la hadlayey ayaa taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Huriwaa, oo qiray inuu weerar ka dhacay Saldhiga, waxa uu xaqiijiyey in halkaasi lagu dilay mid ka mid ah ilaalada Booliska ee Saldhiga.

"Waxaanu hubnaa in weerarka ay geysteen kooxo dharcad ah oo Boolis ah, islamarkaana taabacsan Gudoomiye ku-xigeenka Cadde Gaabow, xagga nabad galyada u qaabilsan ee la yiraaho Dhagartuur" sidaana waxaa yiri Taliyaha, oo sheegay inuu jiray khilaaf iyaga iyo Dhagartuur soo dhexgalay.

Waxa ku eedeeyey Dhagaxtuur, inuu yahay nin mas'uul ah oo hadana doonaya inuu awood ku maquuniyo wax walba, sida uu yiri.

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com

WIIL DHALINYARO AH OO CEEJIN LAGU DILAY.

Wiil dhalinyaro ah, oo aan wali la aqoonsan, ayaa saaka maydkiisa laga helay wadada isku xirta isgoyska Dabka ilaa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Wiilkan dhalinyarada ah, ayaa sida ay dadka deegaanku indhahooda kusoo arkeen, waxaa ku yaala nabar cidiyaysan xagga sare ee Qoorta ee cunaha ,islamarkaana waxay dadku macaneeyeen in ceejin lagu dilay.

Dhacdadan, oo noqotay mid ay dadka deegaanadaasi si aad ah uga argagaxeen, ayaa ilaa iyo haatan aan la gareyn cidda sidan araxan darada ah falkan ugu gaysatay wiilkan dhalin yarada ah oo lagu qiyaasay inay da,diisu tahay ilaa 14sano jir.

Magaalada Muqdisho, ayaa dib u milicsaneysa dilalka macna darada ah ee ay 16-kii sano ee aynu soo dhaafnay , caadada u ahaan jirtay, inkastoo falalkani dilka ah laga yara nastay mudadii 6-da bilood aheyd ee ay caasimadda ka arimin jireen Golihii Maxkamadaha Islaamiga, oo ay dadku si aad ah ugu diirsadeen xasiloonidii iyo nidaamkii Islaamiga ee ay soo hoyeen.

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com


Dagaalo Laysu Adeegsaday Hubka Noocyadiisa Kala Duwan Oo Xalay Goor Dambe Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Jan 15, 2007: Dagaalo faraha lagaga Gubtay oo Diryanka Rasaasta Ka Dhacaysa Qoryaha Lidka diyaradaha ay saamayn weyn ku yeelatay badanaaba magaalada muqdisho ayaa xalay ka dhacay deegaanada ifka xalane ,miisaanka dhuxusha ,carafaat, iyo ilaa ex-kantarool huriwaa oo dhaamaantood ku yaala wadada dheer ee wershadaha dagaalkan oo u dhexeeyey ciidamadaDFKMG & kuwa Ethiopia iyo Kooxo Caraysan oo ku hubaysnaa Qoryaha baasuukayaasha ,Hal baabuur oo nooca loo yaqaano cabdi bileha oo sida wararku sheegayaan uu ku xirnaa qoriga dhishiikaha iyo qorayaha yar yar .

Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare baaxad leh waloow aysan jirin wax warar madax banaan ah oo xaqiijinaya dhimshada iyo dhaawaca inta ay tiro ahaan ay le,eg yihiin iyadoo dadka degan deegaankaasi ay sheegayaan in meelaha qaarkood uu saaka lagu arkaayey meydka Hal nin iyadoo sidoo kale Hal Baabuur oo ay noo xaqiijiyteen Goobjoogayal ku sugnaa meesha dagaalku ka socdo in laga Gubay Ciidamada Ethiopiyanka Baabuurkan oo ahaa nooca loo yaqaano Uraalka ee qaada ciidamada.

Boqolaal dad ah ayaa saakay isugu soo baxay goobihii dagaalku ka dhacay xalay oo lagu arkayay ciidamo ku Hubaysan Tiknikda u badan Taangiyada oo isku gadaamay deegaankaas oo ay Hada si toos ah ula wareegeen ciidamada Ethiopiya iyo kuwa dowlada oo isgarabsanaya.

Dhanka kale isbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa wararka aanu ka helano sheegayaan inay qaarkood la ciirciirayaan dhaawacyo ,Max'ed Xasan oo ka mid ah Howl-wadeenada Isbitalka Shiffo oo aan khadka telefonka kula xiriirnay ayaa waxa uu sheegay in Isbitalkaasi la keenay labo ruux oo ku dhaawacmay rasaastii la is weydaarsaday.

Waxaa gabi ahaanba istaagay isu socodka gaadiidkii dadweynaha isaga kala gooshi Jirey Suuqa Xoolaha iyo Bakaaraha ee mari jirey wadada warshadaha, ee dagaalaku ka dhacay ka dib markii ciidamada Ethiopia ay ku soo rogeen xanibaado ay ku diidan yihiin isu socodka Gaadiidka.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

Weerar xalay lagu qaaday kolonyo ciidammo Ethiopia ah oo marayay waddada warshadaha

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com

Jan 15, 2007: Qarax weyn oo gilgilay magaaada Muqdisho inteeda badan ayaa xalay lala beegsaday gawaari socoto ah oo ay wateen ciidammada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia oo xilligaas marayay waddada warshadaha.

Bamkaan ayaa wararka soo baxaya waxay isku khilaafsan yihiin nooca qoriga qaraxa sameeyay uu ahaa, qaar ka mid ah dadka deegaanka uu qarax ka dhacay ayaa sheegay in gawaarida lala beegsaday qoriga ka dhaca baasuukaha, halka kuwo kale oo deegaanka ka tirsanna ay sheegeen inuu ahaa bam dhulka la geliyay.

Bamkaas ayaa la sheegay inuu gubashada mid ka mid ah gawaarida ciidammada ay isticmaalaan ee Ethiopia oo loo yaqaan URAL, waxaana sidoo kale la sheegay inay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah askartii saarnayd, inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan inay ku dhinteen qaar ka mid ah askartii saarnayd mase jiraan wax caddeynaya hadalkaan.

Rasaas xoog badan ayaa la is dhaaf-dhaafsaday kaddib markii uu qaraxa dhacay xalay, waxaana la sheegay in rasaastaas ay waxyeello u geystay dad rayid ay iyo kooxihii geystay falkaas lagu qarxiyay gaariga ay wateen ciidammada Ethiopia.

Isbitaal kuwa gaarka loo leeyahay ah oo ku yaalla xaaafadda uu ka dhacay qaraxaan oo ah Deegaanka Caymiska ayaa dhaqaatiirtiisu sheegeen in la soo gaarsiiyay dhaawaca 3-ruux oo waxyeello ay ka soo gaartay qaraxii xalay.

Ciidamadda Dowladda FKMG iyo kuwa Ethiopia oo wata gawaarida dagaalka oo uu ka mid yahay kaaraha ayaa haatan gacanta ku haya xaafadda uu qaraxa ka dhacay iyo xaafado ku dhow oo laga shakisan yahay inay ku jiraan kooxihii xalay weerarkaas gaadmada ah geystay.

Madaxweynaha DFKMG oo xalay wareegto ku magacaabay Maamulka cusub ee Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa xalay soo saaray wareegto uu ku magacaabayo maamulka Gobolka Banaadir oo loo baddalay maamulka Magaalada Muqdisho.

Wareegtada lagu magacaabay Maamulka cusub ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay si toos ah uga soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana lambarkeedu uu ahaa: RSTS/OP/23/07, oo soo baxday 14/01/2007, waxaana wareegtadaan lagu sheegay in lagu ogolaaday soo jeedin ka timid Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo soo jeediyay magacaabidda maamulkaan cusub.

Maamulka Magaalada Muqdisho ee cusub ayaa ka kooban guddoomiye ku saddex ku xigeen ayaa waxay kala yihiin sidan soo socota:

1- Guddoomiyaha Maamulka Magaalada Muqdisho, Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaaboow).

2- Ku xigeenka dhinaca siyaasadda iyo nabadgalyada Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye).

3- Ku xigeenka dhinaca dhaqaalaha iyo maaliyadda Xasan Maxamed Nuur (Qalaad)

4- Ku xigeenka dhinaca Howlaha guud iyo arrimaha Bulshada C/qaadir Suufi Muriiddi (Golf).

Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa looga codsaday wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Eng. Xuseen Caydiid inuu soo magacaabo maamullada kala ah: Qareenka guud ee Maamulka Magaalada Muqdisho, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maamulka Magaalada Muqdisho, Madaxa Xafiiska Qorsheynta ee Maamulka Magaalada Muqdisho, Guddoomiyeyaasha 16-k degmo ee Maamulka Magaalada Muqdisho iyo ku xigeennadooda, Agaasimayaasha waaxaha, Dib u heshiisiinta, Caafimaadka, Nabadgalyada, waxbarashada, ururrada bulshada, Nadaafadda, dib u dhiska, shatiyada, suuqyada, dakhliga kala duwan, xisaabaadka, dhulka, gadiidka, tirada dadka iyo dhirta.

Eng. Xuseen Caydiid ayaa sidoo kale loogu sheegay warqadda inuu la tashiyo la sameeyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Muqdisho, ka hor inta uusan maamulladaan ku dhawaaqin.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

Warshaddii hore ee Baastada oo ay gaar ka hayaan ciidamamda Dowladda iyo kuwa Dalka Ethiopia

Saakay aroortii hore ayaa ciidammo aad u xoog badan oo ka tirsan kuwa Dowladda iyo Ethiopia waxay isku gadaameen dhismaha Warshaddii hore ee Burka iyo Baasatada.

Goobtaan ayay sheegeen ciidammada Dowladda iyo kuwa Ethiopia ee isbahaysanaya inay ku jiraan kooxo ay raacdeynayeen oo ay ku sheegeen inay ahaayeen kuwii geystay falkii lagu weeraray ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo ku socday saldhigyo ay daggan yihiin.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in aan la ogoleyn inay cid ka baxdo isla markaana ay cid kale gasho dhismaha weyn ee Warshaddii baastada oo ahaan jiray goobtii ay dagganaayeen Madaxdii Maxakamdaha isla markanaa u ahayd goobta ay ku haystaan gawaarida dagaalka.

Ilo wareedyo ku dhowdhow Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in lagu wado inay baaritaanno ka sameeyaan warshadda gudaheeda ciidammada isbahaystay, waxaan ay sheegayaan wararka qaarkood in lagu wado inay iyagu saldhig ka dhigtaan goobtaas oo ay sheegeen inay tahay goob inta badan laga soo abaabulo dagaallada abaabulan ee lagu soo qaado.

Dadka Deegaanka ayaa waxay cabsi weyn ka muujinayaan ciidammado aad u xoog badan oo xaafadaha u dhexeeya Dhismihii Caymiska Qaranka Soomaaliyeed illaa Ex-koontarool Balcad ka dhigtay saldhigyo, isla markaana baaritaanno ka wada deegaannadaas oo ay sheegeen inay rumeysan yihiin inay ku jiraan kooxihii xalay weerarka u geystay ciidammadooda.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com

Waa sidee xaalada goobihii xalay ay dagaladu ka dheceen ee magaalada muqdisho .

Ifka xalane ,miisaanka dhuxusha ,caraafaat ilaa ex-kantarool huriwaa oo xalay ahaa goobohii inta badan laysaga hor yimid ayaa manta degan kadib markii ay isku gadaameen ciidamada huwanta ee dowalada iyo kuwa Ethiopiyanka .

Gawaarida gaashaaman iyo taangiyo ayaa lagu arkaayey goobahaasi iyadoo ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopya ay xafadahaas ka bilaabeen baaritaano ku aadan hub uruurrin islamarkaana ay xoog ku gelayaan gurayaha xaafadahaas oo ay ku tuhumayaan inay ku jiraan kooxihii xalay weerarada la beegsaday .

Xaafadahaas ayaa guud aysan jirin wax gelaya iyo wax kazoo baxaya iyadoo uu ganacsiga iyo isu socodkuba uu ka xiran yahay.

Ilaa hada ma jiraan masuuliyiin dowlada ah oo ka hadlay howl galada ay xaafadahaas ka dhex samaynayaan waxay kala kulmeen ciidamada isku dhafka ah ee Ethiopiya iyo kuwa dowlada soomaaliya .

Baaritaanadan ayaa ka dambeeyey isku dhacyo habeenkii xalay ahaa ka dhacay degaanadaas kuwaasoo lala beegsaday weeraro aan la filayn.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com


Waraaqo lagu daadshay Magaalada Muqdisho..

Waxaa isku soo dubaridey
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Axadii (14/1/2007) ayaa Magaalada Muqdisho wadooyinkooda waxaa lagu daadshay Waraaqo loogu hanjabayo Ciidamada Itoobiya ee soo galay Soomaaliya iyo kuwa u adeegaya, waxaana daadshay urur la magacbaxay Mujaahidiin Wal-Qitaal.

Waxyaabihii ku qornaa waraaqahaasi waxaa ka mid ahaa in ururkaan uu dagaal la gali doono Ciidamada Itoobiya iyo wax uu ku tilmaamay kuwa dabadhilifka u ah, waxayna shacabka Soomaaliyeed uga digeen in aysan ku dhawaan goobaha ay joogaan.

C/llaahi Cali Cumar oo ah Guddoomiye ku xigeenkii Midowga Maxaakiimta oo u waramayey Webka Islaam ayaa waxa uu sheegay in golaha Maxakiimtu ay sii wadi doonaan Dagaalka ay kula jiraan ciidamada Itoolbiya oo uu sheegay in ay dalka qabsadeen.

Web-ku ma sheeg in halka uu ku sugan yahay guddoomiye, waxana uu intaa sii raaciyey in Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah waqti ay ahaataba ay dib u soo laaban Doonaan, waxa uuna Shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyey meel kasta oo ay joogaan in ay dalkooda ka saaraan Ciidamada ku soo duulay.

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlaya Arrimaha soomaaliya..

Waxaa maalmahan isa soo tarayey wararka sheegaya in Mareykanka iyo Midowga Yurub ay si ad ah isugu khilaafeen xaladda Soomaaliya, kaddib markii uu Mareykanku duqeeyey deegaano ka tirsan Soomaaliya, isla markaana Ciidamada Itoobiya ay galeen Soomaaliya.

Si loo dhameeyo xurguftaan ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay kulan isugu yimaadaan Midowga Yurub iyo Mareykanka, waxaana lagu waramay in Midowga Yurub uu wato qorshe ah in Mareykanku uu joojiyo duqeynta uu ku hayo Soomaaliya iyo Ciidamada Itoobiya ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya, si loogu bedelo ciidamo ka socda Midowga Afrika.

Dowladda Talyaaniga oo iyadu aad uga carootay, isla maraana cambaareysay faragelinta uu Mareykanku ku hayo arrimaha Soomaaliya ayaa haddana dhiniciisa waxa uu ka wadaa dadaal ah in Soomaliya laga joojiyo faragelinta, isla markaana Ciidamada Itoobiya ay gudaha dalka Soomaaliya uga baxaan oo uu Talyaanigu u arko mid xadgudub ku ah xeerarka Caalamiga ah, gaar ahan midka Qaramada Midoobey, iyadoo Midowga Yurub ay kaalmo balaaran horey ugu ballanqaaday Dowladda Federaalka balse haatan dib u dhigtay.

Ururka Midowga Afrika oo dadaal ugu jira sidii ciidamo lookeeni lahaa..

Ururka Midowga Afrika ayaa dadaal ugu jira sidii ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika loogu diri lahaa Dalka Soomaaliya si xaaladda Soomaaliya ay u degto dalkana looga saaro ciidamada Itoobiya.

Wafdi ka socda Midowga Afrika ayaa haatan ku sugan Magaalada Muqdisho kaas oo kulamo la leh Dowladda Ku meel gaarka ah iyagoo ka wada hadlaya sidii  Soomaaliya loogu soo diri lahaa ciidamo deg deg ah, Dowladda Federaalka ayaa iyana soo dhaweeysay ciidamdaaasi kuna tilmaantay kuwo wax qabanaya xaalada Soomaaliya ee Murugsan.

Ururka Midowga Afrika waxa uu fariimo u kala diray wadamo ku yaala qaaraadda Afrika oo ay ka mid yihiin Koonfur Afrika oo ay ka mid yihiin Malawi, Uganda, Tanzania, Niageria iyo Aljeria. Ilaa iyo hadda wadamada ka soo jawaabay codsiyadaasi waxaa ka mid ah Dowladda Uganda, balse waxaa hor taagan Baarlamaanka wadankaasi oo looga sugayo ogolaansho ku aadan in ciidamadaasi ay tagaan Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa intiisa badan doonaya in dalka la keeno ciidamo ka socda Midowga Afrika kuwaas oo bedela kkuwa Itoobiya  

  Somaliland oo ka walwalsan xaaladda deg deg ah ee lagu soo rogey...

Baarlamaanka Soomaaliya markii isku raacay in Soomaaliya lagu soo rogo xaalad deg deg ah, isla markaana Awoodii gacanta loo geliyey Madaxweyne C/llaahi ayaa haddana waxaa arrintaani welwel ka muujiyey maamulka la magacbaxay Somaliland oo isagu u arka mid halis ku ah Somaliland.

Somaliland oo xoogaa horey isugu dhacay C/llaahi Yuusuf ayaa dhawaan waxa uu sheegay in uu dib u soo celin doono midnimadii ummadda Soomaaliyeed, hase yeeshee dhamaan xisbiyada ka jira maamulkaasi ayaa waxa ay ku baaqeen banaanbaxyo socon doona mudo saddex maalmood ah oo lagu taageerayo gooni isku taaga Somaliland.

Qaar ka mid ah Madaxda Somaliland ayaa iyagu horey uga soo horjeestay duulaankii ay Ciidamada xabashiduku qaadeen Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay mid uga sii dareysa xaaladda Dalka Soomaaliya, sidoo kale waxay cambaareeyeen weeraraddii Mareykanku ku qaaday qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: Jan 15, 2007

Shan Ka Tirsan Ciidamada Itoobiya oo Kufsaday Qof Dumar ah oo Soomaaliyeed
Kufsigaas oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya, warkaas iyo Itoobiya oo Cadayn u weydey in ay dagaalkii Soomaaliya ku Qabatay dad haysta baasaboorka.. akhri halkan... Jan 14

Jan 14, 07: Wararkii oo GooGoos ah ka akhri halkan....

Jan 13, 07: Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji

  • Kismaayo: Baaq ku aadan DFKMG oo ay soo sareen Urrurka  Akhri.. 13/1
  • BuuloXuubey, Xamar: Ciidamada Itoobiya & DF ayaa baaritaan... Akhri 13/1
  • Muqdisho: Hotelka Lafweyn oo lala beegsaday bam geystay... Akhri 13/1
  • Qardho: Suuqyada Xoolaha ayaa gabi ahaan wax shaqo ah ka socon Akhri.. 13/1

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH