SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Senator Coleman  iyo safiirka Yemen ee Washington DC oo ka wadahadlay xaaladaha qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen iyo qaracanka gacanka cadmeed. 


Sen. Coleman | Amb. Abdulwahab

Asagoo ka jawaabaya codsiga uga yimid bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota Senator Coleman waxaa uu wada hadal  la yeeshay safiirka dawladda Yemen u fadhiya Washington DC Mudane Abdulwahab Al Hijri  galabnimadii talaadada ee October 30, 2007. 

Senator Coleman ayaa u gudbiyey walaaca ay Soomaalida Minnesota ka qabaan xaaladda adag ee ay qaxootiga ku nool Yemen ku sugan yihiin iyo qaxootiga doomaha ay kula degaan gacanka cadmeed.  Qaxootiga ku nool Yemen ayaa lagu qiyaasaa 100,000 oo qof sidoo kalena ay badda ku dhintaan kuwo badan. 

Senator Coleman ayaa safiirka uga mahad celiyey gacmo furnaanta dawladda Yemen iyo ogolaanshaha loo ogolaaday in qaxootiga Soomaalida Yemen joogaan. (Yemen waa dalka keliya ee gacanka carbeed ee wax ka saxiixay heshiiska caalamiga ee magan gelinta qaxootiga)  Senator Coleman waxaa kale oo uu safiirka uga mahad celiyey sida uu diyaar ugu yahay inuu arrinkan kala shaqeeyo.  Safiir Yemen iyo Senator Coleman waxaa ay isku afgarteen inay si wada jir ah ugu wada shaqeeyaan arrintan intii karaankooda ah 

Shaafi Xaashi Abdi oo ah gudoomiyaha idman ee Somali Action Alliance ayaa yiri “Xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen iyo dadka doomaha ay ku la degaan gacanka cadmeed waa arrin ku jirta marwalba maskaxdeena waxaan ilaahay ka baryeynaa in Soomaalida faraj ilaahay u furo” 

Cali Xaraare oo ka tirsan weriyeyaasha raadiyo Voice of America ee Washington DC oo asaga naftigiisa ku noolaan jirey Yemen ayaa yiri”  Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen waxaa ay ku sugan yihiin xaalad adag wax ka hadlaana ma jiro.  Waa qaxooti adduunku iloobay mana la siiyo wax daryeel fiican ah ama dib u dejin.  Waxaana ugu daran kuwa badda ku le’da had iyo jeer”

Isha warka: Xafiiska Sen. Coleman | Minnesota

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2007

Tahriibayaasha ka dhoofa Xeebaha Soomaaliya... AKHRI

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com