SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UN

"Dadka Fal-dembiyeedyada Dagaalka ka Geystey Soomaaliya waa in la soo taago Maxkamadda Caalamiga ah"

Sidaas waxaa yiri Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabislan Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah...

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa markii ugu horeeyey si rasmi ah shaaca uga qaaday sida uu u doonayo in maxkamad caalami ah la soo taago dadka fal-dembiyeedka dagaalka ka geystey Soomaaliya laga soo bilaabo 1991.

Ergeyga oo arrintaas ka hadlaay waxa uu yiri: Dadka lagu tuhmayo in ay Soomaaliya ka geysteen fal dembiyeed dagaal (war crimes) waa in la soo taago maxkamada caalamiga ah (International Criminal Court) ee la saaro dadka gala fal-dembiyeedyada dagaalka si loo soo afjaro sharci darrada ka jirta Soomaaliya.

"Dadka (Soomaaliya ka) geysanaya fal-dembiyeedyada dagaalka iyo tacadiyada weli lama soo taagin maxkamada caalami ah" ayuu yiri Ahmedou Ould-Abdallah oo ah ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

"Waxaan u malaynayaa in la soo gaarey waqtigii sharciga caalamiga ah lagu caawin lahaa Soomaalida," ayuu u sheegay shir jaraa'id oo uu Talaadadii ku qabtay magaalada Nairobi. Waxana uu sidaas ku noqday ergeygii ugu sareeyey ee Qaramada midoobey ah ee jagadaas oo kale ka haya oo ku baaqa in maxkamad la soo taago dadka Soomaaliya ku geytey fal debiyeedyada dagaalka.

Ould-Abdallah waxa uu sheegay in ay tahay in fal dembiyeedkayada dagaalka laga soo bilaabo 1991 markii dalka Soomaaliya laga saaray Maxamed Siyaad Barre, oo ay bilaabatay herdankii awoodda.

"Waxaan aaminsanahay caddaalada, si looga dheeraado in aan la ciqaabin (kuwa fal dembiyeedka dagaalka geystey", ayuu yiri ergeyga Qaramada midoobey kaddib markii uu saddex maalmood wadahadal la yeeshay madaxweynaha (DFKMG) C/laahi Yuusuf Axmed, sida ay qortay ha'adda wararka u faafisa dalka Faransiiska ee loo yaqaan AFP.

"Soomaalidu waxay u qalmaan caddaalad," ayuu yiri "sidaas daraadeed waxaa dhici karta in ay taasi hadda tahay, xilligan la joogo baaritaan ma socdo laakiin maalin uun ayaa waxaa dhici karta in la sameeyo baaritaan sida loo sameeyey meelo kale oo tacadiyo ka dheceen." ayuu yiri.

"Maxay Soomaalidu dhexdeeda u noqon waayeen sida dalalka Guinea-Bissau, Liberia, Sierra Leone (oo ah dalal ka soo kabtay tacadiyada/rabshadaha). Aaway Soomaalidii wadaniyiinta ahaa, maxay u weydiin waayeen maxaa sababay in aan nabad gaari weyno sida Angola, Mozambique?" ayuu yiri Ould-Abdallah.

Bishii April (2007) ayey ahayd markii ergeyga Midowga Yurub uu weydiistey Brussels in baaritaan lagu sameeyo in ay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalidu ay geysteen fal dembiyeedyo dagaal markii ay dhowaanta la dagaalamayeen Islaamiyiinta iyo muqaawamada beesha ee Muqdisho, (waa sida AFP warka u dhigtay'e).

Ergeyga Midowga Yurub ee kenya, Eric van der Linden, waxa uu xarunta ururkiisa Midowga Yurub ee Brussels ugu baaqay in ay eegaan in "xoogga aan loo meel deyin ee loo adeegsadey meelaha sidaa weyn loo degen yahay in ay tahay fal dembiyeed dagaal."

AFP waxa ay sheegaty in hadalkaas dambe uu ergeyga Yurub ula dan lahaa weererkii ba'naa ee Ciidamada Itoobiya ay geysteen bishii April si ay muqdisho ugala wareegaan maleysiyada Islaamiyiinta dagaalkaas oo dhiig badani ku daatay waxa uu galaaftay boqolaal nafood, waxana uu barakiciyey boqolaal kun.

Maxkamadda caalamiga ah ee xarunteedu tahay Hague waxay Talaadadii ku dhawaaqday in bisha May (2008) maxkamad la soo saarayo laba qabqable dagaal oo ka tirsanaa dalka Congo (Democratic Republic of Congo) oo hadda xiran, waxa kale oo dacwad lagu soo oogey shan hoggaamiya jabhadeed oo reer Ugandha.


Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP

Sidoo kale waxaa maxkamad caalami ah (International Criminal Court) u bilaabatay madaxweynihii hore ee dalka Liberiya, Charles Taylor.

Charles Taylor waxa uu Liberia madaxweyne ka ahaa intii u dhexeysey 1997 ilaa 2003. Kaddib, waxa uu magan gelyo u galay Nigeria. Laakiin markii uu ka war helay in lagu raad joogo si loo soo taago maxmada caalami ah ayuu dhuumaalaysi galay.

March 29, 2006 ayaa Taylor laga soo qabtay xadka u dhexeeye Nigeria iyo Cameroon. Waxaana loo gacan geliyey Qaramada Midoobey oo ku sugan Sierra Leone. June 4, 2007 ayaa maxkamad caalami ah u bilaabatay.

Arrinta uu sheegay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee ah in maxkamad caalami ah la soo taago dadka lagu tuhmayo in ay geysteen fal-dembiyeed dagaal, haddii ay qabsonto oo Qaramada Midoobey ay hadalkaas ka dhabayso, waxay horseedi lahayd in qabqable badan oo dagaal uu dhuumaalaysi galo ilaa loo qabqabto sidii Charles Taylor iyagoo ku dhuumanaya xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ama Kenya, waayo dawlad kasta oo ay u galaan waa in ay u dhiibto UN-ka sida Nigeria u gashay Charles Taylor..

Waxaase loo joogaa in Qaramada Midoobey ay u siman yihiin Soomaalida iyo Congo, Uganda, & Liberiya.....

Ciidamada Itoobiya oo Muqdisho ku Xasuuqay ugu yaraan 40 qof oo shacab ah

Qaramada Midoobey: Ciidamo UN ah loo diri maayo Soomaaliya

Dhanka kale xog-haya guud ee Qaramada Midoobey Ban K-moon ayaa beeniyey warar sheegayey in ay jiraan qorshe Soomaaliya loogu dirayo ciidamado ka socda Qaramada midoobey, isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu sheegay in aysan macquul ahayn, waxna soo kordhinayn, in Soomaaliya loo diro ciidamo ka socda Qaramada midoobey.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 15, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com