SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

Gen. Cadde Muuse oo Ciidamada Puntland u Magacaabay Hoggaan Cusub

Gen. Cadde Muuse M.waynaha DG Puntland , ayaa wuxuu Ciidanka Puntland u magacaabay hogaan cusub oo uu yeelanayo, islamarkaasna wuxuu isku shaandheeyay saraakiishii hore.

Magacaabida hoggaanka Ciidamadan , ayaa lagu sheegay tayaynta iyo waxkabadalka hogaanka Ciidanka Puntland ee wakhtigan.

Qoraalka Madaxweynaha DGPL:

1- Waxaa G/sare C/risaaq Sheekh Cismaan (Cali Baadiye) loo magaacabay Taliyaha ciidanka Daraawiishta DGPL.

2- Waxaa Si KMG ah loogu magacaabay G/sare Maxamed X. Cabdi Maxamuud (Deyr) taliye kuxigeenka ciidanka Daraawiishta ahna Taliyaha qeybta Daraawiishta Puntland ee gobalka Cayn.

3- Waxaa si KMG ah loogu magacaabay G/sare Siciid Axmed Maxamed (Shoodhe) Taliye kuxigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland.

4- Waxaa G/sare Siciid Maxamed Salaad (Gorayo Cawl) loo magacaabay Abaanduulaha ciidanka Daraawiishta Puntland.

5- Waxaa G/dhexe C/laahi Cumar Canshuur loo magacaabay Taliyaha ciidanka Daraawiishta ee gobalka Sanaag ee Puntland.

6- Waxaa G/sare Xiif Cali Taar loo magacaabay Taliyaha Kulmiska Darwiish ee dowlada Puntland.

7- G/sare Cabaas Salaad Dacar loo magacaabay Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee gobalka Nugaal.

8- Waxaa G/sare Faarax Nadiif loo magacaabay Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee gobalka Sool.

9- Waxaa G/sare Maxamuud Muuse Ilka dheere loo magacaabay Taliyaha ciidanka Daraawiishta ee gobalka Mudug.

10- Waxaa G/sare Cabdi Xasan Xanaf loo magaacabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta qeybta gobalka Sool.

11- Waxaa G/sare Cali Cumar Axmed (KK) loo magacaabay Abaanduulaha Qeybta gobalka Sanaag ee Daraawiishta Puntland

12- Waxaa G/sare C/salaam Xasan Xirsi (Gu'jir) loo magacaabay Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Puntland,wuxuu sidoo kale si gaar ah Masuul ugu yahay C/salaam arimaha nabadgalyada gobalada Mudug iyo Nugaal.

13- Waxaa G/sare Sayid Jaamac C/le taliye kuxigeenka 1aad ee ciidanka Booliska Puntland ,wuxuuna si gaar ah ugu xilsaaran yahay la socoshada arimaha nabadgalyada ee gobalada Sool iyo Cayn.


bashiir cumar cali/puntland
bashiir137@hotmail.com
bashiir133@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com