SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

Qore: abdikani dahir
kulmiye66@hotmail.com

Asalaamu Calaykum Waraxmaatulaahi Wabarakaatu

waxaan salaamayaa dhamaan shaqaalaha somalitalk iyo dadka ku xiran website kan, salaan kadib 

QAMAR IYO FIGRADA KHALDAN AY KA HAYSATO URURKA ISLAAX.

waxan filayaa qofkii akhriyo maqaalka qamar in uu ku wareerayo, maxaa yeelay qamar waxay isku lifaaqday ama isku khaldaysaa aragtideeda shakhsiga ah iyo urur ay ku sheegtay somali sharwade group iyo ururka islaamiga ah ee al islaax.

waxanse rabaa inaan wax yar u dulmaro ururka al-islaax iyo horumarka uu gaarsiiyay shacabka soomaaliyeed iyo waxyaabihii uu dalka ka qabtay intii dowlad la'aanta uu dalka ahaa.

1. ururka al islaax waa ururka ugu madaaris/school badan dadka soomaliya ubad badan oo somali ahna ka badbaadiyay jacliga iyo dhibaatda dalka ka jirta, waxaana lagu qiyaasaa in inka badan boqol kun oo arday ay dhigtaan dugsiyada ururka al islaax uu maamulo.

2. waxay wax ka qabteen caafimaadka iyo nadaafda wadanka.

3. waxay xafisyo dib u heshiisiin ah ka fureen dalka oo dhan, waxayna marwalbo u taagan yihin nabadeenta iyo horumarka bulshada.

4. waxay si toosa arimaha horumarka dalka ugala hadlaan dowladaha dariska iyo caalamul islaami. 

marka waxaa nasiib daro ah in dadka qaarkii ay u maleeyaan xalka soomalia in uu ku jiro in qori laqaato oo cidaan qori qaadan lagu sheego inay gaalo raac tahay, waxaase shacabka somalida ay tahay inuu is waydiiyo makan caruurtooda waxbarayo baa dhib u gaystay mise kan qoriga wato oo aan cidna u aabyo yeelaynin, waxan filayaa shacabka somalida in aysan manta dan ugu jirin in dhiig badan iyo dhib horleh loo horseedo sida hadaba socota.

waxana filayaa in qamar ay tahay qof ururka Al-itixad aad ugu dhagan oo badanaa qofkii ka figro duwan diinta kasaaro, madonayo hada nimanka shabba layirahdo in aaan arimahooda ka hadlo oo hadii ay maslaxad umada u hayaan waxaa sheegi doona umada somaliyeed.

laakiinse ururka islax waxuu aamin sanyahay in danta umada aysan ku jirin qar iska tuurnimo iyo fidno hurin, waxan la socona ururka al-islax isagoo boqolkun oo qof dadka badan ay xabsiyada masar uga buuxaan in uusan iclaamin in dagaal la qaado, maxaa yeelay jihaadka shuruudo iyo sababao ayuu leeyahay, qofkii doono iskama iclaamiyo, marka ururka alislaax danta umada waa kan u taagan waana ururka kaliya ee dhibaatadii dalka ka dhacday aan wax raad ah ku laheen ilaa safxado cadcad oo wax qabad muuqdo ay ku lifaaqan yihiin mooyaanee.

sidaa daraadeed ururka al-islax cidna cadaawad uma hayo cidna si gooni ah uma jeclo, mabada'iisana maahan in uu cadaawad ku beero umada dhaxdooda, laakiinse ururka waxuu diyaar u yahay marwalbana ku socdaa sidii uu dadka u bari lahaa diintooda una gaarsiin laha heer ay qabyaalada iyo dhibaatooyinka uga baxaan, waxan filayaa umada somaliyeed inay yaqaanaan dadka marba shaar gashada ha noqdo mid qabil ama mid diineed.

mabada'a islaaxna waa cadyahay waana in umada waxlabaro dadka deriska ahna nabad kuwada noolaadaan, manhajka islamkana aduuna oo dhan lagaarsiiyo iyada oo la adeegsanyo xigmad iyo maskax saafi ah.

siyaada faafinta diintana laguma dhiso dagdag iyo khiyaali, rasulka isaga oo maka joogo ayaan loo ogolaan in uu jihaad galo oo diinta fidinteeda la amray isagoo welib nabi ah taagerda ilaahay oo buuxdana haystay, marka dinta xigmad bay u baahan tahay ee dagdaga mar hore ayaa wax lagu dhalin lahaa.

marka qamaray kolay adiga dagaal gali maysidee wax aadan diyaarna u aheen dadka haku guubaabin baan ku oran lahaa.

hadalada aan loo meel dayina waxaa fiican in aad dadka muslimiinta ah ka ilaaliso, adigana kuuma habooni inaad sheegto wax aan jirin ama aad meelaha ka maqashay, ururkana ka warayso dadka somalia joogo ama ka yimid, markaasaad ogaanaysaa mustaqbalka soomaalida iin uu yahay manhajka ururka islaax.

sc wr wb

abdikani dahir
kulmiye66@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

:::SOMALI SHARWADE GROUP!!!!! | Qamar

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2007

Soomaaliya sidii Lagu Xoreyn Lahaa
Somalia

Warbixin dhamaystiran oo ku saabsan kulankii Sabtidii lagu qabtay Minneapolis ee looga hadlay sidii Soomaaliya looga xorayn lahaa Itoobiya, warsaxaafadeedkii Ururka Midowga Qurmab Joogga, qoraal loo dirayo senatorada/congress-ka USA, hadalladii C/risaaq Xaaji Xuseen, Sakariye Xaaji, Prof. Mahadallah, prof. Ibbi, Drs. Fawsiya... Akhri... Nov 26

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com