SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

Xisbiga Ramaas oo Beeniyey in Afhayeenkii Xisbigaas ee London uu Wakiil u Noqday DGPL....

  • Waxaana xisbiga Ramaas uu DGPL uga Digey in ay iska magacawdaan Afhayeenka xisbiga ee dalka UK, C/naasir Guure "Jeer".....

Qoraal ka soo baxay Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas, Daahir Ciiro, ayaa u qornaa sidan:

Salaan iyo jawaab celin ka dib:

Daahir Ciiro
Daahir C/qaadir Muuse
(Ciiro)

Markii aan tixraacay qoraalkiina arkayna qoraalada badan ee ka soo burqamaya webkiina is la markaana aan milicsaday xisbiga Ramaas iyo aragtidiisa ku aadan DGPL iyo waliba tan siyaasadeed ee Xisbiga Ramaas iyo sidoo kale arinka ku saabsan Afhayeenka Xisbiga Ramaas.

Walaalayaal horta anagu ma ogin meel Afhayeenka Xisbiga Ramaas C/naasir Guure Faarax Jeer uu isku casilay, ilaa hadana nama soo gaarin qoraal muujinaya Iscasilaadiisa, sidoo kale anaguna ma aanu casilin, xilkii aan u dhiibanayna wali sidii buu noogu hayaa nooguna yahay afhayeenka Xisbiga Ramaas ee Midawga Yurub, sidoo kale ma ogi meel ay DGPL ugu magacaswaday C/naasir Guure in uu ahaado afhayeenka DGPL ee London.

Haddii ay arintaasi jirto oo ay Puntland tillaabadaan lagu magacaabay C/naasir Guure oo ah afhayeenka Xisbiga Ramaas ee London ay DGPL sidoo kale u magacawdo afhayeenka Punland ee London waa arin loogu tala galay in la curyaamiyo Xisbiga Ramaas oo markaan ka wada Gudaha Puntland dar dar culus oo wax ku ool ah is la markaana isu taagay in uu u ololeeyo Dimuquraadiyada si loo helo Axsaab siyaasadeed oo xukunka ku tartanta taasi oo DGPL gudaheeda ka dhigtay waji cusub oo siyaasadeed meelo badana looga doodo is la markaana dawlada Puntland ku kaliftay in ay hada dar dar galiso qaadashada iyo dhamaystirka sharciga axsaabta oo xiliyada soo socda la shaacin doono Baarlaamnkuna u fadhiyo dhamaystikiisa arinkaasi.

Xisbiga Ramaas waxa uu digniin Culus u dirayaa DGPL taasi oo ah in ay faraha kala baxdo wakiiladeeda u fadhiya dunida dacaladeeda oo ay samaysato wakiilo kale hadii ay u baahato wakiil is la markaana ay iska dayso Curyaaminta ay ku wado Xisbiga Ramaas is la markaana ay tixgaliso arimaha ku saabsan Axsaabta Siyaasadeed si loo helo doorasho xor ah oo Dimuquraadiyadeed.

Xisbiga Ramaas Political Party (RPP) Marna u ogolaanmaayo wax isaga lagu majaxaabinayo iyo in wakiiladiisa si tuuganimo ah loogu magacwado, waxaan arintaan hadii qofku is casilo is la markaana is casilaadiisa la aqbalo waa u xor meel kasta oo uu aadayo ama jaga kasta oo uu qabanayo balse hadii aan qofka la casilin isla markaana aan qofku is casilin in la iska magacawdo waa khalad sidii dhadhama raacii.

Waxaan Marlabaad dadwaynaha Xusuusinaynaa In Xisbiga Ramaas uu wali ku dhagan yahay Hadafkiisii ahaa Doorasho xor ah oo ka dhacda Dhamaan Deegaanada DGPL is la markaana ay kawada qayb qaataan Axsaab Siyaasadeed oo Badan kuwaasi oo Dastuurka DGPL uu sidaasi u ogolaanayo.

Ramaas Political Party (RPP)
Fadhigooda Garoowe
Gudoomiyaha Xisbiga Daahir Ciiro
Email: daahirciiro@hotmail.com

jeerGen. Cadde Muuse Saxiixiisa ma Lagu Been Abuuranayaa?....: C/Naasir Guure "jeer" oo cadayn waayey xilligii uu Cadde Muuse u magacaabay afhayeenka Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com