SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

nur addeCol. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee DFKMG.

Ra’iisul Wasaaraha cusub Soomaaliya oo (Nov 22, 2007) loo magacaabey Nuur Cade, iyadoo dad u ciil qabay ay jiraan xilkaan cusub.

.....Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa khudbadiisii ugu horeysay ku balan qaadey inuu soo dhisi doono Xukuumad cusub oo wax ka qaban doonta marxalada adag ee dalku uu ku sugan yahay, kana saarta shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku soo jireen mudada dheer... khudbadii oo cod ah hoos ayaad ka heli doontaa...

.....waxaa jira hadalo hoose oo ay dadka qaarkood isla dhexmarayaan, hadaladaan dadka ay isla dhexmarayaan ayaa waxaa ka mid ah Dowlada Ethobia iyo Max’ed Cumar Xabeeb {Max’ed Dheere} oo ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Fursadii labaad helay...

..... hase ahaatee wax kasta oo la soo maro qabashada xilkaan cusub ayaa wuxuu u muuqdaa mid ay dadku ku kala aragti duwan yihiin, marka laga hadlo shekh-si ahaanta Mas’uulkaan cusub dadka qaar waxay marinayaan Amaan weyn, waxayna leeyihiin wuxuu ku ad adag yahay sharciga, laakiin taasi waxay u keeni doontaa in.....

.....Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka CHINA Amp. Max’ed Axmed Cawil ayaa ka hadlay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo Arimo kale.....

....Magacyada 7-dii ra'iisul wasaare iyo ku sime ee soo maray Soomaaliya laga soo bilaabo 2000....

Nuur Cadde
Ra'iisul Wasaaraha cusub ee DFKMG Col. Nuur Cadde.

....Taarikh Nololeed kooban ee Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)...

  • Codka, sawirada iyo qoraalk waxaa isku soo dubaridey
    Maxamed Macallin Cismaan{All-man} SomaliTalk Baydhabo.

    fatxumaalik@hotmail.com

Nov 22, 2007: Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in Ra’iisul Wasaaraha cusub ee DFKMG Soomaaliya uu nasiib u helay Col. Nuur Xasan Xuseen {Nuur Cade},iyadoo dadka qaarkiisa ay ciil u qabaan in loo magacaabo xilkaan cusub, halka dad kalena ay ka naxsan yihiin in ay waayaan xubin nimadii Wasiirka, islamarkaana madaxweynuhu Ra’iisul Wasaaraha kula dardaarmey inuu soo dhiso dowlad adag.

“Waxaan xilka Ra’isul Wasaarenimada ee Soomaaliya u magacaabay Nuur Cadde, waxaana u rajeynayaa Nuur Cadde inuu xilkaasi ka soo dhalaali doono, waqtigaan adagna uu ka samata bixin doono dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana looga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumad adag oo ilaalisa shuruucda dalka iyo maskaxada Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweynaaha DFKMG Yuusuf oo munaasabadii maanta ka akhriyey wareegtadii uu xilka Ra’isul Wasarenimada cusub ee DFKM Soomaaliya u magacaabayey, wuxuuna ka codsadey in dadweynaha Soomaaliyeed iyo hey’adaha dowladda in ay la shaqeeyaan Ra’isul Wasaaraha cusub”.

Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) ayaa khudbadiisii ugu horeysay ku balan qaadey inuu soo dhisi doono Xukuumad cusub oo wax ka qaban doonta marxalada adag ee dalku uu ku sugan yahay, kana saarta shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku soo jireen mudada dheer, wuxuuna Nuur Cade u mahd caliyey Madaxweynaha, islamarkaasina xusay inuu xilkaasi uu u magacaabay, inta uu hayo waajibaadkiisa shaqo uu u gudan doono si daacadnimo ah oo waafaqsan Axdiga ku meel gaarka ah iyo shuruucda dalka u taala, wuxuuna sheegey Ra’isul Wasaaraha in xilkaasi uusan aheyn mid fudud bacdamaa dalku uu ku sugan yahay marxalad aad u adag” .

Munaasabada magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe, ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Prof. Saalim Caliyow Ibrow iyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Prof. Max’ed Cumar Dhalxa iyo qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka iyo dibada.

nur cade
Labad Col. oo wada taagan - Nov 22, 2007, Baydhabo

Magaalada Baydhabo ayaa waxay ahayd saaka mid ka duwan sidii maalmihii hore, dadka ku nool Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka muuqdey mid ay ku dareemayeen in magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub uusan ku ahayn mid cusub balse ay sugayeen oo kali ah, in la maqashiiyo magaciisa oo kali ah.

caliyow
ku simahii Ra'iisul Wasaaraha Prof. Saalim: Oct29 -Nov 22, 2007 [ku-sime]

nuur adde
Mas'uuliyiinta sar sare ee DFKMG iyo ku simaha Ra'iisul Wasaaraha.

Laakiin magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu magacaabey Madaxweynaha marka laga reebo ayaa waxaa jira hadalo hoose oo ay dadka qaarkood isla dhexmarayaan, hadaladaan dadka ay isla dhexmarayaan ayaa waxaa ka mid ah Dowlada Ethobia iyo Max’ed Cumar Xabeeb {Max’ed Dheere} oo ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Fursadii labaad helay, sababtoo ah Dowlada Ethobia ayaa waxay xiriir hoose la soo sameysay Max’ed Dheere, islamarkaana ka dhaadhicisay in ninkani ay la shirtagaan, taasoo la sheegay markii uu la kulmaayey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu in u sheegey Beelaha Mudulood in Beesha Caalamka ay wataan Nuur Cadde, hase ahaatee wax kasta oo la soo maro qabashada xilkaan cusub ayaa wuxuu u muuqdaa mid ay dadku ku kala aragti duwan yihiin, marka laga hadlo shekh-si ahaanta Mas’uulkaan cusub dadka qaar waxay marinayaan Amaan weyn, waxayna leeyihiin wuxuu ku ad adag yahay sharciga, laakiin taasi waxay u keeni doontaa in labada Mas’uul uu mid meesha kabaxo ayey carabka ku adkeynayaan, halka Koox kale ay iyaguna qabaan in Mas’uulkaan cusub uu yahay mid la mid ah midkii hore maadaama labaduba ay yihiin Koox si weyn ay u taageerayso Dowlada Ethobia.

nur cadde
Ra'iisul Wasaaraha cusub ee DFKMG Col. Nuur Cadde.

Dhinaca kale warar hoose oo is burinaaya oo aan helnay waxay sheegayaan in magacaabista Mas’uulkaan cusub ay keeni doonto in madaxweynaha dib loogu celiyo magacaabista mas’uulkaan cusub, islamarkaana ay jiraan xubno ku hawlan arinkaan, halka xubno kale ay sheegayaan in mas’uulkaan sidii loola shaqeyn lahaa ay diyaarinayaan dad ka mid ah xubnaha Baarlamaanka.

Xuubsireed “ciidamada imaandoona tiradooda hada lama sheegayo…”

Af-hayeenka Madaxweynaha DFKMG Xuubsireed mar aan kula kulmey Xarunta Madaxtooyada, islamarkaana aan wax ka weydiiyey Ciidamada uu sheegay in dalka Soomaaliya ay ku soo fool leeyihiin iyo goorta ay imaandoonaan ciidamadaas, waxa ay kaga bedelan yihiin kuwii hore u joogay dalka, ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaaya wuxuu yiri

“Madaxweynuhu uu mahadceliyey Dowladaha Burundi iyo Nayjeria oo diyaariyey ciidamadii ay u soo diri lahaayeen Soomaaliya….” Hadalkii oo dhameytiran halkaan ka dhegeyso ama Halkan Dhegeyso (MP3).

Amp. Max’ed Axmed Cawil “ dal wuxuu ku dhismaa gudaha iyo dibada, dibada iyo gudaha waxaa naga haystey curyaamin …” wareysi gaaban.



Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka CHINA Amp. Max’ed Axmed Cawil ayaa ka hadlay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo Arimo kale, wareysiga Safiirka oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso. ama halkan Dhegeyso (MP3).


Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha, Wasiiradda Haweenka iyo laba Gabdhood oo hoolka gaarka Madaxweynaha wada taagan
nuur cadde
labad Col. oo isu gacan qaadaya, Nov 22, 2007

Maxamed Macallin Cismaan{All-man}Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2007

CNN oo Warbixin Naxdin leh ka diyaarisay Soomaaliya, Ciidamada Itobiyana ku tilmaamay "Ciidamo Kirishtaan ah oo ku jira Dhul Muslim".

Halkan ka dhegeyso barnaamijkii CNN ka diyaariyey Soomaaliya


Taarikhda Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) 

Taariikh kooban ee ra'iisul wasaarah acusub hoos ka akhri...


Intii ka dambeysey shirkii Carta (Jabuuti) ee 2000 waxaa Soomaaliya soo maray 7 ra'iisul wasaare iyo ku simayaal oo kala ah:

  1. Cali Khaliif Galeyr: October 8, 2000 ilaa October 28, 2001
  2. Cusman Jaamac Cali: October 28, 2002  ilaa November 12, 2002 [ku-sime]
  3. Hasan Abshir Faarax: November 12, 2001 ilaa December 8, 2003
  4. Muxamed Cabdi Yuusuf: December 8, 2003 ilaa November 3, 2004
  5. Cali Maxamed Geeddi: November 3, 2004 ilaa October 29, 2007
  6. Saalim Caliyow Ibrow: October 29, 2007 ilaa November 22, 2007 [ku-sime]
  7. Nuur Xasan Xuseen : November 22, 2007 - ilaa hadda

Taas oo Soomaaliya ka dhigeysa in celcelis ahaan ay sannad kasta yeelaneysey ra'iisul wasaare cusub, taas oo muujineysa siyaasadda aan deganeyn ee soo wajahdey Soomaalida.


Taarikh Nololeed kooban ee Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) 

nur adde
Nuur Cadde

Col Nur Hassan Hussein oo loo yaaqaan (Nuur Cadde) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938. Markii uu soo barbaarayna waxa uu ku biiray ciidankii Ilaalinta canshuuraha somaaliyeed (Guardia Di Finanza) sanadku markuu ahaa 1954, kadibna waxa uu ku soo wareegay Ciidanka Boliiska Somaaliyeed oo la aasaasay sanadkii 1965.

Col Nur waxabrashadiisa waxa uu ku qaatay wadanka gudahiisa iyo dibadiisa, gaar ahaan Kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Umadda, Machadaka Sare ee Boliiska Aduunka (USA Washington DC) iyo Machad Sare oo ku takhasusay sharciyada la xiriira baarista dembiyada, ilaalinta canshuuraha iyo shuruucda caalamiga ah.

Col Nur waxa uu leeyahay khibrad shaqo iyo maaamul muddo ka badan afartan sanadood. Waxaa uu madax ka soo noqday qeybaha ugu muhiimsan ee Taliska Ciidanka Boliiska Somaaliyeed muddadii u dhaxeysay (1965- 1990). Haatanna waa Xoghayaha iyo Hey’adda bisha Cas ee Soomaliyeed oo Xoghaye Guud ka ahaa 17kii sano ee ugu danbeysay. 

Howlihiisa Ku aadan Ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed 

Nuur CaddeCol Nur Cadde xiligan aynu joogno waa Xoghayaha guud ee ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed wuxuuna xilkan hayey 17dii sano ay dagalada sokeeye ka socdeen wadanka somaliya. Sanadkii 1976dii ayuu ka mid noqday xubin mutadawac ah ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed, kadibna waxaa loo doortay xubin gudiga fulinta ee ururka.  

Xiligii ay dagalada sokeeye aafeeyeen dhamaan bulshada Somaaliyeed waxaa uu kaalin weyn oo lama ilaawin ah ka qaatay badbadinta shacabka Somaaliyeed ee waxyeelada ka soo gaartay dagaalada sokeeye.  

  1. Col Nur waxa uu ku guuleystay inuu ka badabaadiyo Ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed, burbukii ku yimid heydahii dowliga iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka jiray wadanka gudahiisa dagaalada ka hor (1991). Ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed waa ururka keliya ee Somaliya ka jira oo weli sidiisii uga shaqeeya Guud ahaan Somaaliya.
  1. Hogaanka  wanaagsan ee Col Nur ee Ururka Bisha Cas, isagoo kaashanaayo hey’adda Caalamiga ah ee laanqeyrta cas ee aduunka  (ICRC) waxa ay ka fuliyeen somaaliya sanadkii 1992dii barnaamijkii Gargaarka Beni’aadmnimo ee lagu badbaadiyey shacabka Somaaliyeed kaas oo ahaa howlgalkii ugu balaarnaa ee Hey’adda ICRC ay ka fuliso aduunka oo idil  kadib dagaalweynihii labaad ee aduunka 1940-45. Barnaamijkan fulintiisa Heyadda Bisha Cas ee Somaaliyeed waxa ay ku muteysatay billad heer caalami ah oo ay guddooniisay Boqoradda Ingiriiska sanadkii 1993.
  1. Uruka Bisha cas waxa uu ka fuliyaa howlihiisa garagarka guud ahaan wadanka Somaaliya waxa una maamulaa cisibitaalo waaweyn sida Madina Hospital, Keysaney Hospital, Garowe iyo Baydhaba Hospital. Waxa kale oo ay maamulaan sagaal iyo afartan (49) xarumood ee caafimaadka hooyada iyo dhalaanka, iyo saddex xarumood oo lagu farsameeyo qalabka curyaaminta.  

Col Nur Cadde waa nin lagu yaqaan deggenaan, wadatashi, xog ururin iyo gaarid go’aan laga fiirsaday. Waana nin lagu yaqaan howlkarnimo, daacad iyo wadaninimo. 

Howlihiisii Ciidanka Boliiska Somaaliyeed 

Nur Cadde intii uu ka tirsanaa ciidanka boliiska Somaaliyeed waxa uu ka gaaray darajada Gaashaanle Sare, xilal kala duwana waxa uu ka soo qabtay qeybaha kala duwan ee Taliska Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Wuxuu taliye ku xigeen ka soo noqday xafiisyada qeybta Ciidanka, Xafiska qeybta Siyaasada iyo abaabulka iyo qeybta xiriirka caalamiga ah ee INTERPOL.

Saraakiisha iyo dhamaan ciidanka Boliiska Somaaliyeed waxa ay rumansan yihiin Col Nur inuu ka mid ahaa Tiirarka aqoonta iyo maamul wanaagga u sameeyey Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Sanadihii 1976 – 1983 waxaa uu ahaa Madaxa Xafiiska tababarada iyo qorsheynta ee Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Sida la wada ogayahayna tayada Ciidanka Boliiska Somaaliyeed waxay aheyd mid ku dhisan aqoon iyo maamul wanaagsan.

Sanadkii 1986 Col. Nur Cadde markii uu ka soo noqday wadanka talyaaniga halkaasi uu ugu maqnaa tababar muddo labo sano ah oo ku saabsan culuunta takhasuska   Baarista Canshuuraha iyo sharuucda caalamiga ah, ayaa waxa loo magacaabay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Badbaadada, si uu talo uga bixiyo denbiyada la xiriira canshuuraha iyo mamul xumada. Sanad ka dibna waxaa loo magacaabay Xeer Ilaliyaha Guud ee maxkamadda Badbaadada Dalka Somaaliyeed.

Taariikhda ra'iisul wasaaraha waxaa isku soo dubaridey
Qore: Maxamed Xasan
mnhassan28@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2007


yusufC/Laahi Yuusuf oo Xukuumadiisa ku Guubaabiyey sidii ay uga hor tegi lahaayeen Xawaaladaha iyo WFP... Akhris/cod..

Hay'adda Qaramada Midobey ee UNICEF oo carruurta Soomaaliyeed siisay Boorash Sumaysan
gaanixildhibaan Sharma'arke (Gaani) oo eedeymo adag dhakada kaga tuurey Hay’adaha Qaramada Midoobey ee Soomaliya ka hawlaga ayaa.... Akhri

gaaniXildhibaan Gaani oo UNICEF ku eedeeyey ay Musuqmaasuqeyso $7 million oo doolar.... waxana uu yiri: "Hogaamiye kooxeedyada ka harey Soomaaliya waa Hay'adaha Qaramada midoobey" Waraysi

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com