SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

C/LLAAHI BLACK OO AY XIREEN CIIDAMMADA DOWLADDA FKMG

Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa maanta ka kaxaystay xafiiskiisa Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha C/llaahi Maxamed Xasan (Black) iyadoo ciidammadu ay ugu galeen mas'uulkaan xaruntiisa shaqo.

Wariye ka tirsan wargeyska Ayaamaha oo xilligaas ku sugnaa dhismaha uu xafiiska wargeysku ku yaallo, balse ka badbaaday inay ciidammadu qabtaan ayaa sheegay in ciidamadu ay kaxaysteen Tifaftire C/llaahi Maxamed Xasan (Balck) iyo mid ka mid ah shaqaalaha wargeyska oo xilligaas xafiiska kula sugnaa, iyadoo aan la garnayn halka ay la abbaareen.

C/llaahi Black, ayaa xilliga la qabanayay ku gudo jiray howlihiisa shaqo, isagoo isku duwayay wararka kala duwan ee Wargeyska Ayaamaha oo ka mid ah wargeysyada madaxa bannaan ee ka soo baxa Muqdisho, waxaana xariggiisa dhaleeceynaya bahdda Saxaafadda Soomaaliyeed.

Booliiska Dowladda ayaa waxay caado ka dhigteen inay xirixiraan saxafiyiinta howlahooda shaqo ku jiray, waxaana tani ay keentay in shaqaalaha suxufiyiinta ka shaqeeya gudaha Somalia ay dhibaatooyin kala kulmaan ciidammada dowladda iyagoo howlahooda shaqo ku jira.

Tifaftiraha Wargeyska Ayaamaha C/llaahi Maxamed Xasan Black ayaa ka qalin jabiyay kuliyadda saxaafadda ee Lafoole, wuxuuna kasoo shaqeeyay Telefishinkii Somalia isagoo ka ahaa Madaxa Barnaamijyada Telefishinka iyo weliba diyaariyaha barnaamijyada kala duwan ee Telefishinka ka baxa.

Intii ay socdeen dagaallada sokeeye, wuxuu ahaa Madaxa iyo Tifaftiraha Wargeyska Ayaamaha ee Muqdisho kasoo baxa; isagoo ku soo shaqeeyay marxalado kala duwan oo dalka uu ku jiray, waxaana ciidammada Dowladda laga dalbayaa inay si shuruud la'aan ah ku sii daayaan saxafigaas weyn ee Soomaaliyeed.

Jantiile, Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 19, 2007

dfkmg

Dood ka dhalatay Ajande sameyntii Baarlamaanka DF Usbuuc kadib  Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa, Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay Amaanka Goobta shirka.


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com