SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

MUQDISHO: Gabay Cusub (maqal iyo qoraal)

Inj. Maxamed Cali Cibaar
Soomaali60@yahoo.com 

Hordhac

Caawa oo ay taariikhda miilaaddigu tahay 23kii oktoobar 2007, tan hijriyaduna tahay 12kii shawaal 1428, Waa habeen xusuus gaar ah oo xanuun badan u leh umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah meel ay joogaanba. Waa habeen ay 300 oo habeen ka soo wareegtay habeenkii ay ciidamada gaashaanbuurta dulmiga oo ay hoggaaminayaan maamuladda Itoobiya iyo Mareykanku ay gudaha u galeen caasimadda Soomaali weyn ee Muqdisho, ayagoo u dabbaaldegaya qorshe dhagareed waqti dheer laga soo shaqeynayay oo howl iyo hanti fara badanba lagu bixiyay. 

Sidaan la wada soconno  cadowyadaas isi soo bahaystay oo adeegsanaya mujrimiin mannaxeyaal ah oo magac nala sheegtaa, waxay xasuuq baahsan, burburin iyo barakacin ka geysteen caasimadda, ayagoo ay ujeeddadoodu tahay ; Mas madaxaa laga dilaa, rajeynayana haddii ay gacanta ku dhigaan Muqdisho in dalka intiisa kalena ay toos ula wareegi doonaan oo Soomaalidu si sahlan oo dhibyar ay isku wada dhiibi doonto. 

Cadowga gumaadka u soo bareeray waxay ku talogaleen in ay tirtiraan shacbiga caasimadda ku nool, talo waa tii Allee. Waxaa la adeegsaday hub adduunyada ka mamnuuc ah oo ay fosfarka cadi ka mid tahay. Waxaa baadkii iyo biyihii loo diiday maatidii degaannadoodii laga qixiyay. Waxaa si ula kac ah loo gubay suuqyadii, masaajidyadii, dugsiyadii, isbitaalladii iyo meel kasta oo loogu adeegayay bulshada. Laakiin nasiibdarro dhacdooyinkaas aan qarsoomeynin oo muuqda, adduunyadu waxay uga jawaabtay aamus iyo in la abaalmariyo kuwii tacaddiyada dhacay ka mas’uulka ahaa oo deeq iyo darajaba lagu taageero.  

Waxaa nasiibwanaag iyo wax Alle weyne lagu mahadiyo ah - walow aan la dhaliilo yareyn - in guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaanna kuwa Muqdisho ay beeneeyeen riyadii cadowga, ayna u diideen in uu dalkooda si raaxo leh ugu dakeeyo. Waxaa amaan, duco iyo dhiirrigeliba mudan halyeeyada harsiga iyo hoyaadka u diiday cadowga damaca waalan, kuna khasbay in ay habeen iyo maalin ay waqtigooda gabaabsiga sii ah gabasho ku dhameystaan, gabbalkoodu ha dumee!!. 

Anigoo haddaba umadda Soomaaliyeed u rajeyna guul degdeg ah, kulana dardaarmaya midnimo, dadaal iyo dulqaad, ayaan jeclahay inaan soo gudbiyo gabay cusub oo aan ku magacaabay Muqdisho. Gabaygu wuxuu ka hadlayaa marxaladihii ay soo martay magaaladu, maanta halka ay ku sugantahay iyo mustaqbalka loo rajeynayo hadduu Rabbi idmo. 

Gabayga Muqdisho, wuxuu ku bilaabmayaa: 

MUQDISHO: Gabay Cusub

  1. Mudaney magaaladaan jeclee maanku uu tabayo
  2. Ilaa miyi misbaax ifinayoo mugdi ka dhowraaya
  3. Muraayadda nalaga daawadiyo masraxii Soomaali
  4. Mahuraankii geyigeenna iyo maskaxdii baad tahaye
  5. Miliilicaada xiisaha leh iyo bilicda muuqaalka
  6. Munaasabadihii ciidihiyo ku dhex-mushaaxaada
  7. Markaan soo xusuustaan saqdhexe soo mirkacayaaye
  8. Maqsuud taan  ku noqon laa inaan mar uun ku noolaado
  9. Muxibbadana igu reebtayeen muhanayey hee dheh. 
     
  10. Anigoo aan marinkii san iyo garan midkii leexsan
  11. Malcaamadda haddii aanan tagin alifna ley meerin
  12. Oon murabbi kaaga ah i barin miinka iyo wowga
  13. Dugsi maamul wacan iyo haddaan Maajo la i geynin
  14. Mas’alooyin haddaan ley furfurin maangal iyo maangad
  15. Muftaaxii aqooneed haddaan la i mihiibsiinnin
  16. Cilmigana aan ley miisi layn mala-awaalkeyga
  17. Martabadda aan joogaa malaha maba niyaysteene
  18. Maax aan gureyn abidkeed iyo miid ayaad tahaye
  19. Madrasadii i soo ababisiyo macalliney hee dheh. 
     
  20. Inkastoon masaafaan dhoweyn meel fog kaa joogo
  21. Inkastoo maqaarkiyo lafuhu Yurub ku meereysan
  22. Miyirkeygu aduu kula jiraa maalin iyo layle
  23. Mixnad baas intaad ku sugantoy mashaqo kuu taallo
  24. Intey marrasta taada ah jiqaha meehannaabeyso
  25. Muluq hooyo laga dilay intey marwo ilmeyneyso. 
     
  26. Maxajabad daboolneyd intuu maraxu haabhaaban
  27. Mooryaan habaarani intey kugu marqaameyso
  28. Madiidinkuna kaa talinayiyo doqonka maangaab ah
  29. Maxbuusiin intey kugu yihiin tiro malaayiin ah
  30. Inaan ducada kuu mariyo iyo mintidid mooyaane
  31. Anigana macaan iima laha manfac la quutaaye
  32. Makaankii aan u hiloobay iyo minankayey hee dheh. 
     
  33. Hawadaada meeldhaxaadkaa iyo cimilo miisaaman
  34. Mowjadaha badweyntii Hindiya maanyo ku dalxiiska
  35. Mirihiyo khudaar noocba nooc mooska iyo liinta
  36. Mafafaayga beertiisa iyo wabiga kuu muuqda
  37. Xoolaha la soo maalayee manno laguu siiyay
  38. Macaamilada ganacsiga batiyo moodka la isdhaafsho
  39. Meheradaha kala jaad ahee laga mushaar qaato
  40. Oy  waliba mug shidaal leh iyo macdani kuu dheertay
  41. Waa wax aanan maab laga heleyn sidan maleeyaaye
  42. Macduunkaan nasiibka u hellneen mahadinney hee dheh. 
     
  43. Minnaaradaha kuu astaana iyo mowlacyada diinta
  44. Maqaamkaaga hodankiyo Ilaah magacu kuu yeelay
  45. Mannaxaanka ka masuugayee dabinka kuu miiqi
  46. Oo uu muraadkoodu yahay macsi tallaalkeeda
  47. Masjidkoo musqulo laga dhigtiyo majliska xaaraanta
  48. Kuwii kacbada ka maseyrayee maagay duminteeda
  49. Qoomkii maroodiga wataa lagu misaalaaye
  50. Ismaqiiqa ismiidaaminta ah iyo majnuunnimada
  51. Mayacadoodse wey eedayaan malaxdey dhuuqaane
  52. Meydadkooda iyagoo ka baqan iyo maxaabiista
  53. Oo sii mirqaayaadna arag muddo aan dheereyne
  54. Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin. 
     
  55. Marxaladba wixii kuu qaddaran waa maktuub qorane
  56. Maalmahan dhibka ku gaaray iyo mahadhadaan taagan
  57. Mashriq iyo maqribba xulufadaa miig ka soo kicisay
  58. Moortarka  shacabka dabarjariyo madfac daryaamaaya
  59. Madaariista ololeysa iyo musxafka deeboobay
  60. Mooraduugga muslinkaa la dhacay een mid lagu reebin
  61. Agoomaha milicdu shiilatee marin cidlaa daadsan. 
     
  62. Mashaa’iikhda Macbadyada dhexdood dhiiggu mulucleeyay
  63. Maqaawiirta la ugaarsadiyo Mu’addimiin dooxa
  64. Magantaada la xasuuqayee layska marinaayo
  65. Haddaad saaka u madluunsantood la musaraareyso
  66. Maka iyo hortaa waxa la gubay Muxamed (scw) hoygiise
  67. Baqdaad wuxuu Mangoolkii ku dhigay maqashay waagiiye
  68. Maantana saqiirrada Maqdis maafiyaa dubannoo
  69. Miijinta cunaha leys hayaa maaha kaligaaye
  70. Macbuud meeshii lagu caabudaba waa la mirayaaye
  71. Miinshaar afbadan iyo haddey maqas ku googoyso
  72. Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin. 
     
  73. Markuu qooqo aadmigu durbuu marinhabaabaaye
  74. Mad-habtiisa intii diidda oo maya tiraa beenta
  75. Macaash wuxuu ka raadraadiyaa maxasta laynteede
  76. Mu’minnimadan leysku diiddanyee laba mamnuucaayo
  77. Mareykanku xadgudubkuu wadiyo macangaggaa Bush ah
  78. Mashaariicda Abasiinya iyo mucatab sheegsheegga
  79. Munaafaqyada la adeegsadee malafsan laaluushka
  80. Oo murux iney kaa dhigaan lagu masruufaayo
  81. Mu’aamaradda lama mooga iyo waxay maleegaane
  82. Malaa’iga diyaaraa jiroon minit wax seegeyne
  83. Marar badan Quraankiyo siduu Sunnuhu noo muujin
  84. Ama ay maahmaahdeennu tiri murtida suugaantu
  85. Ma guuleysto mujrimkii gardaran moolna wuu liqiye
  86. Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin. 
     
  87. Waa meerto waayaha adduun midiba ceyn tahaye
  88. Muslinnimo waxaad daafacdood madal ka taageertay
  89. Wixii carabtan iska maahsan aad maslaxaddeed doontay
  90. Afrikada midee waxaad is tiri kalama maarmaane
  91. Waxaad dulmiga maareystay iyo midabtakoor diidday
  92. Mucaawino waxaad diri jirtiyo meseggo kuu keydsan. 
     
  93. Masaafurka ku soo magansadiyo waxaad miskiin kaashay
  94. Martisoorka sharafta leh waxaad ku marxabbeyneysay
  95. Mashaakilku maruu kugu dhaceed yara madoobaatay
  96. Muran iyo hadduu maloba galay mansabka aad joogto
  97. Meelkadhac haddaad la kulantood maacaleesh noqotay
  98. Iney kuu miciinaan kuwaad  midig ka dhowreysay
  99. Dummintaada haddey kaba mushtari maalna lagu siiyo
  100. Munaaqishada socotaana tahay masixiddaadiiba
  101. Taariikhda waxaad muujisaa kuu marqaati ahe
  102. Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin. 
     
  103. Mag qof aad ka filaneysay iyo mahad uu soo celiyo
  104. Manjaxaabo inuu kula damcaa waa mushkilad weyne
  105. Muufadaada  kuwii lagu korshiyo maraqa kuu gaar ah
  106. Sidaad maamadood tahay kuwaad moxogga soo saartay
  107. Kuwii dhiiggey kaa muudsadeen macashu xeyrowday
  108. Mijihii yaraa iyo markuu muruqu kuuskuusmay
  109. Adna muunaddaad beri laheyd cadowgu kaa meyray
  110. Muuqdisha haddey kugu dheheen maanla’aantooda
  111. Maqalkaagu hadduu cudur ku yahay oy mantagayaanba
  112. Oo inba lagugu maadsadiyo masabbid xaal joogo
  113. Maamuus anaa kuu hayood ii muhiim tahaye
  114. Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin. 
     
  115. Maaligga Raxmaankeenna ahi waxa uu maareeyo
  116. Sida kownkan loo maamuliyo malagyadow heellan
  117. Oo makhluuqa loo kala dabaro mucsjiso weeyaane
  118. Jiilaal musiibo ah abaar duunyadii maratay
  119. Macaluulna loo la’anayoo maafish yahay baadku
  120. Mahiigaan haddii uu curtoo carriga maansheeyo
  121. Geedihii mudhta ahaa durbey wada magoolaane
  122. Nafleydana waxaan mawdku helin malabsadaan quude
  123. Adna marti-u-rooneey haddaad ciil la murugootay
  124. Maalin baa insha-Allaahu iman aad mashxaraddaaye
  125. Mustacmarku suntuu kugu mudiyo miinaduu dhigayo
  126. Mariidkaa laguu qooshayee makastu fuuqeyso
  127. Musuqmaasuqiyo maalin buu maradku kaa tagiye
  128. Qabyaaladda marbaa midey tahaba leyska maaniciye
  129. Oo macangag lagu diimi iyo kaan mabda’ laheyne
  130. Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin. 
     
  131. Waxa bi’in mujtamacaagu waa mufsid shirqoolkiise
  132. Haddii aad makriga nacabka iyo macnaha aad fahamto
  133. Oo samaha aad maaggantahay Qaadir meelmariyo
  134. Haddii muqaddaskii lagugu dhaqo lagu midoobaayay
  135. Maxkamado caddaalada haddii muddaca loo aado
  136. Oo uu mas’uul daacadoo miiggan kaa taliyo
  137. Haddii uu muwaadinka dulmani helo mudnaantiisa
  138. Masaamaxuna faafoo macruuf leysku wada sheego
  139. Dadkaadii la kala moosi  jiroo wada mataanoobay
  140. Oo maqasha edeggeeda iyo mooro ka xoroobay
  141. Waa  guul mustaqbalkaagu iyo midnimo saafi ahe
  142. Maashaa- Allaahuye adoo mulkigaa weynaaday
  143. Maaliyad adoo qani ahoo masnac waxsoosaar  leh
  144. Maraakiibta adigoo dirsida qalab cirkaas meera
  145. Oo ciidan laga maago oo magag leh kuu joogo
  146. Mudullada Tigreygaa kibree Melles ka soo jeedo
  147. Maqalle iyo adigaa xukumi mandaqaddoo idile
  148. Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin. 
     
  149. Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
  150. Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
  151. Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin. 

-----------------------------------------------------------------

                        DHAMAAD 


Inj. Maxamed C. Cibaar

Soomaali60@yahoo.com 

Gabayga Halkan ka dhegeyso

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2007

Digiin: Iska Diid Dagaalka Sokeeye - shaarkii la doono ha loo geliyee.. Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com