SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaab ku socota Umubakar oo ka hadashay magta dumarka

Sidee u Fahamnaa Shareecada

 Maqaalkaygan waa jawaab ku socota gabadhii ka hadashay magta dumarka una doodaysay inay la mid tahay midda raga.

Ugu horreyn waxaan uga mahad celinayaa gabadha siday u jeceshahay in wax kasta daliil lagu saleeyo, waxaanan u rajaynayaa inay aqbali doonto wixii qaacidadaas ku socda.

 Maxaa daliil ah shareecada dhexdeeda?

Adillada shareecada waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo ah :

1-      Nas (kitaabka iyo sunnada) 2- Wax naska laga fahmay (ijmaaca iyo qiyaaska).Waxaana lagu daraaseeyaa hannaanka adilladu u kala horreyso iyo qaabka loo daliishadaba cilmiga loo yaqaan: Usuul Al-fiqhi.

Qaabkee nusuusta u daliishan karnaa?

Jawaab kooban oo arintaas ku saabsan hadaan bixinno wuxuu qof kastaa ku khasban yahay inuu raaco sidii saxaabada rasuulku u fahmeen adillada shareecada, maadaama ay yihiin kuwii diinta soo gudbiyey oo ujeedooyinkeedana ugu fahmid badnaa, qofna uma madax bannaanaan karo inuu ka leexdo fahamkoodii;

Taasna waxaa daliil u ah aayado quraan ah iyo axaadiis badan oo ka sugnaaday nabigeenna sallallaahu calayhi wa sallama.

Hadii aayadaha aan wax ka tilmaanno wuxuu Allaah yiri :”Qofkii rasuulka khilaafa markuu hanuunku u cadaaday kadib oo raaca dariiqa mu’niinta mid aan ahayn waxaan uga weli yeelaynaa (ku xiriirinaynaa) wuxuu ka weli yeeshay, waxaanan gelinaynaa jahannama meel loo ahaadana way ugu xumaatay”. Suuradda An-nisaa:115

Mu’miniinta wakhtiga quraanku soo degayey noolaa ee laga hadlayo waa asxaabtii rasuulka, aayadan iyo kuwo kale ayaa culimadu ka qaateen in fahamka saxaabadu xujo yahay, sidoo kale ijmaacuna xujo yahay.

 Waxaa nagigeennu sallalaahu calayhi wasalama, saxaabada kasii dhex xusay, khulafada hanuunsan, wuxuuna sii xusay Abubakar iyo cumar, axaadiis badan baana ku timid in la qabsado sunnadooda, ayna hanuunayso ciddii qabsata.

Dabcan waxaan meesha ku jirin wixii ay isku khilaafaan taasna cidna kuma khasbana inuu qof mucayan ah raaco waxa la fiirinayo waa daliilka ay kala haystaan oo kii xoog badan baa la raacayaa. 

Sidee adilladu Diyada uga hadashay?

Majirto aayad quraan ah oo caddaysay qadarka diyada, dhammaan waxay ku sugnaatay sunnada nabiga iyo ijmaaca saxaabada.

Sunnadu waxay sheegtay in qofka muslimka ah oo xorta ah diyadiisu tahay 100 neef oo geel ah , caddayntaas sunnadu saas sheegtay oo boqolka ah waxaa nabigu ku bixiyey intuu noolaa raga, sida ku sugan Bukhaari iyo Muslim, kitaabka diyada, baabka Qasaamada, mana dhicin inuu haweenay 100 ka bixiyey, sidoo kale ma sugnaanin inuu 50 ka bixiyey, hadaba maxaa xal ah?

Waa inaan aadnaa tallaabada xigta sunnadii khulafada raashidiinta, iyo ijmaacii saxaabada, markaan kutubta islaamka soo rogno oo mas’aladaan baarno waxaan helaynaa in uu arintaas xukmiyey Cumar Bin khaddaab iyo cuthmaan bin caffaan, sida ku cad musannafka ibnu abii shaybah mujalladka 11aad bogga 22aad. Iyo Irwaa Al-qaliil uu qoray Sheekh Albaani 7/310. As-sunan Al-kubraa uu qoray Imaam Al-bayhaqi 8/71

saxaabada rasuulkuna sidaas ayey  ku midoobeen in magta haweenaydu tahay kala bar inta ninka, waxaana ijmaacaas soo guuriyey culimo badan oo uu ka mid yahay: Imaamu shaafici, Abubakar Bin abii shaybah sida ku sugan kitaabkiisa Musannafka ah, waxaa sidoo kale soo guuriyey dhammaan fuqahada islaamka sida ku cad: Al-muqnii uu qoray Imaam Ibnu qudaamah 9/531, iyo Ijmaaca ibnu Mundir iyo Ibnu C/barr, iyo fiqhi sunnah Sayid Saabiq 2/377.

 Marnaba ma dhacayso in saxaabadu ay ku midoobaan shay aan daliil lahayn ama aan xaq ahayn, mana dhacayso mana dhicin in culimada islaamka dhammaantood ay saxaabada kasoo guuriyaan ijmaac aan jirin.

Sidaa darteed waxaan walaasheen leenahay magta haweenku inay bar tahay waxaa daliil u ah sunnadii Cumar iyo Cismaan bin caffaan oo ay waajib kugu tahay inaad raacdo, kulankii saxaabada oo marnaba aadan dhinac mari Karin, illeen Allaah baa naar kuugu goodiyey hadaad dhinac martide.

 Suaal: waxaa dadka qaar iswaydiin karaan saxaabadu ijmaacooda maxay u cuskadeen?

Jawaabtu waxay tahay: waxay cuskan karaan siday nabiga ka arkeen ama ka maqleen, khasabna ma aha inay sheegaan, sida Usuulka lagu daraaseeyo, waxay kaloo cuskan karaan fahamkooda maadaama ay goob joog u ahaayeen degiddii shareecadda, ujeedooyinkeedana ay fahmayeen si ka badan sida dadka kale u fahmayaan, waxay kaloo eegi karaan waxa la yiraahdo Al-ashbaah wa nadaa’ir (mas’alooyinka isku midka ah iyo kuwa isu eg). Iyagoo kala mid dhigaya dhaxalka, markhaatiga, xoreynta iyo walqalka. 

Codsi: waxaan walaasheen iyo cid kasta oo mas’aladan sidaa si ka duwan u aaminsan aan ka codsanaynaa inay noo sheegaan qof saxaabada ka mid ah oo sidaa la qaba ama cid culimada islaamka ka mid ah oo la aaminsan.

Haddii aad waydaan ma idin la tahay wax saxaabadii rasuulka iyo qarniyadii fadliga badnaa iyo fuqahadii islaamka dhammaantood ka qarsoomay inaad idinku soo faagteen qarniga 15aad.

Waxaan kusoo gunaanadayaa qoraalkaygan hadalkuu uu yiri saxaabigii waynaa C/laahi Bin Mascuud, Allaah haka raalli noqdee: “ Raaca, idinku ha jeexanina dariiq, waa la idinka kaafiyey”. 

Maxamed Cismaan
Abuuxaazim@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

::Umubakar: Jawaab Ku Socota Abuu Ciise

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com