SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Taariikhdu been qori mayso ruuxna baadili mayso!.

Waxaa hubaal ah inuu Col. Xassan Daahir uu qayb ka gaystay dagaaladii sokeeye ee dalka Somaliya halakeeyay dhowr iyo tobankii sano oo lasoo dhaafay haddase uu ilaahay dalkii ka dhaliyay Dowlad Federal ah oo damaanad qaadday shacabkii aad ka u diifaysnaa lana filayo haddii ay sida ay wax ku waddo kusii waddo in ay dalka ku soo celin doonto kaladambeyntii uu caanka ku ahaa. yaanan mawduucca ka bixin, Col. Caweys wuxuu caan ku ahaa dagaaladii 1992. lagu soo qaaday gobolada waqooyi beri haddase loo yaqqaanno (maamul goboleedka Puntland).

Waxaa hubaal ah marka gobol ama magaalo lagu duulo oo laleeyahay Diin baan gaarsiinaynaa, in gobolkaa dadka deggeni yahay dad aan diin haysan. aan si kale u iraahdo, Nabi Muxamed(SCW) markii inta gobol ay ku duulaan isaga iyo Asxaabtiisii (Allaha ka raalli noqdee) ay diinta inay gaarsiiyaan rabeen, magaaladaas inta ay dul degaan bay waxa ay fiirin jireen in magaaladaas laga addimayo haddii magaaladaas laga addimayo laguma dagdagi jirin dagaalkeeda ee xeelado kale baa loo adeegsan jiray gelitaankeeda. Maxaadse mooddaa magaalo dadka deggeni muslim yihiin boqolkiiba boqol.

Marka diinta u xalaalaysay in magaalo deggen oo dadkeedu 100% muslimiin yihiin in inta lagu soo duulo oo lagu abuuro xasilaani la' aan, lana xalaalaysto oo la qaniimaysto maalkeeda iyo xaasaska ku nool magaalkaas sidii ay gaaloyihiin! magaranayo diintaas ama kitaabka arrintaas qoraya. Waa yaabe dadyohow ma ila yaabbantihiin!!..

Dagaalkaasi waxa uu kamid ahaa dagaaladii uu Col.ku aad caanka ugu ahaa sababtoo ah waxaa lagu o gaaday in arrintiisu aysan ahayn diin ee ay tahay u raadin xukun qaab beeleednimo, amase uu xukkun jaceylkii ama la rabitaankii xukunka ee uu larabay jiffodiisa oo markaas dalkii ka dhigtay magaalo ay xoog ku haysteen, magaalo laga saaray oo ay dadkeedii u cuntami weyday in lagasii haysto iyo magaalo lagu sii socday oo markaas la sii saadaalinayay qabsashadeeda.

Haddii Col.ku uu diin Islaam waday wuxuu ka soo horjeesan lahaa amase uu wacdin lahaa S/Guutto Maxamed Faarax Caydiid, oo markaas horboode ka ahaa mid kamid ah jabhadihii dalka markaas maamulkeeda ka qabqableynayay(USC), beel ahaanna ay isku beel ahaayeen(HABAR GIDIR) Col. Caweys.

Ilaahay garadarrada ma jecla, oo isagaa sheegay inuu u gargfaarayo ruuxii laga gardaranyahay, Col.ka oo markaas ay iska caddayd inuu gardarro ugu soo duulay dhulkaas ayaa kabihiisa ka cararay oo fakkasho lagu geeyay Xeebaha waqqooyi ee dalka halkaasna aan lagaranaynin waxa uu uga sii baxsaday laakiin dadka qaari ay sheegaan inuu doon jajaban ka raacay kadibna ay magangalyo siisay Maamulkii Gobolada waqooyi, haddase labaxay (Somaliland).

Cinwaanka faalladayda oo ah, inaan taariikhdu been sheegaynin, cidnana aysan dambi kagalayn, ayaa ah arrin xaqiiqo ah inaanan marnaba taariikhda laga been sheegayn aannana shacabka iyo taariikhduba illaaweyn Col.ka oo waxa uu la yimid oo ah arrimahaas aan soo sheegnay iyo kuwo kale oo aan qaybaha soo socda ku sheegi doonno loo qori doono lagana yeelayn wadaadnimo illaa uu arrimahaas ka bixiyo raalli galin iyo dambi dhaaf uu waydiisto EEBBE weyne.........

LA SOCO QAYBTA XIGTA...

Waa qalinkii: Xassan Maxamuud Shiikh Cismaan.

Nairopi Kenya.

E_mail: xassan8@hotmail.com

xassan8@yahoo.com.

Tell: +254 726 256 250

 

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com