SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

Dhamaan Jaaliyadaha Soomaalida ee dibadaha ku dhaqan oo codsi muhiim ah la hordhigay

Hooyada dhashay wiilka la yiraahdo Cismaan Xalane Xasan oo ah wiil yar oo aad u dhibaateysan isla markaana gacmo la'aan ku dhashay ayaa codsi u dirtay dhamaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan.

Hooyadaan oo qaar kamid ah Saxaafada kula kulantay magaalada Hargeysa ayaa iyadoo indhaheeda ilmo ay ka da'ayso ka codsatay Saxaafada inay codsigeeda u gudbiyaan walaalaheeda Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan.

Waxay sheegtay in xaalad xun uu ku sugan yahay wiilkeeda Cismaan Xalane Xasan oo dhibaato xoogan ay xiligaan heysato taasoo ay ku sheegtay inaysan aqoon xanuunka cunugaan yar heysta. 

Hooyada ayaa sheegtay in 17 saacadood maalintii iyo haweenkii ugu yaraan cunugaan uu ilmeynayo taasoo aan la aqoon dhibaatada heysata, iyadoo dhaqaatiirka ku dhaqan magaalada Hargeysa oo ay hada joogaan baaritaano xoogan ay sameeyeen ku sheegeen inaysan aqoon xanuunka cunugaan yar ee gacmo la'aanta ku dhashay heysta loona baahan yahay in gargaar dibadeed uu helo sida ugu dhaqsiyaha badan. 

Cunugaan ayaa ku noolaa magaalada Beledweyne balse rag ka danqaday dhibaatada heysata oo ugu horeeyay Cabdifitaax Axmed Maxamuud ayaa soo waday isaga iyo qoyskiisa oo guri ugu kireeyay magaalada Hargeysa maadaama Hargeysa ay dhinaca Caafimaadka xoogaa ugu wanaagsan tahay Baladweyne. 

Reerka uu ka dhashay wiilkaa yar ee gacmo la'aanta ku dhashay ayaa xiligaan ku sugan isaga iyo hooyadiis iyo caruurta la dhashay magaalada Hargeysa iyadooo aysan jirin ilaa iminka gargaar la taaban karo oo loo fidiyay. 

Cunugaan yar ayaa aabihiis geeriyooday isagoo yar waxaana dhaxda usoo xiratay hooyadiis oo xamaal ka aheyd magaalada Baladweyne taasoo ay ku quudin jirtay waxii ay kasoo hesho xamaalka cunugaan xanuunsan iyo caruurta la dhashay. 

Hooyo Saciido Salaad ayaa tiri "Walaalayaan waxba ma heysto, wiilkeygana dhibaatadaana aad arkeysana ayuu ku dhex jiraa, waxaan idinka codsayaa cid kasta inay waxii ii awooda igu kaalmeysa si aan gargaar caafimaad oo deg deg ah aan ugu helo wiilkeyga, mar labaad iyo mar sadaxaad ayaan idinka codsanayaa inaad ii gar gaar waxii aad i dheer tihiin Allena ajir aan lasoo koobi karin adduun iyo aaqribaha ha idinku badalo".

Hadaba Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan waxaa sidoo kale dhaqaatiirka caafimaadka ee Hargeysa iyo Muqdisho iyo Culumaa'udiinka dalka oo isku duuban ay ka codsanayaan inay waxii ay awoododa ah ku taraan wiilkaan aad u dhibaateysan ee gacmo la'aanta dhashay.

Hadaba walaal muslimoow u gar gaar wiilkaaan dhibaateysan ee aan gacmaha laheyn.

Ciddii doonaysa inay gargaar lacageed ama mid kale u fidisa wiilkaan dhibaateysan waxey ugu soo hagaajin karaan Ganacsadaha gacanta ku haya wiilkaan iyo hooyadiisa Cabdifitaax Axmed Maxamuud - Tel: 0025224455566 - Email: ugargaar@yahoo.com - Hargeysa - Somaliland.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com