SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

TACSI::
 

From: ruun1001@hotmail.com
Subject: tacsi
Date: Mon, 3 Sep 2007

waxan tacsi udiraynaa abtigay maxamed aden oo ku geriyooday magalada neyrobi ee kenya
waxana ilaahay oo ga baryeynaa inuu janadiisa kawarabiyo ehelkisana samir iyo imaan kasiyo.

by:Ramlo sirat iyo sirat macalin oo kunool magalada minnesota ee mareykanka

Hakanoqoto hadalka ay sooqortay (Zahra Abdi Hirsi)

Abu Cisa Tirmidi
tirmidi1@hotmail.com

Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Asalaamu Calaykum ww

Alle ayaa mahad iska leh , Rasuulkeenii scw isagana Naxariis iyo
Nabadgelyo Dushiisa ha'ahaato ,intaa kadiba ,

Waxaan Doonayaa in aan kahadlo Maqaalka ay sooqortay gabadha layiraahdo ,

Zahra Abdi Hirsi , iyo in aan caddeyo inay daba marsantahay xaqiiqda dhabta ah sida sharciga islaamka ,

Balse aniga shaqsi ahaantayda hadii aan kafakaro hadalkeeda kadib
markii aan akhriyay qoraalkeeda , waxaa iisoobaxay in uu u baahanyahay
hadalkeedaasi toosin wayn ,iyo wax sheeg badan hadii aanay taasidhicin ay utahay halis diinteeda ilsaamka ah , waa hadii uu jiro jahli iyo wax lamid ah ,

tusaale ahaan , waxay sheegtay in latuuro
qabyaaladda sida qoraalkeeda ku cad ayadoo ulajeeda hadii ay jirto in
aanay wax suuroobayaa aanay jirin , qabiilkuna waa wax jira run
ahaantii hadii layiraahdo halla inkiro qabiilka macneheedu waxaa weeye
inuusan jirin wax layiraahdo Rixim ama Qaraabo , allena xigmadiisa
maahayn in dadku ay ahaadaan qaraabo la'aan ,

Allena isagaa nooga ogaalbadan qabiilka , marnaba dhici mayso in
qabiil meesha kamarnaado waayo ilaahba ugumatalagalin , alle marka uu
lahaa , dadyohow waxaanu idinka yeelnay shucuubyaal iyo Qabiillo

Suuratul xujuraat Ayadda 12aad,
macnaha loosamaynayay waxay ahayd in laysku aqoonsado layskuna
xiriiriyo ,  Ruuxana marka uu alle baryayo hadii ay ducadiisa ay tahay
mid ay kamid tahay Rixin goyn lagama aqbalayo sida nusuusta kucad,

Waxakale oo jira  nas qur'aan ah oo alle uu oranayo mamudantihiin in
aad xaqa kajeesataan dhulkana fasahaadisaan oo aad goysaan qaraabada ,
Suuratu Muxamad ayadda 21aad ,

 

waxaa kale oo jira Naskale oo isna Alle kalaamkiisa ah oo isna oranaya
siiya qaraabada xaqeeda , iyo masaakiinta,Suuratu Israa’ aayadda 25aad

 oo qaraabada xuquuq ayay leedahay sida
meeshaa kacad in lagooyo oo latuurana waa xaaraan , mana bannaana ,

Qaabka qabyaalada laysaga dhowrayana way caddahay oo waxaa weeye kaliya in aanay xaqa kudaba marin Tusaale ahaan ruux xigtadaada ah in aad siiso xaq uusan lahayn oo uu leeyahay ruux kale adigoo ugu iilanaya inuu kuxigo taasi waa xaaraan mana bannaana , laakin in aad xiriiriso oo kawarqabto waa sax waana wanaag qabiil halla tuurana maahan wax qof oran karo waayo waa qof qaraabadii gooyay oo kale,

 

Hadii aan usoonoqdo hadalka ah in anay kala fadillayn dadka oo aanay
kala sarrayn taasi waa sax waana wax loogabaahanyahay muslimiinta
dhamaan in ay arrintaas sibuuxda uga hadlaan waxyaabaha dadka run
ahaantii halaaga ukeena waxaa kamid ah dhaqamada jaalihiga ah oo
layiraahdo rer hebel isma guursano iyo wax lamid ah ,

Ayadoo markaa lagu cillaynayo qabiilka uu kadhashay taasi wax bannaan
maahan markii diin xageed loohadlo waayo dadkaani waxay
kawadayimaadeen Abul Bashar Aadam , waxaana lagukala kuf sarreeyaa waa
allae subaxaana watacaalaa dhawaanshihiisa kaliya wixii kasooharay wax
bannaan maahan ,

Marka laga hadlayo dhawaanshaha allena way iska caddahay waxa looga
jeedo, alle subxaana watacaalaa qofka kacabsada cabsidiisa dhabta
ah qofkaasi waa inuu yahay qof imaan leh camal saalixana layimada kuna
dhaqma dastuurna kadhigta kitaabka alle subxaana watacaalaa qofkaasi
maahan in loo'eego qolyaha uu kadhashay ,   waayo wax ay kukala
sarreeyaan majiraan qofkana shaqsiyadiisa fiican maahan in lagu dabaqo
qabiilkiisa taana alle waa diiday , waayo waa ruux mu'min ah ,
inkastoo maanta ayba yartahay wax dhaqankaas la'imaan kara ,

Hadii aan usoonoqdo hadalka ah in raga iyo dumara iskumid yihiin
hadalkaas waa hadal meelkadhac ku ah alle xigmaddisa qoraalkaasina ay
sooqortay gabadhu waa faasid waana halis in ay katawbadkeento ayaana
wanaagsan hader , waayo hadii aan sooguuriyo sida uu ahaa qoraalku waa
sidan ,


sida ragga beenta dhegaha loogu shubo oo loo yiraahdo waxaad tahay nin 100 ah halka haweenka  looga qaado  sharafta iyo karaamo oo la yiraahdo waxaad tahay 50. Akhristow ama aan diidno ama aan doono inta dhaqamadaas aan ku dhaqmayno ka bixi mayno noloshan mugdiga iyo xanuunka wadata.

Subxaanallah hadalkaas waxaan filayaa markii ay gabadhu qoraysay
kaamaanay fiirsan sida alle uga hadlay waayo waa xigmad rabi in alle
uu kadhigay ninka diyadiisa 100 , gabadhana uu kadhigay 50 ,
dhaxalkiina alle ayaa uqaybiyoo waxaa uu ninku leeyahay nasiibka
gabadha labadiis , meesha ay gabadhu kalleedahay hal nasiib , waa
caddaaladii alle waa xigmadii alle waa xukunkii alle qofkii
kahoryimaadana waa murtad diinta islaamka kabaxay , waayo waxaa uu
beeniyay ayaad kamid ah Qur'aanka , qofkii hal aayad beeniyana waa
kaafir xerada islaamkana kuma jiro ,

Loogana bixi maayo dhibaatada maanta taagan in rag iyo dumar
layiraahdo way simanyihiin oo waa isku xuquuq wax ay kasimanyihiin way
jiraan laakin arrimahaas aan soosheegnay waa wax dad hore kuhalaag
muteen ,waayo hadii ay taasi jirto dawladdii siyaad barre oo ahayd
qaran jira ayaa kubaaba'day harcad markii uu fagaare uga hadlay in
dhaxalka iyo xuquuqkasta usimanyihiin raga iyo dumarka , Dariiqaasna
inlaqaado maahan , ee waa in lagana leexdaa lana khilaafaa ,

Hadalka kale oo ay gabadhu sheegtay oo ahaa gudniinka noocuu doonaba hanoqtee in lajoojiyo taasna hadii aan qoraalkeeda ay kaga hadashay sooraro waxaa uu ahaa sidan ,

-In haweenka Soomaaliyeed garab weyn lagu siiyo sidii ay u cirib tiri lahaayeen gudniinka nooc kasta ha la haadeene iyo in haweenka ay ogaadaan oo ay qiraan xanuunka uu gaarsiiyay falkaas waxashnimada ah. 

Taasina waxay kahor imaanaysaa xadiiskii rasuulka SCW , uu ku yiri shan arrimood waxay kamid tahay Fidrah , 1 Gudniinka 2 In layska Guro Cidiyaha 3 In lajafo Timaha kilkilaha 4 In Laxiiro Timaha Hoose , 5 Iyo In lagaabiyo Shaaribada , waxaan filayaa inuu warinayo Xadiithkaasi imaamu muslim ,

Hadalka ah Gudniinka noocuu doono hanoqdee in laga horyimado hadalkaa rasuulkusheegay ayuu kuyahay lid ,

Waxaa jira hadalkale oo ay kaga hor imaanayso issimada Tusaale ahaan isimada run ahaantii lurbadan way leeyihiin mar hadii aanay ku dhaqmayn sharciga alle soodajiyay hadana qofku hadii uu yahay sheikhul Cashiira Islaamku waa u tixgaliyaa sida kucad nasuusta iyaduna oo rasuulku markii uu yimid maka qofkii lahaa saldanad ama lahaa odaynimo kamaanu qaadin islaamkuna waa cizzi ee maahan mid wax Dulleeya hadii uusan mutaysan markaa

Dhibaatada maanta jirtana waxaa looga bixi karaa alle subxaana
watacaalaa oo loonoqdo kitaabkisa laguna dhaqmo , dastuurna laga
dhigto , marka aan sidaas leeyahay run ahaantii umadda somaliyeed alle
kama gardana ,

Tusaale  ,

Intii aan ladooran dawladda kumeel gaarka ah ee uu socday shirka
nayroobi waxaakadhacday magaalada embegati in ergooyinkii soomaaliyeed
isugu tageen si ay udoortaan Dawlad Soomaaliyeed oo Loodhanyahay
inkastoo ay kabuuxeen gacmo shisheeye ,Waxaa dhacday inuu
isasoosharraxay nin soomaaliyeed oo ah nin wadaad ah , ninkaasi waxaa
uu kahadlay waxqabadkiisa, waana markii musharraxkasta uu kahadlayay
waxqabadkiisa ,
Ninkaasi waxaa uushegay inuu doonayo inuu dalka kuxukumo shareecada
islaamka hadii ladoorto wax Dastuur ah oo dalka loosamaynayaana aanay
jirayn oo aan ka'ahayn alle kitaabkiisa , markii ay intaas kasoobaxday
afkiisa xataa lagama hadlin waa laga socday , dadyoowgii isuguyimid
meesha xitaa cudurdaar maanay samayn , oo ah kitaabku waa fiicanyahay
laakin , intaa kaliya xataa lama oran ,Qof kaliya oo intaa yiraahda lama helin ,

Umadda soomaaliyeed waa sidaas yaa la'eedayaa , allena kitaabkisa
waxaa uu ku yiri suuratu al-ancaam Ayadda 128aad { SIDAAS AYAANU WALI UGA DHIGNAA
DADKA GARDARAN BARKOOD BARKA KALE KAASOO AH KII AY SHAQAYSTEEN },
Dhibta iyo dawlad la'aanta iyo qabiil iskulaynta dhamaan annaga
lanimid waayo dariiqii xaqa ahaa ee lagu badbaadi lahaa ayaa laga
leexday ,

Haddii larrabo caddaalad waa in loolaabto kitaabka alle hadii larabo
amni waa in loolaabto kitaabka alle hadii larabo nolol waa in
loolaabto kitaabka alle meelkale oo wax laga helayaa majiro waxkasta
oo lakeenana mafilayo in laysku raaci doono , hadalkana waanbadiyay
wixii aan iri oo wanaag ah alle xagiisa ayay ka'ahaadeen wixii
khaldanna waa naftayda iyo shaydaan ,

Hadii ay jiraan hadalada aan kashegay gabadha wax shaki ah in laga qabo waxaa lagahelayaa maqaalkii ay qortay 04/09/2007 oo kubegan shalay oo ahayd Isniin , dhawrka qodob ee aan sooqaatayna halkaas ayaan kasookoobiyeeyay, 

Abu Cisa Tirmidi
tirmidi1@hotmail.com

Qoraalki: . Ma ilaawi karnaa wixii shalay dhacay? | Zahra

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com