SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Shaqaaqooyinka Laascaanood oo lagu eedeeyey inuu ka danbeeyo Xaabsade, kadib markii xilka laga qaaday...
  • Waxgarad Uu ugu horeeyo Afhayeenka Beesha SSC Ee Ku Sugan Muqdisho Oo Cambaareeyey Weerarkii Ka Dhacay Duleeka Laascaanood.

Shaqaaqooyinka Laascaanood oo lagu eedeeyey inuu ka danbeeyo Xaabsade, kadib markii xilka laga qaaday...


Afhayeenka Madaxweyne xigeenka DGPL, Axmed C/Samad Cali Shire

Wararka naga soo gaaraya Magallada Laascaanood ayaa sheegaya in iska hor’imaadkii ka dhacay aagga Magaalada Laascaanood  iyo dhibkii ka dhashay uu dusha u ridan doono Ahmed Cabdi Xaabsade oo dhawaan laga qaaday Xilkii Wasiirnimo ee uu  ka yahay Puntland, sidaas waxaa yiri Afhayeenka Maxadweyne ku xigeenka Puntland.

Afhayeen Isniintii (Sept 17, 2007) u hadlay  Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Ahmed Cabdi Samad  oo la hadlayey Warbaahinta kadib markii ay soo bexeen wararka sheegaya Shaqaaqooyinka Laascaanood ayaa sheegay in arintaasi uu ka danbeeyo Ahmed Xaabsade oo uu sheegay inuu baryahanba ku howlahaa dhibaateenta Amaanka Puntland,Waa sida uu hadalka u dhigaye Afhayeenka Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Dhinaca kale Ahmed CabdiSamad Cali Shire waxaa uu sheegay in haddii ay yihiin Maamulka Puntland ay si taxadar leh  ula socdeen tilaabo kasta uu qaado Xaabsade Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha  Puntland,iyaddoo ugu danbeyntii la gashay buu yiri arinta uu Maanta ka dhex dhaliyey Dadka uu sheeganayo inuu Matalayo.

Afhayeenka Waxaa kaloo uu intaasi ku darey  inuu Xaabsade hishiis la soo galay Maamulka Dahir Riyaale  oo lagu soo yiri dadkaaga soo dhibaatee, Waana Nasiib daro arintaasi ayuu sii raaciyey inuu Maanta ku dhaqaaqo Xaabsade, Laakiin Waxaa uu kusoo afjarey in ay Tilaabo sharci ah ka qaadi doonaan haddii uusan joojin wax uu ka dhex wado Bulshada.

Afhayeenkan u hadlay M/weyne kuxigeenka puntland mudane xassan daahir maxamuud mr. Afqudhac oo la hadlay warbaahinta ayaa waxuu yidhi. waa nasiib daro maanta ina lagu maago ama wax looga sheego warbaahinta qaar kood madaxda ama masuliyiinta ka wada hormarka gobolada Sool Sanaag Cayn. Waxana uu muujiyay sida ay uga xun yihiin dhibaatada maanta haysata dhamaan goboladaasi waayo waxaad arkaysaa warbaahinta ka howl gasho gudaha gobolada SSC qaar oo had iyo jeer si shaqsiyan wax u ataagaya ama qof umaagaya taasina looma bahna maanta, ayuu yiri.

waayo waxaan wada ogtihiin inaysan ahayn warbaahinta ama saxaafada qabiil ama wax lamid ah lakiin saxaafada waxaa lagu tala galay had iyo jeer inay soo bandhigto ama ka hadasho dhibaatada ka taagan gobolada lakiin maaha ina ay ku mashquulaan shaqsi ka wada hormar iyo wanaag aysan jirin shaqsi kale oo ilaa haatan hormar ka sameeyay goboladaasi hadaba waxaan idinka codsanayaa hadii aad tihiin warbaahinta ama saxaafada siiba gaar ahaan waxaan uga codsanayaa kuwa ka howl gala gobolada SSC.inay ku shaqeeyaan nadaan iyo kala danbeen iskana dayaan qof jeclaysiga iyo siyaabaha kale ay ku shaqaynayaan.


Sawirka: Axmed CabdiSamad Cali Shire,Nairobi, Kenya

Dagaalka Laascaanood ka dhacay oo ay ku dhinteen shaqsiyaad ka mid ah Dadka Rayidka ah ee Laascaanood ayaa Waxaa Mar kaliya ka xumaaday Dhamaan dadka halkasi ku nool,Waxaana ay Warbaahinta u sheegeen inaysan  u dulqaadan doonin Dagaal laga dhex abuuro Dadka rayidka ah.

Afhayeenka u hadlay m/xigeenka DGPL ayaa Meesha ka saarey in Dagaalka Laascaanood ku lug leeyahay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Xasan Dahir Afqurac waxaana uu hadalkaasi ku sheegay inuu yahay mid ay wadaan Dadka kasoo horjeeda Nabada iyo Horumarka uu Madaxweyne ku xigeenka kawado Gobolada Sool,Sanaag iyo Ceyn.

Ahmed Cabdi Xaabsade ayaa wararku sheegeen in uu iminka ku sugan Magaallada dhibka uu ka dhacay ee Laascaanood.

AHMED HANAD
Email: hanadyare05@hotmail.com
Tell.0254.722900252
Nairobi, Kenya

Waxgarad Uu ugu horeeyo Afhayeenka Beesha SSC Ee Ku Sugan Muqdisho Oo Cambaareeyey Weerarkii Ka Dhacay Duleeka Laascaanood.

Sept 17, 2007: Kulan Balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen hotel waamo waxgaradka kasoo jeeda gobolada SSC ee ku dhaqan magaalada caasimada ee muqdisho ayaa cambaarayn dusha kaga tuuray weerarka ay ciidmada reer garoowe ay kusoo qaadeen milayshiyo beeleedka fariisinkoodu yahay deegaanka waqdari ee duleedka magaalada laascaanood .

Waxgaradkan ayaa dhamaan waxay isku raaceen in beel kasta ay maamulkeeda u madaxbanaan tahay islamrkaana aysan qaadan doonin maamul beel samaysatay inay ku maamusho dhulkooda waa siday hadalka u dhigeene .

afhayeenka beesha xiligan fu,aad cabdi xaaji diiriye ayaa carabaabay in dadka reer SSC ay isku meel uga soo wada jeestan xaalada siyaasadeed ee dalku maanta marayo islamrkaana ay ka fogaadaan kala qaybin iyo kala ujeedo in dhulkooda lagu maamulo waa siduu hadalka u dhigaye

"waxaan umada reer SSC u sheegayaa in dalku marayo meel xaasaasi ah islamrkaana beesha dhul-bahante looga baahan yahay inay aayahooda kawada tashadaan ee ay iska dayaan inay taageeraan mid aan dan u hayn oo xoogaa masiirkooda siiisanaya '' ayuu yiri fu,aad cabdi xaaji diiriye

Fu,aad ayaa hadalkiisa sii raaciyey inaysan haboonayn in beesha taariikhda fog leh ee deegaanka u leh SSC ay maanta kala raacdo labo maamul oo aan midna dan u ahayn islamrkaana ka codsaday kuwo siyaasiyiin ku sheega ah ee labada dhinac la kala safan inay umada ka dayaan hagar daamada iyo siyaasad xumada ay dadka iyo dalka la dhex joogaan isagoo ka codsaday garaadada beesha gaar ahaan garaadka guud ee beesh SSC inay loogu taliyo umada meeshii u dana oo aysan ku halayn waa siduu hadalka u dhigaye kuwa dhuuniraacyada ah ee qowlaystada ah ee hadba meel ula cararaya masiirka umada .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 18, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..


mutamar
Mutamarkii Minneapolis .... Ka akhri halkan.....


batroolQaybsigii Batroolka Soomaalida
Qoraalkii lataliyaasha shirkadaha KuwaitEnergy & MedcoEnergi ay  DFKMG magaalada Malindi ugu usoo bandhigeen June 12, 06, ee qaybsiga Batroolka Soomaalida, oo ku qoran:
PowerPoint ama PDF.

oil Xaqiiqada Dhabta ah ee ka dambaysa "Sharciga Batroolka Soomaaliyeed" Waa duudsin Khayraadka Shacabka Soomaaliyeed muddo 70-ka sano ee soo socota.. Waxaana la is weydiinayaa in Baarlamaanka DFKMG uu xeerkaas ansixin doono.... Akhri [Xog iyo warbixin]....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com